Markii u horaysay ee dadka qaxayaan diiradda saaraan xaggaas iyo
Gacanka Cadmeed, waxay ahayd markii dagaalkii lagu hoobtay ee
dhexmaray taageerayaashii Cali Mahdi iyo Gen.Caydiid, dagaalkaasoo
ku magac dheeraa dagaalkii Afarta Bilood. Marsada dabiiciga ah ee
Cadale ayaa horaantii sandkii 1992 kii waxaa ka shiraacday markab
wayn oo qaaday dad aad u faro badan geeyayna Xeebta Mukulle ee dalka
Yemen, markabkaas oo ay raaceen wixii awooday inay iska baxshaan
kharashka kirada markabka, kadibna muddo markii ay badda ku jireen
oo sii kufaa kacayeen waxay 8beri kadib gaareen Yemen, muran badan
kadibna waxay ku guulaysteen dadkii in laga soo dejiyo Markabka oo
xero looga sameeyo agagaarka magaalada Cadan. Dadkii la dejiyay
xeradaas iyo kuwa kale oo ku soo biiray qofba nasiibkiis ayuu la
kulmay oo waxay noqdeen kuwa helay una bakhoolay dibadaha sida Yurub
iyo waqooyiga Amerika kuwa usii gudbay Sacuudiga iyo qaar xeradii
iska iimaansaday. Wixii waqtigaas ka dambeeyay waxaa si toos ah u
furmay u bakhoolidda dhanka Yemen ee loo sii marayo xagga badda.
sidaa awgeed suuqaas furmay wuxuu horseeday in marino badan furmaan, maadaama
soomaaliya bad dheer leedahay oo dhinaca badda cas ay xudduud la
leedahay gacanka cadmeed kaasoo noqdy xeebaha Gobalada waqooyi bari
iyo kuwa Waqooyi Galbeed oo hadda loogu wanqalay Puntland iyo
Soomaali land.
Haddaba waxaanu qormadaan ku xusaynaa arrimaha kala ah:
.Maxay Dadku ugu qulqulayaan Yemen oo naftooda u
biimaynayaan?
.Maxay Puntland uga Ganacsanaysaa tahriibayaasha oo wax uga
qaban la,dahay xeebtaan geerida?
.Sidee wax looga qaban karaa murugadaan soo noqnonaysa ee
galaafatay boqolaalka Soomaaliyeed ee waliba u badan dhalinyarada?
Maxay dadku ugu qulqulayaan Yemen
Sidaan hore ku xusnay qixitaankii bilaamay
laga bilaabo dagaalkii xukuumadii Siyaad Barre iyo Ururkii USC iyo kii
kuxigay Caydiid iyo Cali Mahdi Soomalidii noqotay tusbax furmay waxay u
kala haajireen dacalada adduunyada, waxaa muddo ka dib bilaabay tartiib
tartiib dadkii iyagu waqtigu geeyay Yurub iyo waqooyiga Maraykanka inay
usoo gacan haatiyaan qaraabadii ka jiray dalkii hooyo, waxaa bilaamay
xawilaado lacago lasoo dhigayo oo la leeyahay imaw dal hebel, waxaa hii
kac ku sii riday dhalintii yarayd kuwa ay isku ayni ahaayeen oo malaha
nasiibkoodu ka badbaadiyay biimadii tahriibka oo intii usii gudbay
dhulalkaas cayrta laga qaato hadiiba la leeyahay huteelkaas caawa
arooskii hebel ayaa isagoo jooga wadan hebel looga tumayaa, gurigaas
waxaa loo dhisayaa heblaayadii naga sii maqnayd sanadka, hebel amase
heblaayo ayaa intaasoo lacaga soo diray/tay oo labadii waalid xajka u
qaadaya/sa sanadkaan. Waxaasoo dhan waxaa kasii daran buufiska sii galay
dhalintii guurdoonka ahayd oo xujooyinka ayaamahan socdaa ayna ka bixi
karin, kuwaasoo sabab u ah kuwa ka yimaada qurbaha oo caruuskay
samaynayaan aad iyo aad u kharash badan ayadoo kooxo iyo huteelo qaaliya
gabadhaan loo tumin aan naayaa la oranaynin, arrimahaas iyo nabad gelyo
xumo jirta iyo dagaal aan joogsi lahayn shaqo la,aan baahsan ayaa waxay
kalifeen in dad badan ay ismiidaamiyaan oo naftooda ku haligaan tahriib
dheer oo naftooda iyo waxay haysteen kuwa badan galaaftay.
Dadka Tariibayaasha ah celcelis ahaan waxaa
u badan dhalin yarada da,doodu u dhaxayso 17sano 30 sano jir,boqolkii 65
waa rag, inta kalena waa dumar iyo caruur (qiyaas ahaan marka la eego
dadka lasoo tabiyay dhimashadoodii ilaa 1993dii). Baniiadamku sidiisaba
hadduuna helin wax awood ku joojiya khaladka uu isu gaysanayo qofku
nafsadiisa sida qof qaadanaya darooga(Xashiishad, Qaad, khamri IWM) naanaab
ka dhigaysa, isbiimaynta ay ka mid tahay badweyn iyo dulaaliin
manaxayaala nafsadaada ku halig ummadaasi waxaan shaki ku jirin inay
dhan walba ku gaabinayso ilaa ay ka helayso awood ka xoog roon oo ka
naxaysa kana joojinaysa qofkaasi halaagga uu ku hayo nafsadiisa,
awoodaasoo ah waxa loo yaqaan "Dawlad ",oo xitaa soomaalidii hore waxay
la lahayd wax dawlad aan ka dhicin oo xeer iyo kala dambayn beeleed ayaa
jiray.
Maxaa Puntland ka dhigay meesha
Tahriibyaasha laga ganacsado
Maadaama gacanka cadmeed uu xuduud la
leeyahay gobalada Somaliland iyo Puntland, dadkii tariibyaasha ahaa
meesha ugu dhaw oo ay ka geli karaan waxay noqotay labadaas
gobal.Bilowgii qaxitaanka (1991kii) somaliland waxay yagleelatay
maamulka hadda lagu magacaabo somaliland, oo waxaa samaysay awood
kantarooli karta dhulka ay sheeganayso badiisa, sidaas daraadeed
qowlaysatada ka ganacsata tahriibayaasha naftooda haligaya waa ku
dhiiran waayeen inay suuq ka furaan xeebaha Berbera iyo Xiis iyo Maydh,
halka halaq mareenka noqotay oo fursadda dahabiga ahi ayay noqotay
gobaladii waqooyi bari, ururkii waagaas jirayna ee SSDF awoodiisa maamul
aad ayay u koobnayd oo beelo beel ayaa daadsanaa, sdii awgeed dilaaliin
iyo doonyaalay reer aduunyo ah ayaa ka samaysmay xeebaha waqooyi beri,
waxaana loo furtay xafiisyo lagu kala waarido dadka naftooda biimaynaya
ee u haajiraya Jasiiratul carab. Waxaa samaysmay qiimo lagi kla raaco
doonyaha oo ku xiran tayada doonyaha tusaale doonyaha aad u liita waxaa
loo goostay qiimo dhan 50$ doolar qofkii, halkii doonyaha waawayn oo
xamuulka qaada loo cayimay 150$ doolar.Waxaa samaysmay marsooyino badan
oo dadka u daabira sidii xoolihii loo iib gayn jiray sacuudi carebiya,
dhimashadii ayaa noqotay xad dhaaf, dilaaliintii ayaa dhac bilaabay oo
metelan intay dadka lacagta ka qaataan oo ka qaadaan Boosaaso ayay intay
labo maalmood soo wareejiyaan intay xeebta Caluula ag geetyaan dhahaan
waataas Yemen dega. Dad baa qori caaradiis badweynta lagu daadiyay kuwa
xafiisyo inta lacagta looga dhaco la yiraahdaa ka soco. qaylo dhaan
badan ka dib ururkii SSDF, sanadkii 1997 kii ayaa mar tafaxaytay oo soo
saaray amar lagu mamnuucayo ka tahriibidda badda waqooyi bari, laakiin
waxba kama hirgelin oo waaba kasii dareen dhimashadii iyo tacadigii
tahriibyaasha aduunka meel walba wuu gaaray oo maraakiibo marayaa
badweynta ayaa soo tabinayay maydad boqolaal oo babanaya baddacas.
Sandkii 1998dii waxaa gobalada waqooyi bari
loo sameeyaya maamul la magac-baxay Puntland oo uu hogaaminayayay
Col.Cabdullaahi Yuusuf, waxaa la sameeyay wax u eg astaan dawladeed sida
Boolis,xafiisyo dawladeed iyo Xabsiyo. Waxaana bilaabantay canshuur
ururin dekadda Boosaaso oo ah dakhliga ugu wayn ee soo gala maamulkii
lagaga dhawaaqay Garowe.Waxaase su'aashu tahay maamulkii Punland wax
maka qabtay masiibadii ka taaganayd badda udhexaysa Puntland iyo Yemen?
Jawaabta waa maya oo maamulkii Puntland innaba wax xila iskama saarin
dhalinyarada ku dhammaanaysa Badda gacanka cadmeed, oo sidii iyo si
kadaran ayaa wali looga ganacsadaa tahriibka u socda Yemen.Oday reer
Afgooya oo wiilkiisii ka mid ahaa dad ku dhammaaday doon ka shiraacatay
Boosaaso sanadkii 2002dii dadkaasoo xabbad caaradiisii loogu tuuray bad
weynta dhexdeeda ayaa isagoo ilmaynaya waagaas isagoo la hadlaya
maamulka Puntland ku yiri "reer Puntland dawladda aad sheeganaysaan ma
afka baarkiisaa, maxaa wax looga qaban kari waayay dhegarqabayaasha
dadka ku xasuuqay doontii ay lacagta ugaga urursadeen sida khiyaamada
leh".Waagaas waxaa idaacadaha adduunku sheegeen in kuwii watay doontaas
dadka xoogga looga daadiyay inay ku soo xirteen Boosaaso oo aan waxba
laga qaban, taasoo dad badani kaga yaabisay sida maamulka Puntland uuna
ugu soo jeedin inuu la dagaalamo kuwa ka ganacsada tahriibayaasha
dabadeedna dhiigooda ku daadiya badda u dhaxaysa iyo Yemen
Tahriibayaasha badi waxay ka tagaan Gobalada Bay, Bakool, Labda
shabeele, Jubbooyinka Banaadir iyo wadanka Itoobiya, sidaas
daraadeed marka ay joogaan dhulkaas ay ka haajirayaan waa looma
ooyaan meel daran ka yimmid oo ninna xil iskama saaro wax ka
qabashada tacadiga ka jira ka ganacsiga naxariis la,aanta ah ee dad
aan waxay la kulmayaan aan ogayn oo xitaa qaarkood waligood bad arag
intee lacagtii laga furto haddana doonyo tayo daran lagu guro,
hadhawna haddii xaalku xumaado xoog badda loogu daadshaa amase
meelaan jirin oo isla soomaliya lagu khiyaameeyaa.
Sidee wax looga qaban karaa muruga soo
noqnoqonaysa ee galaafatay dhalintii soo koraysay
Horta Masiibooyinka wadanka aafeeyay ee dadku isku
gaysano aad iyo aad bay u faro badan yihiin, haba ugu darnaadeen
Tahriibka aanu hadda ka hadlayno, Qaadkaan faro ba,an ku haya
bulshada xag caafimaad, xag dhaqaale iyo midqoys, dagaalkaan aan
dhammaadka lahayn ee salka ku haya cudurka soomaali galaaftay ee
QABIIL, iyo waxyaalo kaloo badan waxaa looga badbaadi karaa iyadoo
dadku marka hore la wacyi geliyo oo loo sheego runta xitaa haddii ay
ka badbaadaan isbiimayntaas inay Yemen kala kulmo doonaa nolol ayna
waligood soo marin oo ciriiri badan. In lahelo maamul adag oo la
dagaalama kuwa ma naxayaasha ah ee ka ganacsanaya tahriibyaasha
maamnuucana oo waliba lala wareego doontii xambaarta tahriibayaasha.
In odayaasha iyo cuqaasha jooga xeebaha badda cas ee Puntland ay
iyagu xil wayn isa saaraan oo haddii ay gabtay maamulkii ay igmadeen
howsheedii ay usoo jeestaan sidii looga badbaadin lahaa dhalintaas
ku qammaamaysa meelay ogayn wax ka qabsanayaa, waxaa ku dayshu mudan
odayaasha reer Dhahar oo iyagu isku xilqaamay inay la dagaalaan kuwa
xaalufinaya deegaanka(Dhuxulayda), ka dib markii ay waayeen dawlad
ka horjoogsata ka ganacsiga xaaraanta ah ee dhirtii noloshu ku
dhisnayd; sidaa daraadeed waxaa la joogaa waqtigii ay odyaasha jooga
xeebaha laga daldalayo tahriibayaasha sida
Boosaaso,Ceelaayo,Shimbiro, Caloola iyo meelo kale oo badan oo ka
tirsan Puntland inay isa saaraan waajibaad wayn oo la dagaalamaan
kuwa ka ganacsada dadka ay soo waashay xabad iyo shaqo la,aantu oo
ah qof qoyani biyo iskama dhowro, amase leh heestii Dacar ee "Raggu
socodku wa udoor hadduu moodku daayee waa duulayaaye Deeqa ii soo
ducee". balse duulid ma jirtee waxaa ka horeeya waa dhac iyo xeebtii
geerida oo ay ugu wacantahay doonyo baaba'san oo boqolaal qof sidii
arigii lagu gurayo.
Tahriibta Bada Cas (Hordhac)
Tahriibta waa Ganacsi aad ubalaaran oo soo socday mudo aad u
dheer oo laga soo bilaabo 1960 Xiligaas oo ay Dadka raaca Doomaha ay
ahaayeen kuwo aad u Yar waxaa isa soo tarayey Dhoofka Dadkaa aada Dowladaha
Carabtaa oo hada Dadkii xiligaa Tahriibay ay haystaan Dhalashooyin Dalalkaa
ay tageen.
Tahriibta ayaa soo martay heer kala duwan ayadoo hada
Cawaaqib xumo keentay ayna gaartay in laga ganacsado Dadka laguna guro Doomo
si fowqul caqli ah oo Doonta la saaro tiro ka badan inta ay Qaado.
Inta Badan Dadka ku howlan ka ganacsiga Tahriibta ayaa ah
mid aad u xoog badan oo ay ka ganacsadaan Dad isugu jira Mas,uuliyiin,
Ganacsato iyo kuwo soo waarida Dadka Dhoofaya (Muqalasiinta) soo wada Dadka
Rakaabka ah ee laga ganacsanaayo, Marka aad aragto Dadka ku howlan ka
ganacsiga Dhoofinta Dadkaa u kala Dhoofaya Wadamada Carabta ee xeebta la
wadaaga Soomaaliya oo meesha lagu dagaayo lagana sii dhoofayo ay tahay
Wadanka Yaman Jasiirada ku taal oo inta badan ay halkaa ku sugan yihiin
Ciidamo Yaman ah oo ka sii Ganacsada Dadkaa Tahriibayaashaa.
Xagee ka soo Bilaabataa soo dhoofinta Dadka tahriibayaasha
ah?
Waxaa inta badan ay ka yimaadaan Dadka dhoofayaasha ah
Koonfurta Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya oo ay u
badanyihiin wadanka Ethobia Dadka Qoomiyada Oramada ah waxaana ku sugan
goobaha ay ka soo baxayaan Muqalasiin iyagu soo dhoofiya Dadkaa iaygoo
Xafiisyada ay leeyihiin Muqalasiinta ay isku xiranyihiin ilaa ay ka fuulaan
Doonida waxaa ka mida xafiisyo ku yaal Magaalada Muqdisho Suuqa Bakaaraha,
Magaalada Baydhabo, Magaalada Afgooye iyo kuwo kale oo ku yaal magaalooyinka
Wadamada Dariska la ah Soomaaliya waxaa muqalasiintaa ay isugu jiraan Rag
iyo Dumar.
Maxaa ka qabsada Dadka Tahriibta ku dhoofa?
Inta badan waxaa ay aad ugu dhibtoodaan Dadkaa dhoofa sidii
ay u heli lahaayeen mid dhaqaalihii ay la baxeen sideedii u siiya sida ay
inta badan ka cabanayaan dadka dhoofa iyadoo qaarkood laga dhaco Lacagtoodii
ay baxsadeen awoodna loo sheegto madaama aysan haysan wax\cadaeyn ah oo
looga qqady Lacagta hadii uu haystana uusan helayn Sharci lacagtii uga qaada.
Waxaa jiray Dhacdooyin naxdin leh oo inta badan Qabsada
Dadka Tahriiba oo hadaan ka xusno ay ka midyihiin
1- Dad isugu jira Caruur, Dumar iyo Ragoodii oo u dhashay
Ethobia sida ay sheegeen laga soo dhoofiyay Magaalada Burco ayaa lagu soo
rogay Magaalo xeebta ah oo layiraahdo Ceelaayo xeebtaa oo ka mida
meelaha laga dhoofiyo Tahriibta Dadkaa ayaa dhamaa 90 Sagaashan Qof xiliga
ayaa ahaa xili xagaaya oo uu kulku martayo 55 Digri Dadkaa ayaa Gaarigii
waday uu ku daadiyay Xeebtaa Ceelaayo oo Boosaaso u jirta 25km dhinaca
Sanaag ka xigta Dadkaa ayaa markii ay ku sugnaayeen mudo 10 Maalmooda oo wax
la hadala ay wayeen lacagtiina laga qaatay ayaa Dad ku sugnaa meeshaa ay
waydiisteen in ay u tilmaamaan Boosaaso kadibna ay u soo lugeyeen iyagoo
xeebta soo raacaya Dadkaa waxaa ka soo gaaray Boosaaso 14 qof oo aad u liita
halka kuwii kale ay nafta ku daysay wadada haraad iyo kulayl dararan awgii
14kaa oo ahaa Rag kaliya ayaa Maamulka Gobolka iyo kuwa Dagmada Boosaaso ay
u soo gurmadeen kadib markii ay soo gareen Garoonka Diyaaradaha Boosaaso
Ciidamadii joogay ay Qaylo dhaan soo gaarsiiyeen Maamulka. Bishii Agosto
2004 xiligii ay dhacday Arintaa Ceelaayo ay soo lugeeyeen Dadka Oramada ah.
2- Dhacdada kale ee naxdinta leh waxaa ka mida dhoofayaasha
raaca Doomaha Qaada Tahriibta oo la waayo meel ay la martay Doontii amaba ay
laqdo bada Qadarka Ilaahay oo qoaran ayaa hadana waxaa loo aaneeyaa in ay
Doontu ka yartay Dadka ay qaadeyso oo Gaara halkii doon 200 Qof Taasna ay
kaliftay in Qofkii loo ogalaan waayo in uu istaago hadii uu istago sida aan
wararka ku helayno wagii hore waxa lagu dhufan jiray UL lakiin hada waxaa
Indhaha looga shubaa Batrool oo sida la sheegay ay ku Indho beeleen Dad
badan.
3- Dhibaatad soo gaarta Dadka Tahriibayaasha ayaa ah mid aad
uga wayn Maskaxda Bini,aadamka lakiin ay Tahriibayaashu ku wayntahay
maskaxdooda in ay dhoofaan Matka aad waydiiso waxa ku kalifaaya Tahriibta
dhibkaa badan ay ku jawaabayaan waa Nolol raadis lakiin kuma kalsooni
Dalkeyga inaan ka shaqeysto waxaan ka helaayaa ma jiraan lakiin waxaan rabaa
in aan Tago Dalka sacuudiga oo aan ka shaqeysto si aan dhaqaalo badan ula
imado ayuu leeyahay.
Xiriirka iyo sida ay u dhoofiyaan Dadka ka Ganacsada
Tahriibta.
Inata badan ganacsatada Tahriibta ayaa isugu jira dad kala
duwan oo hadana Hubaysan xiriirkooda ayaa ah mid aad u adag lakiin ay
Badanaa aad iskaga dhacaan Dhaqaalaha ay ka helaan, ayagoo inta badana dhaca
Dadka Tahriibayaasha ah Ganacsatadaa ayaa ah kuwo isticmaala Telfooonada
Gacanta iyo kuwa Laymanka ah waxaa kaloo meelaha aan laheyn Telfoonada ay ku
isticmaalaa Radio lagu hadlo (Fooneyaha).
Ganacsatadaa ayaa ah kuwo aad u badan oo ka soo dhoofiya
dadka Xafiisyo ay ku leeyihiin Goobaha ay Dadka ka soo dhoofinayaan iyo
Guryo ay ku soo dajinayaan Magaalada Boosaaso ayay ku soo Dajiyaan Guryo
caan ah oo la yaqaan Guryahaa uga kireeya sidii Hodheel oo kale halkaana
Raashinka ugu sameeya.
Goobaha laga dhoofiyo iyo Go,aanada Maamulka Puntland.
Inta badan ayaa laga dhoofiyaa Dadka tahriibayaasha ah Xeebo
ku dhow Magaalooyinka Puntland iyo Somaliland kuwaasoo ah xeebo can ah oo ay
ka mid yihiin Xiis, Maydh, Cadcado, Ceelaayo, Qow, Mareero, iyo Shimbiro oo
ah kuwo ku ku yaal bada Cas.
Maamulada ka jira Dhulkaa ayaa ah kuwo aad ugu tabcaanay
joojinta iyo ka hortagida Tahriibta, Maamulaka Puntland ayaa in badan isku
dayay in uu joojiyo Tahriibta lakiin ay ka xoog badatay sidii uu u joojin
lahaa arimo badan awgood oo ay ka mid yihiin Dad madaxda Maamulaka ka mida
oo la shaqeysta Dadka ka ganacsada Tahriibta.
Maamulka Putland ayaa in badan sameeyay sidii ay u xanibi
lahaayeen Dadka ku dhoofa tahriibta ayagoo Qabqabtay Dadka Dhoofa, kuwa ka
ganacsada iyo Doomaha lagu qaado lakiin durba waa la sii daayey habkii
tahriibtana waa la sii Casriyeeyey.
Ugu Dambeentii.
Dadka dhoofayaasha ah ee ku dhintay ama ay ka soo gaartay
Dhibaatooyin ayaan la hayen tirakoob dhab ah ayagoo xiliga la xasuusto ay
maraayeen 3400 Qof xiligaas oo ay ahayd sanadkii 2001.
Dadka dhoofayaasha ah ayaa qaarkood ay ka mid yihiin kuwo ka
dhoofay 3 ama 4 Goor Xeebaha Bada Cas ee Soomaaliya Dadkaa ayaa ii sheegay
in laga soo celiyay Dalka Sacuudiya lana keenay Magaalada Muqdisho lakiin.
Tahriibta ayaa ah dhibta haysata Dadka Soomaaliyeed oo ay ku
dhamaanayaan Badaha iyagoo Raacaya Doomo Gaboobay oo kula jaba Bada
Gudaheeda kadibna Badaa lagu waayo Dadkaa.
C/fatax Jaamac | Bosaso
Tahriibka tahluukeeyay dadkeena iyo tacadiga
dalalka shisheeye
Kismaayo kadib markii ay burburtay
dowladii soomaaliya ayaa waxaa dalkeenii hooyo ka dhacay
musiiibo rabaani ah oo lagu wax yeeleeyay saqiir iyo kabiir
umadii soomaaliyeed falakaas oo ay geysanayaan ninam hubaysan
ayaa waxay dadkii soomaaliyeed nafsadoodu ku dirqisay in ay
isaga qaxaan dalkooda hooyo una qaxaan wadamo shisheeye oo aan
la dhaqan ladiin toono aysan ahayen taasoo ay ku kaliftay bal
inay ka helaan meel ay nafsadooda ku nabad hesho,
waxaa jira maanta kumanaan kun oo mud soomaaliyeed ah oo
qaxooti bilaa daryeel ku ah afarta dacal ee dunida ayadoo wali
ay indhahaagu qabanayaan dad u dhiilaysan aadida qurbaha iyo
magan galida wadan shisheye,
hadab dadka soomaaliyeed ee aada wadama shisheeye ayaa waxay
uklamaraan aaadida wadamadaas wadiiqoooyinj kala duwan oo
intabadan nafsadooda qalqalgalinaya marka aad u sii fiirsatid
tusaala ahaan qaar ayaa waxay ku baxaan hablooyaqaano isxanbaar
oo sharci daro ah qaar ayaa waxay ku baxaan responser aan jirin
oo faaliso ah qaar kalane waxay ku baxaan ayadoo loo aqoonsado
qaxooti sidoo kale waxaa jira qab kale oo ah kan ugu qatarsan oo
ay ku la deen kumanaan kun oo soomaali ah qaabkaas oo ah ku
tahriibida badwayenta ,
hadaba tahriibka ayaa wuxuu sanadahaan danbe ka noqday dalka
soomaaliya habka kaliye ayku baxaan soomaalida u socota qurbaha
tasoo keentay in ay sanadkiiba ay ku la daan dad aad u fara
badan oo soomali ah ,
soomaalida ku baxda qaabkan tahriibka ah ayaa intooda badani
waxay ka baxaan sida la sheego gobolada koonfurta soomaaliya
goboldan oo runtiin wali ay si wyen kaga muuqato coolaada ay isu
hayaan belaha kala gadisanee daga taas ayaan keenaysa in ay
soomaalida koonfureed ay wali sii door bidaan inay magangalaan
wadamada shisheeye ,
soomlaalida koonfureed ee doorbida in ay ka tahriibto
badwyenta ayaa lasheegaa in ay ka yimaadaan gobolada jubooyinka
, banaadir bay iyo bakool iyo gobolo kale oo fara badan hadaba
tusaale ahaan gobolkan jubada hoose gaar ahaan magaalada
kismaayo ayaa waxaad arkaysaa dad fara badan oo ayagu damacsan
in ay aadaan gobolada bari oo ay halkaasi ka tahriibaan
goboladaas oo ah meelaha ugu badan oo ay ka tahriibaan dadka
rabo tahriibka lagana saaaro doon aan meel dheer gaarssinayen,
ma jiraan meelo gaar ama goobo gaar ah oo ay kabaxaan dadka u
socda gobolada bari si ay u tahriibaan ayagoo sii mara magalada
muqdisho laakiin waxaad arkaysaa baabuurta xamuulkia ah iyo kuwa
yaryar ee kabaxa magaalada kismaayo ee u socda magaalada
muqdisho ayaa dadka ugu badan ee saaran waxay yihiin kuwa u
socda ama damacsan tahriibka lakiin bilahaan dabe wa aay
yaradeen dadkii kabxi jiray magaalada kismaayo ee tahriibkia u aadi jiray gobolada bari sabastoo ah waxaa
xiran oo ay adkaatay maritaanka wadada isku xirta muqdisho iyo
kismaayo kadib markii ay roobab lixaadlahi ay halkaasi ka daeen,
dadka ka baxa magaalada kismaayo ee u socda tahribka ayaa
waxaa la sheegaa in uu ku baxo qarash aad u badan tusaale ahaan
qofkaas doonayo in uu ka anba baxo magaalada kismaayo oo laga
dareemo in uu u socdo tahriib ayaa waxaa jirta in qarashka lagu
kordhiyo amaba laga qaado lacag kabadan mida ay bixiyaan
rakaabka kale ee baabuurka lasaaran,
hadaba lacagta laga qaado qofka laga dareemo in uu u socdo
tahriib ee ka anba baxaya magaalada kismaayo ee sii martaya
magaalada muqdisho ayaa waxay tahay qiyaas ahaan 600.000 kun oo
shilin soomaali ah oo u dhiganta 45 doolar$
halaka dadka kalena laga qaado lacag dhan 45000 ilaa 50000 oo
lacag soomaali ah halkaasi waxaad ka dareemaysaa farqiga u
dhaxeeya rakaabkan ,
dhanka kale waxaa jira dad aad u fara badan oo ayagu isku
dayay in ay tahriibaan oo ay u suuro gali wayday iyo dad kale oo
tiro dhowor jeer ah u tahriibay wadamada carabta kadibna dib
looga soo masaafuriyay taasoo inta badan aysan soomaalida ku
cusbeyen in laga soo masaafuriyo wadamada qaar oo ay ku tagaan
magan galyo raadiska ,
hadaba cabdiqaadir faarax cilmi waa aabe 4 caruur ah leh oo
dagan magaalada kismaayo waxa uu ii sheegay in tiro labo jeer ah
ka tahriibay xeebaha ku yaala gobolada bari islamrkaana dib
loogu soo masaafuriay dalkiisa ,
hadaba cabdi qaadir faarax ayaa waxaa isuuro gashay in aan ka
wareesto sida uu u tahriibay waxa ku kalifay iyo waxa ka
qabsaday dalkii u magangalyada u aaday iyo waliba waxa uu la
kulmay inta uu ku sii jiray safarkiisa tahriibka ah,
waxa uuna iisheegay in horta safarkiisii ugu danbeeyay ee u
ugu baxo wadanka sacuudi carabi oo uu tahriib ku tagay uu ahaa
sanadkii 2001 islamarkaana 6 bilood kadib lagu keenay dayaarada
daalo Airways laguna soo dajiyay garoonka lanbar 50 ee magaalada
muqdisho ka dib markii uu mutayestay xarig iyo ciqaab uu san filaneyen,
cabdi qaadir waxa uu ii sheegay in safarkiisii ugu danbeeyay
uu ku tahriibay uu ka anba baxay goobta loo yaqaano ceelaayo oo
waqooyi kaga taala magaalada boosaaso ayadoo saacadu ay ahyed
afarsaac iyo bar habeenimo taariiqduna ay ahyed 17/4/2001 habeen
qamiis ah waxa kale oo uu ii sheegay in alcagta laga qaatay ay
ahayed 70$ waa sida uu isaga ii sheegaye isla markaana ay dhib
weyn kala kulmeen safarkoodii ayagoo waqti ka badan 48 saacadood
aysan garanyen halaka ay ku socdaan iyo halka ay ka socdaan
islamrkaana ay si aad ha ola liicday doonidii ay saarayeen oo
ahayed mid gabow ah ama duqowday markii danbana uu ilaahay ka
samata bixiyay sidoo kale waxa uu ii sheegay cabdi qaadir in
tahriibida uu doorbiday kadib markii uu dalka kala kulamay
dhibaatooyin fara badan oo isgu jira mid dhaqaale iyo mid jir
ahaanba,
sidoo kale waxaa jira dad aad u badan oo goor hore u
tahriibay wadama ay ka midka yahiin yemen sucuudi carab iya iyo
waliba wadanka talyaaniga ayaagoo u siimarya saxaraha rafaadka
badan ee u dhaxeeya suudaan iyo liibiya waxaana dadkaas dhibkaas
maray aan kala kulmay ruqiyo saalax cabdi oo iyana dhib badan ka
sheegtay wadamada loo tahriibo si kastooy ahaataba mayara dhibka
lagala kulmo tahriibida lagu tahriibo badwenta tasoo aydoona loo
isticmaalayo doonyo duq ah oo aan meel gaareyen sikastooy
ahaataba mayara dhibaatada lagala kulmo tahriibida ayadoo ay
magaalada kismaayo ku noolyihiin dad aad u fara badan oo laga
soo tarxiilay ama laga soo masaafuriyay wadama carabta
faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaliy
faysalsiyaad@hotmail.com
Dal
aan dalkaaga iyo dadkaaga ahayn waa dareenku joog!!!.
MUQDISHO
Dhibaatadtahriibka
Dal marka uu ka dhaco
dagaal sokeeye qoys ama qof kasta nafta ayuu la cararaa
si uu u helo meel uu uga badbaado dhibaatadaas sidaa
darteed dalkeena soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo
sokeeye oo galaaftay kumanaan soomaali ah waxayna
qaarkood ku bara kaceen dalka gudihiisa kuwa kalana
waxay ka gudbeen xuduuda dalalka dariska aan nahay kuwo
kalana sidii ay u sii cararayeen ayaa waxay galeen
wadamada Yurub iyo Mareykanka iyadoo ay uga baxday lacag
aad ufara badan
Kuwii ugu nasiibka
xumaa waa kuwii ku baaba’ay Xeebaha u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Yaman, waxaana tiro koob la sameeyay lagu
ogaaday in ay ku dhinteen kumanaan kun oo qof oo
soomaali ah sidoo kale hay’ada Hurcos oo iyadu inta
badan diiwaan galisa qoxootiga ku dhibaatooda xeebaha
iyo kuwa ku sugan dalalka aan dariska aan nahay iyo kuwa
naga sii fog ayaa waxay sheegtay in 70% in dadkaasi ay
ku dhinteen xeebaha u
Gudoomiyaha Hay’adani
Cabdiraxmaan Abuu Xamsa ayaa sheegay in hay’adoodu ay
qabatay Siminaaro fara badan oo ay bulshada kaga wacyi
galinayso dhibaatada uu leeyahay Tahriibka walibana
waxaa uu sheegay in hay’adooda baaqyo u gudbisay
maamulada goobaha ay dadka ka Tahriibaan.
Dadka ka
shaqeysa arrimaha tahriibka waa silsilad isku xiran oo
ka bilaabanaysa muqdisho ilaa Boosaaso ama Yaman ilaa
Sacuudiga iyadoo dadk ka ganacsada dadka tahriibka ah ay
yihiin kuwo ka helay lacago fara badan, mar aan booqday
bosteejada ay ka baxaan dadk tahriinbka ah gaar haan
halka lagu magacaabo Carwo Idko ayaa waxaad arkeysaa dad
fara badan oo halkaasi dhooban oo u badan dhalinyaro
isugu jirta Wiilal iyo Gabdho kuwaasoo intooda badan ka
yimid koonfurta soomaaliya sidoo kale mar aan wareysnay
mid ka mid ah Kaarida ama dalaaliinta Rarta gawaarida
tagta gobolada Putland oo lagu magacaabo Xasan Cali ayaa
waxaan wax ka weydiinay lacagaha laga qaado dadka ilaa
Boosaaso, wuxuuna yiri “dadka labo ayey u qeybsamaankuwa
taga magaalada Gaalkacyo oo laga qaado qofkiiba 200
kun, oo dhiganta 15 $ doolar, kuwo kalana si toos ah
ayey u tagaan magaalada Boosaaso waxaana laga qaadaa
qofkiiba 370 kun oo shilin oo dhiganta 25 $, doolar waxa
kaloo weydiinay celcelis ahaan imsa qof ayaa maalinkii u
ambabaxda gobolada Putland wuxuuna yiri isagoo arintaa
ka jawaabaya “marka baddu furan tahay waxaa magaalada
Muqdisho waxaa ka baxa shan ilaa todobo gaari oo isugu
jira Kowstaro iyo Caasi ama ( Homy ) waxaana raaca marka
aan qiyaaso ilaa iyo 150 qof oo dhalinyaro oo intooda
badan tahriib ah waxayna isugu jiraan qoysas iyo dad
shaqsi shaqsi ah”, waxaa kaloo weydiinay faa’iidada ay
ka helaan marka ay Raraan Gawaaridaasi wuxuuna sheegay
Xasan in qofkiiba ay ka helaan 10 kun oo shilin soomaali
ah oo u dhiganta Nus doolar, lacagtaas soo xarootana
waaan ku qeybsanaa dhowqof oo Kaariyaal ah ama
dalaaliin ah.
Gabar lagu magacaabo
Sacdiyo Faarax oo kula kula kulaney Boosteejada laga
raro gawaarida aada Putland waxayna gabadhaasi ay
markaasi doonaysay in ay u ambabaxdo gobolada Putland si
ay ugu sii tahriibto dalka Yaman ayaa wax ka weydiinay
ma markii ugu horeysey oo aad gasho tahriib iyadoo ka
shekeeneysa dhacdo xanuun badan oo ay la kulantay
waxayna tiri “maha markii iigu horeysay ee aan galo
tahriib, sanadkii 1998 ayaan ka ambabaxay magaalada
Muqdisho markiiba waxaan tagay magaalada Boosaaso oo
aan ka raacay dooni saddex bari ka dibna waxaan tagay
dalka Yaman, markii aan lix bilood ka shaqeystay Yaman oo
ay ii aruurtay xoogaa lacag ah ayaa aniga iyo dhowr
gabdhood iyo dhowr wiil waxaan u dhaqaajinay dhinaca
dalka Sacuudiga markii aan galnay xuduuda Sucuudiga ayaa
waxaan bilownay in aan lugeyno waxaan socono, socodku
waa habeenkii oo kaliya maalinkii waxaan galnaa keymaha
iyo dhulka Buuraha ah waxaan sii marnaba tuuloooyin ayaa
gabar ka mid ah gabdhihii nala sicday naga xanuusatay
oo wadnaha ayaa looga soo booday waxaan sameyno waan
garan weynay waxaan ka cabsanaynaa waa Boolis aan is
leenahay armay idin qabtaan ,Waxaa habeenkii u qaadnaa
dhinaca keymaha waxaa nagu sii kordhay wewelkii iyo
welbahaarkii nasiib xumo gabadhii waa geeryootay meeshii
ayaana uga taganay anigoo ka mureygaysan sidii ayaana ku
galnay Sauudiga ka dibna waa la isoo qabtay oo dalka ayaa
la igu soo celiyay gaar ahaan magaalada muqdisho maanta
aad I arkeysana waxaan diyaar u ahay in aan maro wadadii
dhibka iyo rafaadka badneyd oo Caloolyowga iyo naxdinta
lahayd.
Waxaan weydiinay
sababta keentay in nafsadeeda aad ku biimeyso dhulkaas
dhibaatada badan waxayna ku jawaabtey “wadanka waad
arkeysaa oo nabadgalyo ma taalo, dowlad kama jirto, meel
aad ka shaqeysato malaha, marka waan ku qasbanay in aan
nafsadayda halistaas ugu bareero.
Dadka tahriibka ah
marka ay ka baxaan magaalada Muqdisho waxay sii maraan
wadooyin,nabadgalyadooda ay aad u xun tahay qaarkoodna
inta ay wadada ay ku sii jiraan ayaa halkaas lagu laayay
kuwo kalana kista yar oo ay jiscinka ay u wataan ayaa
laga furtay, kuwo kale waxa ay ku tahriibaan lacago ama
dahab ay ka soo xadeen dad ay u shaqeenayeen ama dad ay
ehelo ahaayeen, waxayna ahayd Qisadii ugu xanuunka
badneyd ee qabsaya dadka tahriibayaasha markii Gabar u
shaqeynaysay qoys ay ka xaday Dahab, waxayna dahabkaasi
doonaysay in ay ku tahriibto hase yeeshee waxaa dhacday
in gabadhaasi laga soo qabto magaalada Baladweyne ka
dibna din loogu soo celiyay Muqdisho waxaana gabadhaasi
lagu sameeyay jir dil ilaa aakhiritaankii gabadhaasi ay
ka naafowdo lug iyo gacan.
Mayara dhibaatooyinka
soo gaara dadka tahriibka ah qaarkood marka ay tagaan
magaalada Boosaaso la kulmaan kooxo qowlaysato ah oo
been u sheega dadkaasi ka dibna ka aruursada xoogaaga
lacagta ah oo ay wateen, mar aan la kulannay Wiil
dhalinyaro ah oo ka soo laabtay tahriibka oo lagu
magacaabo Ilayaas Cumar ayaa isna ka sheekeynaya dhacdo
qabsatey waxa uu yiri, “sanadka 2000 ayay ahayd markii
aan doon ka raacnay Xeebta Ceelaayo waxaan dhameyn 140
qof oo qofkiiba laga qaaday 30 $ markii aan Badweynta
aan ku shalwanay oo ay naga qarsoomeen berrigii ayaa
waxaa dhacday in Doontii ay u soo dhaqaaqdo dhinaca
Xeebta waxayna Naaqudayaashii nagu yiraahdeen waa
joogtaan Yaman ee hala daato sidii ayaan dadkii ku
daateen badda, ninkii dabaal yaqaanay xeebta ayuu gaaray
kii kalana oo aan dabaal aqoona badda ayuu ku dhintay,
anigu dabbaasha ayaan aad ugu dheereeyay markii aan
tagnay xeebta anigoo ay ila socdaan dhowr dhalinyara ah
ayaa waxaa nagu soo baxay dad soomaali ah oo ku hadlaya
luuqada afka soomaaliga ah markaasaa waxaan iri “waa
xaggee meeshani”, waxayna noogu jawaabeen “waa
soomaaliya”, markaa ayaan la soo booday “maaha miyaa
Yaman”, “maaha miyaa Yaman”, waxay indhaheygu qabanayeen
Maydadka fara badan oo Baddu soo caarisay.
Ilyaas wuxuu sheegay in
dadkii saarnaa doonida ay ahaayeen dad aan aqoonin
dhulka isla markaana ay khiyaameeyeen Naaquudayaasha oo
iyagu door biday in xoogaa lacag ah u baabi’iyaan ama
nafsadooda u halligaan Boqolaal qof oo soomaali ah,
wuxuuna sheegay in uusan mar dambe magaalada muqdisho ka
bixi doonin,. Wuxuuna uga digay dhalinyarada
soomaaliyeed in aysan nafsadooda halis galin oo ay iska
iimaansadaan dhulkooda
Amiin Yuusuf Khasaaro
oo warbixin ka dhageysanya Abkow
C/qaadir Ibraahim Gacal
Abkoow oo ah Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada
SOomaaliyeed ayaa isna wax ka weydiinnay qaabka looga
hortagi karo tahriibka, waxaana uu sheegay in maamulka
ka jira Putland uu soo saaro go’aanno lagu mamnuucayo in
dekadahooda ay ka baxaan dadka tahriibayaasha ah “Hadda
ka hor ayaan tegay magaallada Boosaaso, waxaan la kulmay
dad badan oo tahriibayaal ah, waxaan ku iri…, dalkiinnu
waa Barwaaqo ee ka faa’iideysta” ayuu yiri Abkoow, oo
intaa ku daray “Waxaad ka shaqeysan kartaan magaallada
Boosaaso ee aad haatan joogtaan, naftiinnana ka maareyn
kartaan”, intaa kuma hakin hadalkiisa ee waxa uu ku
daray “Dadka Tahriibayaasha ah ee ku sugnaa Boosaaso aad
ayay ugu dhib qabeen dhinaca maciishadda, waayo dadka ku
nool Putland ma garanayn in raashinka la kiilo-kiileeyo
ee waxa ay mar qura soo wada gataan raashinkooda, hase
yeeshee waxaan aakhirkii ka dhaadhicinnay in aan barno
waxa la yiraahdo Tumin, Rubuc iyo Kiilo, sidaasi ayaana
aakhirkii waxa ay keentay in dad tahriibayaal ah oo fara
badan oo u gudbi lahaa waddammada Carbeed ay halkaasi
noloshooda ka dabaraan”. Waxa uu sheegay in ay
sameeyeen xiriir dhinaca Dabaasha ah oo hoos yimaada
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in
sababaha ay u sameeyeen xiriirkaasi ay tahay
dhallinyarada SOomaaliyeed ay u baran lahaayeen dabaasha,
si haddii ay ka fursan waayaan in ay tahriibaan ay isu
bad-baadiyaan

Amin Yuusu Khasaaro
wareysanaya abuu xamza
C/raxmaan Abuu Xamsa oo
ah Guddoomiyaha Guddiga u
dooda xuquuqda
Qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida oo aan ka wareysannay
dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka tahriibayaasha ah
ayaa waxa uu noo sheegay in dadka tahriibayaashu ay u
qeybsan yihiin saddex nooc, kuwo heysta xoogaa lacag ah
oo u tahriiba waddammada Yurub, si ay u helaan nolol ka
duwan tii ay ku heyseen Soomaaliya, kuwo kale ayaa
iyaguna ah kuwo u tahriiba waddammada Carbeed, gaar
ahaan waddanka Yemen, kuwaasoo uu xusay in ay yihiin
kuwa ugu badan ee la kulma dhibaatooyinka ugu culus ee
ay la kulmaan tahriibayaashu, wuxuuna xusay in looga
hortagi karo arrimahani iyadoo goobaha ay ka baxaan
dadka tahriibayaasha ah laga sameeyo wacyigelin, isla
markaana Maamulka halkaasi ka taliya uu soo saaro
go’aanno lagu mamnuucayo ku tahriibidda Badaha, waxaa
kale oo uu intaa ku daray in looga hortagi karo in la
ciqaabo dadka Doonyaha dadka ku daabula.
Waxaan weydiinnay in
dadka daabula tahriibayaasha, kana qaata xoogaa lacag ah
bal in ay mudan yihiin in sharciga la hor keeno iyo in
kale?, waxa uu ku jawaabay “Haa, way mudan yihiin in
sharciga la hor keeno, waayo waxay ku xadgudbeen naf qof
beni’aadam leeyahay”.

Amiin Yuusuf Khasaaro oo
wareysanaya Hinda
Hinda Axmed Faarax oo
ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Ururka SSWC oo aan
kula kulannay xafiiskeeda ayaan wax ka weydiinnay sida
ugu habboon ee looga hortagi karo dadka tahriibayaasha
ah, waxayna tiri “Haddii uu iskaashi dhex maro
maamullada oo ay go’aansadaan in la oojiyo tahriibka,
dadka tahriibayaashu way hakan karaan, naftoodana waa ay
bad-baadi kartaa”, waxaana ay xustay in mar ay ahaataba
sharciga la hor keeni doono dadkii ka dambeeyey in
shacabka Soomaaliyeed ay ku daadiyaan Badaha

Eng. Siidoow Xasan
Mahdi
Eng. Siidoow Xasan
Mahdi oo ah Guddoomiyaha Xuquuqda Aadanahe ee Wanlaweyn
Human Rights ayaa isna carrabka ku dhuftay in ururkoodu
ay sameeyeen wacyigelin fara badan oo ay dhallinyarada
Soomaaliyeed uga digayaan dhibaatada tahriibka, waxaana
uu u soo jeediyey maamulka Puntland in ay gacan ka
geystaan sidii looga hortagi lahaa dadka tahriibka ah.
Maryan
Xuseen Owreeye oo ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil
Jimcaale Cosoble ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyana xustay
in xaruntoodu soo saartay baaqyo fara badan oo lagu
cambaareynayo dadka tahriibayaasha ah, waxaa kale oo ay
sheegtay in xaruntoodu ay ururisay tacaddiyadii ka
dhacay Badaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, iyo
weliba badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana
ay caddeysay in ay dhowr jeer qoraallo u gudbiyeen
maamulka Puntland oo ay kaga codsanayaan in ay ka hor
tagaan sidii loo joojin lahaa dadka tahriibayaasha ah.
HAYBAD WAXAAD KU
LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO
HANTIYEY MACAAN WAA
MIDAAN HOOY LAGAA ORANAYN!!
W/D Amiin yuusuf
Khasaaro
Ama
amiinkhasaaro@yahoo.com
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|