SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOT.COM
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA 16aad
[Samaysashada Websiteka]

DOT.COM
Halkee, habkee iyo qaabkee ugu haboon oo aan u diiwaangeliyaa ama u samaystaa dot.com?

Waa su'aal ay nasoo weydiiyeen akhristayaal badan, waxaana aragnay in ay haboontahay in aan si guud jawaabta u soo bandhigno si ay dadbadani uga faa'iidaystaan, jawaabtiina waa tan hoos ku qoran:

Ugu horayn fadlan xusuusnaada in qoraalka hoose uu yahay aragtidanada, waxaana dhicikarta in ay jiraan meelo kale oo aanaan ku baraarugsanayn markii aan qoraalkaan qoreyney, hadiise aan helo mid kahaboon jawaabta aan bixinay aan soo daabici doona, Insha Allah. Waxaana aad u haboon inta go'aan aan lagagaarin meesha laga diiwaan gelinayo bog internet ah in lasoo kormeero meelo badan oo markaas laqaato meeshii qancisa qofka diiwaan gelinya boggaas.
Haddaan u soo laabto jawaabtii, ugu horayn waxaa lagudboon qofka diiwaan gelinya bog in uu cilmi baaris kusameeya waxa uu ka damacsanyahay bogga, iyo xadiga ama baaxadda uu karabo in boggaasi xamilikaro. Waxaan halkaas uga jeedaa waa in qofku ogaadaa inta akhbaar ah ee uu u baahanyahay in uu ku xerayn doona boggaas. Tusaale ahaan mawaxaad rabtaa 10MB, 20MB, 30MB, 45MB mase 100MB. Adiga ayaa og xadiga aad rabtid, waana meesha ugu horeysa ee aad kabilaabeysid sidii aad ku hanan lahayd bog adiga kuu gaar ah. Taas marka aad meel kusoo ogaatid maxaa kuxiga?.

Waa in aad ogaataa magaca aad rabtid in aad boggaaga u bixisid, ma waxaad rabtaa in aad ugu magacdartid shirkaddaada, mase waxaad rabtaa in aad u bixisid magac kale, waa mid aad go'aaminkartid, balse cilmi baaris ubaahan adigoo meelo badan arinta ka eegaya, waxayna inbadan ku xirantahay magacbixintu arinta aad kadamacsantahay boggaas in uu kuuqabto. Taas marka aad meel kusoo ogaatid, maxaa haboon in aad ku dhaqaaqdid?

Waa in aad ogaataa in laqaatay magaca aad u bixineysid bogaaga iyo in kale. Waayo waxaaba dhici karta in magacaas uu horay qofkale ama shirkad kale u qaadatay, weydhacdaa taasi marar badan. Si aad arintaas u xaqiijisid soo booqo
bogga baarista cinwaanada
Hosted By HostedScripts.com
Marka aad arintaas soo ogaatid waxaa kula gudboon in aad bilwdid qaabkii diiwaangelinta boggaas.

Ugu horayn waa in aad ogaataa laba arimood oo ah:

  1. HOST (oo ah meesha ama khaanada aad ku xeraydoontid akhbaarta dunida oo dhami arki doonto)
  2. WEB REGISTRATION (oo ah meesha diiwaangelinta bog kasoo baxa shaashada shabakada Internetka)

KHAANADA KAYDKA
[HOST]

"Host" ama aan ugu yeeree "khaanada Interneka" waa tan ugu muhiimsan go'aanka aad kagaareysid boggaaga inta aadan diiwaangelin. Waayo? Waa meesha aad ku kaydin doontid macluumaadkaaga, isla mar ahaantaana waa meesha ay akhristayaashaada kahelidoonaan qoraaladii aad daabacday.

Waa in aad ogaataa in halkaasi (waa khaanada kaydka'e) in ay buuxiso shuruudaha hoose:

  • Matahay meel lagu kalsoonaankaro (24/7 = Afar iyo labaatan saacadood, maalinkasta). Taas oo aad muhiim ugu ah sumcadda boggaaga - oo hadii uu maalmo badan hawada kamaqanyahay waaba lagaa wareegayaa ama laba soo booqanmaayo boggaaga.
  • Ma aqbalaan FTP oo aan xanibaad lahayn ama laguu xisaabinayn inta goor ee aad adeegsankartid. FTP waa barnaamijka akhbaarta lagugeeyo halka ay khaanada kaydka ee Internetka. Si aad waxbadan uga ogaatid FTP kulaabo casharkii FTP.
  • Ma ogolyihiin in aan xad lasaarayn inta goor ee boggaaga lasoo booqankaro - kuxisaabtan waxaa jira "HOST"-yaal xad leh ama in go'an oo keliya la ogolyahay in ay bishii soobooqdaan boggaaga wixii kabadan ama aad lacagbixineysid ama aanba boggaaga lasoo booqankaray.
  • Ma leeyihiin waxa loo yaqaan "POP mail" oo ah email lamida magaca boggaaga.
  • Ma leeyihiin waxa loogu yeero khaanadda "cgi-bin" oo ah qayb muhiimad u leh bogga. "cgi-bin" waa meesha laga hago barnaajyo badan oo laxiriira Internetka, sida "Forms" iwm.
  • Xaddi intee le'eg oo akhbaar ah ayaad kuxeraynkartaa sanduuqa ay kusiindoonaan, dabcan adigoo halkaas u barbardhigaya lacagta aad ogoshahay in aad bixisid.
  • Maleeyihiin dad heegan u ah haddii cillad kasoobaxdo khaanadaada oo kuugu hagaajinaya sida ugu macquulsan ee dhaqsaha ah.
  • Maleeyhiin waxa loogu yeero "FrontPage Extension" oo ah in aad adeegsankartid FrontPage, dabcan tan waa siyaado, waxbadana u dhimi meyso boggaaga haddii aad siwacan u taqaanid HTML.
  • Qiimohoodu ma u dhigmaa kan suuqa, ama mayahay macquul, sideese lacagta loobinayaa, waa muhiim.

Dabcan kuwaas waa tusaale aan sooqaatay, ujeedaduna waa in aad iska hubisid meesha aad akhbaartaada ku xerayn doontid iyo dadka aad lamacaamili doontid.

Shirakado badan oo ah kuwa lagu kaydsado website ee loo yaqaan HOST ayaa jira, waxaad eegtaa halkan:

Taas marka aad xalisid ama go'aan kagaartid, tallaabada xigtaa waa in aad diiwaan gelisaa bogga. Sidee iyo xagee?

ugu horrayn ogsoonow in "Host" ay diiwaangeliyaan bogga, balse ay kuu xawilayaan "goobaha diiwaan gelinta" ama ay kuweydiinayaan lacgtii diiwaan gelinta oo markaas ay hawshaas iyagu fulinayaan. Waxaad kale oo samaynkartaa in aad si toos ah uga diiwaangelisid meelaha aan ugu yeeray "WEB REGISTRATION" ama goobaha diiwan gelinta.

DIWAANGELINTA BOG
[WEB REGISTRATION]

Waa xarumaha diwaanka ee bogga, la'aantoodna bogga magelayo shabakada internetka. Waxayna leyihiin waqti ay tahay in aad lacag bixisid hadii kale bogii hawada ayuu kabaxayaa. badanaana waxay diiwaanka kuu haynayaan ugu yaraan halsano iyo wixii kabadan. Qiyaastii sannadkii waxaa labixiyaa $35 doolaar USA.

Meelaha aan filayo in ay ugu macquulsanyihiin diwaangelinta waxaa kamida:

Dabcan cinwaanadaasi waxay kamid yihiin meelaha aan ogahay ee ugu macquulsan, go'aanka kama dambaysta ahse adiga ayaaleh kadib marka aad soobooqatid meelo kala duwan oo aad is barbardhigtid qiimaha iyo ujeeda aad karabtid boggaaga.

 

Taasi waa aragtidayda, waxaana dhicikarta in aysoo baxaan meelo kahaboon kuwa aan sharaxay, ama markii aan qorayey qoraalkan aanan ogeyn. Hadaba, fadlan samay cilmi baaris dheeraad ah inta aadan gaarin go'aanka rasmiga ah ee kusaabsan diiwaangelinta bogga. Waa iga talo!.
Haddii aad u baahatid bog bilaash ah ama lacal la'aan ah waxaad soobooqankartaa http://www.tripod.lycos.com/  aad ayey u sahlantahay in aad samaysatid.

SAMAYTA BANNER-KA

"Banner" oo ah loox ama tabeelaha dadka soojiita ee badanaa kamuuqda bogagga internetka ah waxaa lagu sameeyaa barnaamijyo u gaara. Waxaana jira meelo badan oo aad si toos ah uga samaysankartid 'Banner', haddaan qayb tusaale u soo qaato waakuwan hoos ku qoran:

html Waxaa dhici karta in aad isweydiisid qaabkee loo sameeyey 'Banner"-kan kamuuqata dhanka bidix ee qoraalkaan oo xaysiineysa bogga HTML. Waxaa lagu sameeyey barnaamij lagu magcaabo Lake Clear Animato oo aad kahelikartid bogga www.lakeclear.com. Dabcan barnaamijkani waa lacag, waxaase jira qayb tijaabo ahaan aad usoo rogankartid aadna isla boggaas kahelikartid. Waana barnaamijkaas midka aan kusameynay 'Banner'kan yarka ah ee xaysiinaya HTML. ama Google ka baar 'Free banner"

Xusuusnow "Banner"-ka iyo guud ahaan sawirada (images) aad ayey u xulus yihiin, waxaana lagayaabaa in ay boggaaga kadhigaan mid dhega adag oo aan horay kasoo boodin marka ladamco in lasoo booqdo, waxaana dhici karta haddii aad sawiro waaweyn ama farabadan gelisid halbog in lagu caajiso sugitaanka boggaas oo inta lagatago aanba dibdambe loogu soo laaban, illeyn waa kii dhega adayga lagubartaye. Halkaas waxaan uga jeedaa waa in aad kataxadartaa cadadka sawirada iyo looxyada xaysiiska ee aad gelineysid bogga.


BILAASH, BILAA-LACAG : FREE
  • Ma'Ogtahay in aad dirikartid "FAX" lacag la'aan ah, soo booqo bogga Free fax
  • Ma'Ogtahay in aad yeelankartid lambar Fax ah oo lacag la'aan ah, soobooqo E fax.com
  • Ma'Ogtahay in aad wadamo badan u dirikartid telefoon lacag la'aan ah, soobooqo Hot Telephone
  • Internet bilaash ah: 3Web.com Canada
  • Internet bilaash ah: Free Stuff USA & Canada
  • Carruurtaada ma usheegtay khatarta Internetka Sooqoobo halkan
  • Ma'Ubaahantahay JAVA, soobooqo www.dynamicdrive.com
  • Ma"Ogtahay in saxan ama "Disk" bilaash ah oo akhbaartaada aad meelkasta oo internet leh kaga xeraynkartid, soobooqo xdrive.com

Waxaan dhammaan idiin rajeynayaa guul iyo horumar.

Wabillahi Towfiiq.

###

Halkaas ayaan ku soo koobeynaa asaaska HTML, waxaan insha Allah qorshaynayaa in aan dhowaan soo saaro CD koobaya macluumaad badan oo ay kamid yihiin: HTML-ka oo faahfaahsan, FrontPage, Networking iyo macluumaad kale oo fara badan, insha Allah.

Qaybaha xiga waxaan kusoo qaadanaynaa macluumaad muhiim ah.. GUJI...... [Halis in Computarkaaga Qoraalada Kujira Meel Fog Laga Akhrisankaro ]


BOGGA HORE

BOGGA XIGA