Geeska Afrika Mayeelan Doonaa Laba Dawladood oo Jaar ah oo ah Somaliland
iyo Soomaaliya ?.

Aadan y. Qodax |
|
FAALLADII: Aadan Yuusuf Qodax
Email: qodax28@hotmail.com ama
May 3, 2005
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa
Si akhriste aad sifiican ugu fahanto faalladaydan aan dib
ugu yara noqdo taariikhda ,intii kahoraysay 1991kii kana
danbaysay 1960kii waxaa geeska africa kajirtay jamhuuriyada Soomaaliya oo awood leh kana mid ahayd dawladihii ugu awooda
weynaa qaarada africa ee wakhtigaa waxaanay Soomaaliya lamid
ahayd dawladaha koonfur africa ,nigeriya ,iyo masar.
Imaatinka dawladan awooda lihi waxay kadhalatay midawgii ay midoobeen
british somaliland iyo Soomaaliyadii talyaanigu gumaysan jiray ee
koonfurta 01 july 1960kii, taas oo katimid rabitaankii odayaashii iyo
hogaamiyeyaashii somaliland taas oo ay aaminsanayeen in la dhiso
jamhuuriyad Soomaaliya oo mid ah oo awood leh ,waxaanay odoyashu hamigaa
la yimaadeen markii gumaystahii ingiriisku xoriyadii siiyey somaliland
26 june 1960.
Balse dabaaldagii xoriyada ka dib waxaa markiiba hogaamiyaasha somaliland
go'aansadeen in ay ku biiraan walaalahooda koonfurta Soomaaliya ee talyaanigu
gumaysanaayey
si bilaa shuruud ah ama si kale hadii aan idhaahdo aan la kala qoran wax
waraaqo ah, sidii ay waraaqaha u kala qorteen dowladahii midoobay ee ay ka
mid ka ahaayeen Zansibar iyo Tanganica, oo midoobay dhistayna jamhuuriyada
Tansaaniya , ama Ethopia & Erateria, ama Indonesia iyo Eastmor, oo labada
danbe kala noqday markii ay isfahmiwaayeen lana soo baxay heshiiskii ay
dhigteen qaramada midoobay,halka jamhuuriyada Tansaaniya tahay jamhuuriyad
mid ah oo is ogol kuna dhaqma heshiiskii ay kala qorteen ee dhinaca
maamulka , tusaale ahaan tansaaniya waxaa lagu heshiiyey in hadii dhinac
madaxweynaha yeesho ka kalena uu yeesho raisal wasaaraha taas oo ka
dhigtay tansaaniya in midowgeedii uu midho dhal noqdo.
Hadaba diidmadii ay hogaamiyaasha somaliland diideen in ay shuruud ku
xiraan midnamadii labada dal ayay qoomameyeen markii hal sano ka dib durba
is fahmiwaayeen walaalahoodii koonfurta,taas oo aanay jirin meel ay ka
noqdaan maadaama aanay shuruudi jirin,waxaa raga taariikhda qoraa til
maamaan in somaliland xiligii ay Soomaaliya lamidawday ladoonayay in lagu
daro ururka barwaaqo sooranka aduunka oo kakooban wadamadii uu gumaysan
jiray ingiriisku.
Jamhuuriyada
Soomaaliya Laba Dal Ma Noqon Karto.. Taariikhda Ninba si u cuskay,
Soomaali maxay ahayd Ingiriis iyo Talyaaniga ka hor?:
Asad |
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in
Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta
Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga
yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga
magaalooyinka camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la
yidhaahdo ONLF"
Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad
maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula
noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana
aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA
SAMATAR. "
Faysal |
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka
dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga
dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu
ku degey"
XagarYare |
RIYAALE vs SAXAAFADDD:::
GUJI |
Aniga
Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga
Sanaag iyo Buuhoodle:
Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq
Warsame Xayir ayaa tibaaxay in
Guji |
Hadaba markii 21 october 1969 uu xukunka xoog ku qabsadday
Maxamed Siyaad Barre dalkii laysku oranjiray Soomaaliya waxaa Maxamed Siyaad Barre u arkaayey
in goboladii waqooyigu halis ku yihiin maamulkiisa markaas oo bilaabay in
uu culays militery iyo cabudhin saaro goboladii waqooyiga iyo gobolada
imika la yidhaahdo Puntland ,taas oo uu markii danbe gaystay xasuuq iyo
cabudhin sababtay dagaalkii ka qarxay dalka mudadii u dhexaysay 1980 ilaa
1991 taas oo markii la riday dowladii Maxamed siyaad Barre 1991, waxay
hogaamiyaashii Somali national movement (S.N.M) ku dhawaaqeen gooni isku
taaga somaliland shirkii beelaha somaliland ee Burco 18 may 1991.
Hadaba marka aynu ka nimaadno taariikhdaas hordhaca ah ee kooban aynu u
daadagno su aasha ah Geeska afrika ma yeelandoonaa laba dowladood oo
jaar ah oo ah somaliland iyo somaaliya ?, in somaliland iyo Soomaaliya
noqdaan laba dal oo jaar ah oo kawada muuqda geeska africa waa ta ay
doonayaan shacbiga iyo dawlada somaliland,balse tani waxaa kasoo horjeeda
oo aanay ucuntamayn hogaamiye yaasha koonfurta Soomaaliya ee isku haya
siyaasada hogaamineed ee dalkaas imikana udhaw in ay heshiiyaan oo
dawlada ay dhisteen meel mariyaan ,waxaana midnimada Soomaaliya
kutaageersan dhamaan wadamada carabta oo iyagu aan ogolayn in Soomaaliya
lakala gooyo , riyadaas oo aan u eekayn mid dhaboobaysa marka la eego
mawqifka adag ee shacbiga iyo xukumada somaliland ka taagan yihiin dib
ula midoobida koonfurta Soomaaliya.
Xurgufta siyaasadeed ee ka dhex taagan mucaaradka iyo xukumada somaliland
ayaa meesha ka baxa mawqif isku mid ahna ka qaata marka ay timaado
difaaca gooni isku taaga somaliland, tusaale ahaan madaxda xisbiga
kulmiye iyo xukumada talada haysa ayaa isku haya siyaasada ugu adag kuna
kala duwan aragtiyo badan balse marka ay timaado gooni isku taaga
somaliland ku wada hadla isku luuqad ah , " MAWQIFKA GOONI ISKU TAAGA
SOMALILAND WAA MUQADAS " .
Dhinaca kalena marka aynu eego hogaamiyaasha ku hirdamaya siyaasada
koonfurta Soomaaliya ayaa inkasta oo aanay labo isku aragti ahayn waxay isku
hayaana ay tahay hogaaminta dalka Soomaaliya hadana marka ay timaado
ilaalinta midnimada Soomaaliya wado wada mara kuna hadla isku luuqad ah ,"
MIDNIMADA DHULEED EE SOOMAALIYA WAA MID MUQADAS" taas oo ay badi taageero
buuxda kaga helaan wadamada aduunka gaar ahaan carabta .
Hadaba mudadii 15sano ahayd ee dowlad la'aantu ka jirtay Soomaaliya
hogaamiyaasha koonfurtuna isku hayeen cidii hogaaminlahayd koonfurta
Soomaaliya , beesha caalamkuna ku mashquulsanaayeen xal u helidooda ayaa
dhinaca kalena shacbiga iyo xukumada somaliland ay ku mashquulsanayeen
sidii ay wadamada AFRICA iyo guud ahaan beesha caalamka uga dhaadhicin
lahaayeen in somaliland loo aqoonsado dal hore u jiray oo la soo noqday
xoriyadiisii , loona ogolaado in ay ku biiraan ururada ay ka mid yihiin
A.U -DA ,IGAD, UN, & JAMACADA CARABTA iyo kuwa la midka ah taas oo uu
dadaal dheer u galay hogaamiyahii geeriyooday ee somaliland Marxuum Maxamed Ibraahin
Cigaal ,waxaa isaguna halkaas kasiibilaabay daahir
rayaale kaahin oo dawladiisu kuguulaysatay in ururka midnimada africa
gudoomiye kuxeenkiisu iyo wafti uu hogaaminayaa yimaado somaliland soona
booqdo gobolo ka mid ah somaliland si ay warbixin buuxda uga siiyaan
shirweynaha ururka midnimada afrika taas oo la sugayo bal jawaabta ay ka
bixiyaan waxii ay ku arkeen somaliland .
Waxaa shirciga ururka midnimada afrika dhigayaa in xududahii uu ka
tagay gumaystuhu uga tagay qaarada afrika ay yahiin mid lama taabtaan
ah , taas oo somaliland u noqotay tiir adag oo ay qabsato marka laga
hadlayo xududaha somaliland oo ah mid laga dhaxlay gumaystahii reer
yurub.
Dhinaca kalena waxaa uu hore uu hore usheegay in midnimada Soomaaliya
tahay mid aan lataaban karin waxaanay dedaal ugu jiraan sidii dawlada
Soomaaliya loogu dhisay nairobi unoqon lahayd mid midho dhal ah ,
ciidamana loogu diri lahaa Soomaaliya si ay usooceliyaan nebedgalyada
dalkaas, taas oo umuuqata mid aan xal keenayn waayo ciidamo ajaanib ahi
waxay Soomaaliya geeyaan waa cuduro iyo dhaqan xumo iyo in hablaha oo
lasiiyo lacag si jidhkooda loo waxyeeleeyo sidii kadhacday jamhuuriyada
dimuquraadiga ah ee congo, halka xalku ahaa in maleeshiyada is hor
fadhiya lawalaaleeyo lagana dhigo ciidan qaran iyo booliis sidii
kadhacday somaliland.
Sida kaliya ee ay ku imanayso labo dal waxaa ay inta badan ku
xidhantahay dowlad ka dhalata koonfurta oo markaas aqoonsata somaliland
,balse tani ma muuqato oo hogaamiyaha imika nairobi loogu doortay
madaxweynenimada Soomaaliya cabdilahi yuusuf axmed waxaa uu markii ololaha
ku jiray sheegay in midnimada Soomaaliya uu ku sugayo xoog ,balse taas
isagoo ka jawaabaya madaxweyne riyaale waxaa uu sheegay in hadii xoog
loo isticmaalo somaliland uu dhiig badani kudaadan doono geeska
africa.
Marka hadaba aynu isku soo wada duubno halganka ay somaliland ugu
jirto ictiraaf ayaa ah mid adag in si dhibyar loogu guulaysto ,
iyadoo wakhtigan ururka midnimada afrika la eegaayo ishana si weyn
loogu hayo bal waxa uu ka yidhaahdo kormeerkiisan uu ku maray
gobolada somaliland , balse inkastoo ay somaliland ka mid tahay
wadamada leh xuduudahii gumaysiga hadana waxaa ururka midnimada
afrika ku adag in ay yidhaahdaan waxaanu aqoonsanaynaa Somaliland,
taas oo raga sida weyn uga soo horjeeda uu kamid yahay hogaamiyaha
liibiya Qadaafi oo awood weyna kuleh ururka midnimada africa, isagoo
qadaafi uba ololaynaya in africa uu kadhigo qaarad mid ah oo leh
lacag mid ah iyo baarlamaan mid ah.
Waxaana ugu danbayntii faaladaydani kula tali naysaa ururka
midnimada africa in horta ay kuguulaystaan xalna uhelaan koonfurta Soomaaliya oo ay adagtahay in dawlada ladhisay ay hanato maamulka
gobolada koonfurta iyadoo aad moodo in aanay inkastoo ay dawlada
wada dhisteen hadana isku daacad ahayn , marka ay halkaa
kuguulaystaana ay wada hada shiiyaan labada dal madaxdooda lagana
wado hadlo sidii xeedhana xeedho kunoqonlahayd ilkana kunabad gali
lahaayeen.
allaa mahad leh
warbixin:
Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com
ama
Email:
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: Somalitalk.com | May 3, 2005
"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi
saarno mikirifoon".
faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.
"Madaxweyne rayaale intii
uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga
UCID.
Madaxweyne Rayaale oo
saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta
xukuumada iyo xisbiga kulmiye.
Xisbiga Kulmiye oo
Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu...
Guji... Apr 7
Maxaa
Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne
Rayaale?.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|