SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY


Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com



Maxamed Dhagaafe Cilmi

 SONKOR-QUBATAY!!

Gabaygaan waxaa Sonkor-qubatay waxaa curiyay Abwaan maxamed dhagaafe cilmi oo kunool magaalada mbale ee dalka Uganda gabaygaan ayuu Abwaanku waxa uu ugu xogwaramayaa Siciid barkhadle xassan oo ah sheikh soomaaliyeed oo dagan wadanka c Kanada  iminkase kusugan wadanka Uganda.taariikhda gabaygu waa 9kii.12.2005.ta

Gabaygaan waa gabay ka hadlaya xaalladda dhabta ah ee uu kusugan yahay dalka somaliya maxamed asaga oo ka qiirraysan waxyeelda iyo dhibta ku habsatay dadka iyo dalka somaliyeed ayuu u sheegayaa siciid in  uusan jiifsanayn inta xaajo sidan tahay.!!

Gabayguna waxa uu ku bilaabanayaa sidan. 

                           (Sonkor-qubatay)                    

  1. Sa`da gabay siciidow adeer saaciddaan bidaye

  2. Salaam keed makorro gacaliyow sabab anoon hayne

  3. Markii xaalku ila sibibixdaan siinka curiyaaye

  4. Saakana tixbaan kuu sidee sacabadow doogso.!!

  5.  

  6. Hurdo seexan waayoo beryahan waan siloonahaye

  7. Sahwi iyo wareerbaygu dhacay waanna soognahaye!

  8. Haddaan suuqa aad maago oon doonto salabkayga

  9. Sidii ruux sarqaamaan dhabada seegin oo dhimiye.!!

  10.  

  11. Dadku way salaamaan jawaab siina kari waayay

  12. Sidaan ahayba mooggoo ayana waa sayaxayaane

  13. Sawaab aan danayn aadmigay igu sifeeyaane

  14. Ana waanka siibane ladood layma solon siiyo.!!

  15.  

  16. Sifahaas waxaa igu jirabay amase soo jeedka

  17. Oo aan la seegseegay baan kuu safirayaaye

  18. Waxaan ahay nin soomaaliyoo diiddan silicaane

  19. Siyaasadan sirgaxan baan arkoo saatan iigalaye.!!

  20.  

  21. Sumadda iyo calankii haddii suudi lagu tuuray

  22. Sokeeyiyo walaalnimo haddaan la isku soo laaban

  23. Subaxdii lagaaraba haddii siigo kor u duusho!

  24. Ana seexan maayoo hurdada waan ka soon xirane.!!

  25.  

  26. Saqiir-gowrac taladiis haddaan lagu saluugaynin

  27. Samir iyo haddaan lagu shaqayn soortan ila qaybso

  28. Ummad kala sadcaashaay haddaan loosaldhigin beesha

  29. Ana seexan maayoo hurdada waan ka soon xirane.!!

  30.  

  31. Dagaallada sokeeyoo ka dhacay sabadadeenoo dhan

  32. Heshiis lagu sifayn karo haddaan shacabku soo saarin

  33. Oo aan la isa saamixin dhamaan mooyi saynoqone

  34. Anse seexan maayoo hurdaba waan ka soon xirane.!!

  35.  

  36. Intaan saawe-saawiyo runtii kala sifaynayno

  37. Collaad soo afjarideed intaan suurto galinayno

  38. Bulshadii sabooshaye intay sayn u curanayso

  39. Ana seexan maayoo hurdada waanka soon xirane.!!

  40.  

  41. Intaan siiradii nabiga iyo suuraddaha Eebe (NNKH)

  42. Sunadiyo intaan diintanada sax ugu toosayno

  43. Soomaali oo idil intay qaran salgaarayso

  44. Ana seexan maayoo hurdada waanka soon xirane.!!

  45.  

  46. Mar-haddii sidaan lagu socdoon samo layeelaynin

  47. Kaan calanka saarnaba haddii qolo saluugayso

  48. Sunta uu kufrigu qooshay iyo siriqda meegaaran

  49. Dadkeenaa lakala soocayiyo soohdintiyo beenta!!

  50. Saboolka iyo gaajada dhacdiyo suurka nagu raaggay

  51. Agoontaan wax saacidahayiyo haysan gacan siinta!!

  52. Amuurrahan sirgaxan iyo adeer xaajadaan suruqday

  53. Sax-markaan u`eeggaa qalbigu sii qarxanayaaye

  54. Miyaan seexashaba u holladaa waan sahwinayaaye.!!?

  55.  

  56. Sonkor qubatay aad migan noqdoo subacba meel aaday

  57. Sirqadiyo dhalaankiyo duqaha saanti rogi waayay

  58. Saxariirta goortaan dayiyo sabankan ceebbaale

  59. Miyaan seexashaba u holladaa waan sahwinayaaye.!!?

  60.  

  61. Soomaali kala yaacdaybaan soo dum-leeyahay,e

  62. Sulux iyo waxaan doonayaa inay sinaadaane

  63. Saqiir gowrac baan diiddayaa loo sadburiyaaye

  64. Suugaanta iyo gabayaduna waaba sahaydiiye.!!

  65.  

  66. Ninkii nabadda ila saadiyaan surin laqaadaaye

  67. Kaan suurto galinayna waa ii sun iyo boogge

  68. Runtu waa sadkay beenna waa salowgi naarreede

  69. Inaan sowdqabiiliya dhahana hayga sugi manta.!!

                    Dhamaad

------------------------------- 

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 22,2005

::GABAYADA MAANTA:::
38aad: Miyaydaan ka diirayn?
39aad:
Da’ yar (Cali-Khayr)

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD