Gen. Cadde Muuse oo Magacaabay Wasiir Arrimaha Gudaha ee Puntland
Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa (July 28, 2008) soo saaray
wareegto uu ku magacaabay wasiir Arrimaha Gudaha ee Puntland oo ah
Cabdixamiid Garaad Jaamac Garaad Cali. Waxa kale oo uu isla wareegtadaas ku
magacaabay lataliyahay madaxweynaha ee Arrimaha Gobolka Sool, Dr C/rshiid
Barkhadle.
Wareegtada uu uu faafiyey xafiiska Gen. Cadde Muuse waxay u qornayd sidan:
Xeer Madaxweyne Lr82 ee July28,2008kuna saabsan Magacaabid Wasiir Arrimaha
Gudaha ee DGPL iyo La taliye Madaxweyne Gobolka.
Madaxweynaha Dawladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Puntland qodobka
54aad Farqadiisa 19aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL.
Markuu la Tashaday: Isimada iyo waxgaradka Gobolka Sool
Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.
Wuxuu xeeriyey.
1.Waxaa Cabdixamiid Garaad Jaamac Garaad Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha DGPL.
2.Waxaa Dr C/rshiid Barkhadle loo Magcaabay la taliyaha Madaxweynaha Arrimaha
Gobolka Sool.
Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa
Maxamuud Muuse xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Isha: Xafiiska Gen. Cadde Muuse. July 28, 2008
C/Laahi Yuusuf oo Gaarey Garoowe...
- SomaliTalk.com | July 26, 2008
Madaxweynaha DFKMG ayaa maanta
Sabti (July 26, 2008) waxa uu safar ku tegey magaalada Garoowe ee caasumadda u
ah maamul Goboleedka Puntland.
C/laahi Yuusuf waxa uu durbadiiba khudbad dheer u jeediyey xildhibaanadda
Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland. Waxana uu kala hadlay arrimo ay ka mid
yihiin ammaanka Puntland, Dastuurka Cusub, Doorashada ee Maamul Goboleedka
Puntland iyo arrimaha Shidaal Baarista Puntland iyo arrimaha dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha DFKMG safarkiisa waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah
wadahadal xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha shidaal baarista, taas oo haddii
lagu heshiiyo bedeli doono asaaska qaabka ay hadda Puntland ku wado shidaal
baarista.
Waftiga C/laahi Yuusuf waxaa ka mid ah Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG
Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) iyo xubno sare oo ka tirsan wasaaradda
Macdanta ee DFKMG. Eng. Kaanje waxa uu hore si qayaxan u diidey shirkadaha ay
wadato DGPL.
Waxa kale oo ujeedada safarka waftiga DFKMG ka mid ah sidii loo xaqiijin
lahaa in maamulka DGPL uusan kororsan waqtiga la qaban doono doorshada Puntland.
Cabdullaahi Yuusuf oo qodobka doorashada si xooggan uga hadlay waxa
erayadiisii ka mid ahaa:
"Waxaa nagu soo dhacayey warar badan, oo wax meeshaan waa ka dhacay in wax u
eg sansaankoodii muuqdo, oo ay dhici doonaan ayaa nalooga dhigay, hadda adeerow
sidii waagii wax noogu dheceen yey u dhicine adigu dadka doorashada ha iska hor
taagin, cidda ay rabaan ha doorteen, waxaad siisaa xorriyad, haddeer waxaan idin
leeyahay doorasho ayaa imaan doonta oo ninkii wax isku hayaa inta uu tartamo
ayuu adkaanayaa ee in aad markale is dishaan looma baahna."
Hadalkaas ka dhegeyso warbixin uu diyaariyey Axmed Kismaayo, oo ka tirsan
idaacadda British Broadcasting Corporation. (Dhegeyso
halkan ama (mp3)).
Waftiga madaxweynaha DFKMG ayaa subaxnimadii hore (July 26, 2008) ka soo
dhoofay garoonka magaalada Muqdisho, waxayna ka soo degeen garoonka Conoco oo u
dhow Garoowe oo ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiinta sare ee DGPL oo uu kamid yahay
Gen. Cadde Muuse.
Updadted: July 29, 2008: C/laahi Yuusuf waxa uu Garoowe ka dhoofay.
Intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu la kulmay qaar ka mid ah isimada Puntland.
SomaliTalk.com | July 26, 2008
C/laahi Yuusuf oo kusii Jeeda Puntlad..
Kulan Khaas ah oo Dhex mari doono Madaxweynaha DFKMG iyo Madaxweynaha
DGPL...
- SomaliTalk.com | July 25, 2008
Madaxweynaha
DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa sida laga helayo ilo war gal waxa uu
maalmaha soo socda safar ku tegi doono maamul Goboleedka Puntland.
Safarkaas ayaa warku tibaaxay in uu ku saabsan yahay kulan gaar ah oo C/laahi
Yuusuf la yeelan doono madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse. Ujeedada kulankaas
oo wararku tibaaxeen in uu ku saabsan yahay arrimo la xiriira shidaal baarista,
oo uu Madaxweynaha DFKMG ku doonayo in lagu bedelo gebi ahaanba jihada
siyaasadeed ee ay ku socoto Puntland ee ku aadan sahaaminta batrool.
Kulanka la filayo in uu dhex maro C/laahi Yuusuf iyo Gen. Cadde Muuse ayaa
dadka siyaasadda odorosa ku tilmaameen in uu bedeli karo hab asaaska ay Puntland
ku socotey, marka laga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo baarista shidaalka.
Safarkan ayaa ku soo beegmay waqti uu maamulka Puntland qorshaynayo in uu
maalmahan ansixiyo Dastuur
Cusub oo Puntland u gogol dhigaya sidii ay u noqon lahayd maamul ka madax
bannaan DFKMG, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Khayraadka Dabiiciga ah.
Waxa kale oo safarka Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland uu ku soo beegmay xilli
uu dhowaan (July 16, 2008) qoraal dheer oo uu soo
saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ban Ki-Moon, uu ka dayriyey
ammaanka Puntland. (Qoraalkii Xoghayaha UN-ka ka akahri
halkan) - inkasta oo eedaymahaas ay Puntland beenisey.
Australian-ka oo Looga Digey in ay u Safraan Soomaaliya
Dhanka kale, waxaa dhowaan qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Australia lagu sheegay in dadka reer Australia looga digayo in aay u safraan
Soomaaliya rabashadaha baahsan oo ka jira awgeed.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in ay jirto warbixin sheegeysa in
"argagaxiso ay qorshayneyso in ay todobaadyada soo socda weerar ku qaadaan
shirkadaha shisheeye iyo goobaha shidaalka laga baarayo ee Puntland."
Warbixintu waxa kale oo ay maraakiibta uga degeysa xeebaha Soomaaliya, iyada
oo lagu xusay "maraakiibta waxaa looga digayaa in ay 200 nautical miles
wax ka badan ka fogaadaan xeebaha geeska Afrika, ayna taxadar muujiyaan. Waxaana
lagula taliyey maraakiibtu in ay koox isu raacaan iyagoo kala war haynaya."
(Warbixinta Australia ka akhri
www.smartraveller.gov.au)
Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2008
|