SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Lammaane u dhashay dalka Jarmalka oo muddo 44 casho ah lagu haystey buuraha Calmadow oo la siidaayey

...kaddib markii la bixiyey $ 850 kun oo Madax furasho ah...

Badhan : Xalay (Jimce ay soo geleysey Sabti Aug 8, 2008) saacadda Bariga Afrika markii ay ahayd 11 habeenimo ayaa lammaane u dhashay dalka Jarmalka tuulada Xabaashawacle oo ku taal buuraha Calmadow lagu wareejiyey masuuliyiin ganacsato iyo waxgarad ah oo ka soo jeeda gobolka Sanaag. Lammaanayaashan ayaa muddo 44 casho ah gacanta ugu jirey budhcad badeed kasoo af-duubtay biyaha badda dalka Yemen 24 / 06 / 2008 dii.

Markii ay xorriyadooda heleen, Bosaso Aug 9, 2008 | Sawirka AP

Wararka laga helayo goob joogayaasha ayaa tibaaxaya in lammaanayaasha ay diif badani ka muuqatey , hase yeeshee aan wax jidh dil ah loo geysan, sidoo kale qaabka sii deynta ayaa warar is khilaafsani kasoo baxayaan. waxana la isla dhexmaryaa in lacag madax furasho ah oo dhan $ 850 kun oo doolar laga bixiyey lammaanayaashaasi , halka masuuliyiinta goobjoogga ahi ay beeninayaan in wax madax furasho ah la bixiyey.

Duqa degmada Laasqoray, Yuusuf Jaamac Dubbad, oo ah masuulkii ay odayaashu ku wareejiyey lammaanaha markii la soo daayey, oo warbaahintu wax ka weydiisey qaabka loo sii daayey labadaas qof "ayaa ka gaabsaday arrinta ku saabsan madax furashada isagoo tilmaamay inay suuragal tahay inay jirto madaxfurasho laga bixiyay labadan qof."

Waxana uu duqa Laasqoray oo warbaahinta la hadlayey uu intaas ku daray "in toddobaadkii la soo dhaafay ay dawladda Jarmalku waan-waan la wadday duqowda degaanka Laasqoray taas oo ku saabsanayd in si nabadgelyo ah loo siidaayo la haystayaasha iyadoo duqowdu ay mar walba u dhexeeyeen dawladda Jarmalka iyo afduubayaasha."

Subaxnimadii Sabtida (Aug 9, 2008) ayaa la geeyey lammaanayaashaas magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay uga sii gudbeen Nairobi, oo ka sii aadi doonaan  wadankoodii.

Intii ay Boosaaso joogeen waxaa loo qabtay xaflad lagu raali geleyey ayna xarunta madaxtooyada DGPL ee Boosaaso kula kulmeen Gen. Cadde Muuse. Madaxweynaha DGPL ayaa si gaar ah u sheegay in uu rali gelinayo lammaanaha muddada lagu haystey dhulka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horreysey ee gobolka Sanaag afduub noocan oo kale ahi ka dhoco , waana arin wer-wer ku abuurtay bulshada degaanka oo si weyn u dheleeceeyey falalka afduubka iyo budhcad badeedaba.

Maxamuud Ciyoon / BADHAN
ciyoon10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2008

BAARID | SEARCH


Horuumarinta Beeraha & Miyiga Puntland...
Qaraal uu soo saaray Musharax Prof. Farjac Akhri Aug 4

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS