![](idris.jpg)
SHUKRAN MALAYSIA – 5 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 24, 2006 |
![](Kuala.jpg)
Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad |
Dua
pulub-dua pulub!
Dua pulub-Dua
pulub macneheedu afka Malayga waa 2020, waana ( Qorshaha dheer ee Malaysia ilaa
sanadka 2020) iney gaarto dawlad horumarsan oo dhamaystiran,oo galbeedka iyo
Japan wax la qaybsata.
Qorshahaas
waxaa aabe u ah oo curiyey Ra,iisul Wasaarihii Hore Dr, Mahathir Muxamad, oo si
kasta oo ninkaas laysugu khilaafo, ama loogu kala qaybsamo, sida caadiga u ah,
raga taariikhda baalasha weyn ka gala, waxaan laysku khilaafsanayn, inuu yahay:
Aabaha Horumarka Malaysia ee casriga ah.
Muxuu yahay
qorshaha (Vision 2020) ama (Aragtida 2020)?
Waa qorshe
dheer oo ku dhisan aragti fog, sida ay noqon lahayd Malaysia facyaasha soo socda
in hadda lasii dhagax dhigo.
Dr. Mahathir
wuxuu hindisaas (Aragtida – Vision- 2020) soo saaray 1990. Marka waa qorshe 30
sano ah, kuna taagan in waqtigaas, inshallaah, ay Malaysiya noqoto Dawlad
Hormartay (Developed Country) dhinac kasta, bulshada, ruuxda, dhaqaalaha,
siyaasadda, wax barashada iyo aqoonta. Markuu qorshahan soo bandhigayey Dr.
Mahathir wuxuu hordhaca ku yiri 1990kii shirkii Golaha horumarinta iyo
Qorshaha:
Waxaan
Rajaynayaa Ilmaha Malaysianka ah ee manta dhasha ama sanadka soo socda inuu
noqondoono, Faca u dambeeya eek u noolaanjirey wadan soo kacaya oo la yiraahdo
Malaysia, facaas wixii ka dambeeyaana ay ku noolaan doonaan Malaysia Horumartay
(Developed Country).
Qorshuhu
wuxuu dejiyey 9 istraatiijiyo oo loo baahanyahay in laga gudbo si loo gaaro
aragtida 2020, kuwaasoo ah:
-
Taxadiga koowaad oo ah in la dhiso ummad
Malaysian ah oo wadaagta dareen iyo aragti, kuna dhisan nabad dhexdeeda ah,
iskuna duuban,wada nool, dalkana kawada qayb qaata, daacadna u ah.
-
Taxadiga labaad waa in la abuuro bulsho
Malaysian ah oo xor ah, hor marsan, nafteedana kalsooni buuxda ku qabta,
kuna faanta waxay tahay iyo waxay guddo.
-
Taxadiga saddexaad ineynu abuurno Bulsho
Demoqradi ah oo wada tashi wax ku goosata, madax banana, oo ka duuleysa
maslaxadda Malaysia, cidna aan (copy) ka ahayn, tusaalena u noqota wadama
badan oo horumar doonaya.
-
Taxadiga afraad waa inaan helno bulsho
Malaysian ah oo leh darajada ugu saraysa xagga qabsashada diinta iyo
dhaqanka wanaagsan.
-
Taxadiga shanaad oo markasta nah or taagnaa
waa inaan abuurno Bulsho Malaysian ah, oo xoriyad ku wada noolaata iyo nabad
iyadoo mid kastaa diintiisa iyo dhaqankiisa uu haysto haddana wada leh
wadankan oo u wada tiirsan.
-
Taxadiga lixaad waa inaan abuurno bulsho
cilmiga iyo sancada ku horreysa oo horay fiirineysa, oo aan ahayn bulsho wax
technologiyada isticmaasha oo suuq u noqota keliya, ee innagu aan noqono mid
technolojiyada wax ku darta oo kaalin ka qaadata ooh al abuur leh.
-
Taxadiga todobaad waa dhisidda mujtamac isku
xiran qoys ahaan iyo bulsho ahaan oo is daryeela, oo maslaxadda guud ka
hormariya midda gaarka ah, oo ku dadaala nolol wanaagsan ee qof kastaa helo.
-
Taxadiga sideedaad waa abuuridda mujtamac
cadaalad leh oo si cadaalada dhaqaalaha u qaybsada, si wada jira oo simana
horumarinta dhaqaale uga qayb qaata.
-
Taxadiga sagaalaad waa abuuridda bulsho
Malaysian ah oo nolol wanaagsan, dhaqaale tartan ku jira, firfircooni, iyo
ka qayb qaadasho adduunka leh.
Qorshahaas uu
Dr. Mahathir ummadiisa soo hor dhigay 1990 Markaan annagu soomaali haddaan nahay
birta isku saafeyney ilaa haddana aan isku saafeynu, cali iyo cabdalla is
haystana aan ka bixi kari la’nahay, geedi iyo faarax baa kala booday xaalkeenu
taagan yahay, waxaad mooda in Malaysia 15 sano ka dib ay in badan kaga
guulaysatey arrimahaas. 15 sano ee qorshaha ka harayna haddii ilaahay nabad ku
gaarsiiyo ay gaarayaan waqti ka horreeya waqtigii ay qorshaysteen.
Halkaas waxaa
ka caddaatay mar kale, muhimadda ay leedahay dejinta qorshaha iyo ka
shaqayntiisa iyo in la wada higsado gaaritaankiisa, oo riyada run loo bedelo.
Laakiin
Soomaaliya ayaan lahayn cid u ooyda……
AKHRI QAYBTA 6aad >>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 24,
2006
|