"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi
saarno mikirifoon".
faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

Aadan y. Qodax |
|
Warbixin: Aadan Yuusuf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com ama
April 24, 2005
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa
Wafdi uu hogaaminayo gudoomihaha xisbiga ucid faysal cali waraabe oo
kusugan magaalada boorame ee gobolka awdal ayaa mar aan saaka kula
xidhiidhay tilifoonka ii sheegay in aanu boorame utagin olole
siyaasadeed oo doorashada baarlamaanka ah balse uu safarkoodu lamid
yahay kii ay kutageen gobolada bariga somaliland.
 
Faysal Cali (UCID) |
Eng. faysal oo
kajawaabayay su,aal aan saaka kuweydiiyay tilifoonka oo ahayd;
su,aal: gudoomiye mawaxaad boorame utagtay olole siyaasadeed oo
dooroshada baarlamaanka ah mise waa safar caadi ah ? ayaa isaga oo
kajawaabaya su,aashayda waxaa uu yidhi faysal cali waraabe "
socdaalkaygu wuxuu lamid yahay kii aan kutagay gobolada bari ujeedaduna
waxay tahay kol hadii aanay jirin idaacad dalka wada gaadha in aanu
baraarujino dadkayaga ,waxaanu doonaynaa bal in aanu eegno waxaa
laqabtay labadii sano ee udanbeeyay " ayuu yidhi faysal cali waraabe
balse isga oo hadalkiisa siiwata kana hadlaaya fagaaraha khayriyada oo
loo diiday in uu kala hadlo dadka reer boorama waxaa uu yidhi "waxaa
lanoodiiday in aanu dadka kala hadalo fagaaraha khayriyada boorama
,xataa waxaa lanoodiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon ee bal waanu
eegi sida ay wax udhacaan"
ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay gudoomiyaha ucid oo saaka markii aan
laxidhiidhay ahayd kahor intii waftigu qaban qaabinayay in ay kahadlaan
fagaaraha khayriyada boorama oo ay maanta dadka reer boorama khudbado uga
jeedin lahaayeen.
Waa markii labaad ee xukuumadu udiido xisbiga UCID in uu kahadlo fagaare
khayriyada ayadoo markii ay booqashada kumarayeen gobolka saaxilna
loodiiday in ay kahadlaan fagaaraha khayriyada ee berbera .
Inkasta oo faysal cali waraabe usheegay
SomaliTalk in aanu wadin olole
hadana waxaa dadwaynuhu u arkaan in uu wado olole uu dadka kusoo
jiidanayo doorashada baarlamaanka ee soosocota ,iyadoo la odhankaro
xisbiga UCID waxaa uu kasbaday taageero intii uu waday booqashada uu
kumaraayay gobolada somaliland ,iyadoo uu horena wafdigu booqasho tan
lamid ah kusoomaray gobolada saaxil, togdheer, sanaag iy sool.
Dhinaca kalena xisbiga ucid waxaa uu kugacansaydhay
maamuuskaxayuubinta madaxweyne rayaale ee uu hore usoo jeediyay xisbga
kale ee mucaaridka ah ee KULMIYE isagoo xisbiga UCID kutilmaamay
maamuskaxayuubinta madaxweyne rayaale mid aan keenayn maslaxaad balse
aan lagaranayn waxaa ay kudanbayn doonto.
Xisbiga KULMIYE ayaa arbacadii ina dhaaftay qoraal dhawr iyo toban
bog ah oo uu ugudbiyay golaha wakiilada kaas oo ay kaga hadleen
inta jeer ee bay yidhaahdeen uu madaxweyne rayaale jabiyay dastuurka
, waxayna KULMIYE dalbadeen in golaha wakiiladu maamuuska
kaxayuubiyaan madaxweyne rayaale , balse wali si rasmi ah golaha
looma horkeenin mooshinka uu kulmiye soo bandhigay.
Dhinaca kalena madaxweynaha somaliland dahir rayaale kaahin ayaa
ugudbiyay golaha wakiilada todobaadkii tagay qoraal uu kudalbanayo in
laga saaro xeerka doorashada kordhinta tirada komishanka dooroshooyinka
oo hore ugu jiray xeerka doorashada ,balse taasi waxaa caqabad lagu hor
istaagaayo kutilmaamay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE axmed maxamed
maxamuud (siilaanyo) .
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland cabdir
xaaji ismaaciil jirde oo fadhigii golaha ee shalay gudoominayay ayaa
isagoo kahadlaaya soojeedinta madaxweynaha ee ah in xeerka laga
saaro kordhinta tirada komishanka dooroshooyinka waxaa uu yidhi
jirde" waxaanu qabnaa in aan hay,adaha qaar cidina gaar usuntayn
waxkabadalkoodu oo aanay jirin mid aanay hay,adaha sharci dajintu wax
kabadali karin, anaguna shirgudoon ahaan waxaanu isku raacnay in aanu
soojeedinta madaxweynaha lahorkeenin golaha wakiilada ee sidaa lagu
laab".
Fadhigii shalay ee golaha wakiilada waxaa goluhu gudi soo baadha
usaaray falkii ciidanka bilaysku kugaleen kuna baadheen xarunta
xisbiga kulmiye 04/april/ 05 .
allaa mahadle
warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com
ama
Email:
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: Somalitalk.com | April 24, 2005
"Madaxweyne rayaale intii
uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga
UCID.
Madaxweyne Rayaale oo
saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta
xukuumada iyo xisbiga kulmiye.
Xisbiga Kulmiye oo
Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu...
Guji... Apr 7
Maxaa
Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne
Rayaale?.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|