SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
HALGANKII - DARAAWIISHTA

AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA- Q.3aad

Waxaa qorey: Cabdullahi Xasan Maxamuud (Cabdullahi Spanish)
Madrid, Spain.
Email: indhagube@yahoo.es


LafooleWaxaa tafatirey: Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Lafoole)
Minneapolis, Minnesota
Email: lafoole100@yahoo.com


Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad |

Qaybtii 3aad:::

Aragtida gumaysiga iyo cawaankiis markii daraawiish la cidhibtiray oo mashruucii tirtirka qaybtiisii kowaad hirgashay. Waxa si toos ah oo aan gabad lahayn loogu fadhiistay sidii loo fulin lahaa talaabadii xigtey. Talaabadaasi waxay ku salaysnayd mar hadii daraawiish la waayey in aan dadka Soomaaliyeed dhaxal uga aayin oo aan xaalku noqon “ayax teg eelna reeb”.

 
Nasiib wanaag daraawiishi ha tagtee waxay dadkeedii uga tagtay dhaxal ma guuraan ah oo sidaynu kor ku soo sheegnay u qaybsanaa laba qaybood. Gumaysi iyo dabadhilkiisiina u arkayeen laba cudur oo aan dawo lahayn oo u dhigmo kuwii waagii hore fardaha lagaga cararijirey. Dhaxalkaasi wuxuu isugu jirey: (a) qayb muuqata laakiin aan sidii geela iyo fardaha dhicitaan iyo kaxaysad midna lagu hunguraynayn. Isla markaa ciidamadii gumaysiga iyo dabadhilifkiisii u diidey in ay la wareegaan ama mulki ka dhigtaan. Taas waxa ka marakacay wixii dhisme mudadii sodonka sano ku dhoweyd oo halgankii daraawiish iyo gumaysiga iyo cawaankiisa iskaga horyimaadeen dartii looga taagey gobolada kala duwan ee dhulweynaha Soomaaliyeed oo ay weheliyaan beerihii iyo ceelashii. (b) qaybta aan muuqani waxay ka koobnayd wixii Taariikh iyo Suugaan la xidhiidhey halganka oo iyagu ku hadhay xusuustii iyo maskaxdii dadweynaha Soomaaliyeed oo xoriyadda jeclaa, goboladii daraawiish tiirarkeedu ku taagnaayeen iyo firxadkii daraawiisheedna hanti iyo halhays u noqday si gaar ahna ugu fiday.

Hadaba, dagaalkii kediska ahaa oo cir, dhul iyo bad daraawiish lagaga soo qaaday markii laga faraxashay, madaxdii daraawiisheedna in gacan lagu dhigo lagu hungoobey. Iyada oo aan ciidamadii nasan baa la bilaabay in dhaxalka qaybta muuqata aragga dadka laga qariyo. Waa wax lagu soo talagalay e, ciidamda waxaa la socdey cutubyo gaara oo loo tababaray kuna xeeldheer, qarxinta iyo baabi’inta. Wuxuu isla markaa ciidankaasi khibrad wanaagsan ku soo qaatay dagaalkii kowaad oo markaasi laba sano ka hor laga faraxashay, guushiisiina niyadda aad ugu dhistay gumaytihii ka soo horjeeday halgankii daraawiishta.

Si hawshaa loo fuliyo, waxa la go'aansaday in burburkii diyaaraduhu bilaabeen si jaango’an loo dhamaystiro. Waxa markaa la bilaabay in laga soo daadgureeyo wadanka Masar qalabkii loogu talagay oo markii hore halkaasi lagu sii kaydiyey. Meelihii dagaalkaa ka hor fadhiisinka u ahaa daraawiish oo ay ka mid ahaayeen Midhashi, Jidali, Baran iyo Taleex waxa la geeyey cutubyo ka tirsan madaafiicda goobta. Ujeedadu waxay ahayd in burburinta kama dambaysta ah oo ay ku kicidoonan qaybta miinadu loo sii jilciyo oo hawsha loo sii fududeeyo.
 Taasi waxay timi markii la ogaadey in diyaaradihii ay ku khasaareen qalcadaha badankoodii in ay dhulka la simaan. Ka dib waxa qalcadahaas lagu garaacay madaafiicda goobta iyada oo bari, galbeed, waqooyi iyo koonfur marba dhan laga garaacayey. Nasiib wanaag Qalcadahaas qaar ka mid ah oo ay SILSILADI u horayso waa lagu guulaysan waayey in la tirtiro.

Qalcadihii markii ay taana ka dhega adaygeen oo lagala quustay in ay ciiraan ama dumaan. Ayaa waxa loo gudbey talaabadii xigtey oo kama dambaysta ahayd xagga aragtida gumaysigii la dagaalamayey daraawiish. Waxana la bilaabay in wixii miino iyo hub wax lagu qarxiyo dagaalkii kowaad uga hadhay iyo tii ka soo hadhay dagaalkii bisha socdey oo daraawiish lagu kiciyey, laysugu keeno meelihii qalcadahii ay ku yaaleen qalcadihii la dumin kariwaayey. Qalcad kasta waxa laga miineeyey kor iyo hoos dibad iyo gudo.
Waxaase nasiib darro ku noqotay gaalo iyo cawaankeed in qalcadihii qaar ka mid ahi ay taana u dhabar adaygeen sida SILSILAD oo ka mid ah dhismayaashi daraawiishi ku farayaraysatay kuna taal xarunta rasmiga ah ee daraawiishta (TALEEX). Waayeelkii daraawiish ka hadhay dhiskeedana ka qayb galay waxay ka sheekaynjireen in qaybo ka mid ah CAANO geel lagu dhisay. Dhagaxeedana isaga oo adkaysan, weynaan, cuf iyo culays lagu xushay in lagu qaadijirey GOGA geela oo markaasi rag farabadani dacalada qabanjireen.

Sayidku isaga oo aad moodid in uu hore u sii saadaaliyey waxa iman doona iyo tabta kama dambaysta ah oo gaaladu in ay diyaarado, bam iyo madfac noqon doonto. Qalcadii Silsilad ee Xaruntii kowaad ee daraawiishta ee magaalada Taleex ku taal markii la dhisayey waxa laynooga sheegay in uu yiri:

Dhagaxa malxafkii Madfaca ma ceeshii
Maandhow mid ka buuran ii keen

Sayid Mohamed Cabdulle Xasan Alle ha u naxariistee u jeedadiisu waxay ahayd wargelin uu ku war gelinayey raggii markaasi wastaadiinta iyo fuundiyada ka ahaa dhismaha oo uu lahaa dhagax xaleef ahi yuu qalcadda gelin kaasi madfaca maalinteed inaga celinmaayee. Isla markaa qolada dhagaxa soo guraysey ama jebinaysey iyo shaqaalahii kale wuxuu u tilmaamayey in ay niyada geshaan haba ka dhib iyo culays badnaadee in dhagaxa loo baahanyahay oo maalinta la soo weeraro dugsiga iyo dhufayska uga noqodoonaa madfac shisheeye uu yahay dhagaxa cufka iyo miisanka leh.

Aniga oo aad u da’yar, hadaalkaana xasuusan baan Taleex tegey waxaana aad ugu fiirsaday dhagaxa ay ka samaysantahay Silsiladi. Waxaa ii muuqatay in aan dhismeheeda dhagax malxaf ahi ku jirin. Isla markaa waxaa aragayga aad u soo jiitey oo aan u fiirsaday meelihii dunsanaa oo markaasi uu ka muuqdey raadkii madaafiicda goobta, kuwii diyaaraduhu cirka kaga tuurayeen iyo miinadii gudaha lagaga qarxiyey. Waxaanse aad ugu farxay sida ay waxaas oo hub ah ugu adkaysatay, sababtuna aragtidayda ay ahayd iyada oo markii hore si deggan oo aan degdeg lahayn loo dhisay oo aan cidna waxba layskaga tirinayn. Iyadoo dhagixii malxafka ahaa oo xaleefsanaa laga ilaaliyey iyo iyadoo derbiyadeeda sida iiga muuqatay ay ka koobnaayeen dhisme hal derbi ka badan oo meelaha qaarkood aan is-idhi dhawr derbi oo isku dheggan bay ahaayeen oo qaarna waa dumeen oo waxbaa weli ka sii muuqda qaarna waa sidoodii oo qaraxi waxba kama tarin. Inkastoo lala dhacay hub saddex nooc isugujira, laguna talo galay in siigo iyo quruurux laga reebo. Hadana, anigu markaan hortaagnaa waxaan ka dareemay SILSILAD in ay sidii Adan-Carab ilaahay haw naxariistee markii uu isaga oo dagaal ku dhaawacmay la hadlayey dad uu ka dareemay in ay geeridiisa jeclaayeen, ay iyaduna markii hubka kala jaadjaadka ah laysu dabamarinayey ay gaalo iyo cawaankeed ku tiri:

Korka dumise geesahana waa, iga kadeedeene
Kolanyoonyin baad soo dirteen, gooya kadabkay e
Karaankiina miiniyo hub culus, laygu kulansiiye

Karuurkii samaad iyo gogbaa, kaalintay galay e
Waxa lidiqa lagu kaydinjirey, kaal god uu qoday e
Unkud daacad lagu keenay baa, ii kabaala ahe

Kahaf iyo rasuulkiyo Allaa, layla kaashaday e
Kumanyaal saliga qaadayaa, kuudda ii xidhay e
Kurtin iyo dab nool baan u ahay, cuurar soo kiciye

Inkastoo kufrigu noo tashaday, amadhna kaalmeeyey
Kufimaayo anigaan xilkay, kaamilkiis gudane
Ha karaama seegina madfaca, laygu kariwaaye
By: Silsilad

Hadaba, inkastoo Silsilad iyo qalcadihii la midka ah raggii dhisay ay xilkoodii si habsami ah u guteen kuna tala galeen in qolada ku xigtaa dhaxalka la wareegidoonto oo dayactirkooda ku qaybidoonaan, sidaana ku god galeen. Waxa nasiib darro ah in kacaamadii ka dambeeyey aysan sidii laga filayey xilkas u noqon. Waxaanna shaki ku jirin in muddo 87 sano ah, dhagax ay ka ridaan ama ka amaahdaan oo wax ku dhistaan mooyaane aanay mid ka dhacay dib ugu celin.

Aniga oo aad uga xun, ogna in aan ka mid ahay kacaanka lagala dardaarmay oo xilkiisii gabay dhabarkana u jeediyey. Isla markaana xasuusan in waxa ugu dambeeya oo qofka ka lumaa uu rajada yahay oo hadduu raja beelo uu raad iyo ruuxba beelay. Waxaan kaga baxayaa qaybtan aadna ugu rajo weynahay in wixii hadda ka dambeeya sidaa looga nuglaado intii awood ahna la waariyo oo aan waqtigu intii gaalada iyo madaafiicdeedu kari weydey dhulka dhigin oo hawshoodii dhamaystirin inana aynaan ku kaalmayn.
 

Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain.

Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD