Wareysi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Puntland ee
Ramaas, Daahir Ciiro.
Wareysi uu la yeeshay Maxamuud
Cumar Bille, Daahir C/qaadir Muuse "Leedo" Gudoomiyaha
Xisbiga Ramaas ee mucaaradka ah oo meelo badan taabanaya
wuxuu u dhacay sida tan:
Bille:
Daahir, waxaad tahay Gudoomiyaha
Xisbiga Ramaas Puntland Political Party, maxay tahay macnaha
uu u taagan yahay erayga ''Ramaas?
Daahir:
Walaal, waxaan kawadnaa hadii aanu
ku guulaysano doorashada DGPL waxaanu ka dhigaynaa dalka oo
dhan cagaar.
Bille
: See uga dhigaysaan, cagaar, ma
waxaad ku beeray-saan geedo cagaar ah?
Daahir:
Marka aanu waxkasta hagaajino, sida
dalka oo aan gaarsiino horumar ilaa heer aduunkoo dhan looga
soo dalxiis tago wuxuu noqonayaa cagaar.
Bille:
Daahir, Xisbiga, Ramaas yaa leh, ma
beel ma, dad koox ah?
Daahir:
Ramaas waxaa leh Reer Puntland oo
dhan.
Bille:
Ramaas ma ku leeyahay taageerayaal
dibbada?
Daahir:
Haa laakiin, ma badna?
Bille:
Dabcan, waxaa muhiim ah cid uga
olalaysa dibbada, marka cid ma idiin joogtaa?
Daahir:
Haa, Ingiriiska oo kale, waxaa noo
fadhiya C/naasir Guure Faarax Jeer oo ah nin aad u
firfircoon.
Bille:
Dadku waxay ayaamahaan danbe isla
dhexmarayaan Ramaas, waxa ku dhacay oo waa leydin la yahay
meel aad ku damayseen, miyaa xisbigu socon la'yahay?
Daahir:
Maya, waxaanu ku jirnay diyaargarow
xoogan oo aan ugu diyaar garoobayno doorashooyinka soo
socda.
Bille:
Waxaa nagu maqaalo ah in saddex
xisbi oo kaliya la ogol yahay. mid dowladu leedahay iyo labo
kale, een, isla mar ahaantaasn ay dowladu dejinayso nidaamka
axsaabta, hadana ayba guddi u fadhiyaan oo aan laga gaari
karin wakhti aad xisbi ahaan uga qeyb gashaan doorashada,
arimahaas oo dhan ma, jiraan miyaa?
Daahir
: Maya, dowlada xisbiyadu way ka
madax banaan yihiin, weyna jirtaa in hadda guddi u fadhiyaan
arimaha axsaabta, balse waxaa hadda doorashada lagu salayno
waa qaabkii 1998 ee habka beelaha ama ergada.
Bille:
miyey jiraan wax caqabado ah oo
xisbigiinu ka socon la yahay?
Daahir:
Maya ilaa hadda dastuurka DGPL baa
ogol axsaabta , aamuskayaga maal mahaan dambe wuxuu la
xiriiraa marxalada dalka Soomaaliya oo gad-gadoomaysa oo
aanu bal cagta u dhignay xamaasada xisbiga inta wax
isbedelayaan.
Bille:
Sidee u aragta Xisbiga Dr,. Gaboose
ee Somaliland oo sheegay in uu taageersanyahay DFKM ee
Soomaaliya?
Daahir:
Walaahi, waxaan u arkaa Dr. Gaboose
nin maskax badan oo si sax ah u fakaraya, waayo sida kaliya
ee maanta Soomaali isugu imaan karto waa sidaas.
Bille:
Maamulka haatan talada haya DGPL ee
uu madaxweynaha ka yahay Gen. Cadde Muuse Xirsi, sidee u
aragtaa habka ay wax ku wadaan Ramaas ahaan?
Daahir:
Waxaan u aragnaa in ay dastuurkii
oo dhan baal mareen?
Bille:
Bal sharaxaad ka bixi?
Daahir:
Waxay la burburiyey hay'adihii
Garsoorka, waxaa la dumiyey ciidankii dalka difaaci lahaa.
Bille:
Daahir, yaad ku talin laheyd in uu
dalka hogaamiyo?
Daahir:
Cidkasta oo cadaalad iyo sinaan ku
maamusha. Soomaali horaa tiri' meeshaad nin ka qaadatid nin
baad kaga tagtaa.
Bille:
Maxaad ula jeedaa?
Daahir:
Yacni, hadaad, hab qoys ah ku
shaqaysatid waxaad kala tagaysaan qoysaskii kaloo dhan,
waxbana kuu socon maayaan. Hadaad ku shaqaysatid hab
kooxaysina waxaad kala tagaysaan kooxo badan oo kale, marka
waxa kaliya oo looga hortagi karo waa cadaalada oo la
ilaaliyo.
Bille:
Soomaalida waxaa lagu yaqaan
cabasho badan oo cidna ma qancin karto ,wax kasta oo la
siiyo, marka adinku' Ramaas ahaan cidkasta waad ka
qancinaysaan waxkasta miyaa, mise un waxaad aragtaan
god-daloolada maamulka hada shaqaynaya, oo wixii waa kor
joogto turub wuxuu daawanayaa afar ta ciyaartoowba
gacmahooda?
Daahir
: Maya, waxaan aragnaa sida wax u
socdaa ama dhacayaan marka in aanu saxno inta karaan kayaga
ah waa nagu waajib.
Bille:
Xisbiga' Ramaas, sidee u arkaa waxa
ka dhacaya magaalada caasiimada ah ?
Daahir:
Waxaan u arkaa in Muqdisho ka dib
16 sano oo kooxo iyo qabiil ka talinayeen ay maanta heshay
dowlad qaran oo loo dhan yahay ayna waliba iyagu waa dadka
xamar degane hogaanka u hayaan.
Bille
: Dowladaan maxay kaga duwan tahay
kuwii hore marka laga reebo erayga dhegaheena ku cusub ee
Federaalka?
Daahir:
Waxyaalo badan, sida aqoonsiga,
waayo waxaa aqoonsan dhamaan beesha caalamka.
Bille
: soo tan dowladaha ku jira EU-da
ama Midowga Yurub iyo kuwa ka mid ah Jamacada Carabta ama
Urur Goboleedka Geeska Afrika ay ka caga jiidayaan, sida wax
loo wado, ma Maraykankaa taageersan baad leedahay?
Daahir:
EU-da waxay ka soo horjeedaa, U.S
political Domination on Somalia(wax ay ugu yeeraan ) oo awal
waxay isku hayeen Maraykanka Global Domination ama Dominance
waxa afka qalaad loogu yeero, marka looma qaban karo in ay
dan u wadaan Soomaalida ee waa maxaad iiga baday
sxb-tinimada Soomaalida.
Bille:
Aad baad u mahad-san tahay:
Kaasi wuxuu ahaa Gudoomiyaha
Xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Puntland Political Party
aan wareysi la yeeshay.
Maxamuud Cumar Bille:
Faafin: May 18, 2007
Wareysi Musharaxa
Madaxweynaha DGPL, Mudane Colaad Maxamed Siciid
Waraysiga oo uu la yeeshay Maxamuud Cumar Bille
Akhri


|