TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 8-aad

W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
FARSAMADA TALEEFOONKA
(TELEPHONE)
Marka hore, waa maxay
taleefoon?
Taleefoonku
waxa weeye aalad lagu wada hadlo iyadoo la kala joogo meelo kala fog;
wuxuu leeyahay qayb hadalka (iyo xog qoraal ah) dirta (transmitter)
oo codka (iyo qoraalka) qofka soo diray u rogta tamar danabeed, ama hirar
birlab-danabeed ah, oo dabadeed raacisa waayirro ama hawada, iyo qayb labaad
oo tamar danabeedkii, ama hirar birlab-danabeedkii la soo diray qabata (receiver)
oo u rogta cod ama qoraal qofka kale ee lala hadlayo uu garan karo.
Yaa hindisay farsamada
taleefoonka?
Aqoonyahankii reer Scottish, Mr. Alexander Graham Bell,
ayaa loo aqoonsan yahay in uu markii ugu horreysay ikhtiraacay aaladda
taleefoonka, sannadkii 1875-kii. Taleefoonkii 1d ee uu sameeyay (prototype
telephone) wuxuu ka koobnaa: duub silig ah,
gacan birlab-danabeed ah, iyo xuub-dhegeed giigsan.
Mr. Bell, ilaa
iyo markii uu 18-jir ahaaba, wuxuu ku hawlanaa sidii uu dadka dhegoolayaasha
ah ugu gudbin lahaa hab ay dadka kale kula xiriiraan si ay uga qayb qaataan
wada xiriirka bulshada inteeda kale.
Sannadkii 1874-kii, kadib markii uu darsay
farsamadii telegaraafka [eeg qaybtii 7aad ee taxanahan],
wuxuu hindisay fikraddii aaladda taleefoonka, wuxuuna billaabay tijaabooyin
kala duwan isagoo kaashanayey nin kaaliye u ahaa oo magaciisa la oran jirey
Thomas Watson. Tijaabooyinkaas wuxuu ku
guuleystay taariikhdu markii ay ahayd March 10, 1876-kii, markii uu Mr. Bell
si aan ku-talaggal ahayn uu aaladda taleefoonka ugu gudbiyey hadalkii ugu
horreeyey ee abid taleefoon lagu dawiyo oo ahaa: “Watson,
come here; I want you.” Oo micnaheedu yahay: “Watsonow kaalay
halkan; adiga ayaan ku doonayaaye”.

Suuq-gelintii Farsamada
Taleefoonka:
Mr. Bell, si uu
macaash badan uga helo aaladdii taleefoonka, ayaa wuxuu billaabay in uu
goobo kala duwan kusoo bandhigo habka loo adeegsado oo la iskula hadlo
aaladda taleefoonka. Sannadkii 1876-kii ayuu Carwo Caalami ah oo lagu qabtay
magaalada Philadelphia, oo ka tirsan gobolka
Pennsylvania ee dalka Maraykanka, ku soo
bandhigay aaladdii taleefoonka ee uu ikhtiraacay; bandhiggaas caalamiga ah
wuxuu u noqday fursad aad u qiimo badan oo u suurtaggelisay in uu dunida oo
dhan ku shaaciyo aaladdan cusub ee uu hindisay.
Waxaa xusid mudan in nin
Maraykan ah oo magaciisa la dhaho Elisha Gray
uu isaguna sheegtay in uu ka shaqeynayey samaynta aaladda taleefoonka;
wuxuuna warqad u gudbiyey xafiiska bixiya leysinka xuquuqda farsamooyinka la
ikhtiraaco (the patent office); warqaddaas
wuxuu ku sheegay in uu ku hawlan yahay soo saarista aalad la iskula hadlo.
Isla maalintii uu Mr. Gray warqaddaas gudbiyey
ayaa Mr. Bell uu xafiiskii shati-bixinta ku
war-geliyey in uu isagu leeyahay hindisaha farsamada taleefoonka, wuxuuna
tusay aaladdii taleefoonka oo xilligaas diyaar u ahayd.
Haddaba,
Mr. Bell, oo aan markaas heysan dhalasha dalka
Mareykanka, iyo Mr. Gray waxaa dhex maray
loollan sharciyeed oo uu mid kastaaba ku dagaallamayey sidii uu ku hanan
lahaa leysinka farsamada taleefoonka. Markii dambana, maxkamad sare ayaa
go’aamisey in Mr.
Alexander Graham Bell uu sharci ahaan leeyahay hindisaha farsamada
taleefoonka. Waxayna xukun ku riday cid kasta oo Mr. Bell la sheegata
iktiraacidda farsamada taleefoonka in aan sharci ahaan loo aqoonsan doonin.
Haddaba, sannadkii 1876-kii ayuu
Mr. Bell leysin u diiwaangeliyey farsamadii uu
ikhtiraacay oo taleefoonka ahayd si isaga loogu sharciyeeyo. Sannadkii
xigayna wuxuu sameeyey shirkad weyn oo uu magaceeda u bixiyey
Bell Telephone Company (Shirkadda
Taleefoonka ee Bell).
Sannadkii
1880-kii, dowladdii Faransiiska ee xilligaas ayaa Mr. Bell guddoonsiisey
abaalgudka magaciisa la dhaho Volta Prize
oo u dhigma 50,000 (konton kun) oo lacagta faransiiska ah (francs),
oo uu ku muteystay ikhtiraacidda farsamada dadka u sahashay in ay ku wada
hadlaan iyagoo xitaa kala jooga goobo aad u kala durugsan.
Isla sannadkii
1880-kii, Mr. Bell oo ka faa’iideysanaya deeqda
lacageed ee uu farsamadiisa ku helay, ayaa shirkad kale
oo magaceeda la dhaho Volta Laboratory uu ka
aasaasay magaalada Washington, D.C. ee dalka Mareykanka; shirkaddaas, sida
magaceedaba laga garan karo, wuxuu ku maalgeliyey lacagtii ay ugu deeqday
dowladdii Faransiiska ee xilligaas, wuxuuna u dhisay in lagu sameeyo sahan
cilmi-baariseed oo uu ku horumarinayo farsamadiisa cusub ee dadku u bogay.
Akhri qaybta 9-aad
ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA,
Guji...
Aad baan usoo dhaweynayaa
fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa
in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | Jun 13, 2005
Sawirada: Google | Yahoo
QAYBTA
7aad |
QAYBTA
9aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|