SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Shirkad Shiine ah oo Diidey in ay Batrool ka Baarto Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato

Shirkadda ZPEB oo laga leeyahay Shiinaha ayaa isaga Huleeshay Gobolka Dagaalku ka socdo ee Itoobiya Gumeysato....

  • Faafin/Tarujmadii: SomaliTalk.com | December 09, 2007

Shirkadda lagu magacaabo Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB), oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa diidey in dib uga bilowdo shaqadeedii sahaminta batroolka dhulka Koonfur-Bari ka xiga Itoobiya ee Soomaali Galbeed (ee loo yaqaan Ogaden), sidaas waxaa ku war bixiyey warbaahinta Itoobiya oo soo xiganeysey sarkaal ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Itoobiya.

Shirkadda ZPEB waxay qandaraas batrool laga baarayo dhulkaas Soomaaliyeed kula gashay shirkad laga leeyahay Malaysia oo ah Petronas iyo shirkadda South-West Energy oo ka diiwaan gashan Hong Kong, waxayna baaritaan nooca loo yaqaan "seismic survey", oo lagu ogaanayo waxa ku jira ubucda dhulka, ka wadey gobolka loo yaqaan Ogaden ee dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato ee muddada dheer dagaaladu ka socdeen.

Kaddib markii Jabhadda ONLF ay bishii April 2007 weerar ku qaaday xarun ay shirkadaasi batrool ka baareysey oo ku taal Cobole (Abole) oo ah aagga Dhagax-Buur ayaa shirkadda ZPEB waxay joojisey hawshii batrool baarista iyo sahaminta ee ay halkaas ka wadey. Waxaa weerarkaas ku dhintay 74 isugu jirey 65 ka tirsanaa Askarta Itoobiya ee ilaalineysey shirkaas iyo 9 Shiine ah.

Oil Exploration Operation Company, (OEOC) waxaa laga leeyhay Iiraan
petronas waxaa laag leeyahay Maleysiya..

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Itoobiya ayaa shirkadaas batroolka waxay ka dalbatay in ay hawshoodii sahaminta shidaalka bilaabaan. Laakiin shirkaddaas ZPEB waxay diidey in ay shaqaalaheeda batroolka ku celiso dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Itoobiya ayaa warbaahinta Itoobiya waxa uu u sheegay in shirkadda hoos tagta ZPEB ee Sino Tech, ay diidey in shaqaaleheedu ay shaqada sahaminta batroolka dib uga bilaabaan aagaas. Shirkadda reer Maleysiya ee Petronas waxay ku hawlan tahay sidii ay u soo kiraysan lahayd shirkad laga leeyahay dalka Iiraan oo magaceeda la yiraahdo "Oil Exploration Operation Company, (OEOC). Toddobaadkii hore ayaana xubno ka socdey shirkadaha Petronas iyo OEOC waxay booqdeen gobolka Soomaalida ee SoomaaliGalbeed ama Ogaden. Waxayna xubnahaasi wadahadal la yeesheen wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Itoobiya iyagoo kala hadlay arrimaha dhulka Soomaalida sidii ay u sahamin lahaayeen.

"Shirkadda reer Iiraan ee (OEOC) Jawaabtii ay ka bixisay weydiisashada shirkadda Maleysiya ee Petronas waxay ahayd mid wanaagsan. Laakiin ma aysan saxiixin qandaraaskii dhabta ahaa," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal u hadlay wasaaradda macdanta iyo tamarta Itoobiya. Shirkadda reer Iiraan ee OEOC waxay shidaal ka baartaa dalka Iiraan iyo Uzbekistan. Sidoo kale shirkadda Petronas waxay sahamin ka samaysaa Uzbekistan.

Dhanka kale, Shirkadda reer Sweden ee loo yaqaan Lundin (oo ay bah-wadaag yihiin shirkaddii CANMEX ee isu bedeshey Africa Oil ee hadda Puntland heshiiska kula jirta) waxay dhowaan sahamin batrool ka samaysay dooxada Ogaden. Shirkadda Lundin waxaa dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato laga siiyey afar aag si ay batrool uga sahamiso. Laba toddobaad ka hor ayaana shirkaddaasi sahamin batrool ka bilowday aagga u dhow magaalaada Diridhaba, sida ay sheegeen Itoobiyaanku.

Shirkadda Pexco, oo iyadana laga leeyahay dalka Maleysiya waxay iyaduna isu diyaarineysaa in ay sahamin batrool ka samayso dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato. Pexco waxaa la siiyey laba aag oo ku yaal Ogaden.

Digniintii ONLF....

Jabhadda ONLF ayaa hore digniin u siisay shirkadaha sahaminta ka wada dhulka Soomaaliyeed.

ONLF

Haggaamiyaha Ciidankii Jabhadda ONLF ee Bishii April 2007 weerarka ku qaaday xaruntii ay Shiinuhu Shidaalka ka baarayeen ee aagga Cobole, oo ay ku dhinteen 74 isugu jirey 65 ka tirsanaa Askarta Itoobiya ee ilaalineysey shirkaas iyo 9 Shiine, ayaa waxaa bishii June 2007 waraysi la yelatay Jariidada New York Times oo video Video ka duubtay ayaa yiri: "Horta marna raali kama nihin dad ajnebi ah oo Shiine ah in uu ku dhinto, laakiin waxaan ku qanacsanahay walow marar farabadan hay'adaha aan u digney oo aan niri arrinta Ogaadeenya Shidaalkeeda Cidna ma baari karto oo ay ku soo indha adaygeen haddey ku dhinteen beentii ay Itoobiya u soo sheegeen..." [Dhegeyso intaas oo cod ah]



Sawirka oo weyn: www.lib.utexas.edu


Ogaden Basin: 12 Blocks... | Isha: http://upload.wikimedia.org/

Jabhadda ONLF oo dishey 6 askari oo Itoobiyaan ah oo Ilaalinay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Maleysiya oo Sahan Shidaal u tagtay aagga Cobolle...

Bishii November 4, 2007 tuulada Luqun-Gorayaale, oo Cobolle u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay, sida ay werisey idaacada Xorriyo.

Ciidammada gumaysiga ee weerarkan loo gaystay ayaa ahaa kuwo waday koox shaqaale ah oo ka tirsan Sharikada Shidaalka ee Petrona, oo laga leeyahay dalka Maleesiya. Kooxdani waxay sahaminayeen meelihii ay Sharikadaasi hawlaha shidaal qodista ka billaabi lahayd.

Kooxdan ayaa markii weerarkaasi wabsaday waxay ku soo noqdeen magaalada Jigjiga. Weerarkani wax dhibaato ah uma gaysanin shaqaalaha Sharikadaas.

Cobolle waxay 30km dhinaca Waqooyi-Galbeed ka xigtaa Magaalada Dhagaxbuur, isla markaasna 120 km (75 miles) Koonfur kaga aadan tahay magaalada Jigjiga oo ah dhulka ay Itoobiya gumeysiga kaga haysato Soomaalida, waana meeshii ay bishii April 24, 2007 Jabhadda ONLF ku dileen 65 ka tirsanaa ciidanka Itoobiya oo ilaalinayey shirkad Shiine ah iyo 9 u dhashay dalka Shiinaha oo shaqaale ahaa shirkada Shiinaha ee la yiraahdo (ZPEB) oo aaggaas shidaal ka baareysey, 7 kale oo Shiine ahna halkaas ku qafaashay, in kasta oo ay markii dambe sii daayeen.

Batroolka Dhulka SomaliGalbeed:::

Dhulka looyaqaan "Ogaden Basin" ama dhulka godan ee dooxada oo kale ah, bedkiisu waxa uu dhan yahay 350,000km. Dhulkaas xukuumada Itoobiya waxay u qaybisay 12 qaybood ama wax loo yaqaan (12 Blocks) si ay uga kirayso shirkado kala duwan oo dhulkaas shidaal ka baarta iyadoo aan laga tashan dadkii dhulkaas lahaa.

Dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed waxa ay jabhadah aka dagaalama had iyo jeer farta ku fiiqaan in dhulkaasi ka mid yihiin meelaha ay ka jirto ciqaabta ugu xun ee dad bini'aadam ah la marsiiyo. Dhibaatooyinka dadka dhulkaas dega loo geysto waxaa beryahan dambe ku baraarugey warbaahinta caalamka.

Dhibaatooyinka ugu dambeeyey ee loo geystey dadka Soomaaliyeed ee dhulkaas asalka u leh waxaa ka mid ah qiso aad looga naxay oo ay dhowaan ciidamada Itoobiya u geysteen dadka ku dhaqan tuulada Kamuda oo ay deggan yihiin ilaa 200 oo qoys. Tuuladaas ayaa waxaa galay 180 ka tirsan ciidamada Itoobiya kuwaas oo geystey tacadi la mariyo dad bini'aadam ah kuwii ugu xumayd, sida ay qortay Jariidad ka soo baxda UK.

Qoraalkaas ay 17kii October 2007 qortay jariidada Independent ee ka soo baxda dalk UK, oo ay cinwaan uga dhigtay 'Daafuurtii Ethiopia', ayey kaga warbixisay sida ay ciidamada Itoobiya u silic dilyeeyeen, una kufsadeen toddoba gabdhood oo ay ka kaxaysteen tuulada Kamuda oo ku taal dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumaysato.

Waregeysku waxa uu xusay in ciidamada Itoobiya inta ay rasaas ku fureen tuulada ay xoog ku kaxaysteen toddoba gabdhood oo da'doodu u dhexaysey 15 ilaa 18 jir. Subaxdii xigtey waxaa la helay gabadhii ugu yarayd oo inta ay kufsadeen, oo jir dileen ay geed ka soo daldaleen. Subaxdii xigtey waxaa gabadhii labaad laga helay isla geedkii iyadoo sidii oo kale loo galay. Subaxdii saddexaddna gabar sidii oo kale oo galay. Gabdhihii kale meel ay raq iyo ruux ku dambeeyeen lama arag.

Jariidadu waxay qortay in dhawr maalmood ka dib ay ciidamada Itoobiya inta ay soo laabteen ay tuuladii ka kaxaysteen wiil 12-sano jir ah oo ay si wadar ahaan ah u kufsadeen. Habeen kastana inta askartaasi ay tuulada yimaadaan ay albaabada soo garaacaan iyagoo raadinaay dumar ay kufsadaan. Waxayna jariidadu xustay hooyo dhashay toddoba carruur ah oo tuuladaas ku noolayd markii ay u adkaysan weydey ay halkaas ka cararay oo tagtay magaalada Boosaaso oo 300 km u jirta tuuladaas. (Qisadaas oo Af Ingriis ah ka eeg halkan...).

Isha: Xorriyo

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

caddeGen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa Gen. Cadde kula kulmay Garoowe... Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH