SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Warar is Khilaafsan oo ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo ku Saabsan Ajaanib Laga Qabtay Aagga Laasqoray...

  • Somaliland: Labada Ajnebiga ah waa Shiine iyo Carab..
  • Puntland: Ajaanibtaasi macdan kama baareyn Puntland..
  • Somaliland: Ajaanibtu jeebabka waxaa ugu jirey dhagxaan..
  • Puntland: Waa kalluumaysato fasax haysta Puntland..
  • Somaliland: Ciidamo Puntland ayaa bililiqaystay Laasoqray..
  • Puntland: Ciidamo Puntland ayaa Cayrsanayey Ajaanibta..
  • Somaliland: Ciidamada Puntland dad ayey laayeen...
  • Puntland: Ajaanibtu hub ayey Soo geliyeen Puntland...
  • Dadka Degaanka: Somaliland dadka waa lagu wareejiyey

SomaliTalk.com | June 7, 2008


Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay qabteen lix qof (2 ajnabi ah iyo 4 Soomaali ah) oo ay ku eedeeyeen inay macdan si sharci darro ah uga raadsanayeen degaanka laga soo qabtay ee Laasqoray. Warkaas waxaa si taas ka duwan u sheegay maamulka Puntland.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland, Cabdullaahi Cali Ibraahim, oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in labada ajnabiga ah ay u kala dhasheen Dalalka Shiinaha iyo Yemen oo ay weheliyaan afar Soomaali ah oo ka soo jeeda maamul Goboleedka Puntland. Waxaana dadkaas la geeyey magaalada Ceerigaabo kaddib markii ciidamada Somaliland ay ka soo qabteen duleedka magaalada Laasqoray. Lixda nin ayaa watey hal gaari. [Wasiirku waxa uu markii hore Reuters u sheegay in dadka ajaanibta ah ay yihiin Caddaan "Caucasians", haddase waxa uu sheegay in ay yihiin Carab iyo Shiine.]

Maamulka Hargeysa waxa uu dadkaas ku eedeeyey in ay si sharci darro ah aaggaas macdan uga guranayeen, sida sheegay Cabdullaahi Cali Ibraahim, wasiirka difaaca Somaliland, isagoo uu yiri: "Waa dad soo galay xuduuda gudeheeda ilaa 90 km, jeebabkoodana waxaa laga helay dhagxaan iyo qalab iyo waxyaalaha ay urursadeen ayaa laga helay."

Idaacadda Codka Maraykanka ayaa sheegtay in dadkaas la soo qabtay oo ay hor kacayeen kolonyo ciidamo ah oo uu hor kacayey taliyaha Ciidamada Somaliland ee Laasqoray, waa sida warku u dhigay'e, Gen. Maxamed Saalax Jaamac (tusbaxle), in galabnimadii Sabtida (June 7, 2008) loo soo galbiyey dhinaca magaalada Ceerigaabo, halkaas oo la geeyey xarunta taliska dhexe ee magaalaada Ceerigaabo.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Sanaag, Cabdicasiis Xasan Siciid ayaa laga soo xigtey in uu sheegay in ay hadda ku guda jiraan hawlo baaritaan oo arrintaas la xiriirta.

laasqoray
Laasqoray | GoogleEarth

Waa Dad ay Daba Joogtey Puntland....

Laakiin war kaas ka duwan ayaa ka soo baxay Maamulka Puntland oo sheegay in laba nin oo ajnabi ah iyo afar nin oo Soomaali ah oo ay ku tuhun sanaayeen in ay hub soo geliyeen Puntland ay kasoo baxsadeen, una gudbeen dhinaca Somaliland.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay ciidamo ku saareen rag isugu jira Soomaali iyo ajaanib kaddib markii ay ogaadeen in ay dhaqdhaqaaq ka wadeen degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Wasiiru-Dowladaha Amniga iyo Madaxtooyada Puntland, Jaamac Xirsi Faarax oo u waramay idaacada Codka Maraykanka ayaa sheegay in ragga ajnabiga ah ay u kala dhasheen Carab iyo Asia. Waxana uu sheegay in raggaasi ay u baxsadeen dhinaca degmada Ceerigaabo ee G/Sanaag hase yeeshee ay soo qabteen hub uu ku xiriiriyey in raggaas ajnabiga ah ay lug ku lahaayeen.

Jaamac Xirsi Faarax waxa uu yiri: "Hubkaasi waa mid noocyo badan isugu jira, kuwo qarxa ayuu leeyahay, kuwo garabka lagu qaato iyo kuwo sida caadiga ah loo qaado. Waxaa ku lug leh nimankan burcad badeedka ah. Nimankan caddaanka ah lug ayey ku leeyihiin oo tahriib ahaan ayaa lagu soo dejiyey." Waxana uu intaas ku daray in raggaasi aysan wax shidaal sahamin/baaris ah ka wadin deegaanada Puntland.

  • [Dhegeyso ama mp3, June 7, 2008, Hadaladii Cabdullaahi Cali Ibraahim iyo Jaamac Xirsi Faarax, Idaacada Codka Maraykanka..]

Dadkaasi Waa Kalluumaysto Fasax ka haysta Puntland...

Dhanka kale Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Cabdullaahi Saciid Samatar, ayaa laga soo xigtey in uu sheegay in dadkaas (ay Somaliland qabatay) ay ahaayeen kalluumaysato fasax ka haysta Puntland,  waa sida uu u Idaacada British Broadcasting Corporation. Hadalkaas oo aad uga duwan kan uu sheegay Wasiiru-Dowladaha Amniga iyo Madaxtooyada Puntland, una sheegay Idaacada Codka Maraykanka, sida kor ku xusan. Waxaa khilaaf weyn ka muuqdaa hadalada saraakiisha Maamulka Garoowe.

C/laahi Sicii Samatar waxa uu yiri: "Horta Laasqoray waxay ka tirsan tahay Puntland. Dadweynuhu waa ogsoon yahay adduunkana waa laga ogsoon yahay. Maamulkeedana waxaa hadda gacanta ku haya Puntland."

Isagoo ka hadlayey arrinta dhacdayna wasiirka amniga DGPL waxa uu yiri: "Tobankii saac oo habeenimo ee xalay (Jun 6, 2008), ayaan war ku helay in niman ka ganacsada kalluumaysiga oo lix ah lagu afduubay magaalada Laasqoray, markii aan ka war helay arrintaas waxaan la xiriiray ciidankii meesha joogey ee Puntland. Waxaayna naga codsadeen in aan ciidan u soo dirro. Ciidan ayaan markaas usoo diray isugu jira rag iyo tekniko. Saakay (June 7, 2008) ayey meeshii tageen, ciidankii waxay noo sheegeen in ay heleen afar qof oo Soomaali ah oo gabari kamid tahay, in laba nin oo ganacsato kalluumaysi oo nin yahay China, ninka kalena Yemeni oo dad iska caadi ah, labadaas nin ayey la hareen nimankii burcadda ahaa, dabadeedna waa la carareen. Muddo ayaa la baadi goobayey. Waxaa markii dambe naloo sheegay in nimankii ay dhinaca Ceerigaabo ula fakadeen."

Cabdullaahi Siciid waxa uu sheegay in labadaas nin ay weligood ka kalluumaysan jireen aagga oo ay Laasqorayna hore u tegi jireen oo la yaqaan, ruqsad ama fasaxna ay u haystaan.

Markii Wasiirka amniga Puntland la weydiiyey in ay nimankaasi doonyo wateen waxa uu ku jawaabey: "Bahalkan aan kuu sheegayo waxaa laaga helaa xeebaha, ma aha wax doonyo iyo sixiimado loo kaxaysto, marka xeebaha ayey kasoo urursadaan, dabadeedna jawaan ayey kusoo gurtaan oo waa dhoofiyaan oo Dubai iyo China meelahaas ayaa loo dhoofiyaa."

  • [Dhegeyso ama mp3, June 7, 2008. Hadalkii C/laahi Siciid Samatar, British Broadcasting Corporation]

ceerigaabo
Ceerigaabo - GoogleEarth

Ceerigaabo Waxaa la geeyey Laba Ajnabi ah oo qura...

Saraakiil ka tirsan maamulka Hargeysa ayaa sheegay in dadka la keenay Ceerigaabo ay yihiin labo ajnebi ah oo keliya oo afartii Soomaalida ahaa meeshii lagu qabtay lagaga yimid. Hadalkaas ah in afarta Soomaalida ah aan la keenin Ceerigaabo waa mid aad u khilaafsan warkii laga soo xigtey Wasiirka Difaaca Somaliland oo sheegayay in labada ajaanibta ah lala soo xiray afar Soomaali ah.

"Halkan kama caddayn doono hadda dhalashada labada nin ee caddaanka ah," ayuu yiri Cabdullaahi Cali Ibraahim, wasiirka difaaca Somaliland oo u waramayey Reuters, waxana uu intaas ku daray: "Waxa keliya oo aan sheegayaa in ay ku socdaalayeen gaari, oo loo malaynayo in ay aagga ka sahaminayeen macdan sahamin." Afarka Soomaalida ah dhammaan waxay ka yimaadeen Puntland, ayuu yiri, waxaana hadda lagu hayaa magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Waa sida ay qortay Reuters.

Duqa magaalada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, oo u waramay Idaacada British Broadcasting Corporation ayaa sheegay in dadkaas ay qabteen ay ahaayeen kuwo si sharci darro kusoo galay 'dalka', waxaana laga soo qabtay meel la yiraahdo Laas-Macaan oo Laasqoray waxa yar u jirta. Waxana uu sheegay in ay nimankaas u haystaan inay yihiin kuwo macdan guranayey.


:::Fogaanta Laasqoray iyo Ceerigaabo marka laga cabiro Khariidada waa 115 km
:::Jidka ama dhulka marka la maro fogaantu intaas waa ka dheer tahay..

Markii la weydiiyey waxa ay ku caddaynayaan arrintaas, maadaama raggaas ay Puntland ku sheegtay in ay kalluun guranayeen, waxa uu Duqa Ceerigaabo ku jawaabey: "Haddii ay Kalluun guranayeen waa in ay badda joogaan, waa in laashash wataan, waa in ay alaabtii kalluunka sitan, maxaa buuraha xulinayey haddii ay kalluun guranayeen."

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka ee soo qabtay dadkaas oo ah Kusimaha Abbaan duulaha Saldhiga saddexaad ee ciidamada fadhigoodu yahay Magaalada Ceerigaabo, ayaa yiri: "Ninamku laba beri ayey ku jireen buuraha, dabadeed muwaadiniintii reer miyiga ahaa ayaa soo sheegay, ciidankuna shalay ayuu ku baxay, afartii galabnimo ee shalay galab (Jimce June 6, 2008) ayaa lasoo qabtay." Waxana uu intaas ku daray "in gaarigii uu dhexda kaga jabay oo gaarigii uu qaadi waayey sidaas darteedna labada ajnabiga ah oo qura loo soo qaaday."

Waxa kale oo uu sheegay in kaddib ciidamo Puntland ay galeen Laasqoray oo bililiqaysteen. Waxana uu yiri "Sideed gaari oo Puntland ah ayaa soo galay, waana bililiqaysteen, dadkii shicibka ahaana qaar ayey laayeen. Waxaana la sheegay in dhawr iyo toban qof ay jiifaan.," ayuu yiri.

Idaacada British Broadcasting Corporation waxay sheegtay in ay waraysatay qof dumar ah (ee Laasqoray) oo magaceeda la yiraahdo Shukri Xasan Cali oo tiri: waxaa nagu soo xad gudbey oo nagu sameeyey xaalado xun Puntland, ciidamadeedii iyo gaadiidkeedii iyagoo halkaas ku laayey dad maato ah oo carruuro iyo dumarro ah iyo dhallinyaro dhibaatooyin u geystey iyo iyagoo jejebiyey guryo, oo xoogaa raashin ah oo noo yaaley oo aan ku xagaasan lahayn naga gurtay, oo noo geystey dhibaatooyin waaweyn oo nagu sameeyey wax aan Soomaali isku samayn. Inamo ayaa hub soo gurtay, markaas ayaa odayaashu soo dhex galeen oo dadkii dhexdhexaadiyeen iyagiina sidaas nooga baxeen, ayey tiri, waa sida ay sheegtay warbixinta Idaacada Ingriiska wararka u tebisey ee Britsih Broacasting Corporation oo uu warkaas u diray weriyaha Burco u jooga ee Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar.

Waxaana jira warar ay faafiyeen warbaahinta maxalliga oo sheegay in aan waxba ka jirin hadalka BBC-da [British Broadcasting Corporation] ay sheegtay ee ah in Ciidamada Puntland ay bililiqaysteen Laasqoray, dadna ku layeen. Dhanka kale wararka maxalliga ayaa sheegay in ragga la qabtay ay sahan ahaayeen. Waxaa wararku intaas ku dareen in raggaas aysan qaban ciidamada Somaliland, balse ay qabteen dadka degaanku, kaddibna ay u gudbiyeen Ceerigaabo.

  • [Dhegeyso ama mp3 , June 7, 2008. Hadalkii Duqa Ceerigaabo iyo Warbixintii Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar, British Broadcasting Corporation]

Ammaanka Puntland...

Arrintan ayaa kusoo beegantay laba maalmood kaddib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland, Gen. Cadde Muuse, oo khudbad ka jeediyey Garoowe uu ku sheegay uu ka hadlay ammaanka Puntland iyo arrimaha la xiriira magaalada Laascaanood..

  • [Dhegeyso ama mp3 - Hadalkii Gen. Cadde Muuse, June 5, 2008, Raadiyo Garoowe].

Digniinta Somaliland...

Waxaa kale oo arrintani kusoo beegantahy toddobaad kaddib markii Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, waraysi uu siiyey Idaacada British Broadcasting Corporation uu ku sheegay in aanu ogolaan doonin in (shariikadaha shidaalka ka baaraya Puntland) ay shidaal ka qaodaan Somaliland.

Daahir Riyaale sidaas waxa uu sheegay mar Axmed Siciid Cige weydiiyey su'aashan: "Arrinta Puntland waad ogeyd oo dagaal ayaa idin dhex maray oo Laascaanood ciidamadiina ayaa ku guulaystey inay qabsadaan sannadkii hore, haatana waxaa la sheegayaa in shidaallo laga qodaayo oo Puntland ay shirkadaha qaarkood keeneyso halkaasi, maxaad ka warqabtaa.? Markaas ayaa Rayaale ku jawaabey: "Horta waa dalkii Soomaaliya la oran jirey ee Koonfurta Soomaaliya meelaha ay wax ka qodayaan, dalka Somaliland meel kamid ah ka ogolaan meyno in shidaal laga qodo."

  • [Dhegeyso ama mp3 - Hadalkii col. Riyaale, June 3, 2008, British Broadcasting Corporation..]

War ay June 7, 2008 baahisey Idaacada British Broadcasting ayey ku sheegtay in maamulka Somaliland ay sheegeen in dadkaas oo la keenayo Ceerigaabo si wanaagsan loola dhaqmi doono.

  • [Dhegeyo ama mp3 - June 7, 2008, British Broadcasting Corporation..]

Wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay dhacdadan ayaa ka duwana sida kor ku xusan. Reuters ayaa werisey sidan: Ciidanka Ammaanka ee Somaliland ayaa Sabtidii (June 7, 2008) waxay xabsiga u taxaabeen labo reer Galbeed ah oo loo malaynayo in ay yihiin sahamiyayaal u katirsan shirkadda Macdanta ee ka diiwaan gashan Canada ee ka hawl gasha Puntland, sidaas waxaa weriyey hay'adda Reuters iyo wakaaladaha wararka oo sheegay in warkaas laga soo xigtey Wasiirka Difaaca Somaliland. [Warkaas oo dhan akhri]

BAARID | SEARCH


TUB-RAACA AMNIGA PUNTLAND: Qoraal dheer oo kasoo baxay maamul Goboleedka Puntland ayaa jaaha saaray amniga DGPL... Akhri...

Yaa leh Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

plAustralia: Xafiis Ku Yaal Perth iyo Xiriirka uu la Leeyahay Qisada Dahabka iyo Hubka... Akhri...

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...

afqurac"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri - May 3, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS