SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA AFRIKA

Toddobadii Shiinaha ahaa ee ay Siideysey ONLF oo Gaarey Dalka Shiinaha - May 2007

Shaqaalihii Shiinaha ay ONLF siideysey oo gaarey Beijing. Sawirka: Xinhua

Toddoba Shiine ah oo ay jabhadda ONLF siideysey, kaddib qafaalashadii weerarkii xarun ay shidaal ka baareysey shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, ayaa galabnimadii Arbacada May 2, 2007 waxay gaareen magaalada caasimada u ah Shiinaha ee Beijing.

Shaqaalahaas oo uu shaqaynayey shirkadda China Petroleum & Chemical Corporation waxaa magaalada Addis Ababa ka soo qaaday diyaaradda Etihad Airways ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, arrintaas oo ka dambaysey kaddib markii jabhadda ONLF ay raggaas siideysey kuna wareejisey hay'adda Laanqeyrta cas.

Wang Shengwen, oo ah madaxa kooxdii Shiinaha ahayd ee loo diray in ay ka qayb qaataan soodeynta shaqaalahaas ayaa sheegay in soo deyntooda ay qayb ka qaateen "waddamo saaxiib ah oo jabhadda la xiriiray si ay u siidayso shaqaalahaas." Laakiin ma magacaabin dalalkaas.

Weerarka lagu qaaday xarunta ay shidaalka ka baareysey shirkadda Shiinaha waxa uu 24kii April 2007 ka dhacay dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumeysiga Qarnigan 21aad ku haysto ee Soomaali-galbeed (ama Ogaden), halkaas oo lagu diley sagaal Shiine ah iyo 65 ciidamada Itoobiya ee ilaalada ka ahaa xaruntaas.


Shiinahii la ONLF siideysey oo gaarey Beijing. Sawirka. Hinhua

ONLF waxay digniin kulul u dirtay Shirkadaha shisheeye ee shidaalka ka baara dhulka Soomaalida ee ku hoos jira gumeysiga.


ONLF oo Sii Deysey 7 Shiine ah oo Shaqaale ka ahaa Shirkad Shidaalka Baarta....

  • "Ciidamada Itoobiya oo Jigjiga ku diley Dr. Daaha Hussein..."

Tarjumadii SomaliTalk.com | Apr 30, 2007

"2:00pm waqtiga Geeska Afrika (ee Axadii April 29, 2007),  ayaa 7 qof oo u dhashay dalka Shiinaha iyo labo qof oo kale oo aan dagaalka ku jirin ayaa waxaa lagu wareejiyey hay'adda ICRC (Red Cross) kaddib markii xabbad joojin ay ogolaatay xukuumada Itoobiya." Waxaa sidaa warka ku bilaabay warbixin April 29, 2007 soo saareen ONLF.

Bereket Simon oo ah lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu qiray in 7-da Shiinaha ah la sii daayey kaddib markii waanwaan lala galay Jabahadda, isagoo arrintaas ka hadlaayeyna waxa uu yiri: "Toddobada shaqaalaha Shiinaha ah waxaa la siidaayey kaddib markii wadahadal lala galay Jabhadda." Sidaas waxaa faafiyeen warbaahinta dalka Shiinaha, sida Eastday.

Afhayeenka ONLF ee xaruntiisu tahay London, UK, C/Raxmaan Mahdi oo la hadlaayey warbaahinta waxa uu caddeeyey in dadkaas la siidaayey.

Afhayeen magaalada Addis Ababa uga hadlayey ICRC ayaa isaguna qiray in shaqaalaha Shiinaha ah iyaga lagu wareejiyey, isagoo arrintaas ka hadlaayeyna Afhayeenka ICRC waxa uu yiri: "Waxaan idiin cadaynayaa in la siidaayey (dadkaas)," sida uu u sheegay warbaahinta Shiinaha.


Bullets Fly in a Forgotten Land Ogadenia Separatists fight Ethiopia - By Jonathan Alpeyrie.. READ...

ONLF waxay tiri: "Muwaadiniinta Shiinaha ee la sidaayey xaaladooda caafimaad aad ayey u wanaagsanayd, si wanaagsan ayaana loola dhaqmay. In kasta oo ay xabbad joojin galeen haddana Ciidamada Itoobiya waxay tacaddi weyn ka wadaan magaalada Jigjiga oo ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna Sabtidii dileen Dr. Daaha Hussein oo ahaa dhakhtarka ugu horeeyey cisbtaalka ugu weyn ee Jigjiga."

Warka ONLF waxa uu intaas ku daray: in shacabka ku dhaqan Ogaden (Soomaali-Galbeed) ay ciidamada Tigreega TPLF u sheegeen in looga aarsan doono hawlgalkii mileteri ee ay dhowaanta fuliyeen ONLF, arrintaas oo shacabka ku dhaqan Jigjiga cabsi weyn ku abuurtay.

ONLF waxay sheegeen in ay dagaalka dib u bilaabi doonaan marka ay 7-da Shiinaha ah ku wareejiyaan ICRC. Waxayna shirkadaha Shisheeye uga digeen in ay baaritaan Shidaal ka sameeyaan Ogaden (Soomaali-Galbeed).

7-da u dhashay dalka Shiinaha waxay jabhadda ONLF ka kaxaysteen goob ay 24kii April, 2007 weerar ku qaadeen halkaas oo ay shidaal ka bareysey shirkad laga leeyahay Shiinaha ee la yiraahdo Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (taas oo ka tirsan shirkadda weyn ee Shiinaha ee la yiraahdo China Petroleum & Chemical Corporation), waxaana halkaas lagu diley 74 qof oo 65 ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii Itoobiya ee ilaalinayey goobtaas iyo 9 u dhashay Shiinaha. [Hoos ka akhri warkii hore...]

Warbixin: Sida uu u DHacay Hawlgalkii Coballe ...


Dhagaxbuur: 74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Talaada, April 24, 2007

Weerar lagu qaaday xarun ay shidaal ka baaraysey shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxaa ku dhintay 65 Itoobiyaan ah iyo 9 u dhashay dalka Shiinaha oo shaqaale ahaa, sida ay sheegeen warbaahinta Qaranka ee dalka Shiinaha. Waxaana weerarkaas lagu burburiyey xaruntii shidaalka laga baarayey, sida ay sheegtay hay'adda wararka ee AP.

Sawirka oo weyn: www.lib.utexas.edu

Toddoba kale oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa la rumaysan yahay in la afduubay markii ay Talaadadii weerar soo qaadeen ilaa 200 oo ah rag hubaysan. Afhayeen u hadlayey Itoobiyana waxa uu sheegay in sidoo kale ay dhici karto in Itoobiyaan la qafaashay.

Weerarku waxa uu ka dhacay tuulada Cobole oo 30km dhinaca Waqooyi-Galbeed ka xigtaa Magaalada Dhagaxbuur, isla markaasna 120 km (75 miles) Koonfur kaga aadan tahay magaalada Jigjiga oo ah dhulka ay Itoobiya gumeysiga kaga haysato Soomaalida, halkaas oo shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) ay shidaal ka baareysey.

Agaasimaha shirkadda Shiinaha ZPEB, Xu Shuang, waxa uu yiri: 100 askari oo Itoobiyaan ah oo ilaalinayey xarunta waxaa qabsaday rasaas socotey ilaa 50-daqiiqo. Sidaas waxa uu u sheegay wakaalada wararka Xinhua..

Wakaaladda wararka u faafisa Shiinaha ee Xinhua waxa kale oo ay sheegtay in dadkii weerarka soo qaaday ay muddo kooban qabsadeen xarunta shidaalka laga baarayey kaddib markii ay rasaas is weydaarsadeen in ka badan 100 askari oo Itoobiyaan ah oo aagga waardiye ka ahaa.

Afhayeen u hadleysey safaarada Shiinaha oo xaqiijineysay in weerarkaasi dhacay ayaa tiri. "Waxaan idiin caddaynayaa in tiro dad ah la diley." "Dadka Dhintay waa kuwo u dhashay Shiinaha iyo Itoobiya. Dad Shiine ah waa la qafaashay. Mana cadayn karo tirada hadda." ayey tiri afhayeenka safaarada Shiinaha.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in saraakiil Itoobiyaan ah ay xaqiijiyeen in 74 qof ay ku dhinteen weerarka xarunta ay shidaalka ka baareysey shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee ZPEB. Waxayna weerarkaas ku eedeeyeen dad garab ka helaya dalka Eretria.

"Ragga hubaysnaa waxaa loo malaynayaa in ay yihiin xubno ka tirsan jabhada Oromo National Liberation Front, kuwaas oo ku jira dagaal maqaar-saar u ah dawladad Eretria," ayuu yiri Bereket Simon, lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, sida uu Bereket u sheegay Reuters.

Laakiin wakaaladaha kale ee wararka oo ay ka mid tahay Aljazeera waxay weriyeen in: Berekat Simon oo ah afhayeen u hadlayey Ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa "Xasuuq." Waxana uu intaas ku daray "in falkaasi ahaa mid argaggaxiso, oo ay amarkiisa bixiyeen kuwo uu ugu yeeray in ay jaal la yihiin argaggaxisada oo ay ku jiraan ONLF." Waa sida uu hadalka u dhigay'e.

Hay'adaha wararka adduunka oo hadalka Berekat Simon faallo ka bixinayey waxay yiraahdeen: in arrinta uu ka hadlayo Simon ay tahay ururka JWXO "Ogaden National Liberation Front" oo hore olole ugu jirey sidii Soomaalida ku dhaqan Itoobiya ay u xoroobi lahaayeen.

Shirkadda Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) waxay xarunteedu tahay gobolka Henan ee dalka Shiinaha, waxayna shirkaddaasi qayb ka tahay shirkadda ballaaran ee shiinaha ee lagu magacaabo China Petroleum and Chemical Corp. (Sinopec).

ONFL oo Sheegatay weerarkii Cobala....


Dhulka Qowmiyadda Oromada baaxadiisu waa 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/


JWXO: http://www.onlf.org/
Weerarkii Cobole waxaa Talaadadii (April 24, 2007) sheegtay in ay ka dambeeyeen Jabhadda JWXO "Ogaden National Liberation Front" sida ku cad bayaan ay soo saartay jabhadaasi. Bayaankaasi waxa uu sheegay in : "Waaberigii maanta (Talaada April 24, 2007) saacadu markii ay ahayd 4:30 AM Geeska Afrika, in horinta lagu magacaabo 'Dufaan'  oo ka tirsan Ogaden National Liberation Front (ONLF) ay hawlgal militari ka fulisey meel u dhaw Obala, oo 30km Waqooyi-Galbeed ka xigta Dhagaxbuur oo ku taal dhanka Waqooyi ee Ogaden. Hawlgalkaas oo lagu weeraray 3 urur ee militari Itobiiyaan ah ee xukuumada TPLF kuwaas oo waardiye ka hayey xarunta shidaal laga baarayey. Halkaas oo dhawaan uu ka bilowday shidaal in laga baaro kaddib markii heshiis dhex maray dawladda Itoobiya iyo shirkad Shiine ah."

ONLF oo waxay intaas ku dartay: "Heshiiskaas Itoobiya iyo Shirkadda Shiinaha waxaa qayb ka ahaa in Soomaalidii halkaas deganayd ay guryohoodii ka saaraan ciidamada Itoobiya. Waxaa intaas dheer in ciidamadaas Itoobiya ay xireen aaga aad u ballaaran oo reer-guuraagu ay xoolohoodu daaqi jireen, sidaasna waxaa loo yeelay in la sameeyo aag xiran oo ciidamada Itoobiya ay ku waardiyeeyaan xaruntaas batroolka."

ONLF waxa kale oo ay sheegtay in : "Ayagoo ku xeeran maxaabiis ah Militariga Itoobiya, ayey waxay la kulmeen 6 ka mid ah shaqaalaha Shiinaha. Waxaa lixdaas shaqaalaha laga kaxeeyey goobtii dagaalka oo markaas la geeyey meel ammaan ah, si wanaagsan ayaana loo xanaanaynayaa." Inkasta oo tirada ay wakaalada wararku sheegeen in shaqaalaha Shiinaha laga qafaashay ay tahay 7, hadana ONLF waxay bayaankooda ku caddeeyeen in ay hayaan 6. In kasta oo waraysi uu bixiyey Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee ONLF waraysi siiyey British Broadcasting Corporation waxa uu sheegay in ay hayaan 5 Shiine ah. Waxa kale oo Cabdiraxmaan uu sheegay in ay ciidamada Itoobiy aka dileen 150 askari, tiradaas oo ka badan 65-ta askari ee ay qirsan tahay Itoobiya in laga diley.

Bishii April ee 2006 ayey ahayd markii jabhaddaasi JWXO ay digniin u direen shirkadaha Shisheeye ee Shidaalka iyo Khayraadka dabiiciga ah ka baaraya gobolada Soomaalida, waxayna xilligaas yiraahdeen "waxay ka macaasheyso xukuumada Itoobiya iyo shirkadaha shisheeye looma dul-qaadan doono."

Magaacada Beijing afhayeen u hadlayey wasaarada arrimaha dibadda ee Shiinaha, Liu Jianchao, ayaa sheegay in ay Shiinuhu cambaaraynayaan weerarkaas. Waxana uu Itoobiya weydiistey in ay qaadaan tallaabo lagu sugayo ammaanka shaqaalaha Shiinaha.

Laakiin bayaanka ONLF waxaa ku cad in ay dhawr jeer oo hore dawladda Shiinaha u sheegeen in aysan ahayn mid xigmadi ku jirto in ay Shiinuhu wadahadal la galaan xukuumada TPLF maadaama aysan dammaanad qaadi karin ammaanka shirkadaha ka hawlgelaya Ogaden, isla mar ahaantaasna aysan wax shuqul ah Itoobiya ku lahayn in ay heshiis lagasho shirkado shidaal ka baara Ogaden. Waxana ka xunahay in digniintaasi aan dheg jalaq loo siin, ayey tiri ONLF.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyey weerarkaas lagu qaaday Cobole, waxana uu sheegay in kuwii geystey lagu ciqaabi doono falka ay geysteen. Waxana uu Meles Zenawi arrintaas ku tilmaamay "xasuuq".

ONLF waxay bayaanka ugu digtey shirkadaha adduunka ee shidaalka in ay ka fogaadaan heshiisyada ay la gelayaan dawladda Itoobiya. Waxayna sheegeen in maal-gashi batrool oo lagu sameeyo Ogaden ay ka dhalan doonto khasaare kaas la mid ah oo loo geysano shirkad kasta oo aaminsan in ay dammaanad ammaan ka heleyso dawladda Itoobiya.


Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB)

www.zpebint.com


www.petronas.com.my

Dalka Shiinahu waxa uu sanandihii ugu dambeeyey aad u kordhiyey maalgashiga shidaalka Afrika, si ay shidaal ugu helaan dhaqaalohooda kobcaya.

Bishii May 11, 2006 ayey ahayd markii shirkadda Shiinaha ee ZPEB ay shaaca ka qaaday in shirkadaasi heshiis la gashay shirkadda Petronas ee laga leeyahay dalka Malaysiya si ay shidaal baaris uga bilaabaan (June 2006) Feer-Feer, Wardheer iyo aagga ku dhow oo lagu qiyaasay 93,000 sq km, sida uu xilligaas sheegay Li Jianjun oo ka tirsan madaxda shirkadda Shiinaha ZPEB.

Aag ka kooban saddex qaybood (blocks) oo 1200 km bari ka xiga magaalada Addis Ababa ayaa waxaa heshiis ahaan lagu siiyey shirkada reer Maleysiya ee Petronas. Taas oo markaas qandaraas la gashay shirkadda Shiinaha ee ZPEB si gaas iyo batrool halkaas looga baaro, waxaana xilligaas wararku sheegeen in shirkaada Shiinaha la siiyey lacag dhan 5.6 million oo doolar si ay hawshaas baaritaanka ah u qabato.

Hoos ka akhri bayaankii ONLF (English version)

Halkan ka akhri digniintii hore ee ONLF u dirtay Shirkadaha Shidaalka...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Wakaaladaha Wararka | Apr 24, 2007


Ma Ogtahay:

Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan).

Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon".

Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn.

Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah. [Akhri: Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya].



Sawirka: JWXO, Muqdisho, AP

Bayaankii ONLF ee April 24, 2007  (English)

 

O.N.L.F. Statement On Military Operation Against Illegal Oil Facility In Ogaden

24 April 2007

Before dawn this morning At 0430 AM local time in Ogaden, the 'Dufaan' commando unit of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) conducted a military operation in the vicinity of Obala, 30km North-West of Degah-Bur in in Northern Ogaden. The operation targeted 3 military units of the TPLF regime who were guarding an oil exploration field. Exploration activities at the field began recently following an agreement between the Ethiopian government and a Chinese company.

As part of this agreement large areas inhabited by ethnic Somalis were cleared with civilians being forcefully removed from their homes by Ethiopian troops. In addition, Ethiopian forces closed off a large area denying the local nomadic population their traditional grazing areas in order to establish a security perimeter guarded by Ethiopian troops for the oil facility.

TPLF forces in Obala have now been wiped out with many having surrendered to ONLF commandos. Nearly 400 Ethiopian troops have been wounded or killed. Explosions caused by munitions during the battle resulted in the death of a handful of Chinese oil workers. The oil facility itself has been completely destroyed.

ONLF forces rounding up Ethiopian military prisoners following the battle came across 6 Chinese workers. They have been removed from the battlefield for their own safety and are being treated well.

The ONLF has stated on numerous occasions that we will not allow the mineral resources of our people to be exploited by this regime or any firm that it enters into an illegal contract with so long as the people of Ogaden are denied their rights to self-determination.

By refusing to discuss a comprehensive political solution to the Ogaden issue in a neutral country and in the presence of a third party, the TPLF regime has made clear its intention to continue to pursue a military solution in Ogaden. As such, we wish to reaffirm to the international community that the Ogaden region continues to be a battle zone between armed forces of the current TPLF led regime and our liberation forces. It is not a safe environment for any oil exploration to occur.

The ONLF has informed the Chinese government in the past that it would be unwise to pursue discussions with the TPLF as it was not in a position to guarantee the safety of any firm operating in Ogaden nor was it in a position to enter into contracts with foreign companies for Oil exploration in Ogaden. Unfortunately this warning fell on deaf ears.

We urge all international oil companies to refrain from entering into agreements with the Ethiopian government as it is not in effective control of the Ogaden despite the claims it makes.

Oil investments in Ogaden will result in a similar loss for any firm that believes assurances of security it receives from the Ethiopian government which has never been in effective control of Ogaden

Ogaden National Liberation Front (ONLF)

------------
For question regarding this statement please contact
onlfpress@onlf.org

###


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH