|
Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan
Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
Febraayo 1, 2003
Waa Taxane Todobadle ah, Faalo iyo Falanqeyn. Waa Fahamka siyaasada fashilan ee
Soomaalida. Waa Fiiro Dheer iyo Fahamka Dadweynaha. Waana Faaqidaada Todobaadka
ee dhacdooyinkii ugu xiisaha iyo hadal haynta badnaa ee Soomaalida iyo
Caalamkaba.
Qodobada Todobaadkan:
Maxaa Ku Qornaa Warqada Dr. Cabdiqaasim U Diray Col. Cabdullaahi
Yusuf?
Todobaadkii ina dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey xiriir hoosaad la sheegay
inuu dhex maray Madaxweynaha DKMG Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Col.
Cabdullaahi Yusuf. Wararkan oo ka kala imaanayey degaanada Puntland iyo
Muqdisho ayaa badankood sheegayey in Dr. Cabdiqaasim usoo bandhigay Korneylka in
la qabto shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed laguna qabto gobolada dhexe ee
Soomaaliya.
Dowlada kasoo bixi doonta ayuu Cabdiqaasim u bandhigay Col. Cabdullaahi Yusuf
inuu qaato jagada Ra’iisul Wasaaraha balse uu Cabdiqaasim sii haysto jagada
Madaxweynenimada.
Maamulka Puntland ayaa markiiba beeniyey wararkan, balse todobaadkan ayaa waxaa
qiray xiriirkaas dhex maray labada dhican Col. Cabdullaahi Yusuf laftiisa isagoo
sheegay in Dr. Cabdiqaasim u bandhigay laba qodob oo keliya:
1-In shir dib u heshiisiin lagu qabto Soomaaliya
2-In uu Dr. Cabdiqaasim heshiisiiyo Korneylka iyo ninka ay hogaanka Puntland
isku haystaan ee Jaamac Cali Jaamac.
Arinku si kastaba ha ahaadee dad badan ayaa rumeysan in Dr. Cabdiqaasim dadaal
weyn ugu jiro sidii uu heshiis ula geli lahaa dhamaan kooxaha kasoo horjeeda si
uu usii hayo jagada Madaxweynenimada oo kaga eg mudo ay dhowr bilood inaga
xigto.
Madasha Shirka Eldoret oo Isu Bedeshay Gole Rabshad
Weerar gacan ka hadal ah oo dhex maray ka qeyb galayaasha shirka Eldoret ayaa
keenay dhaawac soo gaaray Prof. Gaandi oo metela Ururada Bulshada Rayidka iyo
Mowliid Macaane oo ah gudoomiyaha garab ka tirsan ururka SAMO.
Mowliid Macaane ayaa lagu xiray saldhiga police-ka ee magaalada Eldoret kadib
markii la xaqiijiyey in dhalinyaro isaga ka amar qaata ay weerar u geysteen
Prof. Gaandi xili uu ku socday suuq ku yaala magaalada Eldoret oo uu doonayey
inuu lacag ka sarifto.
Weerarkan dambe kahor ayaa waxaa jiray dagaal gacan ka hadal ah oo hoolka
shirarka ku dhex maray Mowliid Macaane iyo nin ay xulafo ama qaraabo yihiin
Profassorka taasoo keentay in Prof. Gaandi usoo hiiliyo ninkaas ay qaraabada
yihiin, halkaas oo uu dhaawac kasoo gaaray Mowliid Macaane. Dadaal ay galeen ka
qeybgalayaasha shirka ayey ku guuleysteen soo deynta Mowliid Macaane iyo ragii
kale ee la xirnaa.
Prof. Gaandi ayaa la sheegayaa inuu dhaawac ka gaaray gacanta halka Mowliid
Macaane madaxa uu dhaawac ka gaaray. Hadaba dad badan ayaa is weydiinaya, Af ku
dirir iyo fadhi ku dirir ayaa leysku ogaa ee waa maxay gacan ka hadalkan?.
Nabadse maka sugnaa ragan isku gacan qaadaya goobtii looga fadhiyey xal ka
gaarida dhibaatada abaaday ee umada Soomaaliyeed.
Runtii waa ayaan darrooyinka haysta Umada Soomaaliyeed taasoo aan laga gudbeyn
inta dagaal oogayaashan hormuudka u yihiin mujtamaca Soomaaliyeed ee ka daalay
colaadan qaangaarka ku dhow.
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah
Muuse Madoobe oo ah Duqii hore ee magaalada Burco ayey ciidamada Somaliland kala
baxeen gurigiisa ku yaala Magaalada Burco. Muuse Madoobe iyo wafdi uu
hogaaminayey ayaa dhowaan booqasho ku tegey magaalada Garoowe halkaasoo ay kula
kulmeen Col. Cabdullaahi Yusuf.
Muuse Madoobe oo sheegtay inuu metelo beesha bariga Burco ayaa socdaalkiisa ku
macneeyey qaboojinta xiisad dhowaanahanba u dhexeysay labada maamul goboleed ee
Puntland iyo Somaliland kana dhalatay booqasho uu Laas Caano ku tegey
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Somaliland Daahir Riyaale.
Maamulka Somaliland ayaa aad uga carooday booqashada Muuse ku tegey Garoowe
iyagoo sheegay in Maxkamad lasoo taagi doono. Muuse Madoobe ayaa lagu xiray
xabsiga magaalada Burco lamana garayo dembiga lagu oogi doono ama goorta
maxkamad lasoo taagi doono.
Maamulka Hargeysa ayaa dhowaanahanba u dhaqmayey sidii urur kamida ururada
dagaal u jooga ah ee ka jira Soomaaliya, iyadoo Daahir Riyaale aad moodo mid
kaba liita dagaal oogayaasha iminka ku shirsan magaalada Eldoret ee cariga
Kenya, maadaama uu had iyo goor u ololeynayo colaad ka bilaabata degaanada
Puntland iyo Somaliland taasoo uu dabkii ugu horeeyey ka shiday degaanadaa
dhamaadkii sanadkii tegey kadib booqashadii uu tegey magaalada Laas Caano.
Nelson Mandela: “Bush Waa Nin Aragti Gaaban si wanaagsana aan u Fekerin”
Madaxweynihii hore ee wadanka Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa weerar ku qaaday
siyaasada qalafsan ee maamulka Madaxweyne Bushka Mareykanka.
“Waa musiibo waxa Bush ka sameynayo Ciraaq, Waxaan dhaleecaynayaa dowlada keliya
ee xooga weyn ee iminka jirta uuna hogaaminayo Madaxweyne aan aragti dheereyn
isla markaana aan si wanaagsan u fekeri Karin doonayana inuu ku kaco fal xasuuq
ah oo aan horay loo arag” ayuu yiri Mandela oo ka hadlayey shir lagu qabtay
magaalada Johannesburg ee Koofur Africa.
Mandela ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dowlada Ingiriiska Mr. Tony Blair u
dhaqmayo sidii inuu yahay Wasiirka Arrimaha debeda ee Mareykanka. “Blair iyo
Bush waxey isku deyayaan sidii ay u daba mari lahaayeen howlaha ay wado Hay’ada
Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa” Mandela oo hadalka sii wata ayaa yiri “Ma waxey
sidaa u yeelayaan maadaama ninka madaxda ka ah Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa
yahay nin Madow (Ghanaian Kofi Annan). Arintan lagu xaqirayo howlaha Jimciyada
Quruumaha ka dhexeysa ma aaney dhicin xiliyadii ay hay’ada madaxda ka ahaayeen
niman cadaan ah” ayuu raaciyey Mandela oo ay caro ka muuqatay hadalkiisa.
Mandela ayaa sheegay in Mareykanku fasax ka qaato Jimciyada Quruumaha Ka
Dhexeysa haduu doonayo inuu Ciraaq weeraro, isagoo sheegay in weerar aan fasax
loo qaadan laguna qaado Ciraaq yahay mid aan la aqbali Karin. “Hadii uu jiro
wadan dunida ka galay falal aad u xun oo aan laga hadli Karin wadankaasu waa
Mareykanka umana aaba yeelaan bini aadamka” ayuu hadalkiisa kusii daray Mandela.
Mandela ayaa sheegay in muhiimada dagaalkan Mareykanku la damacsan yahay Ciraaq
yahay sidii ay Mareykanku gacanta ugu dhigi lahaayeen shidaalka wadankaas, balse
wuxuu xusay in ey dembi tahay weerarka shacab aan waxba galabsan.
Mandela oo ah nin horay ugu guuleystay abaal marinta nabada aduunka loona yaqaan
(Nobel peace Price) ayaa aad looga ixtiraamaa dhamaan dunidan dacaladeeda, waana
siyaasiga keliya ee aan ka gaban maamulka Mareykanka isagoo mar walba runta u
sheega.
26 Janaayo Maalin Madow Taariikhdana Ku Qoran
Laba iyo toban sano horteed, 26kii Janaayo 1991 ayey aheyd markii Maxamed Siyaad
laga saaray magaalada Muqdisho. Hadaba Laba iyo Toban sano kadib, todobaadkan
ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflado kala duwan oo lagu xusayey
maalintaas iyada ah.
Xafladihii ka dhacay Muqdisho ayaa dadkii ka hadlay muujiyeen in maalintanu
aheyd maalin weyn oo mudan in loo dabaaldego leyskana tuuray rajiim gumeysi ku
hayey shacabka Soomaaliyeed. Balse su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa waxey
tahay:
Ma u darsanay Dowladii Ina Siyaad?
Mise waan ka Darsanay?
Jawaabta su’aashan ayaa ah mid aan feker dheer u baahneyn..Gebi ahaana mujtamaca
Soomaaliyeed ee samaha jecel ayaa kuugu jawaabaya in Dowladii Ina Siyaad
dhaantay Dagaal Oogayaashan, ka ganacsada dhiiga umada Soomaaliyeed, dalkeenii u
bedelay daar dagaal, dadkeenii u diiday nabadii ay xaqa u lahaayeen isla
markaana dadnimadeenii dowladnimadeenii iyo dalkeeniiba iibsaday.
Hadaba waxaa wax lala yaabo ah beenta cad ee ay siyaasiyiinta Muqdisho ka
dhaadhicinayaan shacabka reer Muqdisho ee iyagu qarka u saaranba iney iloobaan
wixii ay nabad aheyd ama qiimihii ay nabadu laheyd maadaama ay 12 sano habeen
iyo maalin, subax iyo galab, saacad walba iyo daqiiqad walba xabad dhegahooda ka
yeereyso.
QORMADII TODDOBAADKII
HORE.... GUJI...
Waxaa soo diyaariyey
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.
XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII
JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA....
FAAFIN: SOMALITALK.COM
QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
AKHRI
HALKAN iyo HALKAN
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|