AW JAAMAC CUMAR CIISE:
DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA- Q.2aad
Waxaa qorey: Cabdullahi
Xasan Maxamuud (Cabdullahi Spanish) Madrid, Spain.
Email: indhagube@yahoo.es
Waxaa tafatirey:
Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Lafoole) Minneapolis, Minnesota Email: lafoole100@yahoo.com
Qaybta:
1aad |
2aad |
3aad |
4aad | 5aad |
QAYBTII 2aad
NABARKII
DARAAWIISHI U GO’DAY
Dagaalkii kowaad
1914-1918 markii uu dhamaaday xulafadii la
odhanjirey “Axis Powers” oo Jarmalku hormuudka u
ahaana laga adkaaday baa dawladii Ingriiska oo ku faani
jirtey in aan calankeeda qorraxdu ka dhicin waxay
goosatay in Daraawiish wixii ay awood cir, mid dhul iyo
mid badeed lahayd aysan u kala reebin. Dagaalkaasi la
rabey in lagu kala bixiyo daraawiish iyo dhaxalkeedii,
wuxu u qaybsanaa saddex qaybood oo waayeyn:
- (A)
Daraawiish in la cidhibtiro oo aan firxad ifka
korkiisa lagaga reebin, halgankii dhidibada loo
aasay 1896 oo ilaa waqtigaa socdeyna sidaa lagu
damiyo.
- (B) In
raadka daraawiish si loo ilaawo wixii ay dhismo kaga
tageen gobolada kala duwan ee Soomaaliya dhulkana
lala simo oo gelgelin laga dhigo.
- (C) In
jiritaankooda iyo hadal hayntooda laga tiro dhaqanka
Soomaalida, oo Suugaan iyo Taariikh midna aan looga
aayin.
(A) Qaybta
1aad
Gumaysigii Ingiriis isagoo ka faa'iidaysana dagaalkii
kowaad (1914-1918) oo ay guul ka soo hooyeen iyo
ciidamadooda oo markaa guushaasi niyadooda aad u kicisay
isla markaana wixii ay xoog ciidan lahaayeen markaa u
gacan banaan oo aan meelna dagaal kaga socon, wuxu u
fadhiistay in uu dejiyo khidadii lagu cidhibtiri lahaa
daraawiish..
Si arrintaasi u hirgasho aanna loogu khasaarin sidii ku
dhacday dhammaan jenanadii ingriiska iyo dhammaan
madaxdii iyo saraakiishii kale ee boqortooyadaas oo jab
weyni ka soo gadhay dagaalkii socday 20 kii sano ee u
dambeyey marka laga reebo goobtii Jidbaale oo dhacday
(1904). Waxa la soo xulay
Sareeye Gaas Sir. A.R.Hoskin oo isagu madax ka
ahaanjirey “Kings African Rifles”, ka
dibna soo hogaamiyey ciidankii balaadhnaa oo lagu
damiyey kacdoonkii Mesopotamia (Ciraaq). Waxa
kale oo khidada dagaalka dejinteeda ka qayb qaatay “Air
Marshal Sir Hugh Trenchard, Lord Molner iyo Sir Archer (Caarshe
Dheere) oo isagu markaa maamul ku sheegii
gumaysiga oo Soomaaliya ka jirey madax ka ahaa. Waxa
isla markaa qorshaha korka ka jirey una heelanaa
Siyaasiintii ugu sareeyey dawladii gumaysiga Ingriiska
oo ay hormuud ka yihiin raiisulwasaarihii iyo wasiirkii
dagaalka.
Si arinkaas loo fuliyo, daraawiish oo gumaysiga iyo
Soomaalidii uu dabada ku watey qodax cunaha kaga mudan
ku noqotayna loo masoxo, waxa wadanka Soomaalida
dhankiisa waqooyi la keenay:
- - 6 markab oo
dagaal oo ah xulkii maraakiibta dagaalka oo markaa
dawladii gumaysigu ay ku dhaadan jirtey.
- - 12 diyaaradood
oo ah kuwa dagaalka oo ka soo qayb qaatay dagaalkii
kowaad oo u dhignaa markaasi B52 maraykanka ee
maanta, isla markaana laga dayac tirey wixii
dhibaato farsamo soo gaadhay afartii sano ee uu
socdey dagaalkii kowaad. Diyaaradahaasi waxa khibrad
iyo geesinimo loogu xulay taliyaha, kaaliyayaasha
iyo askarta.
- - Waxaa la soo
diyaariyey 3 batalyan oo ah ciidankii la odhanjirey
“Kings African Rifles” oo qiyaastii 2400 nin ka
koobnaa.
- - 2 batalyan oo
hindi ah, gaar ahaan Siig oo ka kooban 1600 nin .
- - 1 batalyan oo
fardooley ah oo iyana hindi ah kana koobnaa
qiyaastii 800 oo nin.
- - 2000 oo askari
oo isugu jirey “levy” iyo ilaalo.
- - 1000 nin oo
rakuubley ah “Camel Corps”.
- - Ciidan dhawr
boqol ah oo ah kuwa miinada.
- Iyo ciidan aad u
badan oo la hubeeyey oo ka kooban qabaa-ilkii
Soomaaliyeed oo ingriiska ku hoos nolaa oo loogu tala
galay inay gacanta ku dhigaan wixii firidh ah, inay is
raaciyaan kii dhaawaca, kufsadka dumarka iyo dhaca
xoolaha aan u aabo yeelin.
- Waxa iyana la shaqaaleeyey dhawr boqol oo soomaali ah looguna
tala galay inay noqdaan basaasiin. Waxaa loo diyaariyey
“khariidad badwi” lagu muujiyey magacyada meelaha
xidhiidhka isgaadhsiinta gaaladu ku suganyahay farweyn
loogu qoray si ay markay war helaanba si deg deg ah u
gaadhsiiyaan meesha ugu dhow.
- Dhinaca bari iyo waqooyi bari waxa iyana laga
diyaariyey ciidamadii saddexdii boqor ee deegaamadaas markaa
ka talin jirey, si aanay soo dhawayna uga helin loona
badbaadin Daraawiishta dinacaas u baxsata ama u guurta.
- Dhinaca koonfurta waxa ka diyaar garoobey cidamadii
talyaaniga. Talyaanigu wuxu isla markaa ogolaaday in
ciidamada Ingriiska iyo cawaankiisu ay soo galaan
xuduudkii talyaanigu xukumayey si wixii ka gala ay uga
daba galaan. Wali waxaan ku jiraa baaxadda iyo awooda ay
lahaayeen ciidamadii lagu weeraray Daraawiishe waxaa
dhinac kale laga diyaariyey.
- 5000 oo askartii Xabashida ah waxaana laga diyaariyey
dhinaca galbeedka. Taas oo loogu talagalay in ninkii
maanta ka nabad gala xabbad cir iyo dhulkaba ka imanaya
in aysan gaadhin ama ku nabad gelin dhulka Soomaalida ee
xabashidu hadeer gumaysato.
Qalabka loo diyaariyey in dagaalka lagu fuliyo oo aan
daraawiishtu haysan waxa ka mid ahaa:
- - qalabka is
gaadhsiinta
- - gawaadhida
gaashaaman ee dagaalka
- - madaafiicda
goobta
- - cusbitaal loogu
tala galay dhaawaca oo in ka badan 30 qof oo
dhakhaatiir iyo kaliye caafimaad isugu jira loo
diyaariyey.
- - Gawaadhi xamuul
ah oo farabdan oo raashin, biyo, daawo iyo shidaal
loo diyaariyey
- - 5000 kun oo rati
oo laga soo kireyey Soomaalidii ay ingriiska isku
ciidanka ahaayeen oo iyana xamuulka ka qayb qaadatay.
Cidhibtirkaasi loogu
tala galay daraawiish in lagu cidhib tiro ina Cabdulle
Xasana gacanta lagu qabto, wuxuu si toos ah u bilowday
21kii bishii kowaad 1920 kii. Wuxuu si aan kala
go’lahayn u socdey muddo bil ku dhow. Daraawiishi si
geesinimo leh bay u dagaalantay waxaana hal hays u
noqday guul ama geeri. Dawladii Ingriisku waxay si weyn
isugu hawshay ragii daraawiish hogaaminayey ina Cabdulle
Xasana u horeeyo in cageheeda la keeno. Daraawiish
madaxdeedii waxa istustay in goob dagaal guul iyo
guuldarro midkasta lagala kulmi karo, laakiin ciidan
madaxdiisii cadow gacanta ku dhigay guuldarro ka weyni
aysan jirin. Waxay markaa xoogga saareen in dhanka
dagaalkana ay qalcadiba qalcad ka war hayso oo haddii
mid la gumaado wixi ka nooli aysan firdhin ee qalcadda
ku xigta isugu qalab gurtaan. Dhanka kalena madaxdii
daraawiishta oo ina Cabdulle Xasana u horeeyo aanay
marnaba gacanta u gelin gaalo iyo cawaankeed.
Sirdoonka daraawiishtu wuxuu ka warqabey in wadadii
banaanba ugu yaraan 20 dabin loo dhigay si ina Cabdulle
Xasan iyo khusuusidii daraawiista aanay meel ay ka
dusaan u helin. Markii ay daraawiish u cadaatay in
dagaalkani uusan lahayn saansaan guul oo xagga
Daraawiishta raacda, sidii ay boqolaal goobood oo hore
uga barteen, waxay tab iyo xeelba isugu geeyeen in wixii
la badbaadin karo la badbaadiyo oo meelaha hubka
waaweyni ku hoorayo laga fogeeyo. Tan labaadna wixii
xeel gaalo iyo cawaankeed degeen si ay gacanta ugu
dhigaan hogaankii daraawiishta in ay buriyaan oo aan
marna gacanta lagu dhigin.
Dagaalkaa bisha socdey laba waji buu lahaa: (a) in
daraawiish garabka dhulka loo dhigo oo dabkeeda la
bakhtiiyo (b) in hogaankeeda la qabto maxkamad lagu dili
doonana la soo taago.
Run ahaantii gaalo iyo cawaankeed wajiga hore way ku
guulaysteen, waxaana daraawiish looga guulaystey: (1)
Waxa la dulkeenay ciidan, ciidankii Maaraweyn oo
daraawiishi ku dhaadanjirtey ku shanlaabma oo hub iyo
isgaadhsiin iyo taakulaynba kaga horeeyey. (2) Si gaadmo
iyo kedis ah baa cirka looga weeraray. Inkastoo ay si
geesinimo leh oo cadowgoodii qiray u dagaalameen
diyaaradiina qaar soo rideen, hadana malakumood cirka ka
imanaya oo wax lagu joojiyo aan loo hayn wuxuu noqday
looma adkaystaan. (3) Iyagoo ujeedooyin siyaasadeed ka
lahaa laakiin aan cawaaqibka ka imaan doono dhab u
sahamin, bay waxay xoogoodii ka qaadeen Nugaal oo ahayd
meel aad uga fog dhulka lagaga soo duulayo oo marnaba
aan gaadmo loogu yimaadeen. (4) Waxay degeen meelo
waqooyiga Soomaaliya ku yaal oo badda cas u dhow sida
Jiidali iyo Midhashi. Waxayna diyaaradihii cadowga u
noqdeen ugaxan xidinxiito oo banaan taal.
Hadaynu nidhi qaybta hore waxay ku ekayd daraawiish in
laga guulaysto iyo in madaxdooda oo Sayid Maxamed u
horeeyo cagaha ingriiska la keeno. Waxa hubaal ah,
daraawiish haddii qaybtii milateriga lagaga xoog
roonaaday, qaybtii labaad oo dagaalka asaaska u ahaa
daraawiish baa ku xoog roonaatay, hogaankii
daraawiishtuna in uu gacan cadow galo xaraan bay noqotay.
Waxayna ina Cabdulle Xasana iyo ragii wadey dab ku sii
shiteen
Jiidali, Taleex, Garoowe, Dharkayn-geenyo iyo
melo kale oo badan.
Darwiish Cali-Faarax Nuur
oo raggii dhacdooyinkan wax ka maamulay ka mid ahaa
waxaan ka hayaa, ina Cabduulle Xasan markii Taleex laga
amba bixinayey waxaa isaga si gaara loogu raray oo caano,
biyo, raashin iyo qalabkiisii khaaska ahaa loo saaray
rati la xulay oo Guduud-dheere la odhan jirey.
Aragtidayda ilama khaldana haddaan maanta ratigaa ugu
yeedho darwiish Guduud-dheere. Dharkayn geenyana waa
meesha sida taariikhda inagu soo gaadhey ay iyaga oo
badankoodu naf ka dhawr yahay ku nasteen. Waxay goobtaas
baahi darteed ku qasheen geenyo. Geenyadaas gawraca waa
loo quudhi waayey, laakiin gabayga eryadani ku jiraan
bay u go’day:
- Waxba
gaalibkeediyo xarrago yaanan soo gocanne
- Iga
gawrac geenyada ragbaa mawdku gurayaaye
Labadaa waji markii mid
daraawiishi ku guulaysatey, xoog iyo xeeladna isugu
geysey sidii hogaankeeda iyo maamulkeeda ay uga saari
lahayd Sanaag iyo Nugaal, gacan cadow in ay
galaana ka ilaalisay. Waxa daraawiish talo kagaga
ururtay in ay ciidankooda meel isugu geeyaan oo aagga
Webishabeelle oo ciidan xooggan oo daraawiish ahi markaa
fadhiyey isugu luga duwadaan.
Geedigii waqooyiga
Soomaaliya laga raray waxaa lagu furay, Qorra,
Shiniile iyo Horushagax. Talo waa tan ilaahe iyagu
tooda, waxay ku talo galeen in ay halgankii halkaas ka
soo bilaabaan, gaalo iyo nin la jiraana aanay marna
hurdo macaan seexan. Waxaa yaraantaydii waayeelku aad
uga sheekaysanj ireen oo la aaminsanaa in gaalo iyo
cawaankeed markay taa ka war heleen, ay istuseen in
daraawiish oo dib u soo noolaata aan loo adkaysan karayn,
lana go’aamiyey in dagaalka lagu daro qaybo cusub: in
ceelasha ay ka cabbaan la sumeeyo, in “Virus”ka
furuqa iyo “bacteria”da daacuunkana iyo nafley la
jin ah oo cudurro badan oo lagu hoobto dhalisa lagu
fidiyo dhulka ay deggan yihiin. Muddo yar kadibna waxa
la soo sheegay in daraawiishi tahay mid sumoobay oo
dhintay iyo mid sakaraad ah oo geerida sugaya. Markii la
hubsaday in nin qori soo rogan kara oo caafimaad qabaa
ku yar yahay, baa ciidan cawaan ah oo inta naftu ku
jirto soo gawraca, geel iyo fardo wixii ay hayeenna soo
moora duuga lagu saaray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,
oo markaana qabashadiisa gumaysi ku hungoobeyna waqti
gaaban ka dib baa tii alle u timi oo uu geeryoodey.
Saancadaale iyo cawaankiis markay ku guulaysteen in ay
daraawiish ka bara kiciyaan dhulkii ay dhawr iyo
labaatanka sano ka dagaalamaysey, kacdoonkeedii laabadna
cidhib tireen. Waxaa markaa muuqatay in lagu talaabsado
tirtirka qaybihiisii kale.
Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain.
Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 16, 2006
|