Cali Daray waxa uu boggan si taxane ah ugu soo tebin doonaa macluumaad
ummada war gelin u ah. Waxaana qoraaladaa Axad kasta lagala socon karaa
bogga www.Somalitalk.com/daray
. Qormadii toddobaadkana hoos ka akhri.
Ka Taxadar Aqoonsi Xaddida
Qore: Cali
Daray
alidaray@yahoo.com
alidaray@gmail.com
LINK:
www.Somalitalk.com/daray
January 23, 2005
Mahad dhamaanteed
Allaa leh, nabadgalyo & naxariis nabi Muxamed (scw) dushiisa ha ahaato.
Dhowrkii sano ee
la soo dhaafay waxaa sii kordhayey danbiyada la xiriira xaddida aqoonsiga.
Warbixin ay soo saartay wasaarada ganacsiga ayaa sheegtay in aqoonsi xaddida
ay tahay dambi aad u faafaya oo gaaray dad lagu qiyaasay toban milyan
sanadihii la soo dhaafay. Sidoo kale, CBSnews.com waxay qortay in afartii
il-biriqsiba hal qof laga xado aqoonsiga. Ma qiyaasi kartaa mudadii aan
qoraalkaan qorayey inta qof ee laga xaday ama laga xadi doono aqoonsigooda (markii
la tixraaco tira-koobka CBS News). Waxaa la tilmaamaa in dadka badankood
aysan ka war heyn in aqoonsigooda la xaday ayna ogaadaan goor dambe oo loo
geystay magac iyo sharaf xumo. Haweeney ka tirsan bogga ITRC (waa hay'ad
caawisa dadka aqoonsiga laga xaday) ayaa sheegtay in aqoonsi xaddidu noqotay
damibigii qarniga ayna sii kordheyso sanadba sanadka ka dambeeya. Waxaan
isku dayayaa inaan wacyi galiyo dadka Soomaaliyeed sidii ay isaga ilaalin
lahaayeen in aqoonsiyadooda & sharciyadooda laga xado iyo siyaabaha looga
hor tagi karo.
Waa Maxay
Aqoonsi Xaddida?
Aqoonsi xaddida waa markii qof aqoonsigiisa
& magaciisa la xado loona isticmaalo si tuugnimo ah, bangigiisa lagala baxo
lacag, ama credit card-kiisa lagu gato wax uusan war u heyn amaba raali ka
aheyn. Aqoonsi xaddida waxey kaloo noqotaa markii qof aqoonsigiisa lagu
furto bangi akoon, credit card ama telefan cusub. Tuugada dambiyadaan
suubisa markey qof aqoonsigiisa xadaan isla markiiba waxay isku dayaan inay
lacag badan ka amaahdaan bangiyada, credit card-yo cusub dalbadaan, ama
dhibanaha laga xadey sharciga credit card-yadiisa inay ku gataan alaab tiro
badan oo qaali ah. Waxaa kaloo dhici karta in tuugada ay galaan dambiyo lagu
muteysto xabsi ayagoo isticmaalaya magac & sharci uu qof kale leeyahay,
deedna dhibaha sharciga laga xaday laga yaabo in maxkamad la soo hor taago.
Wiil Soomaaliyeed ayaa ii sheegay in
aqoonsigiisa laga xaday, dambi uusan galina lagu eedeeyey. Anigoo sheekada
wiilkaas soo guurinaya ayaan ugu yeerayaa Cawaale maadaama uusan rabin in
magaciisa aan sheego. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cawaale warqad u timid
tasoo ku eedeyneysa in balantii maxkamada uu imaan waayey, laysinkana laga
xanibayo, hadii lagu arko gobol hebel [gobol dariskiis ah] la xiri doono.
Cawaale markuu la xiriiray dembi-baarihii [detectivekii] baarayey dacwada
ayaa ku yiri Cawaale hadii aad inoo imaatid wax walba waan xalin karnaa.
Cawaale waxey noqotay inuu shaqada fasax ka qaato oo uu safar galo. Markii
uu gaaray maxkamadii ku eedeysay dambiga, wuxuu la kulmay askarigii hadda ka
hor xiray Cawaale iyo dembi-baarihii dambiga loo xil saaray inuu baaro.
Markey arkeen labaduba intey yaabeen ayey yiraahdeen Cawaale ma adigaa?
Cawaale markuu tusay sharciyadiisa ayey yiraahdeen qof kale ayaa
aqoonsigaaga isticmaalay. Waxay tusiyeen sawir uu Cawaale yaqaan. Waxay u
sheegeen in ninka sawirkaan leh dhowr bilood ka hor lagu qabtay gobolkaas
asagoo laysin la'aan ah, gaari aan ceymis laheyna sita. Ninkaan wuxuu
askarigii qabtay u sheegtay Cawaale magaciisa, taariikhda dhalashadiisa iyo
social security-giisa. Ninkaas habeen ayaa la xiray ka dibna waxaa lagu
xukumay inuu maxkamad yimaado. Dembi-baarihii ayaa Cawaale ku yiri
aqoonsigaaga siduu ku helay tuugaan. Cawaale wuxuu yiri waan aqaan qaraabo
ayaan nahay qolna waan wada daganaan jirnay. Dambi baarihii ayaa Cawaale u
sheegay in dambiga laga saari doono record-kiisa uusana ka welwelin. Dhowr
bilood ka dib ayaa Cawaale dalbaday shaqo gaari kaxeyn ah. Shaqadii waa loo
diiday oo waxaa la yiri hadda ka hor ayaa gaari ceymis la'aan ah lagugu
qabtay. Dambi baarihii ayuu la xiriiray mar labaad oo uu ka codsaday in
diiwaankiisa laga saaro. Cawaale waxaa mar kale laga balan qaaday inuusan ka
welwelin oo magaca diiwaankiisa laga saaro dambigan ninka kale galay.
Cawaale dhibkan waxaa u geystay nin ay qaraabo ahaayeen oo qol wada
daganaayeen. Ogow hadii loo baahdo aqoonsigaaga iyo magacaaga ayaa la
isticmaali karaa ayadoo sharciyadaada aysan jeebkaada ka bixin.
Sidee loo heli karaa Aqoonsigaaga?
Inteena badan waxaan si fiican u ilaalinaa
jeebabkeena iyo boorsooyinka yaryar ee lacagta iyo sharciyada aan ku qaadano.
Waxaa laga yaabaa rasiid (receipt) dhulka kaaga dhacay inaadan wax
weyn u arag. Tuugada aqoonsiga xadda inta badan ma rabaan dhowrka dollar ee
jeebkaaga ku jira balse waxay damcayaan sidii ay ku heli lahaayeen
aqoonsigaaga & sharciyadaada ama kaararka bangigaaga. Ma u maleyneysaa inay
adag tahay inaad qof telefonkiisa, cinwaankiisa ama magaciisa heshid. Aad
ayey u fududahay. Buugga loo yaqaan White Pages ayaaba ka heli kartaa qof
walba oo telefan guri leh magaciisa, cinwaankiisa iyo telefankiisa, balse
tuugada aqoonsiga xadda waxyaalo intaas dheer ayey si fudud u helaan. Hadey
helaan magacaaga, taariikhda aad dhalatay iyo Social Security numberka (nambar
kuu gaara oo lagugu aqoonsado), cinwaankaaga, telefankaaga, iyo waxyaalo
kale oo adiga kugu saabsan, si tuugnimo ah ayey u isticmaali karaan.
Akhbaartaas markey helaan waxaa dhici karta inay suubsadaan ID (teesaro) ama
leysin been ah oo cinwaan been ku yaal. Markey helaan taas, waxay dalban
karaan credit card cusub, & lacago deymo ah ayagoo sheeganaya qofkii
aqoonsiga lahaa sharcigiisa [ama credit-kiisa] laakiin cinwaan kale oo tuuga
suubsaday. Badanaa dadka laga xado aqoonsiga cinwaanadooda waa la badalaa si
biilalka u imanay aysan u tagin cinwaanka saxda uusan dhibanaha u ogaan in
magaciisa lagu shaqeysanayo.
Waxaa kaloo loo heli karaa aqoonsigaa in
laga qaato meelaha qashin qubka ah. Tusaale ahaan, hadii aad tuurtay bank
statement, warqaaha bangiga kuu soo diraan oo akhbaarta akoonkaaga ku qoran
tahay, ama warqada loo yaqaan pay stub, oo ah jeega aad shaqada ka qaadatay
xaanshida ka soo horta taasoo kulmisa akhbaarta meeshaad ka shaqeysid,
cinwaankaaga, mushaarkaaga, social security-gaaga iyo banigaaga (hadii aad
leedahay direct deposit). Waxaa kaloo laga yaabaa inaad qashinka ku dartid
waraaqaha bills isbitaalada lagaaga soo diro kuwaasoo akhbaar badan ku qoran
iyo waraaqaha xayeysiinta ah ee bangiyada diraan ee loo yaqaan
preapproved credit card application. Dhowrkaan waraaqood hadii aad
qashinka ku dartid waxaa dhici karta in tuug helo. Tuugada waxey suubiyaan
waxa loo yaqaan "dumspter diving" oo ah [qashin quusid] in tuuga
faagto qashinka la qubay si uu u helo waraaqo ama rasiidyo ay ku qoran
yihiin qof akhbaartiis. Tuugada qeyb ka mid ah ayaa isku deyda inay email
kuu soo diraan ama guriga kaasoo wacaan ayagoo sheeganaya inay yihiin ama
kaala soo xiriiraya xafiiska dhakhtarkaaga, bangigaaga, ama shirkada
telefankaaga ama shirkad [telemarketing] aad horey wax uga gadatay oo
dooneysa akhbaartaada si ay wax kale kaaga gado. Waxaa kaloo jira meelo
badan oo akhbaartaada laga heli karo balse insha'alaah qoraalada dambe ayaan
si gaar ah ugu xusi doonaa.
Isticmaalka Internetka iyo computer-ada
yaala meelaha shacabka u furan ayaa sidoo kale u fududeeya in tuugada xaddo
aqoonsiyada iyo sharciyada dad badan oo isticmaalada computeradaas. Sidoo
kale, waqtiga canshuur celinta oo hadda lagu guda jiro ayaa la sheegaa in
tuugada ay fursad u tahay maadaama waraaqo sharcigaaga ku qoran yihiin
meelaha lagu hilmaami karo ama si fudud looga heli karo xafiisyada canshuur
celinta suubisa. Qoraalada dambe ayaan ku soo qaadan doonaa toban
waxyaalood oo la isaga ilaalin karo in aqoonsigaaga la xado ama sharcigaaga
dayac xumid darteed banaanka laga helo.
Wixii talo iyo tusaale ah ama khalad
saxitaan iigu dhaaf emailka sare.
Qore: Cali
Daray
alidaray@yahoo.com
alidaray@gmail.com
LINK:
www.Somalitalk.com/daray
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 23, 2005
HTML
ku baro AfSoomaali... GUJI....
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|