SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE,DIFAACII XUKUUMADA, IYO RIYAAQA XISBIGA KULMIYE.


Aadan y. Qodax    

FAALLADII: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

HARGEYSA SOMALILAND
May 30, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


 

Erayga maaamuus ka xayuubin ayaa ahaa mid todabaadkii u danbeeyey si weyn uga muuqdey saaxad saxaafada somaliland, waxaanu eraygaasi ahaa mid ay si weyn uga cadhoodeen xukuumada talada haysa iyo inta ka agdhaw ama taageerayaasha xisbiga Udub. Marka hadaba aynu eegno golaha wakiilada oo wakhtigoodu sii dhamaaneyo ayaa ahaa qaar aan marnaba laga eegeyn in ay maamuus ka xayuubin la beegsandaan madaxwene Riyaale, waayo waxay ahaayeen ama ay u badnaayeen xisbiga talada haya, waxaana loo arkeyey xisbiga KULMIYE markii uu soo jeediyey maamuus ka xayuubin madaxweyne riyaale ay golaha wakiiladu kusoo oogaan, in xisbiga kulmiye uu dhaamineyo foosto dabala, kol hadiii uu maamuus ka xayuubin usoo jeediyey in ay fuliyaan gole uu gacanta ku hayo madaxweyne Riyaale, taasoo markii ay isku deyeen aqbaleena badiba golaha wakiiladu oo ay maamuus ka xayuubin damceen in ay kusoo oogaan madaxeyne Riyaale taasoo noqotey waxaan la fileyn. Waxaaney taasi keentay in intii mooshinkaasi sooba gaadhin miiska shirgudoonka in ay xukuumadu faro gelin ku sameysey kadibna la fasaxey golaha 45maalmood taasoo shirdudoonku ku tilmaamey fasaxii dastuuriga ahaa ee golaha, balse waxa hubaal ah in ay taasi ahayd qorshe lagaga hortageyey in mooshinkaasi meel maro. markii hadaba gudoomiyaha golaha wakiiladu axmed maxamed qaybe uu kusoo laabtey dalka ayaa xildhibaanadii mooshinka watey ka codsadeen in uu dib u furo fadhiga golaha, waxaana sidaa soo jeediyey 44 mudane oo ah aqlabiyada golaha, taasoo ay jireen dhaqdhaqaaq xoogleh oo ay xukuumadu dooneysey in gudoomiye qaybe aanu shirka furin , balse qaybe inkastoo culeys la saarey hadana waxa uu sheegey in uu isagu go'aanka leeeyahay taasoo u muuqatey in qaybe uu culeyskaasi iska dhago tirayo doonayana in uu golaha furo, balse gudoomiye ku xigeenka golah cabdiqaadir jirde oo kasoo horjeeda mooshinkaasi ayaa tilmaamey in aanu gudoomiyuhu keligi xaq ulahayn in uu golaha furo, waxaan aynu odhankarnaa in caadbiqaadir jirde gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golahu uu noqdey difaac adag oo la mari waayey si loo meel mariyo maamuuska ka xayuubinta riyaale .

Mr jirde oo caadiyan lagu yaqaano siyaasi qunyar socoda waxa uu si ay kolsooni ku jirto kubada uga difaacey in ay shabaga luxdo goolka madaxtooyada. marka hadaba aynu eegno mooshinkan ka dhanka ah madaxweynaha ee ay wadaan badi golah wakiilada oo aynu odhan karno waxa hogaaminiyey gudoomiy qaybe oo ahaa nin ay aad iskugu dhawaayeen madaxweynaha ayaa waxa soo jeediyey markii u horeysey xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye, su'aal ayaa hadaba taal taasoo ah sideebey isku siyaasad u noqdeen axmed siilaanyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo axmed qaybe gudoomiyaha wakiilada oo hore ay uga dhaxeysey xurguf siyaasadeed oo qoto dheer?.

jawaabta su'aashaan waxa loo kala qaadi karaa laba siyood waa ta koowaade in maamuuska xayuubinta golahu wado ee ka dhanka ah madaxweynaha ay tahay mid aan ku iman soo jeedintii kulmiye ee sidiisaba golahu watey iyagoo sida ay sheegeen arkey khiyaamooyin iyo dastuur jabin uu sameeyey madaxwyenahu. taasoo goluhu gudanayo shaqadooda kulmiyana uu sii xoojiyey uun. ta labaad oo ah in arintu tahay isbadalka lagu yaqaano siyaadasada oo shalay haduu qaybe lasafnaa Riyaale uu maanta la shaqeynayo Siilaanyo. Mudanayaashan mooshinka watey oo xukuumadu ku tilmaatey in qaateen laaluush,taaso madaxweyne riyaalana uu tilmaamey 18 may markii uu ka hadlaayey xuskii maalinta gooni isku taaga somaliland in xisbi mucaarad ahi uu golaha ku baayacay mudanahiiba 1500$, balse hadeynu taasi eegno waxa jawaab kulul ka bixiyey gudoomiyaha kulmiye siilaanyo oo beeniyey in ay lacag intaasi leeg aanu xisbiga kulmiye haysan.

Hadiiba hadaba golaha la siiyey lacag xukuumaduna ku tuhuntey kulmiye, waxa jira dareen kale oo ay dadku qabaan kaasoo ah in lacagta golaha la siiyey ay tahay mid ka timi cadow dibada ah, aynu isweydiino cadowgaasi dibada ahi yuu noqon karaa? waxa dadku su'aashaasi kaga jawaabaan in ay tahay dawlada cabdilaahi yuusuf, balse hadii ay jirto goluhuna lacagtaasi qaatey kana timi dibada sida dadka qaar qabaan, taasi ma keeni kartaa khalkhal hadii madaxweynaha maamuuska laga xayuubiyo?. jawaabta su'aashaasi waxay noqonkartaa haa, wey keeni kartaa , marka la eego sida ay wax u wado xukuumadu oo sameysey dhaqdhaqaaq xoogleh oo ay ka mid tahay in golihii la dul dhigo ciidan, oo miyeyna taasi noqoneyn in hadii goluhu arinkaasi meel mariyo in ciidankani uu yahay cabsi galin.

Marka dhinaca kulmiye aynu eegno, shaki kuma jiro in kulmiye iyo taageerayaashiisu ay ku jiraan riyaaq kuna faraxsanyihiin mooshinkan lala beegsadey madaxweyne Riyaale, kuwaasi oo kulmiye iyo taageerayaashiisuba ay aad u jeclaan lahaayeen in mooshinkani meel maro, balse xataa hadii aaney meel marin waxa ay tani xisbiga kulmiye u tahay dhoole tus fiican oo ku sameeyey madaxweynaha, iyagoo tusey awooda ay xataa ku leeyihin golaha wakiilada, oo inkastoo mooshinkan la isku mari laayahay hadana waxay noqoneysaa in la gilgiley cabsi xooglehna lagu beeray xukuumada riyaale, oo golahii wakiilada ee gacanteeda ku jirey hadh cad lagala dhex baxay, taaso sii kordhineysa awooda siyaasadeed ee xisbiga uu hogaamiyo siyaasiga awooda weyn leh ee Axmed maxamed maxamuud siilaanyo, ka sokow dhoole tuska siilaanyo ka sameeyey golaha wakiilada dhexdiisa waxa uu kumanaan iyo kumanaan taageerayaashiisa ah isugu soo saaarey magaalada uu ka soo jeedo ee Burco.

si kastoo ay tahay gudoomiyaha wakiilada oo isagu kasoo jeeda gobolka Sool waxa soo baxaya tibaaxo la leeyahay waxa uu ku maqanyahay cadho, maadama isagoo gudoomiyihii golaha ah la iska hortaagey in uu furo fadhigii golah ee mudanaayasha aqlabiyada ahi ay soo codsadeeen. taasoo ay suuqana ku jirto in uu yeeli doono sidii uu yeelay xaabsade ee uu u baxsadey dhinaca Puntland taaso ay shakigana sii xoojisey markii 29 bishan may ciidanka boolisku kasoo qabteen gaadhigiisii meel u dhow degmada Buuhoodle inkastoo isagu uu sheegey in uu gaadhiga in uu isagu u direy halkaasi.

Guntii iyo gabagabadii faaladeyda waxa la sugaayaa inta uu dhamaaneyo fasaxa gaaban ee loo direy goluhu oo la isweydiinayo waxa mudanayaashii mooshinka watey lasoo noqondoonaan.

W/Q: - Aadan Yuusf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com 
HARGEYSA SOMALILAND
LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2005


"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon". faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD