Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa kudhawaaqay in goluhu
galayo fasax mudo 45 cisho ah , kaas oo ay sheegeen in ay goluhu
dhamaysteen hawlihii horyaalay sida sharciga doorashada iyo ansixinta
miisaaniyada , imikana ay tahay wakhtigii ay fasaxa gali lahaayeen, hase
ahaatee mudanayaal kabadan 43 mudane oo kamida 82ka mudane ee golaha
wakiilada somaliland kakoobanyahay ayaa soowaday mooshin maamuus
kaxayuubin madaxweyne daahir rayaale kaahin , mooshinkaas oo aan
golaha lahorkeenin waxay mudanayaashaasi doonayeen in sabtidii ama
axadii ina dhaafay ay soo saaraan miiska shirgudoonka , kaas oo ilo
xogogaal ahi sheegeen in ay tahay sababta dhabta ah ee keentay si
degdeg ah loogu fasaxo golaha wakiilada kaas oo hadii mooshinka
maamuus kaxayuubinta miiska lasoosaaro ay mudanayaasha watay haysteen
cod aqlabiyad ah oo ay kumeel mariyaan kol hadii ay ka badan yihiin
kala badh tirada guud ee golaha.
Waxaa lagu arkaayay madasha baarlamaanka hortiisa maalmihii tagay
dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay wadeen dhicana mooshinka watay iyo dhinaca
kaleba.
Mudanayaasha mooshinka watay ayaa kutilmaamay fasaxa golaha ee uu soo
jeediyay shir gudoonku mid sharci daro ah oo lagu hor istaagayo
meel marinta mooshinka ay kaga soo horjeedaan madaxweyne rayaale.
Sida laga warhayo bishii
April ee ina dhaaftay ayaa xisbiga mucaaridka
ah ee awooda wayn leh ee KULMIYE ayaa ugudbiyay golaha wakiilada qoraal
dhawr iyo toban bog ah oo ay kaga ashtakoonayaan madaxweynaha oo ay
sheegeen in uu jabiyay dastuurka islamarkaana ay kudalbadeen maamuus
kaxayuubin lagusoo oogo , hadaba soojeedintaa Kulmiye ayaa laga yaabaa
in ay tahay takeentay isku daygan ay golaha wakiilada qaar kamid ahi
doonayeen in madaxweynaha maamuus kaxayuubin lagusoo oogo , mooshinkan oo
xukuumadu kaga hortagtay tab iyo xeelad.
Sikastaba ha ahaatee waxaa la eegayaa halka uu kudanbeeyo mooshinkani
xaasaasiga ah ee ay wateen badi golaha wakiiladu ee kadhanka ah Daahir
rayaale Kaahin.
Wararka kale ee
Maanta (May 9, 2005)..... Guji...
Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com
ama
Email:
LINK:
www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2005
"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi
saarno mikirifoon".
faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.
"Madaxweyne rayaale intii
uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga
UCID.
Madaxweyne Rayaale oo
saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta
xukuumada iyo xisbiga kulmiye.
Xisbiga Kulmiye oo
Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu...
Guji... Apr 7
Maxaa
Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne
Rayaale?.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com