SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


  12/15/2004 

KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND MUDANE DAAHIR RIYAALE KAAHIN 

KU: MADAXWEYNE XIGEENKA SOMALILAND MUDANE AXMED YUUSUF YAASIIN 

               Ujeedo: Xukunka Shanto Sanno ee  Maxkamadda gobolka Hargeisa kuna wajahan SamSam Axmed Ducaale  

Mudanayaal Madaxweyne/Madaxweyne Xigeen 

Ka dib Muddo aad u dheer oo Kiiska gabadha yare e magaceeda la yidhaahdo Sam-Sam Axmed Ducaale uu ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaa maanta oo bisha December ku beegantahay 15  la soo afjaray Kiiskaasi waxaanay Maxkamadda Gobolka Hargeysa  sidaad la socotaan Gabadhaasi Yar ee aan magaceeda kor ku xusay ku xukuntay Shan Sannadood oo xadhig ah. 

Hadaba Mudanayaal Idinka oo xeerinaya sharafta iyo qaranimada iyo cisiga dhulkeena hooyo Ee Somaliland, Idinka oo xeerinaya sharafta iyo cisiga hogaankiina, idinka oo xeerinaya sharafta iyo cisiga Shacabka Somaliland, idinka oo xeerinaya cadawga inagu geedaaman ee arrintani ka dhiganaya Waadan Siyaasadeed oo la inagu weerari karo, Idinka oo xeerinaya hadalada ku tidhi ku teenka ah ee beesha caalamka iyo ururada xuquuqda Aadamaha u dooda la inaga gaadhsiinayo. 

Waxaan Mudane Madaxweyne/Madaxweyne Ku xigeen Si Naxariis ku jirto Idiinka codsanaya inaad Gabadhaasi Yar ee magaceeda ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku sheegtay Sam-Sam Axmed Ducaale aad usoo celisaan xorriyadeedeedii  maadama oo dastuurku  dhigayo: 

Qodobka 90-aad ee dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland qeexaysana awoodaha Madaxweynaha  Farqadiisa 5-aad waxaa uu dhigaya sidani 

1. Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay'adaha ku shaqada leh. 

Waxaa sida dastuurka qodobka 90-naad Faqradiisa 5-naad ku dhigan uu Madaxweynahu Awood u leeyahay inuu Saamaxad u fidin Karo Kiiskani lagu soo oogay Sam-Sam Axmed Ducaale ee loogu xukumay 5 Sanno ee xadhiga ah. 

Sidoo kale Qodobka 91-aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaysa Awoodaha Madaxweyne Ku xigeenka Faqradiisa 2-aad waxay u dhigantahay sida tani 

2. Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado. 

Waxaa halkaasi kaaga cad maadama oo uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Yahay qofka ku magacaaban eedaynta Sam-Sam Axmed Ducaale gabadhaasi lagu xukumay shanto Sanno ee xadhiga ah Maadama Maxkamaddu siday sheegtay ku heshay danbiyadii lagu soo eedeeyey,  wuxuu madaxweyne xigeenku ka dib la tashi uu la sameeyo Madaxweynaha awood u leeyahay inuu ku garab istaago Madaxweynaha cafis la siiyo gabadhaasi yar. 

Waxaan Markale Mudanayaal  Madaxweyne/Madaxweyne ku Xigeen Aan si naxariisleh idiinka codsanaya idinka oo eegaya shareecada islaamka, xuquuqda Aadamaha iyo Da’da gabadhani yar inaad usoo celisaan Xoriyadeedii Cafis Qaranna aad u fidisaan. 

Waxaan Ilaahay hortii idiinka fadhiya inaad iga aqbashaan codsigani oo ah mid aan saxaafadda idiin soo marinayo Maadama oo aanay jirin wax xidhiidh toos ah oo inaga dhexeeya. 

ALLA MAHAD LEH 

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO.

KA: MAXAMED CABDI XASAN (DIRIDHABA)

MUWAADIN REER SOMALILAND AH KUNA NOOL MAGAALADA KARACHI EE WADDANKA PAKISTAN.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD