SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya. Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.

Ugu horayn waxaan su'aalo ka waydiiyey dhowr masuul oo sar sare oo ka tirsan dowladda FKMG ah waloow uu masuul kastaaba markaan su'aashan soo hordhigo uu iisii xawilayey masuuliyiinta kale, waxaana su'aalahan oo ahayd: maxay dowlada kmg ahi kala socotaa ceelasha shidaalka ah ee ay ka baarayso dowlada kenya deegaanada ku dhow -dhow raaskaambooni? Gaar agaan xagga badda? ayaysan jirin ilaa iyo hadda wax masuul ah oo kamida dowlada kmg ah oo iiga jawaaba ma jawaab sugan ka bixiya, masuulyiin sar sare oo dhowr ah oo dowlada kmg ah ayaa dhamaantood indhaha ka detay su'aashan , islamrakaana iigu wada jawaabay cid kale waydii.

Waxaa layaab igu noqotay markii aan dhamaan mid kasta oo ka tirsan DFKMG ee su'aashaas la weydiiyo uu yiraahdo cid kale waydii, ayaan waxaan xasuusatay oraah murtiyeedkii ahaa (cidina uma maqna ceelna uma qodna) waayo yaan waydiiyaa su'aashan yaase dalka soomaaliya ka masuul ah.

Arrintan oo hadal haynteedu mudo socotay ayaysan jirin cid ka tirsan dowlada kmg ah ee soomaaliya oo si dhab ah uga hadashay ilaa hadda, mana jiraan cid ku howalan ka hadlideeda, waxaana muuqata inay dowlada kmg ahi indhaha ka qarsatay arrintan.

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2007


Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya. Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD