Maamulka Waqtiga "Time Management ".
Qore:-Cabdiraxmaan SHeekh Cismaan Cali.:
Email:
calawi505@hotmail.com
Hordhac:
Bismilaahi raxmaan raxiim.
Mahad oo dhami ilaahay ayeey u sugnaatay, intaa ka dib waxaan halkan kaga hadli
doonaa haduu alle idmo maqaal ku saabsan sida loo maamulo waqtiga, oo sida aynu
wada ogsoonahay aad u muhiim ah.
Hadaba maqaalkan waxa uu ina tusayaa habka aynu u maamuli lahayn waqtiga oo ah
shay aad u qaaliya.
Waa nidaam dhamaystiran oo qofku haduu qaato uu ku xaqiijin karo ahdaafta uu
rabo inuu gaadho haduu alle idmo .
Maxaa loola jeedaa maamulka waqtiga?
"Waa hab loo dajinaayo nidaam
wakhtiyeed si loo qabto hawl ama muhimad"
Ahmiyada uu ku leeyahay wakhtigu islaamka
Ilaahay waxa uu kusheegay suuradai israa aayada 23
Nabiga( scws)
waxaa uu ku sheegay xadiith in maalinta yawmal qiyaame aanu qofna ka hor
dhaqaaqayn illaahay ilaa la waydiiyo afar su' aalood oo kala ah :
- Suaasha 1aad –wakhtigiisa waxa uu ku soo
dhamaystay
- Suaasha 2aad- dhalinyaranimadiisii iyo waxa uu ku
soo qabtay
- Suaasha 3aad-maalkiisa xaga uu ka kasbaday iyo
waxa uu ku bixiyay
- Suaasha 4aad-iyo cilmigiisii waxa uu ku
falay
Hadalada sugan ee la soo wariyay waxaa ka mid ah .
Afar shay midna ma soo noqdo
-
kalmad aad ku hadashay
-
leeb aad gantay
-
waqti dhamaaday
-
iyo fursad aad dayacday
Sidaynu wada ogsoonahay waxaynu wadaagnaa dhamaanteen oo aan cidna u gaar ahayn
(24)
saacadood maalin walba.
Laakii waxaa lagu kala duwanyahay sida looga faaidaysto saacadahan.
Hadaba markaynu intaa ogaanay maxaa inagu waajiba
-
in ilaahay hortiisa lagaa xisaabin doono .
Arinkan oo ah arin hadii si dhab ah aad isku dareensiiso in illaahay aad hor
istaagayso oo lagu xisaabin doona shay yar iyo mid waynba ilbidhiqsi ilaa qarni
sano .
waa inaad ka fiirsataa markaa waxaad qabanaysid waqtigaaga oo aad kaligaa masuul
ka tahay . Hadaba intaynaan bilaabin barashada sida loo maamulo wakhtiga waxaynu fahmi
karnaa in aanay arinta maamulku cuslayn, (balse)
ay tahay arinta culusi sida loo laasim lahaa ama loo fulin lahaa arinkaasina waxa
uu ubaahanyahay sabir iyo inaad naftaada nidaamiso .
Habka uugu wanaagsan ee aad ku nidaamin karto
waqtiga.
Habka uugu wanaagsani waa inaad samaysato jadwal ama kaalander maalmeed .
Si aad u garato wakhtiga kuu soo hadhaaya markaad qabatid ashyaada muhiimka .
Maalintii waa 24 saacadood oo kaliya sida darted ha isku qaadin inaad qabato
hawl ama shaqo aanad waqti u hayn .
Tusaale kaalander :
|
Hawshaad qabanaysid |
Meeqa saacadood |
Meeqa % |
|
Hurdo |
|
|
|
Salad |
|
|
|
Shaqo /waxbarasho |
|
|
|
Waajibaad |
|
|
|
Cunto /cabitaan |
|
|
|
Fiidiyow –radio-akhrin |
|
|
|
Safar gaabam(bas .. |
|
|
|
Alamiito –hiwaayad-masrax |
|
|
|
Arrimo shakhsiyeed |
|
|
|
Guriga (nadiifin-ratibaad) |
|
|
|
Wada xidhiidh asxaab sida tel waraaq |
|
|
Habkan ayaa waxa uu kuu suurto galinayaa in aad haysato fikrad cad waxaad
qabanaysid saacadaha maalintii.
Hadaba 24 kan saacadood waa wax aynu wadaagno dhamaan laakiin waxaa lagu kal
duwanyahay sida looga midho dhaliyo .
waxaa jira dad ka faaidaysanaaya wakhtigooda si wanaagsan .
- ma rabtaa hadaba inaa ka mid noqoto kuwaas ???
- jawaabtaad haday tahay haa hadaba soo dhawoow.
- Haday jawaabtaadu tahay maya dhamaystir akhriska maqaalkan .
Waxaa laga yaabaa inuu jiro shay kugu qasba inaad nidaamiso wakhtigaaga laakiin
waxaa waajiba in aanay ka maqnayn maskaxdaada in nidaaminta wakhtigu ay tahay
shay asaasi ah qofka raba inuu horumariyo dhamaan dhinacyada noloshiisa aan
ahayn kaliya waxdhigasho ama shaqo.
Arrinku ma aha nadaamin kaliya wakhtiga waa nadaaminta nolosha oo dhan .
Waxaa jira hadaba waxyaabo wakhtiga kaa dayaca .
Waxyaaba wakhtiga dayaca
Waxay ka kooban yihiin arrimaha wakhtiga kaa luminayaa arimo dibadda kaga
yimaada iyo
arrimo adiga kuu gaar ah .
Haddaba hadaynu qaadano arrimaha kaaga imanayaa dibadda .
Waxay koobsanayaan tusaalayaal dhaadheer oo aynu ku tilmaamnay jadwalka inoo
soo hor maray .
Waxa aynu xaga hore ku sheegnay waxa ka mid ahaa daawasha fiidiyawga, adeegisaga
taleefanada iyo talaagadaha .
Waa diraasad ay uugu codeeyeen arday ka mid ah ardayda dhigata jaamacadaha
maraykanka .
Hadaynu eegno dhinaca soomaalida waxaynu odhan karnaa waxyaabaha uugu badan ee
aqti ay ku dayacaan waxa weeye tusaale ahaan wada sheekaysiga iyo is waraysiga
dheer sida majalis beeleedyada makhaayadaha oo dhibaatooyin wayn ku haya
soomaalida .
Waxaynu halkan ku sheegi doonaa qaar ka mid ah waxyaabaha dayaca
wakhtiga ee dibada kaaga soo dariya
1. Fiidiyawga
Halka kagama hadlayno dhibaatooyinka uu leeyahay telefetionku ee uu qof walba
ogsoonyahay.
Laakiin waxaynu awoodnaa in aynu xadayno waqtiga aynu daawanayno oo ay sugeen
culimada arimahan baadhaa waxay ku soo koobeen:
A . cayin barnaamijka aad daawanaysid ka dib markaad kumiisaanto caqligaaga ee
aad ogaato faaidooyinka uu leeyahay .
- Ma in aad ku raaxaysati ama ku baashaaltid miyaa ?
- Mise inaad ka kordhisato aqoon ? ama sababo kale ?
Habkan markaa waxaad ku awoodaysaa In aad xaddido waxaad daawanaysid kaliya .
Ma aha barnaamijka ka horeeyay ama ka ka danbeeya .
Waa inaad markaad daawatid barnaamijkaad xaddidatay in aad damiso fiidiyawga .
B . haday naftaadu kuugu sheekayso in aad aragto xayaysiiska soo socda ama badhkiisba ama barnaamijka soo socda,
Waa inaad ka kacdaa kursigaaga siddii qof daalay oo kale markaas ayaad awoodaa
inaad iska dayso
C . waa inaad adeegsato habka abaalgudka iyo ciqaabida markaad daawatid
fiidiyawga .
Markaad shaqadaada si fiican u gudato oo kale waa inaad uugu abaaal gudaa
naftaad in ay daawato barnaami ayjeceshay (faa'iido leh).
Kuna ciqaabtaa marka aad shaqooyinkaaga sifiican u gudan waydo in aad ku ciqaabto
naftaad in aanay daawan wax jeceshay inay dawato .
Bilaw iyo dhamaad ba waxaan idin xasuusinayaa hadalka alle uu yidhi :
Suurat al israa aayad 36 aayad micne heedu yahay
:
(ha istaagin -'ha raacraacin'- wax aanad cilmi u lahayn maqalka araga iyo caqliguba dhamaantood
waa la is waydiinayaa ).
-
Adeegsiga taleefanada
waxaad ogaataa in caalimkii ikhtiraacay taleefanka “graham bell” uu u
ikhtiraacay qalabkan in uu wakhtiga kuu soo gaabiyo .
se uumu ikhtiraacin in uu kaa dayaco wakhtiga .
-
Booqashooyinka
Dadka kusoo booqanayaa qaar ballan ayeey kugu soo booqanayaan, qaarna iyaga oo aan
ballan hore loo ballamin . Haddaba waxaad u nidaamin kartaa booqashada habkan :
A.waxaad cayintaa maallin aad
dadka qaabisho iyo maallin aad adigu dadka booqato siiba qarabaada oo
Qaraabada oo la xidhiidhiyaa illaahay waxa uu ubalan qaaday abaal marin wayn
adduun iyo aakhiraba .
Waxaa kugu filan usbuuc kasta 2 saacadood hadday uugu badatana 4saacadood.
B. Dadka iyagu aan kugu soo
booqan ballan hore haddii aad kaligaa ku kalifantay in aad qaabisho haa mise may.
Haday maya tay dhib kuguma leh haday haa tahay waxaa jira dariiqooyin farabadan
oo aad ku xalin karaysida sida:
- -adiga oo ka cudur daarta markaad inyar la fadhido iyo inaad laballanto markale
- -adiga oo ku qaabilaaya waji faraxsan oo u dhoola cadaynaaya
C. Hadii aad tusaale ahaan
maktabad ku jirto oo aad wax akhriyaysid ama aad maqaal diyaarinaysid wax ay
khubaradu kugula talinayaan :
Hadii qof kuu yimaado istaag adiga oo hadalkana soo gaabinaaya si uu u dareemo
in aad mashquul tahay dhibaatana ma laha hadaad sii dhawaysid meel ka yara
baxasan maktabada oo aad ku soo noqon kartid sidaas ayaad waqtigaaga ku helaysaa
.
Arrinka uugu danbeeya ee dhibaatooyinka dibadda kaaga
yimaada ee waqtiga dayaca
waa :
-
Dhibaatooyinka
Hadii aad qof tusaale ahaan is qabsataan hawada
siin awoodaada oo dhan ee soo koob si fudud loo xaliyo haday dheeraatana iska
laab iska dhaaf oo u jeedso hadafkaaga .
-
Sugitaanka
Ka digtoonow inaad fududaysato waqtiga aad wax
sugaysid waxaad helaysaa farxad dhaamaan intaad sugaysida waqtiyadaa aanad
xisaabansida :
- sugitaanka qadada /cashada/ ama saaxib aad
sugaysid
- ama bas oo kale intaad sugaysid .
waqtiyadani ma aha qaar kuu xisaabsan laakiin
waxaad uuga faiidaysan kartaa
- A. inaad akhridid kitaab ama
sheeko muhiim ah
- B. inaad akhrisato tusaale ahaan
kalmado luqada aad baranaysid sida Carabiga Englishka qaanuunada xisaabaha ee
ubaahan xifdiga wax kasta oo xifdi u baahan
Waxay ku talinayaan culimada nafsigu : In aad wax akhrido wakhtiyo kala duwan waxay
mudantay waxaad xafiday uu si fiican masxkaxda uu sii fiican udego
- C.inaad qaadato wakhti maalin
walba aad illaahay xusto arrinkan waxa uu kuu kordhinayaa in ay naftaadu raaxo
iyo daganaan hesho aan la qiyaasi Karin ilaa uu tijaabiyo qof walba naftiisa .
Halkan waxaad ku qori kartaa arrimaha wakhtiga kaa
luminaaya ee dabada kaaga soo dariya
|
|
Arrimo wakhtiga kaa lumiya dibada kaaga
soo dariya |
Sababaha aad uuga badbaadi karto ama aad u
yarayn kartid |
|
1 |
|
|
|
2 |
|
|
|
3 |
|
|
|
4 |
|
|
|
5 |
|
|
|
6 |
|
|
Waxaynu halkaa ku soo gaba gabaynay arrimaha xagga
dibadda kaaga imaada ee wakhtiga kaa lumiya .
Arrimaha iyaguna xaggaaga ka yimaada ee daakhiliga
ah
waa arrin muhiim ah waayo waxay ku xidhantay
naftaada waxaanay ka kooban yihiin arrimahan :
1. Nidaam xumi
Nimaad xummaantu wakhtiga oo kaliya ma lumiso
lakiin waxa kale oo ay lumisaa in aad wax aad xoog saarto ama aad rakisto .
Tusaale ahaan meeqa jeer ayaa wakhti kaa luma adiga
oo radinaaya qalin – kabo –buug –kaadhka dhakhtarka am cusbitaalka …….
2. Dib u dhigid
Dib u dhiggu waa cadawga koobaa ee caajiska iyo
isdhashada in ay isku kaa biirsadaan hawlo aad rabtay in aad qabato oo uu kaa
horjoosado markaa waxaad dareemasyaa in aannad wakhti ku filan u hayn si aad u
kala nidaamiso .
waxa uu sababaana waa in aad wax walba ku xidho
mustaqbalka sida
- -waxaan yaraynayaa miisankayga bilawga bisha
soo socota
- -waxaan xifdiyayaa quraanka
(waqti aadan cayimin)
- -waxaan baran doonaa jadawalka xisaabta ku
dhufashada sabtida danbe .
Halkan waxaad ku xisaabin kartaa arrintaad dib
udhigtay:
|
|
Wabarasho |
Diinneed |
Xaaseed |
Caafimaad |
Arrimo kale |
|
1 |
|
|
|
|
|
|
2 |
|
|
|
|
|
|
3 |
|
|
|
|
|
|
4 |
|
|
|
|
|
|
5 |
|
|
|
|
|
Waxaan ku nasteexaynayaa inaad isticmaalka kalmadahan ka dheeraato
- -waan jeclaa inaan arrinkaas qabto laakiin …..
- -aynu sugno
- -mar kale uun
- -hada maaha
- -waxaa laga yaabaa usbuuca soo socda inuu ku
fiicnaan lahaa
Si aad uuga fogaato dib u dhiga addeegso kalmadahan :
- -hadduu alle yidhaa immikaan dhamaynayaa
- -imika ayaa uugu wanaagsan in la qabto .
3. in aanad naftaada qadarin
waxaa loo baahanyahay inuu qofku noqdo qof ku kalsoon inuu xaqiijin karo
ahdaaftiisa .
Halkan waxaad ku qori kartaa qaar ka mid ah arrimaha akhtiga kaa lumiya
ee ka yimaada xagaaga
|
|
Arrimo wakhtiga kaa lumiyay oo xagaaga ka
yimi |
Habkaad uuga badbaadi karto amma u yarayn
karto |
|
1 |
|
|
|
2 |
|
|
|
3 |
|
|
|
4 |
|
|
|
5 |
|
|
|
6 |
|
|
Habkee ayaad si dhab ah u maamuli kartaa
wakhtigaaga
1.marka koobaad waa inaad
arrinba arrinka uu ka horreeyo aad fulisaa .
tusaale ahaan:
|
Siday u kala horreeyaan
|
Saacadaha usbuucii |
|
Hurdo |
42 |
|
Cunto |
5 |
|
Gaadiid |
3 |
|
Alamiito |
4 |
|
Wax aad diyaarisid sida khudbad
|
2 |
|
Salaad |
4 |
|
Dharka |
4 |
|
Fiidiyawga |
10 |
|
Wax aad akhrisanayso oo ka baxsan waxad
dhigato |
3 |
|
Dukaamaysi ama shopping |
2 |
Guud ahaan saacadaha
toddobaaku (wiigu) waa 168
2.waa inaad ogaato waxaad ku
wanaagsantay iyo waxaad liidatid.
waxaad samayn kartaa inaad isticmaasho jadwalkan si aad u nidaamiso 24 ka
sacadood ee maalintii waa jadwal maalmeed :-
|
Saacad |
Shaqo |
Saacid |
Shaqo |
|
1 sb |
|
1sb |
|
|
2-3 |
|
2-3 |
|
|
3-4 |
|
3-4 |
|
|
4-5 |
|
4-5 |
|
|
5-6 |
|
5-6 |
|
|
6-7 |
|
6-7 |
|
|
7-8 |
|
7-8 |
|
|
8-9 |
|
8-9 |
|
|
9-10 |
|
9-10 |
|
|
10-11 |
|
10-11 |
|
|
11-12 |
|
11-12 |
|
Usbuuca oo dhana waxaad isticmaali kartaa jadwal usbuuceedka
|
Saacad |
Sabti |
Axad |
Isniin |
Salaasa |
Arbaca |
Khamiis |
Jimce |
|
6-7sb |
|
|
|
|
|
|
|
|
7-8 |
|
|
|
|
|
|
|
|
8-9 |
|
|
|
|
|
|
|
|
9-10 |
|
|
|
|
|
|
|
|
10-11 |
|
|
|
|
|
|
|
|
11-12 |
|
|
|
|
|
|
|
|
12-1duh |
|
|
|
|
|
|
|
|
1-2gal |
|
|
|
|
|
|
|
|
2-3 |
|
|
|
|
|
|
|
|
3-4 |
|
|
|
|
|
|
|
|
4-5 |
|
|
|
|
|
|
|
|
5-6 |
|
|
|
|
|
|
|
|
6-7 |
|
|
|
|
|
|
|
|
7-8 |
|
|
|
|
|
|
|
|
8-9 |
|
|
|
|
|
|
|
|
9-10 |
|
|
|
|
|
|
|
|
10-11 |
|
|
|
|
|
|
|
|
11-12 |
|
|
|
|
|
|
|
|
12-1 |
|
|
|
|
|
|
|
|
Habeen adhka |
|
|
|
|
|
|
|
Sidee ayaad hadaba u hir galin kartaa labadan
jadwal ee maalmeedka iyo usbuuciga ah ?
Ka dib markaad jadwalkan dhigtay hawsha kuu taalaa waa inaad hir galiso oo aad
ku dhaqanto .
In aanad khilaafin marnaba oo aad isticmaasho arrimahaan hore u soo sheegnay
Sidee ayaad wakhti u kasban kartaa ?
Waxyaabaha uugu muhiimsan ee aad wakhti u kasban karto waxaa ka mid ah
Ø
Hurdada oo aad yarayso
Culimada ku takhasustay xaga cilmu nafsiga waxay
ku talinayaan qofku marka uu qaan gaadho in ay ku filantahay inuu seexdo inta u
dhaxaysa 5-6 saacadood maalintiiba .
Laakiin nasiib daro keena uugu hurdada yari waxa
uu seexdaa 8saacadood qaarna waxay seexdaan ilaa 12 saacadood (dabcan
hurdo qofka ku filan waa loo baahan yahay, laakiin waxa laga hadlayaa waa
hurdada xad dhaafka ah).
Hadaba arrinta hurdo badnidu maxaa dhaliya ?
Waxaan kula talinayaa qofka ay hurdadiisu badantay
in uu u tago dhakhtar waayo waxaa laga yaabaa in uu haya dhiig yaraan ama cuduro kale .
Buugaagta loo
noqon karo
Kuwa
ingiriisida kuqoran
- 1. Buugga la
yidhaa manage your time uu qoray ron fry
- 2. Buugga how
to study in college uu oray pauk
kuwa carabiga
ku qoran :
- 1. Buugga min
al mumkin an takuun uu qora raiici
- 2. Buugga al thakira a sariica uu qoray najiib cabdala
Waa mahad
ilaaha
Waxaa intaa
ku dhamaaday maqaalkii ku saabsanaa maamulida waqtiga
Inshaa
allah waxaan rajeynayaa inaan soo saari doono maqaalo kale oo la xidhiidha uun
maqaalkan iyo macluumaad kaleba haduu alle idmo
Qore:-Cabdiraxmaan SHeekh Cismaan Cali.:
Email:
calawi505@hotmail.com
Waxaan
qoray 17-11-2006
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2006
Maalinta oo Lagu daro ama Laga dhimo Saacad
|