SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIYA

"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka...."

Sidaas waxaa warka ku bilaabay qoraal ay Feb 24, 2007[*] baahisay mid ka mid ah jariidadaha caalamka oo maalmahan si weyn uga hadlay xiriirka u dhexeyn kara Batroolka loo malaynayo in uu ku jiro Soomaaliya iyo dagaaladii Soomaaliya ka dhacay laga soo bilaabo 1991 ilaa hadda.

Sannadkii 1991 ayey ahayd markii Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobey ay baaris la xiriirta batroolka ku sameeyeen siddeed dal oo ku yaal dhanka Woqooyiga-bari ee Qaaradda Afrika. Baaritaankaas waxaa ka soo baxay in dalka labaad ee ay suurta-galka tahay in uu ku jiro batrool ganacsi geli-kara in uu yahay dalka Soomaaliya oo ku xiga dalka Suudaan.

Haddaba si aad wax badan uga ogaatid xiriirka u dhexayn kara dagaallada Soomaaliya iyo Batroolka ku jira dhulka Soomaalida, akhri qormada hoose....


Soomaaliya: Hadal-haynta Joogtada ah ee Shidaalka


AFRICOM: Muhiimada dhaqaale ee AFRICOM oo ay ka mid tahay OIL...
Dhegeyso APR.

  • Qore: David Barouski | Tarjumadii: SomaliTalk.com | Faafin: Feb 25, 2007

Maanta, arrinta ugu hadal haynta badan waxay tahay in lagu andacoodo in Maraykanku uu mar kale u jihaystey helitaanka shidaal (oil) markasta oo uu weeraro Qaran Carbeed. Dhanka kale, arrinta Soomaaliya, hadal hayntaasi waa mid run ah. Iyadoo si shaki la'aan ah, Maraykanka iyo maqaar-saarka Ethiopia ay qabsadeen Soomaaliya, kana "xoreeyeen" cududdii Al-Qaacida arrimo la xiriira siyasadda-deegaanka awgeed (oo ay suurtagal tahay in ay tahay barta laga qaadayo duulaan Iiraan, dhul saaxiib ah oo ku dhow Suudaanta Carabta ah, marsooyin/dekedo badan oo xukunkooda hoos yimaada, ay dhici karto in uu gobolka uu noqdo saldhigga laga hago AFRICOM, oo ay dhici karto in loo adeegsado baraha laga difaacayo gacanka Hormuz [oo ah jidka ugu muhiimsan ee ay maraan maraakiibta shidaalka ka qaada Bariga Dhexe], iwm), Soomaaliya waxaa harqiyey shidaal (oil) aan laga hadlin, taas oo ah fursad ganacsi oo aad soo jiidasho u leh oo durugsan.

Waxaa laga yaabaa in ay ku wanaagsanaan lahayd in aan ka amba-qaadno bilowgii hore..

Sheekadu waxay bilaabatay 1990, wax yar ka hor gaajadii/macaluushii argaggaxa lahayd ee caqliga bini'aadamka ka weyney ee kumanaanka aan waxba galabsan ku galaafatay Soomaaliya. Waxaa dalka xukumey Maxamed Siyaad Barre. Barre waxa uu saddex-meelood-oo-labo (2/3) oo dalkiisa ah u saxiixay shirkadaha Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillips (waa ka hor intii aysan midoobin Conoco-Phillips). Nasiib-darro iyaga waxaa u ahaa, waxaa Barre xukunka ka tuuray Maxamed Faarax Caydiid bishii Janaayo 1991, markaas kaddibna bilaabay dagaalkii ahliga ahaa.

caydiid
Max'ed Caydiid
siyaad
Siyaad Barre
Kaddib markii Caydiid uu bilaabay dagaalka ahliga ah, shirkadaha waaweyn ee shidaalku waxay awoodi waayeen in heshiisyadoodii u shaqeeyaan laba sababood awgood. Kow, waxaa si joogto ah u socdey dagaal, boob/dhac, shufto badeed kuwaas oo suurtagal ka dhigi waayey. Labaad, farsamo ahaan waxay ahayd sharci darro sababtoo ah Soomaaliya ma lahayn dawlad la aqoonsan yahay. Maadaama ay Soomaaliya sidaasi hoggaamiso waxaa sharci darro ahayd in wax ganacsi ah lala yeesho, shirkadihii shidaalka waxaa noqdeen kuwo nasiib xumo la soo deristey. Waxay noqotay Maraykanku in uu sharciyeeyo Caydiid iyadoo indhaha Caalamku ay soo fiirinayaan ama in uu meesha ka tuuro. Labadaas tii ay ahaatoba waxay ahayd in dagaalku istaago.

Ficiladiisii ugu dambeeyey Madaxweyne ahaan, George H.W. Bush (oo ah mulikiilaha heshiiska shidaalka ee Gacanka Cadan ee Marib, Yemen oo adeegsanaya Hunt Oil) waxa uu racii ugu horreeyey ee ah ciidamada Maraykanka u diray Soomaaliya si ay si rasmi ah u caawiyaan cunto gaarsiinta Soomaalidii macaluushanayd. Isla mar ahaantaas, Wakiilkii Maraykanka ee Soomaaliya Robert Oakley waxa uu si joogto ah maalin kasta ula xiriirayey Caydiid intii u dhexeysey December 1992 ilaa May 1993. Waxa uu ku guul daraystay wada xaajoodkii nabadda in la dhammeeyo dagaalka. Kaddib Madaxweyne Bill Clinton waxa uu adeegsadey "hawl-galkii rajo Soo Celinta". Xafiiskii Conoco ee Muqdisho waxaa si ku meel-gaar ah loogu adeegsadey Safaaradda Maraykanka si ay ugu soo degaan Ciidamada Badda kaddib markii dhismihii asalka ahaa (safaaradii Maraykaanka ee Muqdisho) la duqeeyey oo la bililiqaysatay. Mr. Oakley iyo Jeneraalkii Ciidanka badda Frank Libutti waxay warqad ammaan ah u qoreen Agaasimihii Guud ee Shirkadda Conoco, Raymond Marchand, ay uga mahad celinayaan adeegiisa.


Zenawi

Afewerki

Abtidoon
Ismaaciil Cumar Geelle
Geelle
Kaddib isku day dilal khaarijin ah aan lagu guulaysan oo xiriir ah oo ay isku dayeen Ciidamada Maraykanku, Soomaalidu dharbaaxo ayey geysteen markii lagu dhexjirey weerarkii Maraykanka ee dhacdadii ku caan baxay "Gorgorkii-Madoobaa ee la ridey" [Blackhawk Down] (Ciidamada Maraykanku waxay u bixiyeen "Dagaalkii Badda Madow", halka Soomaalidu ugu yeeraan “Maalintii Rangers”) ee 3-4 October, 1994 waxay galaafatay 18 Ameerikaan ah iyo hal Malaysian ah. Madaxweyne Clinton waxa uu ciidamadii ka soo saaray Soomaaliya, waxaana goobtaas looga huleelay isla iyada (Soomaalidii ayaa la isaga dhex baxay), halka Maraykanku uu unkayey xiriir uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, Madaxweynahii Jabuuti Xasan Guuleed, iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki. Caydiid waxaa sannadkii 1996 diley Cusman Xasan Cali Caato. [Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu dalka Jabuuti madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysey 1977 ilaa 1999, waxaana xukunka kala wareegey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Abtidoon waxa uu geeriyoodey 21kii November 2006 isagoo 90-jir ahaa.]


Shirkad yar oo aragta saliida ka burqaneysa gobolka burbursan... Akhri.. (English).
Soomaaliya waxay kusii jirtey kala burbur qoto dheer kaddib dhimashadii Caydiid. Cirifka Woqooyi-Galbeed ee Soomaaliya, oo loo yaqaan Somaliland, waxay madaxbannaani ku dhawaaqeen sannadkii 1991, laakiin ma helin wax aqoonsi dublomaasiyadeed ah. Gobolka kaga dhegan dhanka Bariga, ee loo yaqaan Puntland, waxa uu ku xigsadey sannadkii 1998 ayadoo uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, laakiin hal arrin oo weyn kaga duwan. Waxa keliya oo ay rabaan in ay ahaadaan gobol gooni ah oo Soomaaliya ah, maya dal gooni ah.

Aan taariikh ahaan saacada hore u dhaqaajino....

Puntland waxay heshay heshiisyo shidaal oo dhaqale badan, laakiin waxaa heshiisyadaas waxba kama jiraan ka soo qaaday Dawladda (KMG). Sidoo kale shirkadaha waxaa la soo gudboonaaday arrimo xagga sharciga ah. Maadaama Puntland aysan ahayn gobol madax bannaan, shirkadaha waxaa shardi ku ahaa in ay la xaajoodaan Dawladda Dhexe si ay ganacsi u sameystaan. Dhibaatadu waxay ahayd... ma jirin Dawlad Dhexe. Arrintaas (dawlad dhexe la'aanta ah) waxaa loo baahday in la bedelo.

Soomaaliya waxay bilowday abaabulka in la soo dhiso Dawlad sannadkii 2001. Xaqiiqadii, Shirkadda baaxada-weyn ee shidaalka ee Faransiisku leeyahay ee TotalElfFina waxay Dowladda Kumeel gaarka ah la saxiixatay heshiis ku saabsan Koonfurta Soomaaliya. Muddo ay socotey Xusul-duub awoodda qabaa'ilka kaddib, qorshihii ugu horeeyey ee Dawladda (lagu soo unkayo) waxaa la saxiixay July 2003. Kenya ayaa kor kala socotey qorshahaas (dawlad dhiska), waxaana Dastuurka Federaalka la saxiixay September 2003.

Markale ayaa dagaalkii dib u bilowday sannadkii 2004, gaar ahaan Koonfurta, waxana uu dagaalkaasi Muqdisho gaarey dhammaadkii bishii May. Sababtaas awgeed Dawladdii Soomaaliya waxay noqotay mid dibad joog ku ah Nairobi.

abdullaahi Yuusuf
C. Yusuf
geeddi
Geeddi
Inkasta oo carqaladdaasi jirtey, Xubnihii Baarlamaanka waxaa la dhaariyey August 2004. Waxayna (xubnihii baarlamaanku) madaxweyne ugu codeeyeen Cabdullaahi Yuusuf (oo aan ka soo jeedin Muqdishu). Mudane Yuusuf xirfad ahaan waa askari kaas oo ka soo shaqeeyey faraca militariga Soomaaliya u qaabilsanaa Midowgii Soofiyeedka (Ruushka). Markii uu xukunka qabsaday Barre oo Maraykanku taageersanaa, waxa uu ka qayb qaatay Inqilaab Dhicisoobey oo lagu ridi lahaa Siyaad Barre. Waxa uu (C/laahi Yuusuf) u fakaday kenya, jaalna waxa uu la noqdan Itoobiyaanka. Mar dambe ayuu kusoo laabtay Woqooyi-bari Soomaaliya, waxana uu madaxweyne u ahaa ilaa markii ay xorriyadda qaadatay sannadkii 1998 (waxa uu malaha qoraagu hadalkaas ka wadey ilaa markii la dhisay DGPL), taas oo ka dhigtay jaal qiime u leh Maraykanka danihiisa shidaalka (oil) haddii uu iska rogo taariikhdiisii taageeradii-shuuciyadda [communist].

Yalaxow
Yalaxow
Qanyare
Qanyare
Caato
C. Caato
Bishii December 2004, ayaa Cali Maxamed Geeddi waxaa loo magacaabay Ra'iisul Wasaare. Waxa uu ka soo jeedaa beel ka mid ah beelaha Muqdisho oo kamid ah beelaha ugu badan dalka. Dawladii cusbayd waxaa loo raray Muqdisho. Markii la gaarey bishii May 2005, Maxamed Qanyare Afrax, Cusmaan Cali Caato, iyo Muuse Suudi Yalaxow waxay mideeyeen malaysiyadoodii iyagoo u dhaqmaya sidii Militarigii Dawladda. Markii la gaarey dhammaadkii 2005, waxaa la majara habaabiyey hab socodkii dawladda Kumeel-gaarka ah.

Qaar ka mid ah kooxahu kuma faraxsanayn in qabiilooyinka ugu waaweyn ay helaan dhammaan jagooyinka awoodda. Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Geeddi labaduba waxay ka badbaadeen isku day dil, waxayna dib ugu gurteen Kenya. Markii la gaarey bishii October 2005, Dawladda Kumeel Gaarka ah waxay dalka Yemen ka soo iibsaneysey xaddi badan oo hub ah, waxayna hubayneysey qabaa'ilka la jaalka ahaa si ay u digfaacaan Muqdisho iyo Baydhabo. Sidoo kale Itoobiya waxay hub siineysey Dawladda Kumeel Gaarka ah.

Taariikhda Hadda La Joogo

Bashir Raage
B. Raage
Mohamed Dheere
Dheere
aweys
Aweys
Laga soo bilaabo 2006 bilowgiisii ilaa July, waxaa dhacay dagaallo xooggan oo uu dhexeeyey qabaa'ilka soo kala horjeedey iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed. Waxay meesha ugu saraysa gaartey markii Midowga Maxakamadaha Islaamiga (MMI) ay qabsadeen magaalada Muqdisho, oo ka dhigtay in ay haystaan dalka, in kastoo Dawladda Kumeel Gaarka ah (DKMG) weli joogtey Baydhabo. Halka Eritrea ay hubaysay MMI, Maraykanku waxa uu si aan lagu guulaysan garab u siiyey xoogaggii ka soo hor jeedey, oo loogu yeeri jirey Isbaheysigii La Dagaalanka Argagixisada iyo Soo Celinta Nabadda (ARPC). Kuwa loogu yeero Qabqalayaasha dagaalka ee hoggaaminayey Isbahaysigaas (ARPC); Maxamed Dheere, Bashiir Raage, iyo Maxamed Qanyare; waxay muddo sannado ah u basaasayeen Sirdoonka- CIA. Diblomaasi Maraykan ah oo ka tirsanaa Safaarada Maraykanka ee Nairobi ayaa xitaa shaqadii lagaga eryey eedayn uu arrintaas ugu soo jeediyey CIA. Markale ayaa danihii ganacsiga Maraykanka la curyaamiyey, waxaana madaxii MMI, Sheikh Xasan Daahir Aweys uu mar hore ka mid noqday liiska Maraykanka ee rasmiga ah ee argaggaxisada hoggaamintiiisii al-Itihaad al-Islamiya awgeed, koox la sheegay in lagu xiriiriyey Al-Qaeda sannadihii 1990-naadkii, taas oo ka dhigeysey in aysan iyagu (Maraykanku) wax ganacsi ah la yeelan karin maamulkiisa (Aweys).

Heshiisyada ganacsiga ee "miidda ah"


Cadde

Warqaddii Cadde Muuse

Warqaddii Geeddi
Bilowgii sannadkii 2005, Ra'iisul Wasaare Geeddi waxa uu dalbaday in dhammaan heshiisyada ganacsiga ee la doonayo in la galo in la soo marsiiyo DKMG. Waxa uu mamnuucay in aan cidna (heshiisyo) kala xiriiri karin Puntland, laakiin waxa uu muujiyey in uu aqbalayo ganacsiga halkaas haddii uu isagu ansixiyo. Shirkadda reer Australia ee Range Resources Limited waxay heshiis la saxiixatay Dawladda Puntland, heshiis-kaas oo shirkaddaas siinayey xuquuqda aan lagula tartami karin ee macdantooda (Puntland), oo ay kamid yihiin: oil, lead, zinc, copper, iron, manganese, tin, beryl, tantalum, niobium (columbium), uranium, coal, iyo gypsum. Range Resources waxay 18kii October, 2005 ogolaansho ay dhulka ku baari karto ka heshay Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi iyo sidoo kale Ra'iisul Wasaare Geeddi, 2dii November 2005. Waxa kale oo jira tartan iibsi heshiisyo dheeraad ah ee shirkadda KNOC (Korea National Oil Corporation).

Sir Samuel Esson Jonah
Sir. Jonah
Range Resources waxaa madax sare ka ah Sir Samuel Kwesi Jonah (Non-Executive Chairman). Sir Jonah waxa uu xubin ka yahay: Lonmin, the Commonwealth African Investment Fund (Comafin), Transnet Limited, Anglo-American Platinum Corporation Limited, Ashesi University Foundation, Equinox Minerals (Chairman), uranium-producing nuclear power company UraMin Incorporated (Chairman), Anglo-American Corporation, Moto Goldmines Limited, Scharrig Mining (Chairman), Sierra Rutile Limited (Chairman), Sierra Resources Holding, Titanium Resources Group, Copper Resources Corporation (George Arthur Forrest and George Andrew Forrest), Standard Bank Group of South Africa, Bayport Holding Limited, Transnet Limited, Equator Exploration Limited in Nigeria and São Tomé – Príncipe (Baronness Chalker), and Mittal Steel (oo hadda heshiis la saxiixday dawladda Liberia).

Sir Jonah, waxa kale oo uu xubin lataliye ah u yahay: Qaybta Global Compact ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynaha South African Thabo Mbeki barnaamijkiisa International Investment Advisory Council, African Regional Advisory Board of the London Business School, First Atlantic Merchant Bank, Defiance Mining, Madaxweynaha Gaana John Kufuor barnaamijkiisa Ghana Investors' Advisory Council, Madaxweyne Obasanjo barnaamijkiisa Nigerian Investors’ Advisory Council, iyo waxa kale oo uu lataliyaha madaxweyne u yahay madaxweyne Mohamud Muse Hersi ee Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Waxa kale oo lagu maamuusay British knighthood, Star of Ghana iyo billado kale iyo cinwaano kale oo caalami ah.


Eeg Khariidadda oo weyn... GUJI...

Heshiiskii Berbera ee Wax-Soosaar Wadaagga (PSA) waxaa May 2003 wada galay shirkadda Rova Energy (ROVA) iyo Somaliland. Shirkadda Ophir waxay leedahay boqolkiiba 75% saamiyadda Rova, taas oo danaha khaaska ah ee loo asaasay ay ahayd horumarinta Somaliland. Aagga Rova loogu qoondeeyey heshiiskii Barbera PSA waa aagagga loo yaqaan Blocks 35 iyo M10A. Baaxadda dhulka laysanka loo siiyey shirkaddaas waa 14,306km2 oo ah dhanka Woqooyiga-bari ee Somaliland, waxana uu ku yaal dhulka berriga iyo badda ilaa meel hoos badda u qodan 1,000m. Aaggaas waxaa loo yaqaan Guban Basin. Isha: www.ophirenergy.com

Shirkadda Ophir waxaa hoggaamiya Alan Stein oo leh boqokiiba 50% saamiyada shirkadda Mvelaphanda ee Koonfur Afrika... Shirkkada Mvelphanda waxaa hoggaanka u haya Tokyo Sexwale... Madaxda Sare ee shirkadda Mvelaphanda Resources.... Eeg halkan
Rova Energy Corporation (REC) Limited
Warqad furan oo 2005 ay aqoonyanno u direen madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayey ugu sheegeen in shirkadda Rova Energy saamiyada ay bixisay in ay yihiin 100-saami oo keliya,  halkii saamina qiimihiisu yahay £1. Sidaas daraadeedna qiimaheedu yahay £100. Saamiyadaas oo loo kala leeyahay: Dr. Jawahir ALI oo leh 16 saami, Dr. Jawahir Mohamed ALI oo haysata 1 saami, Mr. Ananda Kumar CHAKRABARTI oo leh 17 saami, Mr. Anandar Kumar CHAKRABARTI oo haysta 1 saami, iyo  Westmont Offshore HK Ltd oo leh 65 saami.
Warqaddaas ka akhri halkan... (English)..
Dhanka kale, shirkadda Ophir Energy ee xarunteedu tahay Perth (Austarlia) ayaa raadineysa in ay baaritaan shidaal ku samayso Somaliland. Shirkadda Ophir waxaa hoggaamiye ka ah Alan Stein oo leh boqolkiiba 50% saamiyada shirkadda Mvelaphanda ee Koonfur Afrika. Shirkada Mvelphanda waxaa hoggaanka u haya Tokyo Sexwale oo guddigiisa ay ka mid yihiin Michael Beckett (oo madax ka ahaan jirey Ashanti Goldfields, oo ah shirkad uu markii hore maamuli jirey Sir Jonah), iyo Bernard Van Rooyen (madaxii hore ee shirkadda Canadian-ka ah ee Banro Resources). Ophir waxaa lagu soo waramay in Soomaaliya uu baray Dr Andrew Chakravarty oo jaal la ah shirkadda Mvelaphanda, kaas oo xaaskiisu ay xiriir dheer oo qaran la leedahay Soomaalida. Mr. Chakravarty ee Rova Energy Corporation waxa uu helay heshiis baaritaanka badda, heshiiskaas waxaa markii hore lahaan jirey shirkadda Equitable Life Investment iyo Somapetroleum oo jaal la ah Maraykanka. Shirkadda Ophir waxay hadda leedahay boqolkiiba 75% saamiyada shirkadda Rova.

Inta soo hartay, Siday yiraahdaan, Waa Taariikh Waqtigeedii Tegey....

Dawladda KMG ee Soomaaliya waxay danayneysaa in ay Puntland ahaato qayb ka mid ah Soomaaliya oo wadajirta. Arrintaas xaqiiqada ah, oo ay ku lammaanayd in dhawr dal aysan rabin in ay la shaqeeyaan MMI (kuwaas, MMI, oo ay dhici karto in ay aqbalaan ama aqbali waayaan qandaraasyadaas - heshiisyadaas shidaalka) ayaa waxay keentay in DKMG la geeyo Muqdisho, oo meesha laga leexiyo ama laga saaro MMI. Hab-firikaasi waxa uu si toos ah u waafaqsanaa Maraykanka, kaas oo doonayey maamulidda Soomaaliya arrimaha aan kor kusoo xusnay ee siyaasadda deegaanka awgeed iyo weliba in laga hor is taago qaranku in uu "gabbaad u noqdo Argaggaxisada." Maraykanku waxa uu taageeray duulaankii ay Itoobiya ku qaaday Soomaaliya si ay uga cirib siibto MMI. Sidoo kale waxay siiyeen taageero xagga cirka ah iyo ciidamo khaas ah oo garab siiya hawl-galkaas. MMI waxaa loo cayriyey kenya, halkaas oo in badan oo hoggaamiyayaashoodii ah lagu xiray. Qaar kale waxay u fakadeen in ay ku dhuuntaan Dhanka Koonfureed ee Soomaaliya.

Saraakiisha Maraykanku waxay sii wadaan in ay Al-Qaeda ka ugarsadaan Soomaaliya. Waxay ku dadaalayaan sidii Ciidamo nabad Ilaalin ah oo Afrikaan ah loo geyn lahaa dalkaas sida ugu dhaqsaha badan. Waxaan arrin lala yaabo ahayn in laba dal oo taariikh ahaan u dhaqma in ay yihiin maqaar-saarka Maraykanka in ay ka jawaabeen baaqaas (in ciidamo Afrika ah loo diro Soomaaliya). Ciidamada Difaaca Dadka ee Uganda (UPDF) waxay ku yabooheen laba batalyan si ay u xoojiyaan nabadda iyo tababarka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Maraykanku waxa uu ku yaboohay in uu Ugandha ku taageerayo sahayda, taas oo ay dhico karto in ay ka mid tahay taakulayn xagga diyaaradaha wax lagu qaado. Haddii meesha (sahayda) ay soo galaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qandaraasyada ka qaata Militariga ee loo yaqaan (MPRI), sida ay sameeyeen Darfur oo kale, markaas waji cusub ayey yeelaneysaa faraha uu kula jiro Maraykanku, gaar ahaan haddii hawl-gallada iska Caabintu ay noqdaan kuwo si joogto ah u dhaca. MPRI waxay fursad wanaagsan siinayaan in hawl-galayaasha Maraykanku ay ku lingaxmaan si ay u raadiyaan tartanka qandaraasyada Pentagon-ka ee aan ciidamada qalabka sida ee Maraykanku aysan heli karin.

caydiid
Xuseen
Dowladdii Soomaaliya waxaa lagu meeleeyey Muqdisho, inkasta oo ay rabshado joogto ah ka socdaan magaalada, dawladdii hore ayey u socotay. In badan oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanku waxay haystaan laba jinsiyadood (ama laba dhalasho), badankooduna waxay ka yimaadeen Canada. Kuwa kale waxay ahaan jireen Qabqablayaasha Dagaalka. Ra'iisul wasaare xugeenku waa Xuseen Faarax Caydiid, wiil uu dhalay qabqablihii dagaalka Maxamed Faarax Caydiid. Aabihiis waxa uu kaga duwan yahay, Xuseen xaqiiqadii waxa uu haystaa dhalashada Maraykanka, waxana uu ka tirsanaan jirey Ciidamada Badda ee Maraykanka waxana uu ka qayb qaatay dagaalkii Khaliijka (Gulf War). Xitaa waxa uu ka qayb qaatay hawl-galladii Maraykanka ee Soo Celinta Rajada, halkaas oo uu dhawr-jeer kula kulmay aabihiis.

Mar haddii la meeleeyey Dawladdii Dhexe, shirkadaha heshiisyada ka haysta dhanka woqooyi ee dalka waxay bilaabi karaan hawshooda.  Shirkadda ConocoPhillips waxay sheegtay in xilligan la joogo aysan danaynay in ay ganacsi la gasho Soomaaliya.  Shirkadda ChevronTexaco iyo shirkadaha kale ee Maraykanka ee waaweyn ee batroolku (oil) maka faa'iideysan doonaan fursaddan si ay u baaraan Soomaaliya? Waqtiga ayaa taas sheegi doona, laakiin shirkadaha Ophir, Rova, iyo Range Resources waxaa dhici karta in ay aad ugu mahadinayaan Maraykanka iyo Itoobiya.

Halkaas waxaa ku eg qormadii David Barouski ee February 23, 2007 kusoo baxday joornaalka Z-Magazine. Feb 22, 2007 ayey ahayd markii Jariidadda New York Times ay qortay qoraal dheer oo ay kaga hadleysey Soomaaliya kaas oo ay ku xustay in ciidamo gaar ah oo loo yaqaan Task Force 88 in Maraykanku geeyey Itoobiya iyo Kenya, ciidamadaas oo garab siiyey Itoobiya si MMI meesha looga saaro, waxaana jariidaddu sheegtay iyadoo soo xiganeysey saraakiil Maraykan ah in ciidamadaas gaarka ee Maraykanku ay xilligaas galeen Soomaaliya. Dhanka kale, February 13, 2007 ayey ahayd markii qoraal uu qoray Cabdi Ismaaciil Samatar oo uu ku sheegay in Qaraarkii December 2006 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu diyaar-garow u ahaa duulaanka Itoobiya ay ku qaaday Soomaaliya. Qaraarkaasi waxa uu ogolaanayey in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Midowga Afrika oo aysan ku jirin dalalka Ethiopia, Kenya, iyo Djibouti arrimo dalalkaas iyo Soomaaliya ka dhexeya awgeed. Waxa uu qoraagu intaas ku daray, arrintaas qayaxan ee Golaha Ammaanka oo jirta ayaa Maraykanku waxa uu ogolaansho ahaan ugu gacan haadiyey in Itoobiya ay weerarto Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer, oo warbaahinta caalamku faafiyeen, in dhowaan laga soo xigtey Afhayeenka Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya [DFKMG] in uu yiri hadal macnihiisu ahaa dalalka hadda caawiya DFKMG ah in tixgelin loo siinayo marka la bixinayo heshiisyada/qandaraasyada batroolka.

diinaari
Diinaari
"Soomaaliya waxa ku jira shidaal fara badan, wasiiradayadu waxay mar dhoweyd ansixiyeen sharci baaritaanka shidaalka oo muhiim ah si xeer loogu sameeyo qaabka heshiisyada loo bixinayo," Sidaas waxaa yiri afhayeenka DFKMG, Cabdiraxmaan Diinaari, oo intaas ku daray "Laakiin waxaan hadda u baahanay taageerada beesha caalamka si nabadda loo sugo, qarankana loo dhiso, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa kuwa annaga na caawiya iyo kuwa aan na caawin marka aan gaareyno go'anada (heshiisyada/qandaraasyada batroolka)".

Waxaa intaas dheer in DFKMG ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay u xakamayn lahayd saxaafadda si aan looga hadlin arrimaha ijtimaaciga ah, arrimaha bulshada, iyo arrimaha waaqiciga ah ee ka jira Soomaaliya, arrimahaas aan DFKMG ogolayn in laga hadlo ama wax laga weydiiyo waxaa soo hoos geli kara batroolka ku jiri kara dhulka Soomaalida, kaas oo (shidaalka loo malaynayo in uu ku jiro Soomaaliya) sida qormada sare ka muuqata, meelo badana lagu faafiyey, qayb ka ah dagaaladii Soomaaliya.


U.S. routed Islamic militants from Ethiopia

::: Akhri qoraalkii New York Times ee Feb 22, 2007 (English)

::: Dhegeyso: DFKMG oo eedayn kulul u jeedisey Hayadaha NGO-yada ee jooga Soomaaliya.

::: Daalaco Khariidad muujineysa Meelaha ay NGO-yada ka Joogaan Soomaaliya [pdf]

::: Dhegeyso: Madaxweyne Cadde Muuse oo Ammaanaya Hay'adaha NGO-yada jooga Puntland

::: Dhegeyso: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dhaliilaya NGO-yada jooga Soomaaliya

::: Muhiimada dhaqaale ee AFRICOM oo ay ka mid tahay OIL... Dhegeyso Halkan APR.

::: Dhegeyso Hadalkii Xuseen Caydiid uu ku sheegay in la baabi'nayo Xadka Soomaalida....

::: Dhegeyso: Hadalkii C/Laahi Yuusuf ka jeediyey London, UK (midnimo) ama   Hadalkii dhegeyso

Qore: David Barouski + Wakaaladaha | Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: www.zmag.org

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2007 | Updated: Feb 26, 2007

___________________________________
Tixraac

___________________________________
Meelaha uu Tix-raacay Qoraagga (David Barouski)

  • 1. Madsen, Wayne. “Genocide and Covert Operations in Africa 1993-1999.” Lampeter, Ceredigion, Wales, United Kingdom: Edwin Mellen Press, Limited. 1999. pg. 31.
  • 2. “The Oil Factor In Somalia,” Mark Fineman. Los Angeles Times. 18 January, 1993.
  • 3. Bowden, Mark. “Blackhawk Down: A Story of Modern War.” New York, New York: Penguin Putnam Incorporated. 1999.
  • 4. “UN: Arms Pouring Into Somalia,” Al-Jazeera. 8 October, 2006.
  • 5. “U.S. Secretly Backing Warlords in Somalia,” Karen DeYoung, Emily Wax. The Washington Post. 17 May, 2006. Note: A confidential U.N. Security Council report revealed several armed Islamic groups armed and fought with the UIC, including Hezbollah and fighters from several Islamic nations including Saudi Arabia.
  • 6. “Somalia: Fighting in the Shadows.” Jeffery Bartholet, Michael Hirsh. Newsweek. 5 June, 2006. Note: One of the planners for these types of intelligence operations was Steven Cambone’s Deputy Undersecretary of Intelligence at the Pentagon, General William “Jerry” Boykin, who is known for his anti-Islamic comments. Boykin commanded the Delta Force team deployed in Mogadishu in 1993.
  • 7. “Profile: Somalia’s Islamist Leader,” Joseph Winter. BBC News. 30 June, 2006.
  • 8. Range Resources Limited. “Exclusive Rights to All Minerals in Puntland.” Company Announcements Office. 5 October, 2005.
  • 9. President Mohamud Muse Hirse. “Letter to Consort Private Limited and Mr. Tony Black.” Office of the President. 18 October, 2005; Prime Minister Ali Mohammed Gedi. “Letter to Puntland State of Somali and Vice President Hassan Dahir Mohamud. Offic of the Prime Minister. OPM/251/05. 2 November 2006.
  • 10. “Minnows See Oil Seeping Out From Fractured State,” Eleanor Gillespie, Jon Marks. African Energy. Issue 100. 20 July, 2006.
  • 11. Ibid.
  • 12. State House of the Republic of Uganda. “’US to Provide UPDF Support to (sic) Somalia’ - Frazier.” Press Release. 29 January, 2007.
  • 13. Confidential Source. 2007.
  • 14. Kevin Sites. “Son of Aideed.” Kevin Sites in the Hot Zone. Yahoo News. 29 September, 2005. http://hotzone.yahoo.com/b/hotzone/blogs1077 .

Appendix I: Documentation


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH