Garoowe: Golaha
Baarlamaanka oo Ganafka ku Dhuftay Qorshe uu watay
Madaxwaynaha DGPL.
-
Cabdirizak Koronto
Garoowe Puntland
Golaha Wakiilada
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku
diidey in Wakaaladda Xoogga Korontada Ummadda (W. X. K. U.)
ee Boosaaso lagu wareejiyo
Shirkad Gaar loo leeyahay... Sida uu dhigayo qodobka
89aad ee dastuurka DGPL Dawladdu ma iibin karto hanti ummadeed oo qiimaheedu ka
badan yahay $100,000 haddii aan Golaha Wakiilladu oggolaan.....
Dec 13, 2006:
Madaxwaynaha DGPL ayaa maalintii shalay ahayd u soo
hordhigay golaha baarlamaanka qorshe ku saabsan in
shirkadaha korontada ee magaalada Boosaaso lagu wareejiyo
shirkad ka madax banaan dawladda.
Baarlamaanka oo arrintaas
islamaalintii shalay ahaydba u saaray guddi ayay islamaanta
(Arbaca Dec 13, 2006) soo hordhigeen gudigaasi sida ay wax u
arkaan iyaga oo guddigu soo jeediyay in aan shirkada
korontada ee Bosaso lagu wareejin karin cid ka madaxbanaan
dawladda taasi oo ay si wayn markaasi uga doodeen golaha
xildhibaanadu.
Kalfadhigii maanta oo ay
fadhiyeen 51 xildhibaan ayaa waxaa cod gacantaag ah ku
diiday 45 in aan shirkadda lagu wareejin shirado ka
madaxbanaan dawladda, halka 5 kalena ay ka aamustay, 1 halna
uu ogolaaday in shirkada lagu wareejiyo shirado ka
madaxbanaan dawlada.
Qorshahan oo uu indhawaalba
watay madaxwaynaha DGPL Gen. Cadde Muuse ayay golaha
baarlamaanku maanta si wayn uga soo horjeensadeen waxayna
tilaabadaani noqonaysaa tilaabadii ugu horaysay oo ay golaha
baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku diidaan warqad ka soo baxda
madaxtooyada oo ay awal golaha baarlamaanku iska ansixin
jireen iyaga oo aan ka doodi jirin kana fiirsan jirin
dhibaatada ay keeni karto waxa ay ansixinayaan oo ay sidaasi
ku meel marin jireen.
Si kastaba ha ahaatee,
diidmadaan ayay dhabar jab ku noqonaysa madaxwaynah DGPL oo
isagu watay qorshahaan doonayayna in ay u meel marto balse
natiijadii baarlamaanku ay maanta noqotay in laga soo
horjeensado.
Madaxwaynaha ayaan ilaa iyo
iminka wax war ah ka soo saarin diidmadaan ay keeneen
baarlamaanku ayna sida wayn isugu raaceen diidmadaas.
Madaxwaynaha DGPL ayaa
indhawaaleba waday qorshayaal uu ku wareejinayo waaxyo badan
oo ay ka mid yihiin xoogga korontada ee magaalooyinka
Boosaaso iyo Qardho isaga oo u ololeeynayay in lagu
wareejiyo shirkado si gaar ah loo leeyahay oo ay ka baxdo
gacanta dawlada, hase ahaatee baarlamaanka ayaa ku dooday in
aysan dawladdu wareejin karin hanti dawladeed oo ka badan
$100.000.
Dastuurka DGPL waxa uu
dhigayaa in aan dowladdu iibin karin hantida ummada oo
qiimeheedu ka badan yahay $100,000 haddii aan golaha
baarlamaanku sidaas oggolaan, waxaana sidaas dhigaya qodobka
89aad qaybtiisa 2aad.
QODOBKA 89AAD:
KALA-GADASHADA HANTIDA UMMADDA
2.
Dawladdu ma iibin karto hanti ummadeed oo qiimaheedu ka
badan yahay $100,000(boqol kun oo doollarka maraykanka ah)
haddii aan Golaha Wakiilladu oggolaan.
Arizak koronto
Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 13, 2006
Digniin
ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta
Waxayna dowladdu hadda u soo
gudbisay Golaha Wakiillada DGPL in wershedahaas WXKU
Boosaaso iyo Qardho lagaga iibiyo qiimo aan macquul ahayn oo
iskaraab oo kale ah , shirkad aan horay uga jirin DGPL oo
lagu magacaabo SOM TEC. Qiimahaas oo lagu sheegay W.X.K.U ee
Boosaaso $300,000.(Dollar)... sidaas waxaa yiri Agaasimaha
Mashaariicda Tamarta PSAWEN,
Muxamed Axmed Xaashi (Al- Qaadiri)
"Miisaaniyada
ka soo Baxda Qaadka Boosaaso waa $US50,000 maalintiiba" ABC
Australia
BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal
suuqa daroogada Qaadka oo ay kasoo baxdo miisaaniyad lagu
qiyaasay $US50,000 maalintiiba,
laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona
ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray... ABC
Australia...
KHASAARAHA
DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga
dejin jire Qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu
ahaan jirey $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka
dhigeysay $2,040,000. Qiyaas akhristow inta ardayga
Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya -
waa ka hor intii aan Qaadka laga mamnuucin inta maxaakiimtu
ka taliyaan..
Guji..


|