SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Waxaa ururiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Abwaan Jirrab: “Ninkay Maanta Doortaan Berriba Diidnay Bay Orane”

 Gabaygaan oo ah mid waddani ah taabanaya dhibaatada Maanta Soomaalida haysata iyo sidaysan isku xirnayn ayaa waxaa tiriyay Abwaan Axmed-nuur Ow-Maxamuud Jirrab oo ka mid ahaa SYL ahaana muddo dheer Gabyaa ayaa wuxuu si weyn gabaygaa diiradda ugu saarayaa dhibaatada haysata Soomaalida iyo halkay ka soo bilaabatay, wuxuuna gabaygan u bixiyay: Nimaan maalin qura daaficin baa duubka loo xiray”, Wuxuuna gabaygiisa ku bilaabay sedan:

  1. Deelka gabay ma daayo’e haddaan diiradda u eego,

  2. Deggenaan ayaan kula damcaye ha idin daaweeyo,

  3. Darandoorrigiisaan aqaan goor la doonaba’e,

  4. Dadkeenniyo walaalaha kolkaan sharaf la doonaynay,

  5. Waxaan dux iyo iidaan lahayn la igu dagi waaye,

  6. Shinnidii aan daawaday haddaan warar ka soo duubay,

  7. Duco yeelka waxay geysataa meel dugsoon badane,

  8. Si aan loo dardarin bay haddana dadab u geysaaye,

  9. Markaasay ka duushaa intay ubaxa doontaaye,

  10. Duurkay gashaayoo dhirtay doonaysay gurane,

  11. Rugteedii dahsoonayd ayay dalam ku siisaaye,

  12. Waxay soo dadaashaba hadday malab ku daawooto,

  13. doqoni kuma heshiiseenne waa dowlad gooniyahe,

  14. Qardhaasyada markay daabushay gaadhay danaheede,

  15. Kuwii calan doonee jeclaa maba durreeyaane,

  16. Kuwa diidayaa waa dillaal doorkan soo baxaye,

  17. Dalka hooyo waxaan doonayaa inaan daryeellaaye,

  18. Difaaciisa waa taan wax badan daacad u ahayne,

  19. Dadkeenana walaalnimo haddaan ugu dadaalaynay,

  20. Waa maxay damaacigaan batee dagalka ceebeeyay,

  21. Kullu madaxnimay doonayaan ooy u dudayaane,

  22. Kumannaan daneyste ah miyaa dowlad noqonaaya,

  23. Waddaniga duray iyo duray samaha doonaayay,

  24. Dib loogu dhigay khayrka iyo darajo waaweyne,

  25. Nin dalkiisa jecel goor waliba wuu digtoonyahaye,

  26. Dadaalkii la galay ee shacbiga la isku wada duubay,

  27. Xornimadaynu wada doorannayee lagu damaashaaday,

  28. Daa’in baa ina siiyay nimcada yaan la darayeynin,

  29. Xaasid nabadda kuu diidan oo daalim ah baa jira’e,

  30. doqonnimo weeyaan haddii la isku keen diro e,

  31. Dooni mayno huunnooy wax badan way na dagayeenne,

  32. Dadka kale hadduu caarid yahay danahay sheegaane,

  33. Dalkooday ku daadihinayaan xoog la daawado e,

  34. Mas’uuliyiinta waa loo digaa goor la doonaba’e,

  35. Dawgay ka bayreen yaa lagu duwayaaye,

  36. Kuwanina damiirkooda waa dil iyo laayaane,

  37. Dadkooday dhibaayaan yay dalab ku haystaane,

  38. Badowgii daboolani waxbuu dili yaqaannaaye,

  39. Waa maxay dugaagtani shacbiga daaya laga waayay,

  40. Xisaabaha dambe yaa la rabay inay dareemaane,

  41. Dambi kama xishoodaan waa lagu dabbaashaaye,

  42. wixii diinta naga reebtay baa daaya leennahaye,

  43. Ninkastoo u daacada iyagu way dacaayadeyne,

  44. Ninkay maanta doontaan berriba diidnay bay orane,

  45. Durba caaya iyagu kama dambeeyaane,

  46. Dookhoodu waa caaradnimo kamana daayaane,

  47. Dalka qaayahiisiyo ma oga dowga kharka lehe,

  48. Dulmi kaan aqoon iyo mabda’ way la diriraane,

  49. Danahooda kii wada ayay ugu darraadaane,

  50. Warankaan darbaday maalintaan samaha doonaynay,

  51. daba dhilifku waatuu gabbaduu daalay oo haraye, 

  52. dadaalkii SYL haddii dayro laga yeelay,

  53. Darkaan xiray kolkii laga cabbay doqon I moodeene,

  54. Darifaaddu waa ceeb innagaa diidnay quursiga’e,

  55. Maba daynayaan booli Qaran daalimnimadooda,

  56. Danahooda mooyee shacbiga dayiba maayaane,

  57. Halgankay dafirayaan ayaa loogu dowgalaye,

  58. Gobonimooy daraaddaa haddii waayo lagu daalay,

  59. Dig-digliyo af-miinshaar intaad deeq u fidinayso,

  60. Dowladnimooy dadkaagii maxaa diif u wada yeelay,

  61. laga duudsii inay daaro iyo darajo yeeshaane,

  62. Dulli diidayaashii u kacay doonistii Calanka,

  63. Dadaalkii SNL waxay duunyo bixinaysa,

  64. Digniintii SYL kuwii doonay magaceenna,

  65. Horseedkii dalka u dhaartay ee daacadnimo muujay,

  66. Waddanigii dadaalayay doqon ku sheegeene,

  67. Waa kuwaa abaalkii dafiray damacii waallaaye,

  68. Dad jeclaysigoodii ayaa loogu dow-galaye,

  69. Nimaan maalin qura daaficin baa duubka loo xiraye,

  70. Xornimo doonisteedii ayay nagu dagaaleene,

  71. Dardaarkii Shisheeyaha ayay nagula doodeene,

  72. Hadday waaliddiinta u dabcaan duri ma gaadheene,

  73. Dowladdaba kuwii dhaliyaybay ugu darraadeene,

  74. Daankooda uun baa ku yiri daaqa weligiine,

  75. Iyagana habaarkii dardaraa loo diyaarsade,

  76. Waa waxa dagaalkiyo fidnada loogu soo diraye,

  77. Kala dide duugaaggii sida dayro iyo cowle,

  78. Nabsibaa idin kala daadiyoo mana dareentaane,

  79. Dad Caddaaladii diiday sow daayac noqon mayo,

  80. Dowgii markii hore ayaan kaaga digayaaye,

  81. waa inala doonaa dadkii daacaddaahaaye,

  82. Degi mayso jeeroo xaqii daaha laga qaado,

  83. Sheydaan dabooloo xagani dayiba maayaane,

  84. Dusha share kuwii calanka suray dayro laga yeelye,

  85. Waa laga duceystaa adoon diidin magacooda,

  86. Xornimo doonisteedii miyaan waayo lagu daalin,

  87. Geesiyaal dantoodii ka tagay waa dafirasaane,

  88. Waa lagu dadaalay hurdaad damacsanaydeene,

  89. Dunidu waxay ku dhaartaan kuwii daafaca u galaye,

  90. Ayidaad ninkii door-biday doqon ku sheegaaane,

  91. Daba dhilif waxaa loo yaqaan kii maslaxo doona,

  92. Haddaad doorateen madaxda waa laga dambeeyaaye,

  93. Dad yar baa siyaasada wadoo lagula daayaaye,

  94. Waa inay dantooda iyo shacbigu dalag u foofaane,

  95. Debnahooda waa inay wixii daran ka dhowraane,

  96. Dacaayaadka iyo beenta waa la iska daayaaye,

  97. Dalka iyo haddaad dayacdaan Dowladnimadeenna,

  98. Xoggii kala daadiyaa daafac geli waaye,

  99. Doqonnimo weeyaan haddii la isku keeni diro’e,

  100. Sharafkeenna kii diidan iyo daalim ka ilaasha,

  101. Degenaashahaa lagu helaa darajo waaweyne.

Waxaa ururiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2005


»Deeqa: Maansadii 31aad ee Doodwanaag
»Darwiish: Maansadii 32aad ee Doodwanaag
»Dawan: Maansadii 33aad ee Doodwanaag
»Dimoqraadi Waa Kuma?: Maansadii 34aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG



HTML CD