SHUKRAN MALAYSIA – 4 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 23, 2006 |
Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad
Maxaa sabab u noqday in Malaysia ay gaarto horumar deg dega mudo gaaban gudeheed,
oo kasoo boodo booska dawladaha saboolka ah kuna biirto 20 dawladood ee adduunka
ugu ganacsi ballaaran!?
In dhaqaaleheedu sara u kaco sanadkii 2002, 7% (economic growth) taasoo dakhliga
guud ee wadanka laban laabtay oo oo gaarsiisey 219,4 bilyan oo Ringet (57,7
bilyan US$), qiimaha dhoofintuna saddex jeer laba jibaarmo ilaa 349,6 bilyan oo
Ringet (92 bilyan US$), soo dejintuna gaarto 298,5 bilyan Ringet (78,6 bilyan
US$) taasoo maleysia ka dhigtay iney qabsato booska 18 ee 20ka dawladood
adduunka ugu ganacsi weyn.
Intii aan joogey wexey soo saartay wasaaradda Wershedaha iyo Ganacsiga caalamiga
xisaabaatkii sanadka 2005, waxaana la guddoonsiiyey wershedihii iyo shirkadihii
private ka ahaa kuwooda ugu horreeya abaalgudyo, ay qaybineysey wasiirka
Ganacsiga adduunka, waa haweeney la yiraahdo Rafida Caziz. Siduu qoray
Joornaalka maalin laha ah ee New Straits Times, Jimcihii, 17 March:
Malaysia Ganacsigeeda adduunka wuxuu sanadkii 2005 kor u kacay 9.9%. isagoo
garaacay: 967.8 bilyan Ringet.( waa taqriiban 300 bilyan US$. Wax dhoofinta oo
kor u kacday 11% wexey ka badantahay inta Hayádda Ganacsiga Adduunka (World
Trade Organization WTO) ay u aragtay sarakaca 6.5%.
Mexey tahay sirta ka dambeysa horumarkaas aan caadiga ahayn ee adduunku la
yaabay?
Waxyaabaha ugu Muhiimsan:
1) Hoggaan iyo Madax wanaagsan oo daacad u ah iney dalkeeda Horumarisa,
waxaana isku bedelay intii isticmaarka ka dambeysey 1957 ilaa hadda 5 Raiisul
Wasaare oo uu ugu caansana Tun Dr. Mahathir Muxamad oo 22 sano xukumey.
2) Plan (Qorshe ) cad oo isugu jira mid dheer iyo mid gaaban. Midka dheer
waa wexey u yaqaanaan (Vision 2020) oo ah sanadkaas 2020 Malaysia iney noqoto
Wadamada adduunka ugu hormarsan dhinac kasta. Midka gaabanna waa (5 year plan)
qorshe dawladdu shantii sanaba dejiso, oo kaas dheer ujeedooyinkiisa lagu
fulinayo, marba dhinac xoog la saarayo, haddana waxaa bishan 4aad April la
filayaa in la soo saaro Plankii 9aad ee Malaysia ee 5ta sanoo soo socota.
3) Nabad iyo Xasilooni dalka ka dhacda oo ay ka wada shaqeeyaan dawladda
iyo dadka reer Malaysia oo kala ajnaas ah (Malay, Chinese, iyo Hindi) Taasoo
keentay kalsooni soo jiidda Ganacsadayaalka adduunku iney maal gelin ballaaran
ku samaystaan Malaysia, dadkii wadankuna shaqooyin ka helaan iyo dhaqaale.
4) Tacliinta oo dawladda Malaysia ay xoog saartay iney dadkeeda wax barto,
jaamacadaha iyo macaahidda iyo goobaha wax barashana badiso, minxooyinka
(scholarship) dibadda iyo gudahaba ardaydu helaan, sanadkiiba wexey dawladdu
bixisaa scholar ship dibadda ah 1500 oo arday Sanad kasta adduunka wax ku soo
barta tacliin sare, 5500 Arday Gudaha. Taasoo keentay in maanta dadka dhalinta
yar sey u badan yihiin rag iyo dumar ay wada jaamiciyiin yihiin. Bal jaamacadaha
markaad dhex qaado aad la yaabeysid ardayda boqolaalka kun ee qul quleysa.
5) La dagaalanka Musuq maasuqa (anti corruption) oo dawladdu xoog saarto,
inkastoo aan dhaadhac marna la weynayn, haddana si adag ayaa loola dagaalamaa
musuqmaasuqa heer ay u sameeyeen, Hayád dhan oo arrimahaas daba gasha qof kasta
oo dawladda u shaqeeya, iyo Akaadeemiyo lagu tababaro dadka la dagaalama
musuqmaasuqa, oo iyaga hadda barashadiisa loo soo raadsado.
6) Raacidda system iyo (nidaam) idaariya oo casriya oo wadanka lagu wado,
lana raaco, iyo akhlaaqda shaqada (work ethics) la raaco, oo ah ilaalinta
asluubta shaqada iyo gudashada waajibaadka xilka, oo lagasoo guuriyey in badan
dalalka horumaray ee bariga oo ku dhow sida (Japan iyo Korea) taasoo uu soo
saaray Raisul wasaarihii Hore Dr Mahathir, siyaasad la yirahdo (Xagga Bariga
Fiiri) (Look East Policy- LEP). Oo ahayd ka carar addoonsiga iyo xaasidnimada
reer galbeedka oo qof taagdaran aan u naxariisan.
7) Raacidda systemka loo yaqaan (privatization) ama ganacsiga dawladda ka
madax banana ee dadku leeyahay, oo ah in dawladdu adeegyada bulshada inteeda
badan faraha kala baxdo, waxaan ka ahayn maamul iyo muraaqabo guud, shirkaduhuna
la wareegaan oo adeegyadaas ka ganacsadaan, sida Shidaalka, Beeraha, Wershedaha,
Korontada, isgaarsiinta, iwm. Taasoo keentay tartan iyo shaqo wanaagsan.
8) Iney dawladdu (qorshaha)fog, xoog saartay xagga cilmiga farsamada
casriga ah ama IT (Information Technology) wexeyna arrinkaas u samaysay magaala
dhan oo la yiraahdo (MSC) ama (Multimedia Super Corridor) si gaara ayaanan
meeshaas hal maqaal ugaga hadli doonaa, waa tajribo la yaab leh, sida loo
fuliyey iyo qorsheheeduna ka sii yaab badan yahay.
Arrimahaas waxaa la oran karaa waa asbaabaha ugu weyn ee ka dambeysey horumarka
deg dega ah ee Malaysia. Iyadoo Marka laysku soo duuduubo u noqoneysa: Dad aad u
jecel wadankooda, doonaya horumar, la tartamaya adduunka, heshiis ku ah iney
dalka wada dhistaan oo kawada shaqaystaan iyagoo diinta iyo dhaqanka ku kala
duwan.
Soomaaliya oo isku dhaqan,
Isku diin, isku qoys wada ahna,
Waxaa caqligeenu dhaafi kari waayey,
Tuulooyinka yar yare e abaarta ah inaan dhiigeenna maalin walba ku daadino, iyo
in Dagaal ooge jaahila oo adduunka boqolaal sano ka dambeeya, oo indhala uu
shukaanta ku fariisto, aqoonyahanaduna sacabka u tumaan..
Ciil badanaa…………
QAYBTA 5aad... AKHRI >>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 23,
2006
MALAYSIYA:::
Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad
Dhismaha adduunka ugu dheer ee ku yaal
Kuala Lumpur |
::MA OGTAHAY::
Ma ogtahay in Dhismaha adduunka ugu dheer uu ku yaal magaalada Kuala Lumpur
ee dalka Malaysia, waxaana dhismahaas la dhamaystiray sannadkii 1998,
magaca dhismahaasi waa Petronas Towers (waa dhisme mataano ah sida ka
muquata sawirka midig), joogga dhismahaasi waa: 1,483 feet (ama qiyaastii
452 miter), waxana uu ka kooban yahay 88 daqab oo is dul saaran.
Waxaana dhismahaas laga dhisay Concrete (shamiinto) iyo Steel (bir). Qiimaha ku
baxay waa $1.6 billion. ISHA: PBS.org:
http://www.pbs.org/wgbh/buildingbig/ .
Taasi waxay ku tusineysaa tartan adduunku ugu
jiro dhismayaasha bilicsa san...
"DAL DADKIISA AYAA
DHISA"
|