Aug 8, 2006
Furitaanka Garoonka
Dayuuradaha ee Muqdisho waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed

mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA
Dekadii baa la furay, isbaarooyinkii baa
la qaaday, saldhigyadii booliiska ayaa dib loo hawl geliyey, nabaddii
Xamar baa la sugay, xaruntii madaxtooyada ayaa maxkamadaha islaamiga
lagu wareejiyey, Intaba waxay ahaayeen dhawaaq farxad leh oo beryahan ka
soo yeerayey Soomaaliya taasoo ahayd meel hore looga bartay dhawaaq
dhiilo iyo naxdin leh. Waxaan u madahnaqaynaa maxkamadaha iyo shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho oo dadkii ka saaray dhibkii waqtiga
dheer lagu jirey.
Anigoo ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee
wax ku baratay garoonkaas waxa la igu barayna ay ahayd habka hagidda
diyaaradaha shacabka (Air Traffic Controller -Civil Aviation) waxaan
jeclaystay in aan muujiyo farxadayda. Waa dugsigaygii waana meel aan
aad u jeclaa, xiritaankiisa waxaa uu ahaa murugo ku taagan Soomaaliya.
Waxaa kale oo aan jeclaystay in aan waxoogaa ka sheego muhimada garoonka.

Garoonka Muqdisho oo lagu sawiray
Satellite (Google)
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa uu
ahaa meesha aragtida ugu horeysa ee dalka laga qaadan jirey. Gagaroonkan waxaa uu ahaa mid qurux dabiici ah ilaahay ku manaystay gaar ahaan
xilliyada roobka sida guga ama dayrta oo doogu isqabsan jirey. Waxaa uu
ahaa garoon ku yaal meel xeeb ah oo ku dhegan badweynta hindiya .
Goobta diyaadaha ku degaan ama ka kacaan iyo baddii ayaa is bar bar
yaalay. Waxaan u malaynayaa dad badan oo aad u yaqaan ama ka duulay ama
ku soo degay ayaa muqaalkaas aan sharxay igu raacaya
Garoonka diyaaradaha ee Muqsisho waxaa uu
ahaa garoon adeegiisa dhamaystiran yahay oo ay dad Soomaali ah gacanta
ku hayeen. Dhamaan tas-hiilaadka ay diyaaradaha u baahnaayeen sida
nadiifin, shidaal siin, cunto, farsamo iyo sugiidda nabadda intaba.
Waxaa garoonka qaybta ugu weyn isticmaali jirey Somali Airlines oo
wadatay calaamadii buluuglay.

Waxaa kale oo xaadir ku ahaa waaxda
socdaalka, customs. Dugsiga tababarka hagidda diraadaha shacabka iyo
saadaasha hawada, Waxaa kale oo qayb ka deganaa ciidanka cirka
Soomaaliyeed.
Ilaa laga soo bilaabo 1970 hogaaminta
dayaaradaha shicibka ee hawada Soomaaliya dawladii Soomaaliyeed ee
waagaas jirtay waxay kala soo wareegtay Ethiopia , Addis Abab waxayna
aakhirka gacanta u gelisay muwaadiniin Soomaaliyeed, Qaramaynta hawada
Soomaaliya laga qarameeyey Ethiopia xagga hagidda diyaaradaha waxaa ay
ahayd guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Qaramaynta hawada Soomaaliyeed waxay ka
mid ahayd dar dartii ay la timid xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre intii
aanay noqon ri' is nuugtay oo aan ku guulaysan inay waxqabadkeedii miro
dhalaan.
Qaramaynta hawada Soomaaliyeed waxaa ay
qayb ka ahayd dabayl macaan oo shacabka Soomaaliyeed waagaas maraysay oo
dhiirigelisay inay hantidoodii soo ceshadaan, Iskaa wax u qabso (volunteerism)
iskuulo ku dhisaan iyo xaruno iyo isbitaalo xataa bacaad celiyaan
ololihii lagu qaaday wax akhris qoris la’aanta. Dhabti waxay ahay waqti
uu qofka soomaaliga ah uu is aamino oo afkiisa wax ku barto yiraahdona
Soomaaliya Soomaali baa leh.
Qaybta hagidda diyaaradaha ee waaxdii
duulista waxaa ay ka masuul ahayd dhamaan hawada Soomaaliya ilaa ku
dhowaad bartamaha badweynta Hindiya dhigta 60 degree ee dhinaca bari
sidoo kale dhinaca waqooyi badda cas meel ka sokeysa udubka 15 degree.
Waxaan halkan ugu hambalyeynayaa dhamaan
shacbkii Soomaaliyeed ee dhiirigeliyey guushaas u soo hoyatay umadda
Soomaaliyeed. Furitaanka Muqdisho Airport - Hambalyo umadda
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 8, 2006
Afeef: Aragtida qoraaalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Sawirada: Google search.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|