SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CEELKA CONOCO

Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya


ConocoPhillipsShirkadda Conoco sanadihii sideetamaadkii waxay baaritaan shidaal ka samaysay aagga magaalada Garoowe, meesha loo yaqaan Ceelka Conoco, halkaas oo xarun u ahayd. Waxayna ka mid ahayd shirkado ay Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre u saxiixday saddex-meelood-oo-labo (2/3) oo dalka Soomaaliya si ay shidaal uga baaraan - shirkadahaas waxaa ka mid ahaa: Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillips (waa ka hor intii aysan midoobin Conoco-Phillips, oo bishii August 2002 noqday hal shirkad oo la magac baxday ConocoPhillips).

Shirkadda Conoco rajo weyn ayey ka qabtey shidaalka Soomaaliya, waxaana taas daliil u ah: Xilligii hawlgalkii la magac baxay raja-Soo-Celinta (1992-1993), Xafiiskii Conoco ee Muqdisho in si ku meel-gaar ah loogu adeegsadey Safaaradda Maraykanka si ay ugu soo degaan Ciidamada Badda kaddib markii dhismihii asalka ahaa (safaaradii Maraykaanka ee Muqdisho) la duqeeyey oo la bililiqaysatay. Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya, Mr. Oakley iyo Jeneraalkii Ciidanka badda ee Maraykanka, Frank Libutti waxay warqad ammaan ah u qoreen Agaasimihii Guud ee Shirkadda Conoco, Raymond Marchand, ay uga mahad celinayaan adeegiisa.

Dagaalkii Soomaaliya ka hor, shirkadda Conoco waxay xarun (Kaam) ka samaysatay meel qiyaastii 35 km dhanka Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal. Kaamkaas oo lahaa adeegyo ay ka mid yihiin garoon diyaaraduhu soo caga dhigan karaan oo loo yaqaan Garoonka Conoco.


Kaamkii Conoco ee Dooxada Nugaal | sawir la siiyey Range Resources

Dagaalkii sokooye ee Soomaaliya ka dib, waxaa sannadkii 2005 tartanka shidaalka Soomaaliya kusoo biiray shirkad cusub oo lagu soo dhisay dalka Maldives, shirkaddaas oo ah CONSORT LTD. Shirkaddaas oo Dawlad Goboleedka Puntland ka heshay heshiis dhigayey in ay shirkaddaasi yeelaneyso xuquuqda shidaal iyo macdan qodista dhammaan Puntland. Waxayna shirkaddaasi markii dambe saamiyadii ku wareejisey shirkadda reer Australia ee RANGE RESOURCES, taas oo iyaduna saamiyadii boqolkiiba 80% aagga Dooxada Nugaal iyo Dharoor kasii iibisey shirkadda CANMEX.

Xubno ka tirsan Shirkadda Range waxay dhawr jeer booqdeen xaruntii ama kaamkii Conoco ee Garoowe. Waxayna Range shaaca ka qaaday in ay intuu u dhexeysey Oct-Dec 2006 ay awoodey in ay ilo ka tirsan Dawladda (Puntland) ay ka heshay dukumiinti ku saabsan baaritaan hore loogu sameeyey Puntland ilaa laga soo gaarayey June 1990. Dukumiintigaas oo ay ku jirto xogta baaritaanka nooca 'seismic' ee baaritaan hore loo sameeyey. Xogtaas ay heshay Range waxaa loo malaynayaa in ay tahay macluumaad lag ahelay kaamkii Conoco ee Garoowe. Xogta ay sheegtay Range in ay ka heshay dawladda waxay intaas ku dartay muujinta hydrocarbon (ama calaamadaha shidaal) badan oo ku jirto dooxada Nugaal iyo Dharoor.

Soomaaliya muddo dheer ayaa lagu sheegayey in shidaal ku jiro. Sannadkii 1991 ayey ahayd markii Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobey ay baaris la xiriirta batroolka ku sameeyeen siddeed dal oo ku yaal dhanka Woqooyiga-bari ee Qaaradda Afrika. Baaritaankaas waxaa ka soo baxay in dalka labaad ee ay suurta-galka tahay in uu ku jiro batrool ganacsi geli-kara in uu yahay dalka Soomaaliya oo ku xiga dalka Suudaan.

Waraysi ay September, 2000 SomaliTalk.com la yeelatay Dr. Cusmaan Salaad Xersi oo magaalada London, Ontario Canada kaga qaybgaley shir looga hadlay joolojiga (September 24-27, 2000), isagoo k ahadlayey shidaalka ay Conoco k abaartay Soomaaliya, waxa uu yiri: "waxaa ilo la rumaysan karo ii sheegeen in shirkadda Conoco ay saliid/batrool ka heshay ceel ay ka qodday meel la yiraahdo Tuka-raq oo ku u dhexaysa Garoowe iyo Lascaanood. Hase ahaatee ilaa iyo hadda lama hayo wax dhaqaale ahaan ganacsi gal ah."

Sawirada hoose waxay muujinayaan kaamka iyo garoonka Conoco iyo fogaan ahaan inta ay u jiraan magaalada Garoowe.

Ceelka Conoco (ama Kaamka Conoco) waxa uu qiyaastii 9 km dhanka Waqooyi Galbeed ka xigaa garoonka diyaaradaha ee Conoco. Waxana uu garoonku wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Qardho qiyaastii 8 km ka xigaa dhanka Waqooyi. Guud ahaan kaamka Conoco waxa uu Garoowe u jiraa 35 km.


Kaamka Conoco ee Garoowe | Sawirka: GoogleEarth

Garoonka Conoco ee Garoowe: Dherer: 1.5km, Ballac: 40 mitir


Wadada isku xirta Garoowe iyo kaamka Conoco oo dhererkeedu yahay 35 km | GoogleEarth.

Tixraac:

Sawirada:


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD