Fadeexaddii Sanadka
2004 iyo Qarniga (Samsam Yarey)
Maamulka Hargaysa oo aan kala hadhin oo
dhirbaaxo iskala daalay kaddib markii ay ku jaahwareereen arinta Samsam
Yarey. Dhirbaaxadu maaha ta maskaxdaada kusoo degdegaysa ee waa mid ka
dhalatay sida waji gabaxa leh ee hadaladooda iyo qoraaladoodu isu
burinayaan. Ugu horayn maamulku wuxuu ka ilka buuxsadey oo cantuugo wayn
goostay dadkii u ololayn jiray Xuquuqda Aadana kuwaas oo aasaas u ahaa
Qaddiyada Gooni goosadka. Sida laga dheehan karey halhaysyadooda ku
aadan godobaha iyo gardarooyinka ay ka tirsanayeen walaalahooda
Koonfureed malaa waxaa suurto galba noqon lahayd in qaddiyadda xuquuqul
isnaanku ay aasaas u noqon karto Gooni u duruga Reer Hargaysa (S/Land).
Waxaa la buunbuunin jiray Xabaalo cidda lagu xasuuqay aanay caddayn kuwa
ay yihiin oo noqon kara dadkii rayidka ahaa askartu laysay ama kuwii
rayidka ahaa (Qaxoontiyadii) ee ay SNM-tu xasuuqday.
"Hadaanu
hadalana waa af salax ku dhagayagii, haddaanu aamusnana waxdanbe
oo aanu gabaad ka dhigano heli mayno"
Saxaafada 'Xorta ah'
|
Hadday sidaas ahayd oo gacmaha la is
haystay arintuna ku salaysnayd xuquuq maqan oo la raadinayo iyo dulmi
hore oo la hibanayo ayay bilaabatey Mucjisadii Samsam yarey. Qoladii
Xuquuqda waxay ku noqotay laba kala daran kala dooro, waxaa sidaas oo
kale iyana jaah wareeray oo meelay ka baxaaan garan waayey qoladii
Saxaafadda "Xorta ah" ee BBC-du ugu mudnayd. Arintoodu waxay noqotay
Hadaanu hadalana waa af salax ku dhagayagii, haddaanu aamusnana waxdanbe
oo aanu gabaad ka dhigano heli mayno. Arini hadday halkaa maraysay waxaa
is tiilay (iyagoo ku mahadsan) qoladii Xuquuqda aadanaha oo si taxadar
leh ku soo dhex galay arintii. Aad ayay u mahadsan yihiin mar haddayba
ku dhiiradeen inay soo bandhigaan wax liddi ku ah qaddiyadii muddada
badan loo ololaynayey iyo halku dhigii dhalanteedka ahaa ee "Som/Land
Waa Guri Nabadeed iyo Xoriyad".
Qaybihii kale ee Bulshadu faryaro bidix
ayay ka baxeen waxaana waayo danbe la is waydiin doonaa ama ay aad u
xuuraami doonaan qolada Samsam Yarey buugga ka qori doonta meesha ay ku
danbeeyeen Isimadii (ceeb: Jiif Caaqil kii reerka ayaaba dhexfadhiya),
ardadii, Aqoon yahankii, Haweenkii, Fanaaniintii, Qaad walayaashii iyo
intii la midka ahayd. Bal Hargaysa soo eeg: Waxaad arkaysaa iyadoo ay
basaska iyo tagaasida ku dhajisan yihiin sawirro waawayn oo ah nimankii
loo haystay inay dileen gabadh Keenyaati ah oo Hay'ad u shaqaynaysay.
Haddii gabadhii reer Keenya sidaas loo maamuusay, dadkii dilkeeda lagu
tuhmayayna sidaas loosoo bandhigay iyadoo waliba hoos kaga qorantahay
ARGAGIXISO, Maxay Samsam Yarey reer Hargaysa uga wayday cid arinteeda
iyo xabaal-nololaynteeda caaalamka u sheegta, si ugu yaraan loogu soo
duceeyo marka laga reebo Qolada Xuquuqda aadanaha oo marar badan ku
mahadsan arintan siday u maamuleen wallow aanu saluugsanahay inaanay
gaadhin heer lagu dhajiyo basaska iyo tagaasida ama derbiyadda
danbiilayaashii ARGAGIXIYAY Samsam iyo inta la midka ah.
Is Dhirbaaxid aan lagu
Talogalin
Maxamed
Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta
gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir
iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha... Dhakhtarka
waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma
ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa
abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waa waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad
Oct 22,
2004
"Dabcan,
kolley xukuumad ahaan waan iska arki doonaa, waxaa lagayaabaa
xukuumad ahaan in aaan inan yar u xidhnaan, oo arrinka la soo
afjaari doonaa.." Axmed Yuusuf Yaasiin
Dec
19, 2004
"Dee
17 jirna Maxkamadu maalintii dhowayd way sheegtay, dowlada dad
ka mid ihina in badan waxay ku doodayeen gabadhani tahay gabadh
wayn oo dhowr iyo labaatan jir ah oo lana qabo, oo caruurna
dhashay, markaa dowlada lafteedii ayaa kolba wax sheegaysa,
Amnesty International waxay tidhi inanta card-keeda ay
haysato waxa ku qoran 16-jir, laakiinse inantani ama waa 16-jir
ama 17-jir waad arkaysaa in ay ilmo yar tahay." Raaqiya Oomaar
Dec 21, 2004
"boqolaalbaa
xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."...
Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka...
Guji...
"Dee
horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka
Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u
buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka
jawaabto..." Raaqiya Oomaar...
Guji...
|
Aan u gudbo sida maamulka Hargaysa isu
dhabananiyay (dharbaaxay) iyagoon aan filayn:
Madaxwayne K/xigeenku wuxuu dharbaaxo
la beegsaday Taliyihiisa Booliska isagoo dheegay inay gabadhu tahay inan
yar, waxaa kaloo taliyaha halgaado cul culus ku dhuftay Maxkamadda
Hargaysa oo gabadha da'deeda ku sheegtay 17, waxaa sidoo kale odayga
Boliiska sii tumaatiyay warqadaha Caafimaadka oo da'da gabadha ku
sheegay in ka yar tii odaygu aduunka ku buufiyay.
Waxaa iyaga laftoodu dharbaaxo iskala
daalay labada warqadood ee Caafimaadka laftooda oo midi gabadha da'deeda
ku sheegtay 17 (Warqadda Cusbitaalka) halka tan kale ay soo qoratay 18
sano (Warqadda wasaaradda Caafimaadka). Waxaa kale oo si lama filaan ah
isu jeex jeexday warqaddii Cusbitaalka taas oo sheegtay in gabadhu aanay
(single) ahayn iyadoo isla markaana buuxin kari wayday xaaladdaha kale
ee ay ku sugnaan karto haddii aanay gabadh ahayn sida:
Waa la furay
Waa la qabaa
Waa laga dhintay
Warqaddu iyadoo goobaabatay (xariiqatay)
meeshay u hamuun qabtay oo ah inaan GABADHU "gabadh ahayn" haddana
dhakhtarku waa xariiqin kari waayay saddexdaas xaaladdood midkay tahay
mar haddaanay GABADHU "gabadh ahayn" waa siday hadalka u dhigeene.
Yaab kale! Haddaynu ka dhigno in
qodobkaas sare uu sidaas sax ku yahay bal u fiirsada kan kale:
Laguma Arag wax Calaamad ah Xaga
Saxaaxa: Haa___ Maya____Odayadu (dhakhaatiirtu) waxay
goobaabteen Maya. Waa hagaage sidee laba diidmo isu qaadan karaan. Ma
waxay ka wadaan maya ee waa lagu arkay
calaamad, oo hadday sidaas tahay sow macnuhu noqon maayo waa la
faraxumeeyay?
Waxaa kaloo dharbaaxadu ku dhacday odayga
Axmed Yuusuf ah kaddib markuu sheegtay in laba dhakhtar baadheen
gabadha iyadoo sida ka muuqata warqadda Cusbitaalka uu ku saxeexan yahay
hal dhakhtar oo kaliya. Waxaa kaloo warqaddu caddaysay inaan wax
shaybaar ah gabadha la marsiin wax raad mani (shahwo) ahna aan la doon
dooninba. Baadhitaanku wuxuu ahaa mid duleed (Physical)
waxaana cad in aan lagu kaaftoomi Karin kiiska sidan u baaxada wayn ee
caalamiga ah baadhitaan duleed ay sameeyeen dhakhaatiir aan
madaxbanaanayn oo waxyaabo badan xeerinaya. Taasi waxay dharbaaxo mug
wayn ku tahay guud ahaanba kiiska oo u muuqda inaan laga baaraan dagin
labada baadhitaan ee arintu cuskan tahay. Ku celcelinta baadhitaanada
isku midka ah (Physical) ee labada hay'adood ee is hoostaga (isku
midka ah) ay kala sameeyeen lafteedu waxay caddeynaysaa sida masalada
loogu jaahwareeray.
Dhakhaatiirta Cusbitaalku waxay sheegeen inaan la
"arag dhaawac kale". kelmadda "kale" waxay muujinaysaa in horay wuxuun dhaawac ah
loo soo arkay. Mana ay caddayn dhaawac ay horay usoo arkeen, markay
iyagu sidaas isu burinayaan ayaa haddana waxaa usii dhameeyay warqaddii
kale oo sheegtay in la arkay dhaawac lugaha ku yaala iyo xagtimo kale.
Xaggee Salaaddu iska qaban la'dahay??
Waxaa ragga qaarkiis ee Somalitalk.com
doonaya inay dhaleecayn aan sal lahayn usoo jeedinayaa aan xusuusin
lahaa in ay shabakaddu asturtay oo qiimaysay sharafta Gabadha Yar ee
Cawradeeda laga sheekaynayo laakiin haddaanay khad marin lahayn
go'aanka ay dhakhaatiirtu gaadheen waxaan ku kalsoonahay inaan
fadeexado kale iyo dharbaaxayn kale soo bixi lahaa go'aan kooda,
laakiin Nasiib wanaag Somalitalk.com iyadoo xeerinaysa sharafta Samsam
Yarey ayay khad mariyeen halkaasna waxaa si dadban ku asturmay ceebo
kale oo laga dheehan lahaa go'aamadda is burinaya ee nimanka
baadhitaan kusheega sameeyay. Haddii ay ciyaar feedhtan ahaan lahayd
waxaan odhan lahayn-They were saved by the Somalitalk bell.
Haddii kale knockout blow ayaa ku dhici lahayd.
Madaxwayne K/xigeenku markale ayuu shan
farood iyo calaacal isku hubsaday isagoo markii hore sheegay inaan
gabadhu isaga u xidhnayn ee qaranka u xidhan tahay. Malaa isagoo wali
aan neefsanba ayuu ku xejiyay hadal macnihiisu yahay inay u yimaadeen
wakhtiyo badan oday-dhaqameedyo iyo qaar ka mid ah madaxda qaranka iyo
dad kale. Su'aashu waxay tahay haddaanay isaga u xidhnayn maxaa lagaga
soo noqnoqonayey oo laga baryayey. Ma arin qaranku leeyahay ayaa sidaas
loogu dhib mudan karaa iyadoo daacad laga yahay??
Reer Hargaysa Iyo Saxaafadda
oo la Amaanay
Odaygu wuxuu amaan usoo jeediyay
Saxaafadda iyo Dadwaynaha Reer Soomaalilaan sidii ay uga qaybqaateen
cabudhinta iyo bahdilka Samsam yarey oo muddo dhawr bilood ah ku
silcaysay dhexdooda. Amaan bay mutaysteen, waana amaanan yihiin, laakiin
Hargaysa ma latartami doontaa magaalooyinka kale ee dalka sida Boosaaso
oo ku sifowday hooyadda Ummadda Soomaaliyeed burburka kaddib iyo
minbarka inta aan mibarka lahayn. Ilama aha inay tartami karaan,
taariikhdaana qori doonta.
Hadalo isku mid ah
Guntii iyo gabagabadii waxaa isku mid ah
dhamaan haddalada kasoo yeedhaya madaxdan ceebowday ee iyagu sida lama
filaanka ah isu duqaynaya. Midnimadaasi ma aha mid xagga nuxurka
aragtida ah ee waa midnimo xagga daalaadhacaynta iyo cabudhinta runta ku
qotonta. Laba oday (A. Y. Yaasiin iyo Casoowe ) waxay ishaareen in
faraxumaynta loo gaystay Samsam Yarey uu sharafteeda wax u dhimayo,
sababina doono in gabdho kale la faraxumeeyo.
Samsam Yarey Wali Waa
Gashaanti
Hadalkaasi xaqiiqda iyo runta uma dhawa,
waana ka fogyahay,waxayna aaminsan tahay inta damiirka lihi in Samsam ay
wali baaqi ku tahay sharafteedii gabadhnimo iyo dhawrsanaantii diimeed,
xijaabkii iyo asturkii, haba loo gafo oo hala silciyee waxay mudan tahay
wixii gabadh soomaaliyeed mudnayd oo dhan.
Waxaa kaloo hadal la iska yidhi ah
markuu ku andacoonayey Casoowe (Wasiirka Caddaaladda S/L) in arinta
Amnesty ay shaacinayso ee ah Kufsiga Samsam Yarey inay halis galin
doonto gabdho kale oo ay suurto gal tahay in la kufsado. Taas waxaan
filayaa in inta waxgaradka ahi aanay marna suuraysanayn in gabadh kale
oo Soomaliyeed loola dhaqmo sida loola dhaqmay Samsam Yarey, gaar ahaan
reer Boosaaso hadalka loo dusinayo kama suurowdo in ay yeelaan siday u
fashilmeen reer Hargaysa.
Reer Boosaaso way ka digtoonaan doonaan
fadeexaddaha loogu yeedhayo ee loo ishaarayo kamana suurowdo inuu ku
habsado ilduufka halakeeyay Hargaysa iyo Damasheeda iyo Buuraheeda
quruxda badan.
Hargaysa Waan Jecelahay
Hargaysa Ceeb maleh waana magaalo
qurux badan oo Soomaaliyeed oo aanu jecelahay waxaase ceeb la hoos jooga
kuwa ay hoyga u tahay ee mar ku dhex gubay Calankeedii Buluuga ahaa, mar
warqad kasocota dhanka Hargaysa u diray Tal aviv, mar ka dhextaagay
callaamadda nacaybka iyo Cunsuriyadda (Diyaadda xune sida sanamka ka
dhex malookaysan) iyo waliba Faraxumaynta hablaha asturan ee
muxajabaadka amase dhiibista dadka Soomaliyeed loo dhiibayo Cadowgooda
foosha xun. Hargaysaay anagaa xaal kusiinaye'. Xaal qaado.
Diridhaba Iyo Raggiisa
Waxaa isaguna si lama filaan ah isu
hala keeyay Saaxiibkeen Diridhaba oo sidaan arkay qaddiyadda S/land meel
halis ah kaga taallo. Diridhabe wuxuu si xaqiiq oo kalsooniyi ku dheehan
tahay markii hore uga faalooday jowrka iyo
dulmiga lagula kacay Samsam Yarey isagoo soo daliishaday tusaale guul daro xanbaarsan laftiisa ku
habsadey. Diridhaba isagoo Samsam la da' ah ama dhalaanciil ka wayn oo
goob waxbarasho ka yimid ayaa siduu inoo sheegay la iska xidhay muddona
uu u isaga xidhnaa kuwa Samsam helay oo kale. Kadibna waxaa la saaray
maxkamad uu Garsoore ka yahay nin wasiir ah. Saaxiibkeen isagoo arintaas
isaga ku dhacday dareensan oo og ayuu muddo badan inaga dhaadhicin jiray
inay S/land tahay guri nabad, barwaaqo iyo caddaalad. Si kastaba ha
ahaatee Diridhaba wuxuu si lama filaan ay isu dhirbaaxay markuu
ka
codsadey kuwuu Samsam danbiga ka galay ee iska xukuntay inay saamaxaan.
Kawarama haddaynu Saaxiibkeen Diridhaba su'aal waydiino oo ah haddii laga
baryi lahaa wasiirkii xukumay isaga laftiisa inuu Cafis u fidiyo ma
aqbali lahaa cafiskaas? Goormaa Cafis la dalbaa yaase laga dalbaa?
Diridhaba waligiisba intuu maqaaladiisa inoogu waramayey
hal mar ayuu
xaqiiqda dhabta ah ee Hargaysa inooga waramay, waxaana markasta ka xoog
badin jirtay jibadda meesha halista ah gaadhey ee uu u hayo S/land.
Markaa waxaan saaxiibkeen kula talin lahaa inuu qalinka ku toosiyo kuwa
dantu kala dhaxayso isla markaana uu ilaashado sharaftiisa qoraanimo.
Waxaa isna jaah wareeray Axmed Siciid Cige oo la odhan karo marka uu
akhrinayo wararka uu kasoo diro Hargaysa wuuba ilmaynayaa Jibbo darteed.
Laakiin arinta Samsam waxay aad u muujisay jibaddiisa iyo waliba
xagjirnimadiisa. Waxaan daawaday xaflad Oktoobar oo uu xidhiidhiye ka
yahay isaga iyo wariyayaal kale. Runtii waxaad mooddaa in laba jeer la
abuuray Axmed-ka BBC da iyo Axmed keenii hore. Axmedoow is daba qabo
Saaxiib, Catooshba is daba qabaye.
Mahadnaq
Waxaa mahadsan intii Samsam Yarey u
damqatay iyo SAXAAFADDA sidda dhabta ah u xoraysan. Sida Somalitalk.com,
Aminarts.com, Somalilando.org, Puntlandpost.com, Radiolaascaanood.com
iyo inta la midka ah. Waxaa kaloo mahad balaadhan mutaystay Ururada
Rayidka ah ee Reer Haygaysa, Amnesty International, Africa Rights (Gaar
ahaan Raaqiya Oomaar) iyo Qareenadii Samsam darteed xoriyadooda ku
waayay. Waxaa kaloo mudan in la xuso ragga ka tirsan golayaasha S/land
ee is xilqaamay sida Gubadle iyo inta la midka ah iyo waliba ragga xogta
dhabta ah kasoo dira Hargaysa, sidda caddaymaha biyo kama dhibcaanka ah.
Waxaan mahad celintaas dirayaa anigoo
ku hadlaya magaca inta gobta ah ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
(F.g waxaan gob u aqaanaa inta aan isu dhiibin cadowga Soomaaliyeed ee
Xabashida inta kalena waxaan u aqaanaa Gun).
Abdi Sheikh Osman
alamagan5050@hotmail.com