"Waxaan Dalbaday Dhaqaatiir dibada ka imanaysa ee Xabsiga haku sii jirto Samsam" Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland, Axmed Yasiin ayaa yiri hadalkaa
Samsam ayaa waxaa ay wali heli la'dahay Xoriyedeedii kadib markii lagu xukumay Shan
Sano oo Xariga iyaduna ay Rafcaan ka qaadatay Xukunkaa.
SamSam oo ay ka hadalka
Xabsigeeda iyo Dhibkii gaaray ay Hargeysa ka socotay dhowrkii bari ee ugu
dambeeyey ayaa waxaa hadana ay
Isniintii Taariikhdu ahayd 17-01-2005 ay Dalbatay in la keeno Maxkamada
si loo dhageysto dacwadeeda, laakiin rafcaanka ayaa Dib u dhacday.
Waxaa noo suurta gashay
in aan la hadalno Samsam ehelkeeda sida aan u ogaano waxa Dacwada dib u dhigay, waxaana
ay noo sheegeen in uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ahaa Ninkii dacwada ku
soo oogay Samsam in uu yiri waxa aan Dalbaday Dhakhaatiir dibada ka imanaysa marka
hala baajiyo Dacwadaa, sidaana ay ku baaqatay dacwadii.
Ehelka Samsam ayaa noo xaqiijiyay in ay hada ka soo kabsanayso Dhibaatadii iyo
Nabrihii loo geestay lakiin ay xoriyadeedii la'dahay.
c/fatax jaamac
Boosaaso, Soomaaliya
somalitalkpl@yahoo.com Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2005
Dhegeyso Gabaygii
Dardaaran Oday &
Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq
Shuruudaha
Gabayada Silsiladda Samsam
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|