SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wareysi Musharaxa Madaxweynaha DGPL, Mudane Colaad Maxamed Siciid:

Iyadoo ay soo dhowdahay wakhtigii doorashada  madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa ilaa hadda markii ugu horeysay isu soo taagay kursiga madaxweynaha DGPL, Colaad Maxamed Siciid oo ah nin ganacsade weyn ah oo aad looga yaqaan Gobolada  Puntland. 

Mudane:  Colaad Maxamed Siciid waxaa  waraystay Maxamuud Cumar Bille.Wareysigiina wuxuu u dhacay sida tan: 

Bille.  Colaad, waxaad tahay musharixii ugu horeeyey ee isu soo taaga jagada madaxweynaha Puntland, marka waxaad noo  sheegtaa bal waxa  kugu dhiiri geliyey in aad isu soo taagtid jagadaan madaxweynaha? 

Colaad: dhaxaltooyo  maahan madaxtinimada Puntland, cidkasta oo u qalmata in ay hogaamiso bulshada ayaana is sharixi karta. 

Bille:  Maxay le'egtahay rajada aad ka qabtid in laguu doorto Madaxweynaha DGPL? 

Colaad: Aad iyo aad ayaan ugu rajo weynahay, 100%. 

Bille:  Sidee ku kasban kartaa dadka wax dooranaya in ay codkooda ku siiyaan? 

Colaad: Waxaan kaashanayaa, khibradayda iyo aqoontayda, waayo waxaan ahay muwaadin caan ah oo magac ku dhex leh bulshada reer Puntland.

Bille:  Hadii aad ku guuleysato Madaxweynaha DGPL, waa maxay waxa aad diirada sida gaar ah u saaraysid? 

Colaad: Waxaan kobcinayaa dhaqaalaha dalka, waxaan dadka u abuurayaa shaqooyin, waxaan hagaajinayaa siyaasada, tan dibada iyo gudahaba.

Bille:  Qof kasta oo musharax ah marka uu rabo in uu kasbado shacabku in ay doortaan wuxuu u balanqaadaa , isla mar  ahaan taasna ugu dhaartaa in uu  wax ka qabandoono waxyaalaha uu is leeyahay awrkaaga waad ku kacsan kartaa, balse  marka uu kursiga isku hubsado ayuu iska iloobaa, maxaad ka leedahay arintaas? 

Colaad: Anigu waan ka duwanahay kuwa sidaas u dhaqma, waxaan u balan-qaadana Umadda waa iga go'an tahay. 

Bille:  Hadda ka hor marbaad isu sharaxday  madaxweynaha Puntland, balse waad tanaasushay isla markiiba, marka ma la  orankaraa Colaad ka dhab maahan musharacnimadiisu ee wuxuu rabaa in uu magiciisa kor u qaado ? 

Colaad: Maya, anigu awalba magac waan  lahaa, Al-xamdulilaah, hadana waa musharaxnimadu  iga go'antahay. 

Bille:  Dad badan baa waxay qabaan nin kasta oo isu soo taaga madaxweyne   in uu doonayo  siduu ku heli lahaa ugu yaraan wasiir ama wax u dhigma, maxaad arinraas uga jawaabaysaa? 

Colaad: Anigu wax ka hooseeya Madaxweyne kuma qanco.

Bille:  Wax aad isku halayneysid oo aad dadka shacabka ah u qabatay hadda ka hor oo la taaban karo si ay cod kooda kuu  siiyaan  , ma jiraan, hadayse  jiraan waa maxay?

Colaad: Haa, waxaan abuuray ganacsi weyn oo dad badan ay shaqo ka heleen, sida shirkadaha Barwaaqo Cement, Towfiq Trading Company iyo Nugal Electricity Co-operative, isla markaasna shacabka wax weyn u qabtay oo adeeg ah. Tusaale, NEC waa shirkada kaliya ee shidda korontada Caasiimada DGPL. 

Bille:  Hadii aad ku guulaysato Madaxweynaha DGPl waxaa jira caqabado badan oo ku horyaal sida dhaqaale la'aan  baahsan oo  ka jirta Puntland , musuq-maasuq iyo isdaba-marin hanti dadweyne, siyaasada Puntland ee ku aadan xuduudaha  Somaliland tan DFKM ah oo ay Puntland u tahay xudun, dad badan oo kala aragtiya oo ku nool DGPL, iyo kuwa  kale oo fara-badan marka , sidee u wajahaysaa caqabadahaas oo dhan? 

Colaad: waa ii fududahay, sidaan uga badin lahaa, waxaan samaynayaa dhaqaale iyo cilaaqaad siyaasadeed oo wanaagsan. 

Bille:  Dadku waxay aaminsanyihiin in doorashooyinka Afrika oo dhan ay yihiin musuq-maasuq oo codka la gato,arintaas maxaa  ka jira. 

Colaad: walaahi, waa jiraan wadamo sidaas looga dhaqmo, laakiin anigu dhaqaale ku doodi maayo, ee waxaan isku halaynayaa aqoontayda, khimradayda iyo waliba karti dayda oo keliya.

Bille:   Adigu shaqsi ahaan, adigoo ku cabiraya aqoontaada iyo waaya-aragnimadaada waa nin caynkee ah ninka hogaaminkara  bulshada Reer Puntland?.

Colaad: nin aqoon leh, wadani ah, dana gaara aan lahayn, sinaanta iyo cadaalada ka shaqeeya,aan arin qabiil ku shaqaysan uguna shaqeeya dadka, dalka iyo diintaba dar ilaahay iyo sidii uu wacadka ku maray, waayo maalin kale ayaa lagu gula xisaabtamayaa xilkaan aad umada u haysay. 

Bille: Iminka, waxaa ka taliya wadanka maamul, waa maxay waxyaalaha aad islee-dahay maamulkaas waa ka boodeen oo wax  baad ka bedeli kartaa,Colaad, ahaan? 

Colaad: waa badan yihiin kow iyo laba toona lama oran-karo 

Bille:   Maxaa ka mid ah? 

Colaad: Waxaa la dayacay arimaha bulshada oo dhan, sida waxbarashada, caafimaadka, wadooyinka, biyaha, waxaa lagu xad-gudbay khayraadkii dalka, waxaa la xaalufinayaa wax kasta oo khayraadkii dalka ah, iyadoo aan cidna ogolaansho looga haysan sida golaha wakiilada ee Puntland. 

Bille: Amaad, awrkaaga ku kacsanaysaa waxaas aad sheegaysid oo aan waxba ka jirin? 

Colaad:(qosol). Adaa wariye ah oo iiga war roon, waadna la socotaa waxa aan sheegayo in ay jiraan iyo in kale, waayo cida kaliya ee tilmaanta khaladaadka waa saxaafada runtana ka sheegta. 

Bille:  Bal waxaad ii sheegtaa waxa ugu muhiimsan ee aad u qabanysid bulshada? 

Colaad: Waxbarashada oo aan free ka dhigo amaba lacag la'aan, musuq-maasuqa oo aan la diriro, lacagaha faalsada ah oo aan joojiyo, cadaalad iyo sinaan in aan bulshada wax ugu qabto.

Bille: waxaad tiri waxaan abuurayaa, shaqooyin, iminkaba waa jiraan shaqooyin balse, waxaa musuq-maasuqa dadka madaxda ka  ah goobaha shaqada, marka see wax uga qabanaysaa musuq-maasuqa lagu hayo shaqooyinka? 

Colaad: Waa runtaa, waa jira mid aad u weyn oo ay ku kacayaan kuwo masuuliyiin sheeganaya, balse waxaa doorkeedii ka gaabisay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha oo kale, marka waxaan samaynaa, kow: Ilo dhaqaale, sida warshado iyo dalkoo lagu sameeyo maalgashi, halka maalkiisa laga guranayo. Labo: shaqooyin ka oo aan ka dhawro musuqmaasuqa baahay.

Bile: Dhinaca,  Waxbarashada oo kale , waxaad tiri, waxaan ka dhigayaa lacag la'aan, soo ma ogid in ay maanta waxbarashada tayadeedu tahay Private(ama mid si gaar ah loo maamulo?

Colaad: Walaahi, waa run, waa jirtaa. laakiin anigu ma siinayo mudnaanta waxbarashada sida gaarka ah loo maamulo. 

Bille:  Adigu waxaad ka soo jeedaa Gobolka Nugaal oo ay ku taal caasiimada DGPL, marka ma, ku noqon-kartaa caasiimadu  caqabad in aad heshid madaxweyne , maadaama ay soo galeyso gor-gortanka oo waxaan ay yihiin wax si-isle'eg loo qeyb saday?

Colaad:  Dastuurka DGPL meelna kagama qorna nin reer Garoowe ah in uusan isu soo sharixi karin Madaxweyne. 

Bille:  Adigoo iga raaliya su'aasha u damaysa ee aan ku weydiinayo waxay tahay, wax yar ma nooga bidhaamin kartaa taariikh- nololeedkaaga?

Colaad: waxaan ku dhashay Kismaayo 1957.Dugsiga Quraanka waxaan ka baxay 1964.

Dugsiga Hoose/Dhexe Eyl ayaan ka baxay, sidoo kale Dugsiga Sare ee Ganaane Secondary School ayaan kaga baxay Kismaayo.

1979, waxaan galay Lafole University(History), waxaana ka baxay 1981.

1984. waxaan galay machadkii SIDAM (Economics).

intii xiligaas ka damaysay waxaan ahaa ganacsade ilaa hada. 

Bille:  Waad mahad-santahay" 

Kaasi wuxuu ahaa Mudane. Colaad Maxamed Siciid oo ah musharaxa madaxweynaha DGPL. 

Hadaba, wixii su'aalo ah waad weydiin kartaan musharaxa idinkoo kala xiriiraya cinwaanadaan hoos ku qoran: 

+252-5-794405 ama email: colaad5@hotmail.com 

Waxaa waraysiga Qaaday:
Maxamuud Cumar Bille
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com