Garoowe:
Xaabsade oo markale wajigabax kala kulmay Odayaasha Gobalka
Nugaal..
- Wasiirka Arrimaha Gudaha
DGPL oo
waayay taageeradii odayaasha iyo wax garadka gobalka Nugaal....
C/rizak koronto
Garowe puntland
Nov 16, 2006: Kulan looga hadlayay ammaanka gobalka Nugaal
oo Khamiistii (Nov 16) ka dhacayay Xarunta cilmi baarista ee
PDRC ee magaalada Garoowe ayaa loogu baaqay Xaabsade in
puntland ay tahay Dawlad islamarkaana, loona baahan yahay
haddii Dalkii la soo weeraray in ay dawladu dalkeeda
Difaacdo.
Wasiirka arrimaha gudaha
iyo aminga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ay marlabaad ku timid
waji gabax aad u wayn kagadaal shir dheer oo maanta uu la
qaatay odayaasha Gobalka Nugaal kuwaasoo u muujiyay in aan
waxba looga baahnayn odayaasha mar haday dhiseen dawladii
xaqna ay tahay dawladu in ay dalka iyo dadkaba difaacdo
hadii la soo weeraro.
Xaabsade oo isagu shirkan
maanta soo qaban qaabiyay ayaa ujeedadiisa ugu wayni ahayd
sidii uu taageero uga helilahaa odayaasha gobalka Nugaal iyo
mid dhaqaalebe hase ahaatee arintaas ayaa waxaa ka hor yimid
odayaasha deegaanka oo ku tilmaamay in ay tahay arin aan
munaasib ku ahayn odayaasha gobalka in hada loo soo laabto
markii horena iyaga laga booday.
shirkan oo socday in
kabadan 6 saacadood ayaa ku soo dhamaday waji gabax uu kala
huleelay wasiirka wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga Axmed
Cabdi Xaabsade kadiba markiii loogu baaqay in ay dawladu
iyadu marka hore is difaacdo ka hor inta aan shacabka la
waydiisan taageero dhaqaale iyo mid ciidanba wasiirka ayaa
maalmahaan waday shirar uu la qaadanayao odayasha gobalka
nugaal in kastoo uu shirarkaasi uu san wali ka helin
taageeradii uu ka raadinayay odayaasha gobalka Nugaal.
Odayaashii halkaasi ka
hadlay ayaa dhamaantood ka sinaa in la saxo xukuumada
kalitalisnimada ku dhisan ee uu madaxda kayahay Cadde Muuse
loona baahan yahay in dalka iyo dadka la hormariyo
islamarkaana ay xukuumadu ahaato mid Puntland oo dhan ka
dhaxaysa oo aan cidna gaar u lahayn la iskana dhaafo nin
jeclaysiga iyo reer wax u xaglinta.
Odayaasha Gobalka ayaa badi
u soo jeediyay dhaliilaha xukuumada loo tirinayo in ay marka
hore ka soo baxdo oo ay iska dhigto mid dadka u dhex ah
islamarkaana talooyinka loo soo jeediyo qaadan karta waxna
iska badali karta balse inta ay xukuumadu tahaya mid
kalitalisnimo ah aan lala shaqayn karin waxna lagu darsan
karin.
Xaalka ayaa ku xun wasiirka arimaha gudaha mar hadii uu
waayay taageeradii odayaasha iyo wax garadka gobalka Nugaal
oo ah xarunta puntland laga hago oo aan xukuumada u hayn
wax taageeero ah ka dib markii Cadde Muuse laga waayay xaqii
ay caasimadu lahayd iyo wax qabadkii laga sugayay Cade Muuse
oo uu ka dhigay mid uu ku tuntay taasina ay Madaxweynaha
DGPL dhaxalsiisay in uu waayo taageeradii caasimada
Puntland.
Sikastaba Nabadoon Faarax
Guure Kaarshe ayaa sheegay in loobaahan yahay in ay
xukuumadu is xisaabiso inta aan la xisaabin oo aysan
shacabku xisaabin, Nabadoonka ayaa eeda difaac la'aanta
dusha u saaray xukuumada.
A/rizak koronto
Garowe puntland
ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer
Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis
25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka
baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 17, 2006


|