SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Aaway waxgaradkii Soomaaliland

hassan warankulule
warankulule@yahoo.com

Saladiintii, boqoradii, culimadii, warbaahintii marka laga reebo Raaqiya Omaar iyo sharciyaqaanada xira dhamaantood waa aamuseen. Ma riyaale ayaa sidaas looga baqaa? ma fikradda gabadha 16 jirka oo aan hubaysnayn inay qatar ahayd bay aaminsan yihiin? Ma kufiga gabadha sheegatay baanay ka danqanayn lama oga.

Dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamkaba waa wax xun in gabar 16 jir ah la fara xumeeyo ama lagu tilmaamo argagixiso ayadoon wadan qori. Arrinta meesha ka dhacday waa ceeb waxaase ka sii daran aamusnaanta shacabka reer s/land. shaqo iskuma leh difaaca s/land iyo difaaca gabadhan yar waayo difaaca gabadhan yar waa waajib saaran qofkasta oo xilkas ah, Waxaa la isweydiinayaa waxa helay shacabkii s/land waxgaradkoodii.

Xukuumadda Riyaale waxaa lagu eedeeyey inuu soo tarxiilay Hawiye, ogaadeen u dhiibay Ethiopia, laascsanood ku soo duulay si uu u bililiqaysto ama u helo aqoonsi caalami ah ilaa hadda wax beenin ama rumayn ah kama soo yeerin xukuumadda Riyaale iyo waxgaradka s/land waxa keliya oo u hadlaa waa wiilal yar yar oo ismagacaabay sida Dirir dhaba oo dhib keliya u soo jiido tolkii waayo wax celiyo ama borotakool baro ma leh.

Arrinta Samsam waa ceeb dusha ka saaran waxgaradka Soomaaliland, Soomaalida kale kama aamusteen qalad intaas la eg. kufsi ama xarig gabar yar oo 16 jir Soomaaliyeed ah in lagu tilmaamo argagixiso waa waa qalad oo aan ka hari doonin s/land haddii aanay ka dhiidhiyin. amuska waxaa lagu tiriyaa ogolaansho ama ka raali ahaansho. waxgaradka Soomaaliland waa inay ka dhiidhiyaan arrinta Sam Sam oo ku qasbaan Riyaale inuu siidaayo caruurta raali gareeyo magdhowna siiyo. Gabar 16 ah oo aan hubaysnayn in laga baqaa waa paranooya iyo cabsi weyn ee waa in la dersaa xukuumadda s/land waxa cabsida intaas la eg ee dunida gaar ahaan xuquuqal insaanka kuwa u dooda fahmi la yihiin.

waxgaradkii S/landow aamuska waa maxay - sida isu dhaama.

hassan warankulule
warankulule@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD