SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Masiibo Lagu Macnayn karo Tsunami oo Kadhacday Hargaysa.

Picture048
Sawirada Buundadii Hargeisa ee roobku qaaday ka eeg halkan...
| Sawirka waxaa soo tebiyey Xassan Rashiid

Hargeysa April 25:  Roobabkii ugu awooda weynaa ee abad kada'a hargaysa ayaa bilawday abaaro 4:00 galabnimo ee shalay socdayna ilaa 12:00 habeenimo ee xalay , roobabkan oo ahaa kuwa soomara hargaysa inta la,ogyahay waxaa kale oo ay ka da'een magaalada nawaaxigeeda , waxyeelada ugu weyn ee roobkan ayaa soo gaadhay labadii buundo [biriij] ee isku xidhaayay magaalada labadeeda qaybood .

Waxyeelada uu gaystay daadadkii marayay dooxa hargaysa ayaa ah tii ugu weynayd ee abad soo mara hargaysa , majirto haba yaraatee isku socodka gaadiidka ee labada qaybood ee magaalada , waxyeelada gaadhay biriijyaduna maaha qaar sihawlyar loogasoo kabankaro , taas oo macneheedu yahay in waxyeelada gaadhay tahay mid aan si dhibyar waxlooga qabankarin.

Ciidanka booliiska iyo kuwa qaranka ayaa xalay oo dhan kuhawlanaa badbaadinta dadka, taliyaha ciidanka booliiska somaliland mr maxamed cige cilmi ayaa sheegay in ay ciidanku badbaadiyeen in kudhaw 500 oo qof oo ay ciidanku udaad gureeyeen dhinaca xerada ciidanka birmadka.

Huteelada bar xaraf, mingsing, iyo hadhwanaag oo dhamaantoodba kuyaalay dooxa dhiniciisa ayaan habayaraatee shaqaynayn maanta waxyeelada gaadhay awgeed ayadoo hoteeladii quruxda badnaa ee beeraha lahaa isku badaleen meel doox ah oo dhoobo dhexjiifto.

Ilaa hadda lama hayo wax dhimasho ah in kastoo masuuliyiinta dawladu sheegeen in ay jirto, masiibadan daadka iyo roobabka ee xalay ayay dadku kumacneeyeen masiibadii sunami ee kudhufatay badweynta hindiya iyadoo xalay oo dhan ay dadku cabsanayeen gaar ahaan dadka degan xaafadaha udhaw dooxa agtiisa.

In kudhaw 50 beerood oo ah beeraha bustaanada ee khudaarta ayuu latagay deegaanka layidhaahdo XARAF oo qiyaastii shan kiiloomitir galbeed kaxigta hargaysa sida ay sheegeen qaar kamida dadka deegaankaas oo aan lakulmay ninka layidhaahdo maxmuud kamsaro iyo ibraahin yuusuf Awxasan oo labaduba ah beeralayda reer xaraf ayaa sharaxaaya sida ay wax uga dheceen deegaankaas beeralayda ah ee duleedka galbeed ee hargaysa " bustaanadii waaweynaa iyo kaymihii waa weynaa ee bustaanada ahaa ayuu ubadalay doox iyadoo beerihii qaar laiswaydiiyay halka ay ku ooli jireen "

Waxay intaa raaciyeen in mashiinadii iyo qalabkii beeraha badi uu latagay. madaxweynaha somaliland dahir rayaale kaahin ayaa soo kormeeray meelaha ay masiibadu kadhacday saaka isagoo markiiba mr rayaale shir dag dag ah iskugu yeedhay golihiisa wasiirada una saaray gudi soo qiimaysa masiibada roobabkii xalay .

Waxaa sidoo kale goobaha ay masiibadu kadhacday tagay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE axmed maxamed siilaanyo iyo masuuliyiin xisbigiisa ah .

sikastaba ha ahaatee masiibada roobabkii xalay ay keeneen ayaa ahayd maanta sheekada kaliya ee lahadal hayay hargaysa ,iyadoo masiibadani noqondoonta mid taariikhda gasha.

Sawirada Buundadii Hargeisa ee roobku qaaday ka eeg halkan...

allaa mahadle

warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com ama 
Email:

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa
 

Faafin: Somalitalk.com | April 25, 2005

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD