Shiikh
Yuusuf Indha-Cadde “Warbixintii
Qaramada Midoobey waxay ahayd
mid xaqiiqda ka fog, haddii aan
nahay Maamulkana waxaan dagaal
kula jirnaa Beerisa Xashiishka ”
Guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose Shiikh Yuusuf Siyaad (Indha-Cadde)
ayaa saakay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Amiira oo ay ka
qaybgaleen dhamaan saxafiyiiinta qaybaheeda kala duwan ee
dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wuxuuna warsaxaafaadeedkaasi
ku faahfaahiyay warbixinta Qaramada Midoobey ay ka soo
saartay gobalkaasi kaddib markii Shiikh Yuusuf (Indha-Cadde)
lagu eedeeyay in Gobalka uu ku leeyahay beero xashiish ah,
wuxuuna warbixintaan ku tilmaamay mid la dhoodhoobay oo
runta ka fog, wuxuuna warsaxaafadeedka uu soo saaray ku
bilaabanayaa sidatan:
Maamulka
Gobolka Sh/hoose wuxu aad uga xun yahay warbixinta ay soo
saareen guddiga la socodka cunabateynta hubka Soomaaliya
4-tii oktobar 2005, loona gudbiyay golaha amaanka 5-tii
oktobar 2005 gaar ahaan intii ay quseeynaysay gobolka Sh/hoose
iyo maamulkiisaba, marka 1-aad gudigaasi UN-ku ma imaanin
Gobolka Sh/hoose lamana soo xiriirin qof ka tirsan maamulka
Gobolka, meelaha keliya ee ay soomaaliya ka tagaana ay tahay
Goboladda Somaliland iyo Puntland, waxa kaliya oo ay been
abuurka ka sameeyaana ay tahay Goboladda koofurta, gaar
ahaan Gobolka Sh/hoose, meelaha si cad warbixinta been
abuurka uga sameeysay Gobolka Sh/hoose iyo maamulkiisa waxaa
kamid ah.
1- Waxey sheegeen in
gudoomiyaha gobolku uu ku leeyahay gobolka Sh/hoose 10
beerood oo xashiishka lagu beero, arintaas oo ah mid ka fog
xaqiiqda, waxaa la ogyahay in maaamulka gobolka Sh/hoose uu
yahay gobolka loogula dagaalanka badan yahay daraooagada
sida xashiishka, iyo wixii lamida, waxaan aad uga xunahay in
ay ka soo baxdo gudiga uu UN-ka u xilsaaray hab socodka
cunaqabateynta hubka Soomaaliya warbixin sidaas xaquuqda uga
fog arrintaas oo gebi ahaanba ah arrin qiimaha ka qaadeysa
warbixinada ay UN-ku soo saaraan, maadaama arrintu u eg
tahay in guddiga warbixinta ka qaatay dadkii aan ka gubnay
beeraha xashiishaka, maamulka Gobalka Sh/hoose ma fileynin
in lagu beena abuuranayo waxaan jirin, balse waxaa bulshada
caalamka ka sugeynaya in ay nagu dhiiragelinayaan la
dagaalanka Muqaadaraadka, sida xashiishadda IWM.
2-
Waxaa kalloo dhalanteed ah in maamulka Gobalku ka qaato
hay’adaha samafalka lacag baad ah oo dhan 15% lacagaha ay ku
howlgalaan, arrintaas oo ah arin aan sal iyo raad toona
lahayn, waxaana saxaafadda ku wargelineynaa in ay la
xiriiraan madaxda hay’adaha NGO-da caalamiga ah, kuwa
local-ka iyo kuwa UN-ka oo ka shaqeeyay guud ahaan Gobalka
Sh/hoose ayna arrintaas baaraan haddiiba ay tahay arrin ay
wax ka jiraan, maamulka Gobalku waxa uu gacan siiyaa
Hay’adaha samafalka ka shaqeeya isaga oo howlaha qabanayaan
ku gacan siiya, sida nabadgelyada iyo ka qaybqaadashada
mashaariicda ay fulinayaan, maamulka Gobalku wax shuruud ah
kuma xiro hay’adaha ka howlagalay Gobalka Sh/Hoose.
3- Waxaa warbixinta ku
jirtay in maamulka Gobalka Sh/hoose uu ka dajiyay ciidan iyo
hub Gobalka Galguduud, arrinaas oo ah mid xaqiiqada ka fog,
waayo maamulka Gobalka Sh/hoose wax ciidan ah uma joogaan
kama taliyo Gobalka Galguduud, Waxaa kale oo wax kama jiraan
ah in maamulka Gobalka Sh/hoose uu hub ka helay wadanka
Erateriya iyo wadan kale toona, sidaas daraadeed waxa uu
maamulka Gobalku soo jeedinayaa.
Ø Wuxuu ku
martiqaadayaa saxaafadda gudaha iyo dibadaba in ay yimaadaan
Gobalka Sh/hoose ayna baaraan warbixinada been abuurka ah oo
ay ka sameeyeen gudiga UN-ku gobalka Sh/hoose.
Ø Wuxuu ku marti
gelinayaa guddiga UN-ku u saareen la socodka cunaqabateynta
in ay yimaadaan Gobalka Sh/hoose si ay u helaan xogta dhabta
ah ee ka jirta Gobalka Sh/hoose, ayna ka noqdaan warbixinta
been abuurka ah ee ay ka qoreen gobalka Sh/hoose.
Ø
Maamulka Gobalku Wuxuu u qaadanayaan haddii ay guddiga UN-ku
imaan waayaan ama ay ka noqon waayaan warbixintaas been
abuurka ah in arrintu ay tahay warbixin loogu talagalay in
si bareer ah lagula dagaalamo Gobalka Sh/hoose iyo
madaxdiisa, isla markaana maamulka gobalku waxa uu
qabansanayaa qareen caalami ah isagoo dacwad ku soo oogaya
guddiga soo qoray warbxinta been abuurka ah oo uu ugu gefay
sumcadda maamulka gobalka iyo guddoomiyaashiisa.
Maamulka gobalku wuxuu mar
kasta gacan siiyaan mashaariicda horumarinta gobalka, sida
nabadgelyada, caadimaadka, waxbarashada, wadooyinka,
bacaadcelina iyo danyarta gobalka, maamulka Gobalka waxaa u
dambeysay gacan siinta bulshada 6/7/2005 in Kanaalka Birimo
Suguntaariyo loo qodo beeraleyda danyarta ah ee ku dhaqanka
Gobalka Sh/hoose, maamulka gobalku wuxuu kabaa bil kasta
mushaarka shaqaalha isbitaalka Marka.
Maamulka
Gobalka Sh/hoose wuxuu aad uga xun yahay in UN-ku uusan wax
la taaban karo ka qaban muddadii uu maamulka Gobalku jiray
oo ku dhow saddex sano, iyagoo mar kasta sheega in ay wax ka
qabanayaan meelaha nabaddu ka jirto, iyadoo la og yahay in
Gobalka Sh/hoose uu ka mid yahay meelaha ugu ammaanka badan
Soomaaliya, balse Gobalka Sh/hoose loogu abaal guday
dacaayado iyo magac dil ay ku sameeyaan maamulka iyo
madaxdiisaba, arrinaas oo muujineysa in aysan raali ka ahayn
wax qabadka dadka Soomaaida ahi ay gaaraan.
Warsaxaafadeedkaas kaddib ayaa weriyaasha ka qaybgalay waxay
guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde)
weydiiyeen dhowr su’aalood, wuxuuna sheegay in ay layaab ku
noqotay warbixintii Qaramada Midoobey kuna tilmaamay mid
runta aad uga fog, Shiikh Yuusuf waxa uu sheegay in 45
maxbuus ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Marka, kuwaas
oo uu sheegay in lagu soo qabtay iyagoo ka ganacsana
xashiishada ama cabaya ama beeraya, isla markaana waxa uu
sheegay in lagu riday xukuno kala gadisan.
“Markaan arko
waagii calanka Qaramada Midoobey aad baan u farxi jiray
maantase calankaasi waxa uu noqday mid la isku dulmiyo” ayuu
yiri Shiikh Yuusuf Indhacadde oo sheegay in uu u shaqeyn
jiray Qaramada Midoobey, isagoo sheegay in Qaramada Midoobey
looga baahnaa in ay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diyraan
Gobalka Sh/hoose intii aysan qorin warbixintaasi., waxaana
halkaa lagu daawadey cajalado Video ah oo laga soo duubey
beerihii Xashiishka oo la gubayo iyadoo ay daawanayeen dad
aad u fara badan iyo dad lagu soo qabtey Xashiishada iyaga
oo ka ganacsanaya , beeraya iyo cabaya oo xabsiga la dhigay
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 20, 2005

Qaramada
Midoobey oo Shaaca ka Qaaday
Beeraha Daroogada ee Sheikh
Yuusuf Indhacadde in uu
Sannadkiiba ka helo $600,000,
Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday
Dadkii Lahaan jirey...
Warbixin Dheer oo ay soo
saartay Qaramada Midoobey ayey markii ugu horeysey si
faahfahsan uga hadashay waxyaabaha sababta u ah dhibka xalka
loo waayey ee Soomaaliya in ay sal u tahay lacagta ay sida
joogtada ah ee dhiig miiradka ah u helayaan qabqablayaasha
dagaalka iyo ganacsadada Daroogada, dhuxul gurayaasha,
Qaadka, iwm.
Qoraalka UN-ku waxa uu si
gaar ah u xusay beeraha daroogada ee Sheikh Yuusuf
Indhacadde uu ku leeyahay shabeelada hoose. Qoraalku markii
uu arrintaas ka hadlayey waxa uu ku bilowday sidan:
GUJI...
Qamada Midoobey oo Warbixin
Kasoo saartay Maamulka Col.
Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga
Dhuxusha...
|