Shirkada Africa Oil oo Heshiis ku saabsan Sahaminta Dooxada Nugaal iyo
Dharoor la gashay Shirkadda Raytec Metals...
- Range Resources oo Sheegtay in ay Shidaal ka Sahaminayso Badda
Puntland...
Tarjumadii: SomaliTalk.com
Shirkadda Africa Oil Corp ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis
la gashay shirkadda Raytec Metals Corp. ("Raytec"),
heshiiskaas oo ku saabsan qandaraas wax-soo-saar wadaag oo lala gelayo Dawlad
Goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya.
Shirkaada
Raytec Metal oo ka hawl gasha gobolka Saskatchewan, Canada waa shirkad yar oo
qaabilsan qodista macdanaha sida Potash, Suulphur, Uranium iyo Iron Ore.
Warbixinada ugu horeeyey ee la xiriira warka heshiiska sahaminta ayaa tibaaxay
in "shirkaddaasi ay ka yaabisay dadka maal- gashada kaddib markii ay Khamiistii
May 28, 209 shaaca ka qaaday in ay Warqad Rabitaan ah la saxiixatay Afrika Oil
oo ku saabsan Sahaminta Puntland iyo Kenya.
Africa Oil waxay sheegtay in shirkadda Raytec ku wareejinayso boqolkiiba 25%
macaashka laysanka heshiiska wax soo saarka ee Dooxada Nugaal iyo Dharoor
ee Puntland, Soomaaliya.
Sidoo kale Africa Oil waxay Raytec ku wareejinaysaa boqolkiiba 10% macaashka
heshiiska wax soo saarka ee aagga loo yaqaan Block 9 iyo boqolkiiba 25%
macaashka laysanka ee Kenya.
Waxaa warku tibaaxay in shirkadda Raytec ay qorshaynayso in ay aagaggaas ka
hawl gasho 2009 iyo 2010.
Afrika Oil waxa kale oo ay heshiis kula jirtaa Shirkadda Range
Resources ee laga leeyahay Australia, taas oo leh boqolkiiba 50%
macaasha sahaminta Dooxada Nugaal iyo Dharoor.
Waxaa xusid mudan in shirkadda Africa Oil ay sahamin nooca Seismic ku
samaysay Dooxada Dharoor, laakiin ilaa hadda aysan muuqan meel ay ku soo
bandhigtay xogtii ay ururisay natiijadii ka soo baxday.
Idaacadda Dalmar Radio mar ay (horaantii bishii May 2009) weydiisay
Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Batroolka Puntland, Ciise Dhollawaa, in
ay heshiis shidaal waayahan galeen, waxa uu ku jawaabay "Maya ma aanaan galin,
wax heshiis shidaal ah intii anigu aan joogay oo la galay ma jiro, wax haba
yaraatee lagu heshiiyey ama aanu heshiis la galay ma jiro. Dawladii hore
heshiisyadii ay gashay ayaan waxaan ku jiraa dib u eegsitooda in aan fiirino
siday ahaayeen, maxaa ka hir galay, maxaa la qabtay."
DHEGEYSO.
Shirkadaha sahaminta shidaalka ee yimaada Puntland, laga soo bilaabo 2005
waxaa muuqatay in ay goboladaas ka wadeen maaweelo, ilaa hadda lama oga ficilka
dhabta ee ku aadan shirkadahaas ee uu qaadanayo maamulka cusub ee Puntland.
Waxaase dhanka shirkadaha muuqda in ay sii wataan qoraaladii ku saabsanaa
heshiisyada ay galayaan.
May 20, 2009 ayay ahayd markii shirkadda Range Resources ay
sheegtay in ay baaritaan sahamin ee nooca seismic ku samaysnayso badda Puntland
(offshore seismic). Waxayna markaas sheegtay inaysan dheg u jalaq siinaynay
burcad-badeedda. "Haddii aad sahamin nooca seismic ku samaynaysid badda waxa
keliya oo aad sidaas samayn kartaa marka aad haysatid taageerada dawladda
Puntland, ilaalo hubaysan ayaana la soconaysa maraakiibta sahaminta, kuwaas oo
noqon kara maraakiib dawladda," sidaas waxaa yiri madaxa Range Resouces Landau
isagoo markaas ku sugnaa Dubai. Waxaana warku sheegay in uu booqanayo Puntland.
Shirkada Africa Oil oo heshiis shidaal qodis la gashay Itoobiya iyo Kenya
Halkan ka
dhegeyso (xoriyo)
Shirkada Africa Oil ayaa heshiis ay shidaal kaga soosaarayso wadamada
Itoobiya iyo Kenya la gashay shirkada la yidhaahdo east Africa expolaration
limited.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan idin wargalino inaan galnay heshiis ku saabsan in
aan ka soo saarno patrool labada wadan ee Kenya iyo Ethiopia." Sidaasna waxaa
yidhi masuulkii u sixiixay shirkada Africa Oil heshiiskaas.
Heshiiskaas ayaa lagu sii qeexay in meelaha laga soosaarayo patroolka ay ku kala
yaalaan aagaga 2/6 iyo aaga 7/8 ee basinka Ogadenya.halka wadanka Kenya ay
kutaalo meesha patroolka laga soosaarayo waqooyiga Kenya aaga 10 aad oo lagu
magacaabo Anza Bansin. (Eeg sawirka hoose)
Heshiiska oo lagu kala saxiixday magaalada VANCOUVER, BRITISH COLUMBIA
27-05-09 ayay shirkada Africa Oil ku cadaysay in Itoobiya ay siinayso 30% oo loo
dulsaaray faaiidadeeda waxa kasoo baxaa ceelashaas marka patroolka laga soo
saaro, halka ay wadanka Kenya siinayso 20% oo loo dulsaaray faaiidadeeda.

Eeg sawirka oo weyn, isha: http://media3.marketwire.com/docs/AOI0204.jpg
Africa oil ayaa Heshiis buuxa sii siisay cambaniga layiraahdo Seismic oo ay la
socoto Upstream Petroleum Services Limited si ay u qaataan soosaarista partoolka
labadaas wadan ee Ogadenya iyo Kenya.
Shirkada ayaa ku adkaysay Wadanka ethiopia in laga soo wareejiyo hadii ay
shirkad kale haystay heshiiakan oo horay loogu sixiixay.
isha: RadioXorriyo | English: Read Here...
JWXO oo Digniin Kulul u Dirtay Shirkadda
Batroolka Baarta ee Petronas ee laga Leeyahay Malaysia oo Doonaysa inay Shidaal ka
Qodo Dhulka Soomaalida ee Itoobiya Gumaysato...
Radio Xorriyo: Shirkada shidaalka baadha ee Petronas oo doonaysan inay shidaal ka qodo
Ogadenya.
May 18, 2009
 Shirkada
saliida iyo gaaska ee wadanka Malaysia ee la yidhaahdo Petronas ayaa dib
Itoobiya uga bilawday mashariicda baadhista Shidaalka oo ay horay hakad
ugalisay kadib markii 74 shaqaale ah oo ay kamid yihiin 9-shiinays ah lugudilay
tuulada Cobale ee gobolka Jarar.
Wafti heer-sare ah oo kasocda shirkadan ayaa todobaadkii inaga tagay Addis Abeba
kulan kulayeeshay sarakiil katirsan wasaarada Tamarta iyo macdanta ee Itoobiya.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa usheegay wargayska Reporter in waftiga Malaysianka
ahi ay xaqiijiyeen wasiirka macdanta iyo tamarta ee Itoobiya, Alemayehhu Tegenu
iyo madax kale oo katirsan wasaarada oo uu kamid yahay madaxa waaxda Batroolka
Dr Ketsela Tadesse inay hirgaliyaan mashruuca baadhida shidaalka dooxooyinka
Ogaden iyo Gambella.
Hawl-wadeenada shirkada Petronas ayaa waxay cadeyeen siday diyaarka uguyihiin
siiwadida hawlaha mashaariicda baadhida shidaalka.
Petronas ayaa hashiis lagashay
shirkad saldhigeedu yahay Dubai oo lagu magacaabo Weather Ford.
Ilo wareed aad ugu dhow shirkadaas ayaa war-gayska Reporter u sheegay in
shirkada Weather Ford ay Ogolaatay in ay ceelal shidaal ka qoddo Ganaane (Genale
Block 11 iyo 15) Waxayna bilowday shirkadaas la yidhaahdo Weather Ford in ay
dal-dasho shaqaalihii iyo qalabkii hawsha lagu qabanlahaa. Weather Ford ayaa
waxay hawlo baadhis shidaal iyo gaas kawadaa Bariga Dhexe.
Sanadkii 2004 ayaa shirkada Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) oo
shiinays ah ayaa waxaa qandaraas siiyay Petronas si ay baadhis ugu samayso iyo
inay ka qoddo ceelal shidaal Gobolka Gambella “Block” AAGAG ay iska leedahay
Petronas oo kufadhiya baaxad dhuleed dhan16,000 sq.Km . Bishi June2003 ZPEB ayaa
waxay baadhis warbixin ka uruurisay dhula kufadhiya baaxad dhan 1500km.
Sanadkii 2005-tii ayay shirkada ZPEB ayay ceelkii ugu horeeyay ka qoday
agagaarka Jikow oo 175 Km ujirtaa xuduuda Itoobiya iyo Sudan.
Dhinaca kale,isla sanadkaas Petronas waxay heshiis kulagashay shirkada ZPEB in
ay baadhid kasamayso Ogadenya. Bishii Luuliyo 2005,Petronas ayaa waxay ku
guulaysatay in ay hesho saddex aag oo Ogadeenya kamid ah-Aaga Ganaane (24,420
sq.Km, Qalaafe 30612 sq.Km iyo Walwaal-wardheer 36,796 sq.Km. Sanadkii 2006 ZPEB
waxay bilawday inay daraaso kusamayso saddexdaas aag.
Oktoobar 2006, South West Energy waxay qandaraas siisay ZPEB in ay daraaso ugu
samayso wadanka Ogaden.
South West Energy, shirkadan oo uu leeyahay nin ganacsada ah, oo udhashay
Itoobiya ayaa ku guulaysatay Disembar 2005 in ay shidaal ka qoddo agaa
dhagaxbuur dhul dhan 21,187 sq.Km Janaayo 2007,ZPEB ayaa waxay hawlaha
badhitaanka kabilawday agaaga dhagaxbuur.Abriil 2007 Jabhada Waddaniga ah ee
Xoraynta Ogadeenya ayaa waxay weerar ku qaaday Cobale oo kutaala gobolka
Dagaxbuur ee Ogadenya.Waxaa goobta kunaf waayay 74-ay kujiraan 9 udhalatay
waddanka shiinaha.

Dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira Gumaysiga Itoobiya: Eeg sawirka oo weyn
Ciidanka qalabka sida ee xoreyta Ogadenya ayaa digniin kama
dambays ah u diray shirkadaha weli damaacigu kaga jiro inay shidaal ka qodaan
ogadenya,waxayna ciidanka qalabka sida wacad kumareen inaan koob gaas ag laga
qaadin dhulka Ogadenya inta shacabkii lahaa dulman yahay ee ay ka
xoroobayaan,digniinahan ay ciidanka qalabka sidaa soo jeedinayaan ayaa farriin
dhab ah u noqonaysa shirkada iyo shaqaalaha lagusoo daabulayo ogadenya si ay
shidaal uga baadhaan ama uga qodaanba.
Warbixin
Dheeraad ah Halkan ka Dhagayso ama
Soo rogo
18 May 2009
Cabdinuur Sh. MaxamedHalgan Guuleed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Wararka kale ee Xorriyo Akhri Halkan...
Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2009
Bashiir
Makhtal oo Maxkamad leh May 27, 2009
Bashiir Axmed Makhtal oo haysta dhalashada Canada, kuna
xiran Ethiopia ayaa...
Akhri... |