Waraysi
Dhinacyo Badan Taabanaya oo uu Bixiyey
Sheekh Cumar Faaruuq:
Faafin:
SomaliTalk.com | Dec 5, 2004
-
Sheekh
Cumar Faaruuq: "(dowlad uu madaxweyne kayahey
C/laahi Yuusuf Axmed) waan u aragnaa tii xalka & nabada
gaadhi laheyd..."
-
Sheekh
Cumar Faaruuq: "C/lahi
Yusuf Recordkii hore wuu xidhmey, Record cusub baa u
bilowdey, isaguba wuxuu afkiisa kasheegey markii
doorashadu dhamaatey kadib, hala icafiyo buu yidhi..."
-
Sheekh
Cumar Faaruuq: Sheekada in ey Somaliland ka
go’odo Soomaaliya waxaan ogalahey ma aha, waxaan daliil
u hayaa maahmaah reer waqooyiga ee “Sagaaro Tun
Lakalaqalo malaha”... Islaamkuna kalataga ma ogola,
Allahu S.W.T wuxuu inoosheegayaa “WACTASIMUU BIXABLILAH,
WALAA TAFARAQUU.”... inta ashaahadata oo dhan in ey mid
noqdaan bey diintu fareysaa caqliga caafimaadka qabaana
sheegayaa.... ilaahna (waxaan) kabaryayaa umadda
soomaaliyeed midnimadeeda....
 Sawirka
bidix:
Sheekh
Cumar Faaruuq, oo Khudbadii Jumcaha kahor bayaan
ugajeedinaya Muslimiinta Masajidka Hamidia ee Newtown,
Johannesburg, sheekha agtaagan waa sheekha katurjimaya, (Sawirkan
waxaan kuqaadey Mobile Phone keyga, Technoologiyada qarniga
21aad).
Sawirka midig:
Sheekh
Cumar Faaruuq oo salaamaya Muslimiinta kasooqeybgashey
Salaadii Jicme ee 3rd Dec ee Masaajidka Hamidia, New town,
Johannesburg..
|
Waxaa waraysiga
qaaday:

Saeed A. Mohamed,
oo jooga Pretoria, K/Africa
shmadar@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com
|
Fadiilatul Sheekh Omar Faaruuq X.Cabdi Suldaan (Cumar
Faaruuq) oo booqasho diineed oo Dacwada ugugudbinayo
Bahweynta Soomaaliyeed & Muslimiinta K/Africa, kujooga
wadanka K/Africa. . Sh. Cumar Faaruuq waxa uu kasoodegay
Garoonka Caalamiga ah ee Johannesburg 27 bishii Nov 04,
halkaas oo ey siweyn ugusoodhaweeyeen Culumo Soomaaliyeed &
kuwo u dhashey wadankan K/Africa.
Sida ey
iikala xaqiijiyey Sh. Cabdi Xakiim & Sh. Mohamed Amin, waxa
casuumey ama dalbadey Sheekha culumo Soomaaliyeed oo degan
K/Africa . Sheekh Omar waxa uu muxaadarooyin aad u
qiimobadan kajeediyey masaajid dhowr ah oo kukalayaal
gobolkan Gauteng, isaga oo ugajawaabey su’aalo tirobadan oo
kukalasaabsan diinteena & caalamul islaami, sheekhu wuxuu
joogidoonaa wadankan K/Africa ilaa mudo bil ah isaga oo mari
doona gobolo badan oo isla wadankan ah.
Waxaa
markaasi iisuurtogashey in aan wareysi dhinacyobadan leh
layeesho Sheekha oo aan kubooqdey Hotelka uu deganyahey ee
Magaaloweynta Johannesburg, Wareysigan aan layeeshey Sh.
Faaruuq 30/Nov /2004 ka oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu
u dhacey sidan:
Su’aal(Saeed, Freelance Journalist): Sheekh manooga
warami kartaa ujeedada Safarkaagan aad kutimid K/Africa, iyo
guud ahaanba xaalada guud ee wadankii Somalia dhinac
nabadeed, dhaqaaleed, bulsheed?
Sheekh Faaruuq: Bismilaahi Raxmaani Raaxiim, waxaan
ugu horeyntii u mahan-naqayaa Allahii inoo suurtogaliyey in
eynu ereyadan isweydiino, Allahaas ayaan u mahadnaqayaa,
marka labaadna Siciid-yare ayaan aad ugumahadinayaa
booqashada uu isoobooqdey iyo su’aalaha uu iweydiiyey
labadaba, marka sadexaad hadii aan kajawaabo safarkeyga,
safarkeygu asbaab badan ayuu lahaa, ha u horeysee Dacawa
mina-laah in aan dadka muslimiinta ah intii aan kagaadho
gaadhsiiyo diinta Islaamka ama aan ugu yeedho diinta
islaamka ayaa sharafka koowaad aheyd sharafka labaadna
umadda Soomaaliyeed baahday ee burburtey ee meelwalba jooga
in aan diinkoodii Islaamka aheyd iyo dadkoodii iyo
dalkoodiiba kuxidho, ta sadexaad, xiligan maanta eynu
kujirno oo ah xili marxalad badan oo xasaasi ah umadda
Soomaaliyeed marka loofiiriyo, umadda oo dhibaato aad u
tirobadan mudo intii dagaalo dhowr iyo toban sano ah
dhibaato iyo dagal sokeeye iyo abaar iyo cudur iyo gaajo iyo
soojiideysey hadana abaabul uu u bilowdey oo aan odhankaro
Soomaalidu waxey kujirtaa xili kalaguur ah oo ey kaguureyso
fowdadii & lugooyadii una-guureyso Qaranimo & Dowladnimo
ayey hada kujirtaa, sida lagawarqabo in shir 2 (Labo) sano
kabadan kasoconayey Nairobi laguna baadi goobayey nabadeynta
umada Soomaaliyeed & qarameynta, shirkii in uu hadeer midho
dhal bilaabey oo qaranku baarlamaan yeeshey, oo qaranku
maamul baarlamaan yeeshey oo qaranku madaxweyne yeeshey oo
qaranku Ra’isal wazaare yeeshey, maalmahana lagugudajiro
sidii dhismada dowladnimo loodhameystiri lahaa ee waziiradii
iyo maamulkii qaranka loodhameystiri lahaa (Wareysigan
wuxuu dhacey intii aan waziirada Somaliya lamagacaabin),
kadibna ey dowladu uga bixi laheyd qaxootinimadan ey Nairobi
kujoogto oo ey u tagi laheyd dalkii markaana hadii ey
nabadeyntahey, & hadii ey qarameyntahey, & hadii ey dhismo
taheyba ey dowladan cusubi kagasho wadankii xiligaas
kalaguurka ah ayaa lagujiraa, xiligan kala guurka ah ee
lagujiro maadaama aan waayeel ahey cabaarna soonoolaa, 60
kii markii laqaatey gobonimadda oo aan qaangaadhey oo 10 (toban)
galey 44 kii sanana wixii lasoomarey ama kahor xiligii
gumeysiga wixii dhibaato ah oo lasoomarey & markii qaran
lanoqdey dawladnimo wixii lasoomarey & markii qaranamidu
burburtey dhibaatadii lasoomarey, waxaas oo dhanba aan
goobjoog u ahey oo arkaayey oo maqlaayey, bal in aan dadka
saboolka ah ee dalkan K/Africa yimid wixii diin, talo &
caqli kubiirinkaro kubiiriyo waana safarka asbaabtiisii bey
kamid aheyd, hadii markaa an u noqdo su’aasha qeybteedii
kale umadii soomaaliyeed halka ey mareyso, nabadgelyo
dhaqaale iyo aan yartaabto soomaalidu waxey tiraahdaa war la
ogyahey xiisomaleh, arintii soomaali waxey noqotey, arin aan
lagula war kalarooneyn oo dadka oo dhami kawarqabo, dhibaato
badan ayaa umadu soomartey hadana dhibaatadii weli waa
kudhexjirtaa umadu waxaadse moodaa in sidii hore ey
dhibaatadu kasahlanyihiin, marxalad cusubna waa lagaley oo
kalaguurka ah oo qaranimo iyo nabad baa hada umadu u geedi
tahey baa maskaxda iyo maanka kuheysaa, markaa sidii hore
waa kawanaagsantahey dhan loo eegaba, xaga abaarta iyo
raxmada umadu abaar badan bey soomartey Ilaahey mahadi ha
kagaarto roob badan ayaa da’ey hada markaa abaartii in
lagabaxey ayey u egtahey taa intaas ayaan kusookoobi lahaa,
wabilaahi tawfiiq.
Su’aal: Sheekh Omar Faaruuq, Jazaakumulaah,
su’aasheyda labaad, waxa aad kahadashey dhibaatooyinkii iyo
burburkii kadhacey wadanka Somaaliya mudadii 13ka sanadood
aheyd & abaabulkii ladoonayey in dowlad lagudhiso oo dhowr
iyo toban jeer la isugu yimid oo run ahaantii badi ey
dhicisoobeen, shirkan ugu danbeeyey oo weli siiqoyan oo
lagudoortey dowlad uu madaxweyne kayahey A/laahi Yusuf Ahmed
kaculumo ahaan, ma u aragtaan tii xalka kabadambeysta ah
gaadhi laheyd?.
Sheekh Faaruuq: Walaal Siciid waad mahadsantahey,
waan u aragnaa tii xalka & nabada gaadhi laheyd asbaabahan
soosocda awgood, sababta u horeysa ee koowaad waxa weeyi:
qofku marka uu muslim yahey rajo kamadhamaato, dhibaato
kasta oo laguhayo ama adimada kulajiro kheyr alle ayuu
filayaa Alle ayuu aaminsanyahey sidaad darted kheyr baan
sugeynaa oo xaga caqiidada Islaamka ah in wanaag lafilo oo
aan niyada san aaney dhamaanin oo dhiman taa diintaa
nafareysa, tan labaad oo aan isleenahey wey hagaagi doontaa
maanta waxa weeyi: xaga muwaafaqadda oo shirkan danbe ama
abaabulka cusub waa loodhanyahey, majiro qof soomaali ah
muctabar ah oo talo gal ah hadii kii hore qabqable ahaa &
hadii uu ahaa madaxduub & waxgarad oo maanta mucaarad ah oo
kamaqan shirkan, shirkan waa mid loowadadhanyahey, kol hadii
muwaafiqiyo midnimo laheleyna in kheyr kadhashaan baanu
fileynaa, ta sadexaad ee ugu danbeysey Siciidow, waxa
weeyaan maamulkan hada ee cusub oo aad carabka kudhufatey A/laahi
Yusuf Madaxda kayahey, Ibliis baa gaal & Muslimba u hiil ah
oo hiil & hooba lagarabtaagan sidaad lasocoto shirku 2 sano
ayuu dhaafey kharashka kubaxeyna mid yar ma aha, umad ayaa
kharashkaa bixisey, umad ayaa gogashaa fidisey, qolooyinka
IGAD layidhaahdo ee dhowrka dal ah ayaa maamulkii iyo
kacankuheyntii shirka isugu timid, gudoomiye waxaa ka ah
Madaxweynaha Uganda Museveni, mar hadii umadii shirkii u
dhantahey, aduunkii oo dhamina hiil iyo hoo
lagarabtaaganyahey, rajoda koowaad ee umaddu leedaheyna
tahey Alle xagiisa mudo farabadana umadu usabirtey, shirkan
iyo abuulkan in uu yahey kii ugu danbeeyey ee dhibaato oo
dhami ey kugabogaboobilaheyd, wanaagna kubilaabmi lahaa,
wabilaahi tawfiiq.
Su’aal: Sheekh wararka xuuraanka ah ama dadku
isladhexmarayaan waxey sheegayaan, in A/laahi Yusuf aanu
laheyn Record Taariikheed oo aad u fiican iyada oo lagu
eedeynayo arimo badan oo kadhan ah, diinta, bulshada,
xuquuqul insaanka iyo weliba iyada oo laleeyahey wuxuu sabab
ka ahaa dagaaladii & burburkii kadhacey Soomaaliya, arinkaa
sikooban wax manooga sheegi kartaa?
Sheekh Faaruuq: Awalan arinta waxaa lagayaabaa in ey
wax kajiraan hasa yeeshee sida loobuunbuuniyo aheyn,
Soomaalidu waxey tiraahdaa “Meyd maxaa u danbeeyey, kaa hada
lasiiwado”, A/lahi Yusuf Recordkii hore wuu xidhmey, Record
cusub baa u bilowdey, isaguba wuxuu afkiisa kasheegey markii
doorashadu dhamaatey kadib, hala icafiyo buu yidhi, waxaan
filayaa ninkakan in uu aad u jecelyahey ama in
madaxweyninimada qaranka mar hanto in uu inbadan kufakarey
iyadii maanta gacanta kuhayo waxaan kafilanaa in uu dalkii
iyo dadkii u noqdo, mida labaad waxey soomaalidu tiraahdaa “
Fari Fool ma meydho”, calaa qof wax maqaban karo, sidaa
daraadeed A/laahi Yusuf waa muwaadin ah oo umadda
soomaaliyeed kadhashey, umadii inteedii kale hadii ey tahey
baarlamaanka qaranka ama hadii ey tahey Waziirada
lasameyndoono, ama hadii ey tahey dadweynaha
Soomaaliyeed gebi ahaanteed, ama hadii ey tahey madaxtooyada
qaranka hadii ey yihiin, ama boqorada & salaadiinta, ama
culumaa u diinka ama maalqabeenka, ama aqoonyahanada ama
siyaasiinta waaweyn ee ruug cadaaga bislaadey intaasi hadey
iskutagto oo isutimaado sida hada muuqata, waxaan filayaa A/laahi
Yusufna taariikh diisii hore wey xidhantey oo waxey aheydba,
qofkuna mustaqbal qaran marka uu kafakarayo iskuma
mashquuliyo wixii uu soomarey, wixii tagey tag “Tag Tag
daa, Timaada qabo”, markaa wixii la ahaan jirey, umad
badan ayaa danbaabtey, qaranku waa iskudhintey waanu
kaladhintey qaranku midba qeybtuu qaateyba, maanta waxa
lagufikarayaa waxa weeyi Caano daatey dabadood ayaa laqabtaa,
ilaahey mahadi hakagaadho weli la inama qabsan dhibkastaba
dadka hakudhaco laakiin gacan cadow lama gelin weli,
qarankii weli waa madaxbanaanyahey calankii weli waa
taaganyahey in manta hadii ladhaqo in umad iyo qaranimo
kufilan waa joogtaa, markaa caano daatey dabadood ayaa
laqabtaa in qarankii ladabaqabto wixii wax garad ah ee
soomaalina noocey yihiinba su’aal ayaa hortaala oo aan mid
2aad laheyn, “Famal Xalu”, oo macnaheedu yahey waar
dhibwelba dhacye maxaa lagubadbaadi karaa ama lagu sheekeyn
karaa, sidii lagubadbaadi karaa waxa weeyi: in ey umaddu
midowdo oo kulanto, talabaadna in Alle lacuskado,
tasadexaadna, dhibaatadii oo looga maarmo dib u dhiska
qaranka ama dib u dhiska dalka ama heshiisiinta qaranka, taa
in lagu fakaro, oo lagudhaqaaqo iyada oo lagafaa’iideysanayo
awalan dhibkii qaranka kudhacey talabaadna laga faaiideysto
dunida manta heeganka ah muslim iyo gaal ba in ey
garabgalaan soomaali, taa in laga faa’iideysto oo dawarsigii,
dagagii, iyo duligii, iyo darxumadii,iyo dagaalkii, iyo
deeqda gaalnimo, dadka soomaalidu waa dadyar walaalo ah oo
iswada taqaana, wadan aad u baaxadbadan leh, bad leh, bari
leh, xoolo leh, beero leh, iyada oo wax kuduugan Alle uun uu
ogyahey, ayaa inta dibada taalaa qaranka kufilantahey
xoolaha soomaaliyeed ayaa manta qaranka kufilan, dhul
beeraadka wadanka oo sifiican lootabcaa qaranka kufilan
warshadaha iyo saneecada oo korlooqaado oo la agaasimaa
kufilan, kolkaa umada soomaaliyeed waa umad dal leh, oo
hanti leh, iskudad ah, iskudiin ah iskudabeecad ah, markaa
reeraa waxey dhaqayaan niman madaxa waxey dhaqayaan dad
kasoo horjeeda oo muslim iyo gaaloba leh, ilaahey mahadi
hakagaadho soomaalidu muslim weeyaan, sidaa daraadeed in
umada soomaali danteeda aragto, ey ilaaheena weyne waaxidka
ah kabaqaan, kunalana talinayaa wixii waxgarad ah ee
soomaali in la iska duuduubo wixii hore u tagey ama qof gaar
ah kadhacey sida ninkan magaca leh oo kale , ama qabiil
kadhacey ama qaran kadhacey, ama dawlo kadhacey, wixii
dhaceyna ey talo xumo kudhaceen, Ilaah se qadarey, dhaceyna
dibna u soonoqoneynin, waa in ladhaqangeliyaa maahmaahda
“Tag Tag daa, timaada see qabo”, wabilaahi tawfiiq.
Su’aal: Sheekh Cumar Faaruuq, Madaxweynaha Soomaaliya
iyo Baarlamanku waxey kutalo jiraan in ey ciidamo shisheeye
keenaan Somaaliya taas oo ey u arkaan in ey noqonkarto xalka
kaliya oo hubka looga dhigi karo maleyshiyoonka dhowr iyo
tobanka sano dalkii burburisey, culumo kale oo Mogadishu
kahadasheyna mey soodhoweyn fikirkan, adigu maxaad kaqabtaa
arinkaa isaga ah?
Sheekh Cumar Faaruuq: taladan waxaan qabaa in ey weli
socoto oo sheekooyinka igasdoogaaraya shirka, sheekooyin
waxaa soconaya in lagamaarmo ciidamo dibada lagakeeno laguna
kaaftoomo in qaranka laqanciyo shabaabka laxidhey ee
malayshida lagadhigeyna ee mooryaanta noqdeyna waa joogaa
dadkii abaabulayey ee odoyaasha u ahaa dowlada iyo maamulka
cusub baaney kujiraan markaa in dadkan lahubeeyey dadkii
hubeeyey hubka kadhigaan dabadeed laqanciyo lana meeleeyo
wixii khibrad ey leeyihiina laga fa’ideysto (wixii cibar
noqonkara), sababtu waxa weeyaan waa ciidamadii dalka waa
wax dhintey, wax gaboobey, wax dhoofey, wax hawl gabey,
ciidamadii dalka waxa maanta kanool ciidamo ladhihi karo
ciidamo ayey abaabulikaraan, iyaga laftoodu abaabul u baahan
iyo tababar, markaa maleeyshiyoonka hubka lagadhigo, lana
qanciyo, hadii ladoonayo ciidamo lagadhigo, sidaa daraadeed
looga maarmo ciidamo dibada lagakeeno, sheekadii waa socotaa,
hadeyna suurto galin taasi, waa loobaahanyahey ciidamo kuwan
taageera, kuwa ciidamada shisheeye diidan waxey yiraahdaan
UNISOM baan kugaraneynaa, markaa UNISOM iyo tani manta
jirtaa wax weynbaa u dhaxeeya, UNISOM dowladi majirin, iyaga
(UNISOM) dibada kayimid oo iskatamashleynayey oo waxey
doonaan sameynayey, maanta dalku dowlad & Barlamaan ayuu
leeyahey ciidmada hadii lakeeno oo ey ajanabi noqdaan oo ey
yimaadaan dalka, ciidamadii dalku lahaa iyo dowladan dalka u
dhisantey ayaa jooga dalka oo gacanta kuqabanaysa, anigu
waxaan jeclahey in lagamaarmo ciidamada ajanabiga ah ee
lakeenayo, oo umada soomaaliyeed caqli iyo xigmad
isticmaasho sidana dabka loogadhigo wixii hadeer dabwata
dibna loohabeeyo, hadiise eykafursanweydo, in ciidamo
lakeeno oo lagamaarmaan noqoto sidii loodhaqangeliyo nabadii
qaranka dib u heshiisiintii, maamulkii qaranka lagamaarmaan
ayey noqoneysaa kolkaana waxey utaalaa dadkaa aanu dooraney
baarlamaanka ayey u taalaa, madaxweynaha ayuunbey u taalaa
iyaga ayuunbaa arinkan katalindoonaa. Wabilaahi tawfiiq
Su’aal: Sheekh marka eynu eegno dhinaca kale, dhinaca
Somaliland waxey kudoodayaan in ey kago’een wadankii
Soomaliya intiisa kale iyaga oo sabab ugadhigaya sababo
xasuuqii arxan darada ahaa ee loogeystey intii ey jirtey
dowladii Siyaad Bare, isla mar ahaantaana sida lawada
ogsoonyahey dadka R.Somaliland waxey hormood ka ahaayeen
midowgii Soomaaliya 1960meeyadii, go’aanka Somaliland
gaadhey oo ah in ey sibuuxa uga go’een Somalia sidey
kuulamuuqataa?
Sheekh Faaruuq: awalan wax alle wixii gaadhey
R.Somaliland ee dhibaato ee xadgudub ah waan kaxumahey, in
ey gaadhaana waxaan raali ka ahey ma aha, waxaanse intaa
kudarayaa in waxbadbaadey aaney jirinba oo soomaali sidey u
dhantahey jab & naasobeelbaa kudhacey, inkasta oo aan dibada
kajirey laakiin sheekadooda ayaan hayey laakiin muuqaalka
ama dhibku halkuu kubadnaa ma Somaliland buu kubadnaa ma
dhinaca kale ayuu kubadnaa taa hadeer kama jawaabi
karo,waxaan se hubaa in cid badbaadeyba jirin oo taa waxaan
u sheegayaa in dhibaatadu dhibaato guud aheydsidaan horey u
sheegeyna ey talo xumo aheyd wax laqadareyna ey aheyd, tan
labaad tan ey leeyihiin R.Somaliland anagaa midnimadii
Soomaaliya hormood u aheyn, waa runtood beena ma aha, waxaan
la inkirikarina markii gumeystuhu dalka katagayey ee
gobonimada laqaadanayey 4 maalmood baa waxa horeeyey
Somaliland kadib markii Koonfurtu xorowdey iyaga oo
kumahadsan mubaadarada lagumideeyey Somalia, iyagiibaa waxey
dareemeen in Somali kala maarmi Karin sidaas ayey kuyimadeen
Koonfur midoobin aan shuruud laheyn baana lagaley oo K/Fur &
Waqooyi iskuraaceen sida aan xasuusto nin odayaashii xiligaa
jirey kamid ah oo aanan weli geeridiisa maqal ayaa wuxuu
yiri “hadii Somaliland xorowdey Somaliyana 4 casho kadib
xorowdey, cabaar ma u kaadinaa midnimada ilaa eynu ka ogaano
labada gobol gobolkastaa wuxu galo iyo wuxuu gudo aan
kala-ogaano markaana midnimadu waxey u dantahey , ninkii waa
laqabtey waxaa layiri nin gaal ah oo muslim aheyn baad tahey
maxaad wadanka ukalceyrineysaa markaasuu dib uganoqdey
aragtidiisii sidiibaana lagumidoobey. Sheekada in ey
Somaliland ka go’odo Soomaaliya waxaan ogalahey ma aha,
waxaan daliil u hayaa maahmaah ey iyagu kumaahmaahaan reer
waqooyigu waxey yiraahdaan “Sagaaro Tun Lakalaqalo malaha”
Somaali marka gidigeed la isugeeyo bey wax yar tahey, waa
dad walaalo ah markaa wax laqeybiyo Soomaali madhama, markaa
reerka Soomali layidhaahdo waa hal qoys oo abti iyo adeer
iyo edo isuwada ah oo iskumaran wax laqeybiyo madhama kow,
laba umada Soomaaliyeed waa umad muslim ah sidey u dhantahey,
Islaamkuna ayuu farayaa oo kalataga ma ogola, Allahu S.W.T
wuxuu inoosheegayaa “WACTASIMUU BIXABLILAH, WALAA TAFARAQUU.”
SIDAAD U DHANTIHIIN XADHIGA EEBE QABSADA HANA KALATAGINA,
kolkaa Soomaalidu waa hal qoys qabiilkooduna waa Carab,
qarankooduna waa Muslim inta ashaahadata oo dhan in ey mid
noqdaan bey diintu fareysaa caqliga caafimaadka qabaana
sheegayaa. Maantana Europe baa midowdey, Khaliijkii baa
midoobey, dunidii waxey u socotaa xaga midnimada iyo isu
imaatinka iyo iskaashiga, umasocoto dunidu kalago’go’ iyo
kala kooxokooxo, markaa inta ey lahaayeen Somaliland
gaarbaan isutaagney mudo yar ma aha dhowr iyo toban sano
weeyaan gacan wax kusiiya mey helin, kalago’ ayaan manta
shaqeynin duniduna waxey Soomaali u taqaanaa hal dowlad in
ey yihiin kolkaa sidaa darted kala go’ soomaali sida aan u
arko, nin wadaad ah ayaan ahey, waxaanan ku aqaanaa
R.Somaliland niman dadnimo wanaaga sidhakhso ah u ictiraafa
oo xataa qofkii laba kalmadoo oo fiican yiraahda waxey
yiraahdaan “Igawaluu ninyahey” hadii maanta nabadi kadhacdo
Somalia oo midowdo oo nabadi degto markaa anigu Hargeisa
intaan tago ileyn cidi igamaxigtee intaan tago ayaan Tafsiir
kabilaabayaa markaasey I odhandoonaan “igawaluu nin yahey”,
(Wuu dhoola cadeey sheekhu markuu sidan lahaa), hadii la
isuyimaadana waa takasiifiican, sidaa daraadeed ayaan waxaan
kutalinayaa ilaahna kabaryayaa umadda soomaaliyeed
midnimadeeda iyo meel isugukeenitaankeeda iyo dhibkii dhacey
iska iloobidiisa, wabilaahi tawfiiq.
Su’aal: Sheekhal Cumar, dagaalkan dhowaanta
kadhexdhacey Puntland & Somaliland waxaad kamid aheyd
culumadii kasoosaartey bayaanka, markaa maxaad mar
labaad u jeedinlaheyd labadaa dhinac ee dagaalamey?
Sheikh
Cumar Faaruuq: Dee waxaan u jeedinlahaa puntland &
Somaliland waa dad walaalo ah wax alle iyo wixii layiraahdo
waayihiin, kolkaa dagaalkaas waxaweeyi dagaal khasaaro leh
habayaratee wax uu faa’ido leeyahey majirto, sidaa daraadeed
waxaan u jeedinayaa labadaa dhinac ee Puntland & Somaliland,
in ey waxan kawaantoobaan, caqligana isticmaalaan,
degenaanta iyo nabadana ilaaliyaan, dalkana wey
islaleeyihiin gidigood, dowladnimadana wey islaleeyihiin
gidigood kolkaa deriswanaagii iyo dhalashadii iyo
dhaqanwanaagii kadhaxeeyey in ey fiiriyaan, qolowelba meesha
ey degto & meesha ey joogtaa kufilan, kolkaa dagaalkaa isaga
ah, dagaal wiil kumadhasho ee wiilbaa kudhintee, dagaal mar
uunbuu qiimi leeyahey, hadii uu yahey Jihaadun
fiisabiililaah oo Muslim & Gaalo loodirirayo laakiin muslim
muslim ladiriraa wax qiima ah uu leeyahey majirto nabiguna
wuu inoosheegey “S.C.W”, “IDAL TAQAANI MUSLIMAANI
BISEYFIHIMAA, FAQAATILUN AW MAQTUULU FINAAR” HADII LABA
MUSLIM SEYFO ISULATAGAAN KADHINTEY IYO KAWAXDILEYBA WAA
EHLUNAAR LABADUBA, ASXAABTI GARATEY KII WAX DILEY OO NAF
MUSLIM AH AYUU DILEY, FAMAA BAALUL MAQTUULI, KII LADILEY
NABI ALLOW MAXAA LOOCADAABEY? NABIGU WUXUU YIRI ISBA IN UU
KANDILO AYUU RABEY OO NIYADAA MIDEYSNEYD OO 2 DOODA MIDBA
MIDKAKALE IN UU DHUNTA UGU SHUBO AYUU RABEY, LAAKIIN KAN
AYUUNBA WADKII GALEY OO KAKALE KAHORDHINTEY SIDAA DARAADEED
FAL QAATILU WAL MAQTUULU FINAAR SIDEY U DHICIN BAAN LEEYAHEY
HAKAWAANTOOBEEN PUNTLAND IYO SOMALILAND HAKAWAANTOOBEEN
DAGAALKA EY DAGAALAMAYAAN, DHIIGA MUSLIMKA AH EE LADAADINAYO
ARINKAA HAKAWAANTOOBEENO CAQLIGA IYO XIKMADA HA U NOQDEENOO
WIXII EY ISKUSEEGANYIHIINA WADAHADAL IYO NABAD HA
KUDHAMEEYEEN SIDAAS AYAAN IYANA KULATALINAYAA ILAAHNA
KABARYAYAA IN UU UMADA KALABADBAADIYO. WABILAAHI TAWFIIQ.
Su’aal: Sheekh Cumaral Faaruuq, hadii eynu uyara
leexano Caalamul Islaami waaqica uu marayo maanta waa mid
aad u jahowareersan oo dhiigii muslimiinta meelkasta uu
daadanayo maalinwalba, maxaa xal ah oo Caalamul Islaami ey
dhibaatada ugabixi karaan?
Sheekh Cumar Faaruuq: Siciidow waad mahadsantahey waa
sidaad u sheegtey, Afghanistaan iyo Ciraaq iyo Falastiin
intaba waxa daadanaya dhiigii muslimiinta wuxuu dhiigaasi
dadanayaa mudobadan, falastiin ilaa 56, 57 sano ayuu
dhiigeedu daadanayaa, Afgaanistaana 10 sano kudhawaad ayuu
siimarayaa, ciraaqna 2 sano ayaa hadeer usiidhamaaneysa, in
caalamul islaami burbur iyo dhib kujiro waa run, maxaa
burburkaa iyo dhibkaasi loogabixikaraa; Awalan Alihii weynaa
ee Waaxid ahaa in loonoqdo, diintii islaamka in loonoqdo,
Caalamul islaami in ladhaqangeliyo walaaltinimadiisa
udhexeysey, caalamul islaami gacan cadaawe ayuu galey, dad
aan iyaga kudhaqan, kudabeecad, kudiin iyo kudadnimo aheyn
midna aheyn ayaa iskudiley oo kaladiley. Markaa caalamul
islaami in uu fahmo xusuusto taarikhdiisii qiimiga badneyd,
hada 55 dowlad weeyaan caalamul islaami markuu hal dowlad
ahaa buu kafiicnaa, haldowlad keliya markuu ahaa laga
soobilaabo xilgii Rasuulka “Scw”ee ah xili dhow oo
madaxtinimadu hayeen Turkiya markaas oo intaasi oodhami ahaa
Muslimku haldowlad ayuu qiimi badnaa oo fiicnaa markaa 55
dowlad marayo xaaladiisuna ey sidaa mareyso waxey
iskutarikarana aanu jirin talo gacankaxdey tayadii burburtey,
in caalamul islaami uu Alle u noqdo, diintiisiina u noqdo
Rabi & Rasuulna wuu kuxidhmo, waxana uu katoobad keeno xal
uugaadhayo oo uuliibaanayo sida uu Alle qur’aanka inoogu
sheegey “WATUUBUU JACIICAN AYUHAL MU’MINUUN LACALAKUM
TUFLIXUUN,” SIDAAD U DHANTIHIIN DADKIINA ALLE RUMEEYEY ALLE
U TOWBAT KEENA IN AAD LIIBANEYSAAN BAA HUBAAL AH, taasbaan
kugabogabeynayaa wabilaahi tawfiiq.
Su’aal:
Sheekh gabogabadii iyo gunaanadkii wareysigeenan aadka u
xiisaha badnaa, maxaad gaadhsiilaheyd qurbo jooga
Soomaaliyeed oo sida lasheegayo dad badani ey qaateen
dhaqanadii jirijirey Islaamka kahor, maxaad sheikh gaadhsiin
laheyd?
Sheekh Cumar Faaruuq: Siciidow waad mahadsantahey waa
su’aal muhim ah oo meesha kujirta in ey umadda soomaaliyeed
baahdey oo maanta baadwelba ey joogto oo ruuxii dhalinyar
ahaa ama haween ahaana ey khaldameenoo ey qaateen markii
katageen dalkoodii dhaqanadii dalalkii ey tageen kajirey,
dhaqankii soomaaliyeed oo asalkiisii aasaaska u ahaa
Islaamka in ey kafogaadaan oo dhaqan gaalo qaataan waxaan
dadkaa kulatalinayaa qurba jooga soomaaliyeed in ey transit
yihiin oo ey dadkoodii iyo dalkoodii sugayaan iyaguna
mudadaa ey maqanyihiin diintoodii eyna iloobin, dhaqankoodii
wanaagsanaa ineysan iloobin, guud ahaan intaas ayaan
kulatalin lahaa, meel alle iyo meeshii lajoogo iyo magaalo
kasta waxgarad soomaali ah ayaa jooga, mutacalim soomaali
ayaa jooga, ururo ayaa lasameystey ururadaasi waa in ey
badbaadiyaan dadkooda gacanta qabtaan rufiyaankooda oo ey
dadkaa waaniyaan oo wacdiyaan, dugsiyo qur’aan u furan,
meelo iyo golayaal la isuguyimaado u furan oo markaa halkaa
la iskuwaaniyo oo la isku caqli celiyo oo waxgaradka jooga
magaale kasta ey waxmagaradka lajooga ee dayacmaya ey
gacanqabtaan, eyna hiil iyo hooba lagarabistaagaan abaabulka
wadankoodii kasoconaya ee dib u heshiisiin iyo qaranimo iyo
dowladnimo la abaabulayo manta in ey taas kufakaraan
maskaxda iyo maankana kuhayaan, sidaas ayaan kulatalinlahaa
qurba jooga soomaaliyeed, Wabilaahi Tawfiiq.
Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji
Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada
Qoraxey oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo
magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Waxa uu dhashay,
1950 sida uu iixaqiijiyey Macalin Xassan Sh. Ahmed Daahir
X.Ibraahim, oo macalin ka-ah Bellivlle, Capetown oo aan
kulakulmey Johannesburg.
Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu
ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis magaceedu waa Caasha
Sheekh Axmed Guure, “Caasha Wacan” isaga oo 3 jir ah ayey
geeriyootay (Eebe ha unaxariistee), aabihiisna wuxuu ka
dambeeyey saddex sano (Eebe ha unaxariistee).. Waxaa markaa
Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo
abtiyaashiis. Sheekha dugsiga qur'aan, dugsigii 1aad wuxuu
galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah .
Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo
macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa
isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee
dusha kama qaban. Dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey.
Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey
isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur'aankii waa uu hilmaamay,
sababtuna waxay ahayd isagoo ku mashquulay shicir wax la
oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ilaa uu
shicirkii dusha ka qabtey.
Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu
kale oo wax kubartey Xalaaqaadka Masaajidka ee Hiiraan &
Somaali galbeed iyo isaga oo u tagey in uu waxkasoobartey
Ardul Xijaaz, markaa uu Somaliya kacararey kaligii taliyihii
Siyaad Bare oo xasuuqayey
culumadii markaas lamid aheyd isaga 1974kii.
Sheekh Omar Faaruuq waxa uu
duubey
cajalado tirobadan oo Tafziir, hadiith, naxwa iyo
tawxiid & caqiidada….i.w.m
Saeed A.
Mohamed waa ardey wax kabarta Jaamacadaha K/Africa, waxa uu
diyaarinayaa Degree IT ah & National Certificate of
Journalism, hada waxa uu shaqeeya saxaafado kasookalabaxa
K/Africa & Hargeisa, & bogag internetka.. |
Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu
leeyahey 4 xaas ah iyo dhowr & toban caruur ah iyo dhowr
toban kale oo caruurtiisu siidhashey.
Fadiilatul Al-Sheekh
Al-mufti Cumar Faaruuq, waxa uu aad ugudhiirigelinayaa
dhalinyarta in ey Saxaafadda bartaan, aniga (Siciid), ahaan
si aad ey ugudheehantahey walaaltinimo iyo naxariis ayuu
iiqaabiley isaga oo soodhaweeyey kunafarxey in aan
saxaafada bartey, Sheekhu waxa uu iisheegey sida diinteenu
ey wax ugasheegtey saxaafada, iyada oo halkaa sheekhu
igubarey casharo aan kuqaatey Work-Shop Jaamacada UNISA,
casharo maalmo dhan iguqaatey in aan barto ayuu sheekhu
siyar oo dhibyar oo daqiiqateyn ah iigusheegey isaga oo
aayado Qur’aan ah & axaadiis soodaliishadey oo dhamaantood
saxaafada kawaramaya.
Saeed A. Mohamed,
Freelance Journalist,
Pretoria, South Africa.
shmadar@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004
Xuquuqda
Qoraalkani waa xafidan tahay....
Wargeysyada sii faafiya qoraalkan
waxaa shardi ah in qoraalka u qoraan sida uu yahay, ayagoo
aan waxana ka dhimayn, waxna kusiyaadinayn, isla markaana
xusaya xuquuqda qoraaga (Siciid A. Maxamed, K/Afrika), iyo
xuquuqda shabakada SomaliTalk.com oo soo tebisey qoraalka,
markaas oo qura ayaa lasii faafin karaa karaa qoraalka....

 |