SIYAAD BARRE MADAXWAYNE LAGA RAYSTAY OO LAGA ROOB RAACAY!
Marxuum Maxamed Siyaad Barre |
Idil Said Yamen
sucaad03@hotmail.com
July 12, 2005
Xalaan dhadhaboon riyooday dhawaaq murugaan maqlaayey. Markii aan calanka
dhidibnay ma sodon guuraynu dhaafnay? Halkii dheef laga filaayey miyaan
dharababa ka waynay? Ma juun baan dhaga bar jowley? Ma luulyaan dhaxal ka
waynay? Dhibaha nahayaaa jarwaynaa!
Raggii gobonimada dhaliyey miyaa dhulka lagu xumeeyey? Dharaar xabsi loo
taxaabay tijaartii miyaa dhab loo xiray? Aqoonyahan miyey dhibaayaan ma
culimaan dhimana noolayn? Ma dhiilo col baa baxaysa? Ma dhiigii dadkaa
qulqulaya? Dhurwaayo miyaa cabaaya?
Dhamaan reer waqooyi aaway maxaa odayadii ka dhirifshay? Haweenkii maxaa
dhameeyey? Maxaa dhalinyaradii laayey? Dhalaankii maxaan u waynay? Aheey way
maxaa dhan walba u bas beeshay guryihiin aan wada dhisanay?
Ninkii dhigay calan baluugleh ( Siyaad Barre) issagoon xidigteeda dhowrin
laf dhabartii kama xishoone ma dhaafine asagii ma dheelmay?
Markii ergaygeenu dhoofayee dhawaaqeenuna dhageeyey xoriyo loo dhanyahay
dalbaayey ayaantii ninkii la dhaafshay halyeeygii dhaftiisa dhiibayee
duriinka dhibaatadiisa bilaha dhinaca ulayaalay ninkii dhimasho u bareeray
miyaa xabsi dhagaxa jiifa?
Markii dhaqdhaqaaq xoriyadeed dhulkeena laga bilaabay ninkii dhagaxayeey ugu
horeeyee gumaystihii dhacay ku tuuray ( dhagax tuur) ninkii dhaawacu ku
gaaray dhiigiisu qoday ciida dhiirane ma ifkay ka qariyeen?
Heestu way dheerayd waxayse Saado kusoo gabagabaysay: Barbaartii hadii la
dhibayoo wayeelkii la dhaafi waayey sheekadu dhago la qabto malahee
dhankeebaan u ciirsanaa.
Waxaan heestaan ugu bilowday doodayda oo aan daba socdaa qoraalkii Fahad
Yaasiin ee ahaa MAXAMED SIYAAD BARRE: MADAXWEYNE LATABAY. Inkastoo
soomaalidu ku maah maahdo dawlad xun baa dawlad la’aan dhaanta, hadana waa
ii Fahad cid ku doodaysa Siyaad Barre loo darsay. Nin aan riwaayad ka
daawadayna waxuu yiri “ Waa lays bartay oo la iskuma saqajaamo” oo uu ula
jeeday la iskuma xoog sheegtee hada waa la is dilaa intii qof kaliya la
dililahaa.
Siyaad Barre in laga raystay horta soomaaliyi waa iskaga markhaanti, Fahadna
soomaali danbi ayuu ka galay. Waadiga intaa oo qodobo ah soo taxaye ma
ilowday inuu Siyaad Barre ka mas’uulyahay waxa maanta soomaali kala haysta?
Oo laga hayo Barigii jamhaduhu ku kacsanaayeen “dal waa la iigu imaan
laakiin dad la iigu imaan mayo oo dad heshiisaba ka tagi mayo” Ma ilowday in
gobol uu Siyaad Barre weeraro ay ugu hereeyeen gobolada dhexe ama loo yaqaan
waqooyi bari from 1978-87 oo uu yiri “ Nagahooda iyo xoolahooduba waa idiin
xalaal” intuu ku dalbaday ciidamadiisii nooc walbaba iskugu jiray.
Ma ilowday mise waad iska indho saabaysaa tii lagu dhigay gobolada waqooyi
galbeed oo sidii cadow la jabinayo lagu rusheeyey diyaaradhaha qumaatiga u
kaca iyo kuwa dagaalkaba? Adna aad hada ilaaqda u haysato! Ma xasuusnid
miyaa wadaadadii 1972 la toogtay kadib markay is hortaageen waxii uu ugu
yeeray Siyaad Barre raga iyo dumarku way simanyihiin? Musuq maasuqii ka
jiray wadanka iyo waxii xaqdaro la ku hayey bulshada rayidka ahayd xagee
Alle kaa mariyey? Bal miraha kor ku xusan dhadhanso. Sideedaba bini’aadamka
meelna uma roona. Markii Siyaad Barre haystay sidii lo ogaa yaa loo
qaylinayey hadana dad baa u barooranaya. Allow adaa wayn. Hashu maankayga
gadaye ma miishaanrbay liqday?
Laba siyoodba looguma darsan Siyaad Barre.1. horta xabadu awalba way iska
dhacaysay ciday doontaba haku dhacdee oo xabad ku diin ma ahin. 2.
Soomaaliya hada kala danbayntii uun baa ka maqan mooyaane wax badana haday
ka horaysaa waagii Siyaad Barre haystay. Waxaa taa kuugu daliila Soomaaliya
ka gees ka gees way casriyowday. Magaalooyin tuulooyin ahaan jiray yaa hada
caasimado loo maleeyaa. Ganacsi free ah yaa ka socda meel walba. Wax aduun
waynaha laga helo oo aan maanta Soomaaliya laga helin ma jiraan. Wax alle
iyo waxii soo kordha oo casriyah bilo kadib Soomaaliya waad ugu tagaysaa.
Taa waxaa keenay xoriyada dadku ay heleen.
Barigii Siyaad Barrena waxaa igu maqaalaa in qofkii guri dhista ( meelaha
markaas diiradu saarnayd) in lagala wareegi jiray. Oo la odhanjiray xagee
xoolahaan ka keentay? Way jiraan dad faqiir ah dee awalbana abaaruhu dadka
way layn jireen dadka faqiirkaana malaha markaasayba badnaayeen Siyaad
Barrena cid uu wax ka gooyo mooyee cid uu wax siin jiray ma jirin. Siyaad
Barre inuu umada afka cagta kaga hayey oo Illaah ka qabtay heesta sare yaa
sheegtay oo ay fanaanintu yiraahdeen “Dhankeebaan u ciirsanaa” Kolay Waxuu
galabsaday Illaahiis yuu la hor joogaa. Naf walbana waxay gashay inuu ka
jarayo asagaa balanqaaday.
Taasi waa tii Siyaad Barre. Hadii aan u soo laabto tan Candulahi Yuusuf,
dadku waxaa la yiri dadan iyo daalacan yey kala dhasheen. Adiga Fahad ah iyo
Cabdiwaaxid ninka layiraahdo mar walba waxaan qoraaladiina ku arkaa
”Cabdulahi Yuusuf” mar waxaan is iri ragu waa wadaado oo halkaa ayey kala
dagaalsanyihiin Cabdulahi madaama xurguf siyaasadeed u dhaxayso wadaada iyo
Cabdulahi. Inaanse arintu saa ahayn waxay ii cadaatay markii Cabdiwaxid
qoraaladiisu bateen oo pont yeelan waayeen. Adna waxay ii cadaatay markaad
tiri: ”13. qoladii aad Wadaad-xume u bixisay waxay maanta kamid yihiin
awoodaha dalka ka jira, ganacsiga ugu badan iyagaa leh, dhaqan-ahaanna
dadkii iyaga ayuuba raacay, oo ilaa baadiyihii ayey saameeyeen”.
Waxaase ila cajaa’ibah waxa Itoopia iyo Erateria kuugu kala fiicanyihiin
hadii aan meesha wax kale ku jirin. Waxaa kaloo ila yaabah waxa afka idiinku
tiray ” Cabdulahi” Indhahiinan tusi waayey yaleyda Xamar umada 15-ka sano ku
dooxaysa oo dariiq walba ka xirtay qofkii soo marana kala haraya waxa uu
wato. Xagjirnimo ayaa iiga kiin muuqata
Tii Siyaad Barre hadaan usoo laabto Fahadow dadka qaraska haku kicin oo boog
buskootay ha damqin. Dad waxaa jooga uu Siyaad Barre ka dilay walaal,
waalid, saygoodii iyo dhalaankoodii.
Waxaan sheeko markii la ii sheegay aan aad igu qoslay ahayd. Islaan ayaa
bari baryaha ku jiray oo magaalo magaalooyinkeeda ku jirta la rusheeyey laga
dilay odageedii, wiilkeedii walaalkeed iyo waliba qaraabadeed badan. Markii
odagii reerka u shaqaynayey la dilay ayey islaantii ku fakartay dukaan furo
si aad agoonta waxaad ku korsato kaaga soo baxaan.
Markii ay soo qaadanaysay shatigii ay dukaanka ku furanlahayd ayaa waxaa la
soo siiyay sawir ah kuwa darbiyada lagu dhajiyo oo madaxwaynaha ah.
Islaantii inta yaabtay yay tiri oo see u galaa? Waa loo sharaxoo la yiri
dukaan walba waa in la suro madaxwaynaha sawirkiisa. Dukaankii laga waayo
qofkaleh waxuu mutaysanayaa xarig iyo ganaax. Islaantii waxay liqiwayday
ninkii ku gablamiyey sawirkiisu haku dul surnaado oo maalin walba hakusoo
hor fadhiyo. Jarbay dagtay. Sawirkii way soo qaadatay. Waxay dhigtay meel
miiska hoostiisaa. Markii kuwa canshuurta aruuriya u yimaadaan ayaa la
yiraahdaa dukaanka waxbaa ka maqan. Intay lasoo boodo ayey tiraahdaa haa
sawirkii madaxwaynaha miyaad maandhe sheegaysaa intay meeshii ay ku ogayd ka
haabato yey tiraahdaa boor iyo bus fuushay yaan ka jafayaye hadaan surayaa.
Markay dhaqaaqaana halkiisii yey ku celisaa.
Inta aad Fahadow qodobo soo taxday oo aad tiri Siyaad Barraan u sheegay
meelaad kula kulantay mooyiye kuma arag “ Bulshadii ku jeclayd madaxwayne
yaa kuu barooranaysa oo rabta inaad usoo noqoto” Hell no! Waxaad u
danleedahay ma garan waxaana jeclaan lahaa inaan noosoo bandhigto u jeedada
aad leedahay. Bini’aadan baatahoo mar way kaa sambariiraxan kartaa kolayse
uma bogin wixii aan akhriyey.
Idil Said Yamen
sucaad03@hotmail.com
|