|
Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan
Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
Janaayo 26, 2003
AFEEF: Akhri cinwaanka mar-labaad, xusuusnowna waa qoraallo u gaar ah qoraaga ku saxiixan:
Waa Taxane Todobadle ah, Faalo iyo Falanqeyn. Waa Fahamka siyaasada fashilan ee
Soomaalida. Waa Fiiro Dheer iyo Fahamka Dadweynaha. Waana Faaqidaada Todobaadka
ee dhacdooyinkii ugu xiisaha iyo hadal haynta badnaa ee Soomaalida.
Qodobada Todobaadkan:
»»Maxaa Keenay Bedelaada Cinwaanka Qormadeenan?
»»Dhalaanka Dariiqyada La Dhigo oo Kusoo Badanaya Muqdisho
»»Ha ii Gaaloobo Intey Mooryaan Iga Dili Laheyd
»»Mwangala oo La Dardaarmay Kiplagat
»»Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Puntland oo Bilaabay Dagaal Fadhi Ku Dirir ah
»»Cabdullaahi Yusuf: “Muuse Suudi Wuxuu Xaq uu leeyahay Hadey Jirto Ha Yimaado oo
Ha Sheegto”
»»Xassan Abshir: “Waxaa la yaab leh in Aadan Gabyow ka hadlay khilaaf dhex yaala
aniga iyo Madaxweynaheyga”
Xassan Abshir: “Waxaa la yaab leh in Aadan Gabyow ka hadlay khilaaf dhex yaala
aniga iyo Madaxweynaheyga”
Aadan Gabyow oo bilowgii tadobaadkan soo saaray war saxaafadeed sidoo kalena
wareysi siiyey idaacada BBC ayaa ku eedeeyey Xassan Abshir inuu ka weecday
arrimihii dib u heshiisiinta uuna galay ganacsi. “Xassan Abshir waa nin iskiis u
shaqeysanaya kuna caasiyoobay Madaxweynihiisa” ayuu yiri Gabyow isagoo ku
eedeeyey Xassan Abshir inuu heshiisyo la galay shirkado doonaya iney sun ku
aasaan dhulka Soomaaliyeed.
Qaar kamida dadkii fadhiyey goobtii aan ku dhegeystay wareysiga Gabyow siiyey
BBC ayaa sheegay in eedeynta Gabyow tahay “oohintu orgiga ka weyn” waxeyna
muujiyeen sida ay u rumeysan yihiin in Col. Cabdullaahi Yusuf uu soo abaabulay
weerarkan Gabyow ku qaaday Xassan Abshir. Halka qaar kalena u macneeyeen in
Gabyow ka careysan yahay wada hadalo la sheegay in Xassan Abshir la yeeshay
isbaheysiga dooxada Juba ee ka soo horjeeda Gabyow.
Xassan Abshir ayaa dhankiisa eedeynta Gabyow ku macneeyey mid aan sal iyo baar
toona laheyn, wuxuuse qirtay kulan uu la yeeshay hogaanka Isbaheysiga Dooxada
Juba oo magaalada Kismaayo ka qabsaday Gen. Morgan oo ay xulufo yihiin Gabyow.
Dhanka kale Gabyow ayaa ka dhawaajiyey warar in mudo ahba leysla dhex marayey oo
sheegaya in shaki soo kala dhex galay Cabdi Qaasim iyo Xassan Abshir, balse
Xassan Abshir ayaa sheegay in wararkaas leysla dhex marayo aaney waxba ka jirin
“Waxaa la yaab leh in Aadan Gabyow ka hadlay khilaaf dhex yaala aniga iyo
Madaxweynaheyga” ayuu raaciyey Xassan Abshir.
Cabdullaahi Yusuf: “Muuse Suudi Wuxuu Xaq uu leeyahay Hadey Jirto Ha Yimaado oo
Ha Sheegto”
Qormadeenii todobaadkii hore ayaan ku saadaalinay in Col. Cabdullaahi Yusuf ku
laaban doono madasha shirka dib u heshiisiinta, korneylka ayaana bilowgii
usbuucan ka degey magaalada Eldoret ee uu ka socdo shirka. Cabdullaahi Yusuf oo
u waramay weriyaha Somalitalk ee Eldoret Ibrahim Maxameddeeq ayaa sheegay
muhiimada ay leedahay in shirku hirgalo kuna nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay
in shirkanu hirgalo wuxuuna ku hanjabay in ninkii shirkan diida laga takhalusi
doono waa sida uu hadalka u dhigaye.
Korneylka oo wax laga weydiiyey waxa uu ka qabo Muuse Suudi shirka uu ka baxay
ayaa sheegay inuu maqlay hadalada kasoo yeeray Yalaxow waxuuna intaasi raaciyay
inuu kasoo qeyb galo xaajigu shirka isla markaana sheegto hadii ay jiraan waxa
xaq uu u leeyahay, taasoo u muuqata jawaab ku aadan hadal uu horay Muuse Suudi
ugu sheegtay in jagada Madaxweynenimada ay xaq u leeyihiin oo keliya Beesha
Hawiye ee uu isagu ka dhashay, cabdulaahina yahay nin riyoonaya.
Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Puntland oo Bilaabay Dagaal Fadhi Ku Dirir ah
Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland oo ay in dhowaalaba dhex taalay
xiisad colaadeed ka dhalatay booqasho aan la jecleysan oo uu Madaxweynaha
maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin dhamaadkii sanadkii tegey ku yimid
magaalada Laascaanood, taasoo dhalisay dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood oo
ay isaga hor yimaadeen Maleeshiyooyin kala taageersan labada maamul goboleed
balse lagu guuleystay in la joojiyo in colaadaasi sii baahin.
Hadaba waxaa dhowaanahan soo baxayey weeraro xaga afka ah oo ay mas’uuliyiinta
labada dhinac is weydaarsanayeen. Dagaalka afka leyskala diriro oo aan ku
cusbeyn Soomaaliya ayaa loo yaqaan FADHI KU DIRIR macnihiisuna yahay in aan afka
lagu kala adkaan balse aan qoryo leysu qaadan.
Cabdullaahi Yusuf oo ka hadlayey madasha shirka Eldoret usbuucan ayaa ugu baaqay
maamulka Somaliland iney kasoo qeyb galaan shirka, isagoo sheegay in hadii
maamulku ka soo qeyb geli waayaan la marti qaado culumada, aqoonyahanada, iyo
salaadiinta gobolkaas. Hadalkan Cabdullaahi Yusuf ayey dad badani ku macneeyeen
inuu doonayo mucaarad uu ku kiciyo maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Riyaale.
Sidoo kale maleeshiyooyinka kasoo horjeeda maamulka Cabdullaahi Yusuf ayaa la
sheegayaa iney ku sugan yihiin goobo kamida dhulka iminka lagu magacaabo
Somaliland taasoo ka careysiisey Cabdullaahi Yusuf, iminkana uu doonayo sidii uu
u heli lahaa kooxo uu taageero oo carqaladeeya maamulka Somaliland.
Mwangala oo La Dardaarmay Kiplagat
Elijeh Mwangala ayaa la dardaarmay ninka ka dhaxlaya jagada wakiilka Dowlada
Kenya u fadhiya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret. “waxaan ergeyga
cusub kula talinayaa inuu fiiriyo indhaha hogaamiyayaasha oo haddii uu dhinac
kale eego uu khalad ku dhacayo” ayuu yiri Mr. Mwangala. Hadaba dad badan ayaa is
weydiiyey waxa uu hadalkaas ula jeeday Mwangala, qaar kamida dadkaas ayaana
markiiba jawaab u helay su’aashaas sheegayna in Mwangala ku sifeeyey hogaamiye
kooxedyada Soomaalida kuwo laba wajiilayaal ah, lana aamini Karin.
Mr. Kiplagat oo ah danjire caan ka ah wadanka Kenya iyo guud ahaan qaarada
Afrika ayey soo wada dhoweeyeen dhamaan hogaamiye Kooxeedyada Soomaalida, balse
Kiplagat ayaa khudbadiisii ugu horeysayba ku muujiyey sida uu u doonayo deg deg
uu ku dhamaado shirkan uu hada majaraha u qabtay. Taasoo shaki ku dhalisay inuu
yeelan doono sabar uu ku dhex joogo kooxahan Soomaalida oo looga bartay ka
cabashada go’aan walba oo kasoo baxa gudiga farsamada ee IGAD. Sidoo kale in
badan oo kamida shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinaya kalsooni daro qiyaasayana
in shirkanu mari doono wadadii ay mareen shirarkii kan ka horeeyey ee magacyada
badnaa.
Ha ii Gaaloobo Intey Mooryaan Iga Dili Laheyd
Warbixin ay bilowgii todobaadkan daabacday hay’ada Qaramada Midoobay ayaa lagu
sheegay dhibka soo gaara caruurta Soomaaliyeed ee sida sharci darada ah lagu soo
geliyo wadamada Galbeedka. Warbixinta ayaa sheegeysa in bil kasta si sharci daro
ah lagu oo geliyo wadamada galbeedka caruur gaareysa ilaa 250, kuwaasoo ay
warbixintu sheegtay in laga soo qaato lacag gaareysa 10,000 (Toban Kun oo
Doolarka Mareykanka).
Caruurtan oo da’doodu u dhexeyso 13-19 amaba ah da’da loo yaqaan “teenagers”
ayaa waxaa soo qaada rag iyagu ka shaqeysta soo gelinta caruurta ee wadamada
Galbeedka, waxeyse warbixintu intaa ku dareysaa in badankood caruurtan la
kulmaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin xanuun xaga maskaxda ah.
Hadaba warbixintan ayaa isoo xusuusisey hadal ay hooyo Soomaaliyeed igu tiri
hada kahor kaasoo ahaa “Ha ii Gaaloobo Intey Mooryaan Iga Dili Laheyd” iyadoo
iiga jawaabeysay mar aan ku iri wiilkaada debeda ha u dirin isagoo sidan u da’
yar.
Hooyadaas keliya maahee waa fikrad ay qabaan in badan oo kamida waalidka
Soomaaliyeed, iyagoo wax walba u huraya sidii ilmahoodu debeda ugu dhoofi
lahaayeen si ay warbarasho iyo mustaqbal wanaagsan uga helaan, balse ma helaan
waxa uu waalidka Soomaaliyeed la rabo ubadkiisa?. Koley dad badan oo aan
hordhigay su’aashan ayaa waayey wax jawaab ah.
Dhalaanka Dariiqyada La Dhigo oo Kusoo Badanaya Muqdisho
Bartamihii todobaadkan ayaa ilmo lagu qiyaasay inuu dhalan yahay wax bil ka yar
lasoo dhigay meel ku dhow xarunta dhul bixinta Magaalada Muqdisho. Nasiib wanaag
haweeney Soomaaliyeed ayaa qaadatay ilmahaa sheegtayna iney qaadeyso
mas’uuliyada barbaarinta ilmahaa lasoo tuuray.
Hadaba dhacdooyinka noocan ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo
aalaaba la maqlo “Tarabuunka ayaa cunug lasoo Dhigay” iyo hadalo lamida aadna
moodo iney wax caadi ah ka noqoneyso magaalada Muqdisho. Walow aysan ku koobneyn
Muqdisho oo keliya balse ay la wadaagaan magaalooyinka waaweyn ee wadanka.
Hadaba dad badan ayaa arintan u aaneynaya akhlaaqda dhalinyarada oo mareysa
heerkii ugu liitay ee lagu arkay mujtamaca Soomaaliyeed, aadna ku arkeyso
magaalooyinka waaweyn ee wadanka xornimo aan horay loo arag oo ay heleen taasoo
ka muuqata labiskooda iyo qaab dhaqankooda. Waalidkii Soomaaliyeed ayaadna
moodaa iney gabeen xilkii ka saarnaa tarbiyeynta dhalaanka.
Sidoo kale waalidiinta Muqdisho ayaa badankood qiraya in telefonadan aadka looga
isticmaalo magaalada isla markaana lacag la’aanta ah marka la wacayo gudaha
magaalada ay caqabad ku noqotay gacan ku haynta iyo ka warqabka caruurtooda.
Dhalinyaro aad is leedahay waxaa ka dambeeya hay’ado faafiya xumaanta ayaa
habeen iyo maalin wacaya guryo fara badan iyagoo aan cidna ka garaneyn,
rajeynaya iney ka helaan dhalinyaro ay is bartaan si ay markaa mabaa’diidooda
xumaanta ah u faafiyaan.
Maxaa Keenay Bedelaada Cinwaanka Qormadeenan?
Intiinii akhrisay qormadii tan ka horeysay ee soo baxday todobaadkii tegey,
cinwaankeena ayaa ahaa “GUUXA DADWEYNAHA”, cinwaankaa ayaan kala soo dhex baxay
cinwaano badan oo aan maskaxdeyda ka baarbaaray isna iri wey ka tarjumi karaan
qormada. Hadaba daabacaadii qormada kadib ayaa waxaan ka war helay in qormo
sidata cinwaankan laftiisa ay kusoo baxdo wargeys kasoo baxa magaalada Muqdisho.
Waxaana markiiba go’aansaday inaan cinwaanka qormada u bedelo DAREENKA
DADWEYNAHA. Waxaana rajeynayaa inaad ka heli doontaan qormooyinkan oo badankood
ku saleysan afkaarta, aaraada, iyo aragtida Dadweynaha Soomaaliyeed.
QORMADII TODDOBAADKII
HORE.... GUJI...
Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.
XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII
JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA....
FAAFIN: SOMALITALK.COM
QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
AKHRI
HALKAN iyo HALKAN
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|