Afhayeenka Xisbiga RPP oo
Canbaareyay Go'aankii Barlamanka DGPL, una digay
Itoobiyaanka

C/Naasir Guure
Faarax [jeer] |
Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party[RPP] ee midoowga Yurub C/Naasir
Guure Faarax [jeer] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku canbaareeyay
go'aankii ay golaha barlamaanka maamul Gobaleedka Puntland ay kusoo
dhaweeyeen cuno qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Wuxuuna afhayeenku ku timaamay golaha barlamaanka ee Puntland
"kuwo aan ka
shaqayn wixii meesha loo keenay, oo ah inay dowlada la xisaab tamaan wadanka
horumarkiisa iyo mid walbaa Gobalkii laga soo doortay inuu u war hayo,
balse ka shaqayn horumar iska daaye waxaay u adeegaan dano shisheeye wato iyo
rabitaanka guracan ee golaha dowlada."
Waxaa kaloo uu C/Naasir cadeeyay "isagoo katurjumaaya aragtida xisbiga
Ramaas iyo shacabka Puntland ba", waa sida uu hadalka u dhiga'e, "in ay kasoo hor jeedan cuna qabataynta
hubka ee laqaaday una arkaan go'aan fasaxaya burbur horle oo kadaran kan aan
hadda ku jirno."
Wuxuu afhayeenku cadeeyay "in G/Mudug ay ku sugnaayeen 800 oo ciidamada
itoobiya oo wata 40 tiknika, balse hada ayku hartay 500 oo ciidan ah oo wata
25 tiknika," wuxuuna ciidamadan tigreega oo haray ku tilmaamay "kuwo xoolaha
reer miyiga ka qasha, dumar kana kufsada," wuxuuna ugu danbayn "ra'isul wasaaraha
Itoobiya Miles usoo jeediyay inuu ciidankiisa kalaboxo deeganka Puntland iyo
Soomaaliyo dhan ba, hadii ay ka bixi waayana ay xisbiga Ramaas Political
Party iyo shacabka Puntland kala kulmi doonan iska dhicin salka ku haysa
Diin iyo xornimadoon."
Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure
Faarax [jeer], waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka:
keenadiid18@hotmail.com
###
Ciidamada
PL oo Bangi dhacey
Dec 12, 2006: Ciidamada
Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta dhac xoogan waxa ay u
geeysteen Bank-iga Magaalada Gaalkacyo ku yaala.
Ciidamadan oo gadood ka
ahaa sida la sheegay Mushaaraad ka soo daahay ayaa waxa ay
saakay ku waabariisteen Bankiga dhexe ee magaalada Galkacyo,
halkaasi oo ay ka dhaceen 70 Million oo sh.som ah.
15 Milyan oo lacagtas ka
mid ah ayaa wararku sheegayaan in ay kaga daatay dhulka,
iyadoo lacagahaas ay boobeen dad meesha ka ag dhowaa.
C/rashiid Xaashi Dhuubane
oo GO Khadka Telefoonka kula xiriirtay isagoo ku sugan
Galkacyo ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii ka dambeeyay
falkaasi dhaca u geystay Bank-giga.
Ciidamada Puntland ayaa
maalmihii la soo dhaafey si hab-qan ah uga soo baxayay jiida
hore ee Galkacayo kadib markii ay la soo daristay daryeel
la'aan iyo mushaharaadkooda oo aysan qaadan in muudo ah.
Isha: GO
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006
SHEEKH
YUUSUF INDHACADDE “HADDII 7 MAALMOOD GUDAHOOD AY CIIDAMADA
ITOOBIYA UGA BIXI WAAYAAN SOOMAALIYA WEERAR AYAAN KU
AADAYNAA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN
Dec 12, 2006: Madaxa Amniga
ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf
Max’ed Siyaad (indhacadde) oo uu dhinaciisa midig fadhiyo ku
xigeenkiisa dhinaca amaanka sh: muqtaarroobow ( abuu mansuur
) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada
Muqdisho, isagoo uga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid
yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyay koonfurta
Soomaaliya gaar ahaan Min Mudug ilaa Kismaayo, digniin uu u
jeediyay dowladda Itoobiya iyo beesha caalamka.
Warkan oo
dhan... Akhri...
Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista
Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya
"Maamulka Puntland oo ka
Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal"
Sidaas
waxaa yiri afhayeenka xisbiga Ramaas...
Akhri...
Maxaakiimta Islaamiga oo Ballan Qaaday inay Dhisi
doonaan Garoonka Garoowe
sidaas waxaa shaaca ka
qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub,
C/Naasir Guure Faarax
[jeer],
oo...
Akhri...
Ethiopia: Soomaaliya
waxaan kula jirnaa Dagaal

Dec 5, 2006:
Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha
Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya
ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso:
Hadalkii
Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya
(MP3) - [Isha:
VOA]
HFKMG: Soomaaliya Ciidan
Itoobiyaan ah ma joogaan

Dec 6, 2006:
Ciid Beddel Maxamed [Idd
Bedel Mohamed] oo ah
Ku-xigeenka wakiilka
Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo
su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku
sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo
Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii
su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad
ka heshay warkaas...
Halkan ka daawo... [Isha:
UN]
AP: 6,000 ilaa 8,000 oo
ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...
Dec 7, 2006:
Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa
sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo
sheegaya in Soomaaliya ay ku sugan yihiin
6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha:
AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu
ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in
ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.
Kongo, Tansania &
USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo
xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....
Xildhibaannada
Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad
(Map) Muujinaya in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku
Darsatay

Halkan ka akhri
warsaxaafadeedka... GUJI....
»Digniin
ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta


|