Arday dhan 300 ruux ayaa haatan
waxbarasho aas-aasi iyo mid gabogabo ahba waxa uu uga socdaa dugsiga H/dhexe
iyo sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho" Sidaasi waxaa yiri maamulaha
Dugsigaas Max'ed Axmed Macallin, ahna guddoomiye ku xigeenka Dalladda SAFE

Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee
magaalada Muqdisho waxaa la aas-aasay sanadka markuu 2003dii bishii January,
waxaana lagu bilaabay arday waxoogaa arday ah, waxaana ka qalin jebiyay tan
iyo markii la aas-aasay labo dufcadood oo haatan wax ka barta qaar ka mid ah
jaaamacadaha Magaalada Muqdisho, qaar kalena ay ku shaqeystaan xirfado kala
duwan oo aas-aas u ah waxbarashadii ay ka qaateen dugsiga Al-bilaad.
Maamulaha Dugsigaas Max'ed Axmed Macallin,
ahna guddoomiye ku xigeenka Dalladda SAFE oo maanta u warramayay koox
wariyayaal ah oo isugu jira qeybaha kala gedisan ee warbaahinta dalka ayaa
waxa uu u sheegay in haatan dugsigu uu yahay dugsiyada fara ku tiriska ah ee
tarbiyeeya arday aqoontoodu sarreyso, wuxuuna aas-aas uga dhigay far
barashada ama waxa loo yaqaano far qurxinta oo arday shan sano jir ah uu ka
mid ah ardayda dugsigaasi wax ka dhigata una dhigma ardayda heerka dhexe
sida ay wax u qoraan si la mid ah wax u qoraya.
Maamulaha Dugsiga Al-bilaad Md. Max'ed Axmed Macallin waxa uu sheegay in
labo maalmood ka hor uu maamulka Dugsiga soo gabagabeeyay waxbarashada
Dufacaddii labaad oo halkaasi lagu guddoonsiiyay shahaadada waxbarashada
sare 24 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiga sare, wuxuuna intaas ku
daray mar uu ka hadlayay xiriirka ka dhexeeya waalidiinta iyo maamulka
dugsiga inuu yahay mid wanaagsan, isla markaana uu dugsigu ku xiran yahay
gacanta waalidiinta.
SHIRKADDA
ISGAARSIINTA HORMUUD TELECOM SOMALIA OO OGEYSIIS MUHIIM AH U HEYSA
MACAAMIISHEEDA
Waxaa la goysiinayaa dhamaan macaamiisha sharafta leh ee Shirkadda
Isgaarsiinta Hormuud Telecom in Numbarada Mobile-ka Hormuud lagana dhigay 7
(Todobo), Numbar iyadoo 5 (Shan) laga hormariyo 6-dii Numbar ee hore lag
bilaabo 16/11/2006.
Land Line-ku wuxuu ahaan doonaa sidiisii hore Lix Lambar.
Qofkasta oo kaa soo waca Lixda Numbar ee hore, wuxuu helayaa cod wargalin
ah, iyadoo uu kuu soo dhacayo intaasi kadib.
Fadlan ku wargali asxaabtaada Dibadda iyo gudahaba Lambarkaaga cusub.
Wixii faah faahin dheeri ah fadlan kala xiriir
141, 552211, 555221, 558886, 555222, 651960, 812206.
- Magaalada
B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u
balaaran taaso geysatay qasaaro naf iyo maalba leh.
- Masuuliyiinta maxkamadaha oo shir
jaraa'id ku qabtay dusha sare ee markabka Vishaam1 oo Muqdisho soo
gaaray.
- DHIBAATO INTEE IN LA EG BEY KEENI
KARTAA XAYIRAADA DHANKA HAWADA AH EE AY DOWLADA KENYA KU SOO ROGTEY
SOMLIAYA OO DAREENO KALA DUWAN ABUURTEY
Magaalada
B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran
taaso geysatay Khasaaro naf iyo maalba leh.
Waabarigii (Nov 12) ayaa magaalada B/weyne
waxaa hal mar is qabsaday sawaxanka dadka magaalada oo guryahooda ka qaxayo
dhibaatada fatahaada awgeed, dadkani ayaa waxay durbaba bilaabeen in ay
adeegsadaan gaari dameero iyadoo ay adkeed in ay galaan gawaaradia inta badan
xaafadaha magaalada B/weyne.
Xaafada sida aadka ah ay fatahaayadu u
waxyeeleeyeen ayaa waxa ka mid ah xafadaha Irid Aamin, Xaawa taako, Kutiimbo,
Buundaweyn, Duunsubagle iyo xaafado kale.
Dadka qaxaya aya waxay u qaxayeen banaanka
magalada B/weyne iyo buuraha sare ee aysan biyu gari Karin iyadoo Xaafada
Howlwadaag ee Dhanka Galbeed magaalada B/weyne ay noqotay xafada kaliya ee
Fatahaada ka bad baaday marka looo eego xaafadaha kale ee Fatahaadu
waxyeelaysay.

Intabadan ganacsatada magaalada B/weyne ayay
waxyeelo ka so gaartay Fatahaadahani kuwasoo sida ay sheegen bakhaaradoodii ay
biyaha ugu soo galeen.
Waxaa adkeyd sakaay magaalada B/weyne in aad
hesho baabur kuu qaado alaabto iyadoo ay circa isku shareereen kirada
Gaaridameerada kuwaasoo ah kuwa kaliya ee sida tooska saakay ay dadku ugu
qaxayee.
Muuqaal ahaan ayaa sakay waxaad dareemaysaa in
uu qax balaaran ka jiro magaalda iyadoo sida caadada ka ah gudaha Soomaaliya ay
dadku ka qaxi jireen dagaalo sokeeye ayaa saakay waxaa si aad ay dadka reer B/weyne
ka qaxayeen Fatahaada webiga.
Xarunta dhexe ee gobolka magaalada B/weyne aya
saakay waxaa galay biyaha wabiga uu soo tufay, xaruntani ayaa waxay saldhiga
maamul u aheyd Maxkamadda Islaamiga ee B/weyne balse saakay ayay halkaasi isaga
huleeleen dhamaan dadkii ka shaqeynayay, goobtaasi oo aheyd goo ay subax kastaa
ka socon jireen dhamaan dacwadaha ay isu qabaan dadka iyagu is daceynayay sidoo
kale waxay goob maamul u aheed maamulka maxkamada B/weyne.
Waxaa saakay sidoo kale magaalada ay dadku ka
cabsi qabeen in ay Go’do Buundada Liiqliiqato oo ah Buundada isku xirta Dhanka
Bari iyo kan Galbeed ee magaalada sidoo kale mid taas le’eg ayaa ka jirtay
dhanka Buundada lagu magacaabo Buundoweyno oo labaduba ah kuwa kuwa ku dhexyaala
gudaha magaalada halbowlana u ah isku xirka dadweynaha magaalada B/weyne.

Dadka sida weyn ula socda taariikhda magalada
B/weyne aya waxya sheegeen in dhibaato tan oo kale ah ay magaalda ugu dambeysay
sanadkii 1997-kii balse waxay qiyas ka bixiyen sababta keenta in markastaa oo uu
webigu buuxsamo ay halis gasho deganaanshaha magaalada in ay tahay wabiga oo
magalada B/weyne u mara qabka xarafka S-(ES).
C/naasir Sheekh Axmed (Cawaale)
B/weyne Somalia
Masuuliyiinta
maxkamadaha oo shir jaraa'id ku qabtay dusha sare ee markabka Vishaam1 oo
Muqdisho soo gaaray.
Masuuliyiinta golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed, ganacsato iy gudoomiyaha
degmada Xarar-dheere ayaa maanta shir jaraa'id ku dul qabtay markabka Vishaam1
oo dhawaan ay koox burcad badeed ah ka afduubteen xeebta Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha fulinta ee maxaakiimta soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doonto cid walba oo isku dayda inay
ummadda soomalaiyeed dhibaateysa, wuxuuna Sheekh Shariif xusay in kooxda burcad
badeedka ah la hor geyn doono maxkamad islaami ah si buu yiri sharciga loo
marsiiyo.
Sheekh Shariif wuxuu kaloo soo hadal qaaday heshiiskii dhawaan dhexmaray golaha
maxaakiimta somaaliyeed iyo xubnihii baarlamanka Somalia ee uu horkacayay
gudoomiyaha baarlamaanka md Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna ku eedeeyay
masuuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo inay heshiiskaasi ka caga
jiidayaan oo ay qaadaceen taasoo uu sheegay inay tahay mid aan loo baahneyn,
wuxuuna ka waramaray mabda'a maxaakiimtu inuu yahay dib u heshiisiin iyo in
ummadda soomaaliyeed wanaag iyo nabad loo horseedo, wuxuuna ku tilmaamay cadawga
ummadda somaaliyeed inaysan marnaba dooneyn in nabad iyo horumar la gaaro,
wuxuuna uga digay kooxaha burcad badeeka ah inay ka waantoobaan hada wixii ka
dambeeye inay afduub isku dayeen isagoo fariin arintasi la xiriirta u diray
dadkii ka qowleysan jiray afduubyada maraakiibta inay faraha kala baxaan.

Maxaabiistii la soo qabtay ee lagu eedeyey afduubka markabka
Sidoo kale waxaa halkaasi ka
hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka labaad ee gudiga
fulinta ee golaha maxaakiimta soomaaliyed, Sheekh Cumar, madexa amaanka ee
golaha maxaakiimta soomaaliyeed Sheekh Indha Cadde, gudoomiyaha degmada
Xarar-dheere iyo gudoomiyaha ganacsatada gobolka Banaadir md Cabdikariin Gabeyre,
waxayna dhamaantood ka warameen sida loogu baahan yahay in laga hortago falalak
wax u dhimayo horumarka shacabka soomaaliyeed
DHIBAATO INTEE IN LA EG BEY KEENI
KARTAA XAYIRAADA DHANKA HAWADA AH EE AY DOWLADA KENYA KU SOO ROGTEY SOMLIAYA OO
DAREENO KALA DUWAN ABUURTEY
Waxaa maanta magaalada Muqdisho si weyn looga dareemay saameynta ay xayiraada
duulimaadka ee ay dowlada Kenya ku soo rogtay, iyadoo inta badan dhaq-dhaqaaqii
ganacsi ee ka dhaxeeyey dalalka Somalia iyo Kenya uu hakaday kadib markii maanta
ay xayiradaasi bilaabatay.
Wararka laga helayo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in
ganacsatada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ay walaac weyn ka muujinayan
xayiraada dhanka duulimaadyada ee ay dowlada Kenya ku soo rogtay Somalia, iyadoo
uu jiray xiriir ganacsi oo xoogan oo u dhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya,
taasoo laf dhabar u ah nolosha soomaali fara badan oo ka ganacsato waxyaabo kala
kuwan oo ay labada shacab u baahan yihiin, iyadoo ganacsatdu ay haatan wadaan
kulamo looga xaajoonayo sidii dowlada Kenya looga dhaadhicin lahaa inay ka
laabato go'aanka ay ku joojisay duulimaadyada diyaaradaha ee Somalia.
Shirkadaha duulimaadyada ee ka howlgala Muqdisho iyo ganacsatada qaadka keenta
ayaa si weyn uga cabanaya xayiraada ay Kenya saartay duulimaadyada diyaaradaha
ee Somalia, iyadoo aysan jirin wax duulimaad ah oo maanta ka yimid dalka Kenya
oo ah wadanka ugu weyn ee Somalia la leh xiriirka dhanka duulimaadyada ganacsi,
iyadoo maanta uu hakaday duulimaadyadii dhanka qaadka, kaasoo ganacsato fara
badan ay shaqeynsan jireen ganacsiga qaadka, isla markaana ay noloshoodu ku
tiirsaneyd.
Joojinta duulimaadyada diyaaradaha ee Somalia iyo Kenya ayaa si weyn looga
dareemay gobolo fara badan oo Somalia ku yaalo, iyadoo ganacsatada ku dhaqan
magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ay aad uga cabanayaan talaabada la xiriirta
joojinta duulimaadyada ee Somalia, iyagoo ugu baaqay dowlada Kenya inay ka
fiirsato talaabadaasi.
golaha maxkamadaha islaamiga ee Somalia ayaa horey u joojiyay ganacsiga qaadka
kadib markii ay la wareegeen maamulka magaalada Kismaayo, iyadoo wararka laga
helayo Kismaayo ay sheegayaan in magaaladaasi ay maanta gaaf wareegayaan
ciidamada maxkamadaha kuwaasoo ku raad jooga bal inay dhaqan galeen go'aankii
lagu mabnuucayay hakinta isticmaalka qaadka iyo sigaarka.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay dowlada Kenya joojiso duulimaadyada Somalia,
iyadoo dhowr jeer oo hore hakisay duulimaadyada dalka Somalia, waxayna dadka
aqoonta u leh dhinaca dhaqaalaha ay sheegayaan in ganacsatada qaadka ka baayac
mushtarta ay ugu yaraan ay kaga bixi jirtay aduun dhan Hal malyan oo Shliinka
Kenya ah maalin kasta. waxayna tani dhiirigalin u noqoneysaa in golaha
maxkamadaha islaamka ay qaataan go'aan ay ku mabnuucaan ganacsiga qaadka ee
gobolada ay ka taliyaan sida ay qabaan dadka ku dhaqan Muqdisho.
Safiirka dowlada
Kenya ee Somalia oo Muqdisho yimid sababatu maxey tahay .
Safiirka dowlada Kenya u qaabilsan arimaha dalka Somalia Mr. Maxamed Cabdi Afeey
iyo wafdi uu horkacayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed oo uu ku jiro u qeybsanaha xaga
arimaha dibada ee maxaakiimta Sheekh Ibraahim Xasan cadoow ayaa si diiran ugu
soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Mqudisho wafdiga uu safiirka horkacayo oo
ka kooban xubno xildhibaano Kenyaan ah, iyadoo aysan cadeyn sabab ka dambeeya
imaatinka safiirka iyo wafdigiisa ee Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in imaatinka Mr. Maxamed Cabdi Afeey uu la
xiriiro sidii uu ulaga hadli lahaa in maxaakiimtu aysan kulamo la yeelan
xildhibaano aan wax fasax ah ka heysan dowlada Kenya iyo inuu sharaxaad ka siiyo
masuuliyiinta golaha maxaakiimta go'aankii ay Kenya ku joojisay duulimaadyada
Somalia.
Labo maalin ka hor ayaa Muqdisho waxaa soo gaaray xubno ka tirsan baarlamanka
Kenya, kuwaasoo kulamo la qaatay masuuliyiinta maxkamadaha islaamka soomaaliyeed.
Doodcilmiyeed socondoonta mudo laba cisho ah oo
maanta si rasmi ah looga furay xarunta incomdes ee degmada xamar weyne ee
magalada muqdisho .
 Doodaan
oo ay ka qeyb qaadanayaan sodon xubnood oo haweenka umuso dhaqameedyada ah oo ku
nool afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada xamar weyne ayaa waxaa
dirada lagu saarayaa sidii bulsha weynta somaliyeed loo dareensiin lahaa
gudniinka fircooniga ah iyo qodobo kale oo la xiriira howlaha umusa
dhaqameedyada ,
Doodaan oo furitaankeedii ay ka qeyb galeen mas.uuliyiin ka kala socday ururada
bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan sida agaasimaha dalada haween weynaha
cogwo nuurto sheekh maxamed , agaasihama hay.ada incomdes caasha cabdi diini iyo
gudoomiyaha coco ( community consern org ) amino adan cabdi ( amino caga baruur
) ,
furitaankii doodaan waxaa ugu horeyn ka hadashay gudoomiyaha hay.ada coco amino
caga barur oo ka war bxisay qabanqaabada iyo isku keenista xubnahaan haweenka ah
oo iyagu ku taqasusay howlaha umuliso dhaqameedyada iyo doorka ay ku leeyihiin
arimaha buulshada waxeyna shaaca ka qaaday in u jeedada laga leeyahay joojinta
gudniinka fircooniga ah iyo dhibaatooyinka uu ku raabio haweenka da.da yar sida
caada wareenka aqal galka cadada iyo xiliyada guurka iyo fuusha .waxeyna xustey
in mudada labada maamool ah oo ay socoto dodaani ay siweyn u sharxi doonaan
macalimiin taqasus gaar ah u leh arimaha gudniinka fircooniga ah ,
sidoo kale waxaa doodaasi furitaankeedi ka
hadashay agaasimah delada cogwo Dr Nuurto sheekh maxaemd oo ugu horeyntii uga
mahad celisay hay.ada coco oo iyadu isku soo dubariday howshaan iyo dadaalka
dheeradka ah ee ay sameeyeen sida caafimadka .daryeelka hooyada iyo dhalaanka ,
talaalka haweenka iyo caruurta iyada oo xustey in hay.adaani ay tahay hay.ada u
taagan wax u qabashada dadka danyarta ah marwalbana kudadasha horumarinta
haweenka iyo caruurta iyada o ka soo dhex shaqeyn jirtey xiliyadii adkaa oo u
dalku ku kira marxalad qalafsan ayna aad u xumeyd dhinaca amaanka taasi waa
ilaah mahadii waxayna taasu muujinaysaa inya karti dheeraad ah u yeesheen iyada
oo gobkas qori lala taagan yahay howshoda u gutaan waajibaadkooda ay bulshada u
haayaan ,
Drs Nuurto oo si gaara ula hadlaysay xubnahaan ka qeyb qadanya dooda ayaa xustey
in gudniinka fircooniga ah uu dhibaato joogto ah ku hayo haweenka gaar ahaan
gabdhaha soo koraayo waxaana la ogaaday in haweenka somaliyeed dhib ku qabaan ,balse
gabdhaha somaliyeed ay yihiin kuwo adkeysi badan marka loo eego raga in ay u
adkeystaan waxaa la xaqiijiyey in ay san u adkeysan raga waxyna intaa ku dartey
iyada o tiri in haweenka iyaga oo gudan ,tolan,umul ah , jirkeedu jarjaran yahay
iyada oo la dilaaciyey oo ilmo soo dhexmareen ayey hadana kaalintooda buuxiyaan
waxaana loo baahan yahay inlaga gudbo wixii ay inoo keeneen cado xun ama dhaqan
aan suubaneyn ama aqoon dari keenytey in laga gudbo maanta ayey hadalkeeda ku so
gabgabeeysay ,
PUNTLAND OO DIYAAR GAROOW ADAG UGU JIRTA KA HORTAGA WEERAR KAGA YIMAADA
MAXAAKIIMTA.
Wararka laga helayo maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maamulkaasi uu
wado diyaar garoow dagaal oo xoogan oo uu kaga hortago ciidamada golaha
maxaakiimta soomaaliyeed oo ku soo dhawaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka
Mudug.
Imaatinka madexweyne Gen, Cadde Muuse ee Gaalkacyo iyo abaabulka difaac ee ay
wadaan maamulka Puntland ayaa dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ku macneeyeen
in taasi ay horseedikarto inuu dhaco dagaal u dhaxeeyo maxkamadaha shareecada
islaamka iyo mamaulka Puntland oo ciidamo dheeri ah ku soo dal dalayo Gaalkacyo,
iyadoo maanta ay degan tahay goobihii shalay ay dirirtu ku dhexmartay
maxkamadaha iyo ciidamada Puntland iyo kuwa Col, Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid).
Warar lagu kalsoonaankaro oo laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in
maamulka Puntland uu u diyaar garoobayo sidii uu isaga difaaci lahaa weerar kaga
yimaado ciidmada golaha maxaakiimta oo Gaalkacyo ku soo durkayo, iyadoo shir
jaraa'id uu ku qabtay Gaalkacyo gudoomiyaha magaaladaasi uu qirtay in dagaalkii
shalay looga adkaaday ciidamada Puntland iyo kuwa Col, Cabdi Qeybdiid looga
qabsaday maxaabiis iyo waliba gaadiid dagaal, laakiin wuxuu masuulkaasi sheegay
in aan la isaga hari doonin wixii ka dhacay Bandiiradleey oo talaabo adag laga
qaadi doono maxkamadaha, taasoo lagu macneynkaro in Puntland ay gashay marxalad
dagaal.
Ma jiraan wax waan waan ah oo u dhaxeeya maxkamadaha shareecada islaamka iyo
Puntland oo muuqata, iyadoo labada dhinac ay diyaar garoow ugu jiraan dagaalo
kale, kuwaasoo isu jira wax ka yar 20 K.M.
Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2006
Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga
Sare ee Gambool - Garoowe
iyo
Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo
Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL
Guji... Oct 27
|