SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DAREENKA DADWEYNAHA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Todobaadka iyo Dareenka Dadweynaha

Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

Janaayo 18, 2003

AFEEF: Akhri cinwaanka mar-labaad, xusuusnowna waa qoraallo u gaar ah qoraaga ku saxiixan:

Waa Bilowgii Taxane Todobaadle ah kuna qaadaa dhigi doono dhacdooyinka Usbuuca, soona koobaya arimihii ugu xiisaha iyo hadal haynta hadnaa Todobaadka.

Qodobada Toddobaadkan:

 

Xaalada Guud ee Gobolka Puntland, Dad Lagu xir xiray Boosaaso iyo Dekeda Boosaaso oo 2 casho xirneyd

Bartamihii todobaadkan ayaa maamulka Col. Cabdullaahi Yusuf xabsiga u taxaabeen rag isugu jira culimo, aqoonyahano iyo ganacsato. Dadkan ayaa waxaa kamid ahaa:
Sheekh Daahir Cali Shire, Eng. Cabdulqaadir Yaasiin, Axmed Cawaale iyo Cali Boqor Muuse

Xariga dadkan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa mid salka ku haya siyaasad, dadkan la xir xiray oo aad looga yaqaan gobolka ayaa badankood fikrad ahaan diidan maamulka Col. Cabdullaahi Yusuf. Sidoo kale Sheekh lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Xaashi oo lagu xiray magaalada garoowe bilowgii todobaadkan ayaa la sheegayaa in la sii daayey walow aan la ogeyn sababta keentay xiritaankiisa.

Magaalada Boosaaso oo aan khadka telefonka kula xiriiray ayaa dad xog-ogaal ihi ii sheegaan in cabsi weyni ka jirto magaalada iyadoo dadka fikrad ahaan diidan maamulka Col. Cabdullaahi ay gabasho ku jiraan.

Falalka noocan ah ayaan ku cusbeyn gobolka iyadoo maamulka Cabdullaahi Yusuf xiliyo hore oo kala duwan xabsiga dhigeen dad isugu jiray siyaasiyiin iyo ganacsato walow badankood dib laga sii daayey.

Sidoo kale dekeda magaalada Boosaaso ayaa xirneyd mudo laba casho ah taasoo ka dambeysay canshuur kordhin gaareysa 15% (boqolkiiba shan iyo toban) oo uu maamulka Cabdullaahi Yusuf ku daray badeecadii kasoo degeysay dekedaas.

Canshuur kordhintan ayaa keentay mudaaharaad ay sameeyeen ganacsatadii wax kala soo degeysay dekeda taasoo sababtay in mudo laba cisho ah aaney dekeda wax kasoo degin waxna ka dhoofin. Canshuuraha noocan ah ayaa in dhowaalaba maamulka Cabdullaahi Yusuf sare u qaadayey taasoo ka careysiisey ganacsatada gobolka.

Sidoo kale ganacsatada qaarkood ayaa aaminsan in Cabdullaahi Yusuf doonayo inuu curyaamiyo dhaqaalaha magaalada Boosaaso, iyadoo qaar kalena ka careysan yihiin canshuurta ay bixiyaan oo uu Cabdullaahi Yusuf u adeegsanayo la dagaalanka walaalahood kasoo horjeeda maamulka Col. Cabdullaahi.

Ganacsatada qaarkood ayaana sheegay iney wixii hada ka dambeya badeecadooda kala soo degi doonaan dekedo kale hadii aanu maamulka Col. Cabdullaahi joojin canshuurtan xad dhaafka ah ee uu maalin walba sare usii qaadayo.

 

Dr. Cabdiqaasim oo saxaafada xorta ah ku tilmaamay shayaadiin

Dabley hubeysan ayaa usbuucan bilowgiisii la wareegay idaacada Horn Afrik ee laga dhegeysto magaalada Muqdisho, taasoo sababtay in idaacadu hawada ka maqnaato saacado. Dableydan oo uu soo amray ganacsade lagu magacabo Maxamed deylaaf ayaan wax dhib ah u geysan shaqaalihii idaacada iyo qalabkii halkaa yaalayba.

Mid kamida weriyeyaasha idaacada oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay inuu stuudiyaha idaacada ku sugnaa xiligii weerarku dhacay ayna ka war heleen oo qura dabley dul taagan oo leh demiya idaacada, “waxaan ka codsanay dableyda iney na siiyaan daqiiqad si aan u ogeysiino dhegeystayaasha inaan hawada ka baxeyno balse wey naga diideen” ayuu yiri weriyahaas aan la xiriiray.

Ganacsadaha dableyda soo diray ayaa ka cabanayey war ka baxay idaacada soona xigtay buug sheegaya in ganacsaduhu maalgelin siiyo ururada loogu yeero argagixisada ee la sheegay iney ka jiraan Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa ugu dambeyntii hab qabiil lagu xaliyey iyadoo uu ganacsadaha weerarka soo qaadayna raali gelin ka bixiyey falkaas foosha xun ee uu ku kacay.

Hadaba Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiy saxaafada xorta ah isagoo jooga gurigiisa ku yaala degmeda hodan ee Muqdisho ayaa saxaafada xorta ah ku sifeeyey shayaadiin “ibliis ayaa tababaray waana shayaadiin xulufo la ah shayaadiinta” ayuu yiri Dr. Cabdiqaasim isagoo intaa sii raaciyey in saxaafada xorta ahi ay ku shaqeystaan dad ajnabi ah ama yihiin kuwo lacag uun ku shaqeeya.

Waxaana marna nagu cusbeyn naceybka Cabdiqaasim ee saxaafada isagoo in badan isku dayey inuu caburiyo saxaafada xorta ah balse awood u waayey maadaama awooda uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ay tahay mid aad u kooban.

 

Muuse Suudi oo Siyaasad Cusub Kala Yimi Eldoret Una Ololeynaya Mideynta Beelaha Hawiye

Hogaamiye kooxeedka waqooyiga Muqdisho Muuse Suudi Yalaxow oo mudo sadex bilood ah ku maqnaa magaalada Eldoret ee uu kaga qeyb galayey shirka dib u heshiisiinta ee halkaa ka socda ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka kusoo dhoweeyey siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada magaalada Muqdisho ayna ku jireen madax sare oo ka tirsan DKMG. Soo dhoweynta uu Muuse Suudi la kulmay ayaa aheyd mid aan horay loo arag aadna loosoo agaasimay.

Garoonka oo uu kula hadlay weriyeyaasha Muqdisho ayuu Muuse Suudi sheegay inuu isaga soo tegey shirka Eldoret uuna doonayo inuu wax ka qabto xaalada magaalada Muqdisho. Muuse Suudi oo horay looga bartay hadalo kul kulul iyo colaad ayaa waxa markan ka muuqatey degenaan iyo nabad jaceyl, isagoo sheegay inuu dadaal walba u gelayo sidii uu ula tashan lahaa dhamaan hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho isla markaana loo furi lahaa dekeda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Muuse Suudi ayaa markii ugu horeysay muujiyey soo dhoweynta uu ka helay xubno sar sare oo ka tirsan DKMG isla markaana uu doonayo inuu wada xaajood la yeesho cid walba oo ay khuseyso nabadgelyada magaalada Muqdisho taasoo ay DKMG soo geleyso.

I  I  D  H  E  H

Waxaana la saadaalinayaa kulan dhex mara isaga iyo Dr.Cabdiqaasim, iyadoo uu abaabulka kulan dhex mara labadan hogaamiye ka bilowday magaalada Muqdisho.

Oday Muuse oo wareysiyo kala duwan siiyey idaacadaha kala duwan ee magaalada iyo jariidadaha kasoo baxa Muqdisho ayaa waxa hadaladiisa ka muuqday isbedel weyn oo siyaasadeed iyadoo shacabka reer Muqdisho badankood rumeysan yihiin in hadii Muuse Suudi nabada uu sheegayo ka dhab tahay xal loo heli doono colaada ka jirta caasimadii umada Soomaaliyeed.

Oday Muuse oo intii uu joogay magaalada Eldoret la kulmay siyaasiyiinta iyo aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee shirka kasoo qeyb galay ayaa hadana xooga saaray la tashiyo gooni gooni ah oo uu la yeeshay kuwa kasoo jeeda beesha Hawiye.

Muuse Suudi oo bishii hore u waramay idaacada BBC-da laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in jagada Madaxweynenimada ay xaq u leeyihiin oo keliya beesha Hawiye ee uu isagu ka dhashay, isagoo sidoo kale muujiyey naceybka uu u qabo Col. Cabdullaahi Yusuf oo ay wadaagaan jagada wareegta ee gudoomiyaha golaha SRRC.

Hadaba shacabka reer Muqdisho ayaa is weydiinaya waxa siyaasadan cusub ee Oday Muuse ka bedali karto xaalada cakiran ee magaalada Muqdisho, iyo goorta uu is bedelkaasi iman doono.

Waxaanse weli kala cadeyn in Muuse Suudi ku laaban doono magaalada Eldoret marka ay dib u laabtaan hogaamiye kooxeedyada iminka ku sugan magaalada Muqdisho iyo Col. Cabdullaahi Yusuf, waxaana muuqata ifafaale in hogaamiye kooxeedyada debeda ka jooga shirka ay dib ugu laaban doonaan madasha shirka iyadoo uu hogaamiye kooxeedka degmeda Jowhar Maxamed Dheere ku laabtay magaalada Eldoret.

 

Mwangala Ergeyga Dowlada Kenya, Maya Maya Ergeyga Itoobiya

Xiligii uu socday abaabulka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka furmay magalada Eldoret ayaa aheyd xili Madaxweyne Moi uu ku jiray dagaal siyaasadeed uu doonayey inuu ku badbaadiyo xisbigiisa KANU iyo jagada Madaxweyne-nimada oo uu la doonayey Uhuru Kenyata.

Arimahan daraadood ayuusan madaxweyne Moi u helin fursad uu door muuqda kaga cayaaro shirkan dib u heshiisiinta, wuxuuna awoodii dowlada Kenya shirka ku laheyd gacanta u geliyey Mr.Mwangala oo ah ergeyga Kenya ee shirka.

Hadaba ka maqnaanshaha Moi ee arimaha shirka ayaa fursad dahabi ah u noqotay melez Zenawi, Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Itoobiya isagoo bilowgii shirkaba majaraha u qabtay qaab socodkii shirka. Waxaana usbuucii ugu horeeyey ee shirka muuqday in hogaamiye Kooxeedyada qaarkood ay la kulmeen soo dhoweyn heer sare ah halka qaar kalena lagaba iloobay hoteeladii ay ku degi lahaayeen.

Dowlada Itoobiya ayaan marna qarsan gacanta ay ku leedahay shirka iyadoo bilowgii shirka ku eedeysay in Cabdiqaasim doonayo inuu fashilo dadaalkan. Shirka oo soo maray marxalado kala duwan iminkana guda geli raba tii ugu dhibka badneyd ee ah awood qeybsiga ayaa waxaad moodaa in si toos ah looga hagayo Adis Ababa.

Madaxweynaha cusub ee Kenya Mwai Kibaki iyo wasiirkiisa arimaha debeda Kolonzo Musyoka ayaa labaduba ku mashquulsan sidii ay dhidibada ugu aasi lahaayeen dowladooda bil jirsatay, taasoo dhaxalsiisey Mwangala inuu ka talo qaato Melez Zenawi.

Hadaba Mwangala waa ergey ay dantu ku qasabtay inuu matalo Melez Zenawi maadaama uusan haysan dowlad uu ka talo qaato.

 

Wafdi Reer Somaliland ah oo Booqasho Ku Tegey Magaalada Garoowe

Wafdi uu hogaaminayo duqii hore ee magaalada Burco oo lagu magacaabo Muuse Cabdi ayaa booqasho ku tegey caasimada gobolka Puntland. Wafdigan oo mudo Usbuuc ah ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa kulamo la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan maamulka dowlada Cabdullaahi Yusuf oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cabdi Xaabsade.

Wafdigan ayaa muhiimada socdaalkooda lagu fasiray iney tahay dejinta xiisada in dhowaalaba u dhexeysay labada maamul goboleed ee Somaliland iyo Puntland, xiisadaas oo lugta ku haysa sheegashada midba sheeganayo in gobolada Sool iyo Sanaag raacsan yihiin maamulkooda.

Hasa ahaatee warar kasoo baxay wasiirka gaashaandhiga ee Dowlada Goboleedka Somaliland ayaa sheegaya in maxkamad lasoo taagi doono siyaasiyiinta booqashada ku tegey Garoowe. Wasiirka ayaa laga soo xigtay inuu yiri “Waa arin aan loo dulqaadan Karin isla markaana aad u fool xun”.

Booqasho uu Daahir Riyaale ku tegey Laas Caano ayaa dhalisay xiisad dagaal, walow laga hor tagay dagaal halkaa ka dhaca.

Sidoo kale Daahir Riyaale ayaa kasoo laabtay socdaal qaatay todobaad oo uu kusoo kala bixiyey wadamada Mali, Senegaal iyo Itoobiya, socdaalka Riyaale ayaan wax faahfaahin ah laga bixin isagoo soo saaray qoraal saxaafadeed uu kaga waramayo taariikhda wadamadaas uu booqday balse aan waxba ka oran wixii uu kala soo kulmay wadamadaas. 

 BOGGA XIGA.... GUJI...

Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.

XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA.... 

FAAFIN: SOMALITALK.COM

Jan 18, 2003

QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
  AKHRI HALKAN iyo HALKAN


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

WARARKA UK
Britain oo Soo saaray Sharci Cusub 
London: waa sharci ay UK ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda  .. GUJI 13/1

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.