REER BAD LOO QUBAY,
HILBA BADANOW MAAN BADH XAABSADO(Q. 2-aad)
Haddaad u fiirsato ilmaha qurbaha ku dhashay ee waalidkood la dedaalay,
waxaad arkeysaa inay ka xushmad iyo akhlaaqba badan yihiin kuwa ku dhashay
ee ku koray Soomaaliya. Waxaan ka hadlayaa carruurta kurayada ah ee aan weli
baaluqin, laakiin kuwa shiirkoodu usoo carfay war kama noola ilaa inyar
mooyee. Carruurtan yaryar ayaa waxaa lagusoo ababiyey inaysan wax caayin,
wax habaarin oo aysan ilma kale wax yeelin. Haddii uu ilma yari mid kale
caayo, kii la caayey ku celin mayo caydii oo dhan ee wuxuu macallinkiisa u
sheegayaa xarafka ugu horeeya cayda. Tusaale ahaan ilma yar ayaa mid kale ku
yidhi Sharmuuto. Ilmihii la caayey ayaa macallinkii u cararaya oo ku leh
hebel “Sh” buu igu yidhi. Markaa macallinkii ma budh buu la dhacayaa kii wax
caayey mise cay kale, nacalad iyo habaar buu ku afuufayaa?. Maya-e inta uu
usoo dhowaado oo hoosta ka soo galo ayuu u sheegayaa in aan fasalka
dhexdiisa loo ogolayn cay loona baahneyn in saaxiibadu iscaayaan. Haddiiba
uu ilmuhu madax adeygo oo uu sii wado caydii waalidka ayaa la keenayaa si
ilmaha looga dhaadhiciyo in caydu xuntahay, waalidkuna uusan u horseedin
ilmaha wax xun marka ay guriga joogaan. Haddaba marka ilma yari wax xun
afkooda ka soo baxo ayaa inta kaloo dhan mar keliya qayla ku dhufanayaan: “
Wax xun buu yidhi! Hebel buu caayey!”. Laakiin ilmaha Soomaaliya jooga ayaa
xagga firfircoonida iyo garaadkaba ka sareeya kuwa halkan jooga waayo kuwa
qurbaha ku dhashay waxaabad moodeysaa inay ku dhaafsan yihiin oo markaad la
hadlayso meel kaa shisheysa ayayba eegayaan. Haddiiba qurbihii ilmaha jooga
ay sidaa yihiin, maxaa kuweena waddankii jooga waalay oo wajaqay? Jawaabtu
waxaan filayaa sidii aad kusoo akhriseen
Qaybtii Koowaad inay tahay Dadka waaweyn ayaa u horseeday afxumo ama aan
barin in waxay ku hadlayaan ay tahay wax xun.
Haddaabad dheer tahay waa lagaa daba qaylin-Dheere dheere dhuuni waaye dheri
canbuulo……… ! Haddii qofka Eebe miirkiisa isdaba mariyo waa dhagaxtuur,
weero iyo waa waalan yahay jiniyuu qabaa… dadka waaweynina waa u riwaayad.
Waxaad maqlaysaa Wi, Wi, Wic, Wic iyo ey naftu ka socoto ilaa ka xaafad ka
xaafad lasoo garaacayey. Ha iloobin Aaminey sanduuq furtooy, Aabahaa dharuu
dhaqaa….! Haka tegin Sahra yarey, xashaash badaney, gabdhaha…..! Xusuuso
derbiyadii iskoolka wixii lagu qori jirey-Maryan waa la …. Yaa wa…..!
Waxaaba ka sii daran in dadka waaweyn u dhegeystaan sida idaacada Been Been
Sii-da ilmahoodii oo iscaayaya oo yoo-yootamaya. Yoo-yootanku waa in ilmuhu
ay meel dheer fuulaan oo lays caayo ka dibna laysu jawaabo. Waxaa arrintan
aad ay ugu badan tahay Gobolada Waqooyi oo xataa ay dadka waaweyni habeenkii
uga sheekeeyaan carruurtooda. Ilmo saaran geed dheer ayaa ku qaylinya cay
iyo faaxisho aad u xun isagoo ku leh kii kale: “ Hoobey iyo hoobey inankoow!
Hooyadaa shalay baan arkayoo, shan nin baa wadatoo, Gurey baa u yaroo, gacan
buu geliyoo, gacantii qudhuntoo..… Xagga Koonfurta iyana waxaa loo sameeyaa
iyadoo dhulka la joogo oo laysu baxo cay! Carruurta oo dhan baa
dhegeysanaysa oo foorjeyneysa qofkii laga raayo!. Tolow sideen u tilmaamaa!
Wa uuhey, wa uuhey, wa uuhey uuhey uuheey! Ma la yaabtay sida wixii la
sameynayaba Geed loo fuulo. Awoowaya Ajiga xataa Geed iyagoo saaran baa la
arkay!
Maxaa intaaba ka siidaran mataqaan? Riwaayadaha hadh iyo habeen la soo
bandhigo ee lagu soo bandhigo carruurta iyo dumarka hortooda iyagoo laga
sheekeynayo isfuul, ereyo xunxun oo jinsiga ka sheekeynaya iyo niiko. Waxaa
lagu soo bandhigaa in qofta dumar ahi dabada ruxdo oo ninkuna uu dabada kaga
niikiyo iyadoo daawadayaashuna ay qoslayaan iyagoo leh Zigtaa! Zigtaa,
haddana Zigtaa! Waxaan u bixiyey “Kufsiga Masraxa”! Waa arrinta aad u
bedeshay maanka dhallinta Soomaaliyeed una horseeday faaxishada dunidu ka
yaabtay ee ay ku dhaqmayaan ilaa haddiiba aad gabadh Soomaaliyad ah aad
tahay uu qofku u maleynayo inaad iska diyaarba tahay! Kufsiga Masraxa oo
laga soo minguuriyey Wadanka Congo kadib marka daanyeerka halkaa ku nooli uu
qooqo uu dabada lulo ayaa waxay na dhaxal siisey marka dhaqan ahaan loosoo
bandhigo in Ferenjigu uu kala cararo goobahaas carruurtooda iyagoo u arkaya
in ay tahay wax cawra ah oo aan loo baahnayn in carruurtoodu ay arkaan.
Horey u yiraahdeen marka aad ka sheekeyneysaan dhaqankiinu waa fiican yahay,
laakiin ha soo bandhigina fadlan waayo wax is leh oo isu dhow maaha! Marka
aad Diintiina ka sheekeyneysaan way fiican tahay, laakiin idinkama aragno oo
kaalinta koowaad ayaad waxaad ka gasheen Aids-ka,
Carruurta
wecelada ah, Ilmo iska soo ridka, Sharmuutanimada, Beenta iyo Khayaanada.
Maxaanu ka macaashnay
arrintaas? In hadalkii iyo tababaradii dhaqanka ee ay aqoonyahanada
Soomaalidu soo jeedin jireen aanba haatan dheg loo dhigin. Waayo marka aad
dhaqankaaga ka hadlaysid oo dadka aad u sheegeysid ay ogyihiin inaad been
sheegeyso sow kuguma ah weji gabax iyo Faarax(dhoorre) ha iska hadlo!.
Waa baan hay’ad war ku daldalay oo uga
sheekeeyay dhaqanka Soomaaliyeed, Diinta iyo guud ahaan dhaqan wanaaga
Soomaalida. Guud ahaan aad baa loo jeclaystay oo si fiican baan ugu
shaacireeyey. Akhristow sanooyin ka dib oo adduunku dhabqay bay ii yeedheen
bal inaan mar kale wixii ugu soo celiyo. Ujeedadoodu waxay ahay in ay igu
baashaalaan waayo wixii wanaagsanaa ee aan ku akhrin jirey ayaanba maanta
waxba ka jirin. Aniguna waanba iska diiday waayo waxaan kaga jawaababa garan
maayo. Waxaa cashar wanaagsan ii noqotay dhibtii waxgaradka Soomaalida ka
qabsatay meelaha looga hadlo ama lagu soo bandhigo dhaqamada kala duwan.
Dhaqanka ugu yaabka badan ee ay xataa dunida Islaamku nalagu yaabtay waa
Naag carruur badan wadata oo aan qof rag ahi la socon oo dunida daafaheeda
isaga goosheysa! Dunida Islaamka ee loo haajirayo ayaa dhaqan ahaan waxay u
taqaan qof dumar ah oo carruur wadata bilaa nin ah in ay tahay qof iska
baayacmushtarta oo jirkeeda iibisa. Tusaale ahaan, gabadh ka soo qaxday
wadanka Imaaraadka ayaa laga soo weriyey in Soomaalidu, weliba dumarku, ku
bahdilan tahay wadankaas. Hadaabad qof dumar ah tahay oo taxi raacdid waxaa
af huura leh kula soo doonanaya taksiilaha oo su’aasha u horeysa ee uu ku
weydiinaya ayaa waxay tahay ma Soomaaliyad baa tahay? Haddii aad haa ku
jawaabtid markiiba inta uu istaajiyo ayuu kula gorgortamayaa: 3 Dirham, 5
dirmah, 10 Dirham! Sow wax la baray maaha oo meesha ka jira?
Weli
ma aragtay Ferenji la yaaban lebiska Soomaali xaflad ama aroos isugu timid!
Dhar khafiif ah oo boodyaha wada jooga, labada dhinac ama horey iyo gadaalna
ka jeexan! Timuhuna xaga qadaadka danbe ayey ka qoor diiran yihiin. Markaan
weydiiyey waxay ula yaaban yihiina waxayba ii sheegeen wax aan ka anfariiray.
Waxay Michelle tidhi: “ Waar dharka aad moodada moodeen horta ma taqaanaan
cida iska leh? timahan qadaadka hoose laga qorayna yaa sameysta? Waar
Soomaaliyey adduunka kala barta! Sheekadu waxay noqotay Waar Gaydhow Burco
kala baro! Dharka inta badan waxaa xidha naagaha jirkooda ka baayac mushtara
oo isa soo bandhiga! Gadaad qoridana waxaa iska leh naagaha isqaba oo caan
ku ah! Markaa Michelle waxay tidhi maxaa idiin diidey inaad wixiina
haysataan waayo qowmiyad walba oo waddankan soo gasha dhaqankoodey ku
faantaaye! Mida kale idinku dheerey ogidiinaa shaley baabad soo gasheene;
waxan ma horaad u wadateen mise halkanaad ku barateen!
Waar heedhe Michelle
run badanaa! Lebis xumaa! Weli ma aragtay habla Soomaaliyeed oo la moodo
Geberey Maanyo (mermaid). Xaga kore waxay ka gashan tahay funaanad yar oo
ilmaha 4 jirku xidho, xagga hoosena goono hore, gadaal, bowdyaha iyo lugaha
kaga malaasan, Markaasaa waxay u ekaatay sida Geberey Maanyada ay xagga
hoose ka tahay oo kale. Adigoo Buufiska iska saaraya oo iska aaryeeysanaya
ayuun baad waxaad maqlaysaa xaw, xaaf, xaw, xaaf, xaw, xaw! Waar waxan iga
daba guuxayaa waa maxay? Baabuur maaha, baaskiil maaha, xawayaan cidii maaha,
tolow ma kuwii barafka xaaqayey miyaa? Dib haddaan jaleecaba waa qof naftii
u timid oo socon la’ oo dabran! Naa heedhe maxaa sidan kuu galay ee aad isu
ciqaabtay haddiiba la weydiiyey, yaaba Soomaaliga kuu yaqaan! Oo adeer
imisaad joogtay markaad su’aashana, 3 bilood, 6 bilood, sanad lee maahoo!
Yahuu!
Yaahuu Siiq siiqlow!
Qaybtii 1aad...
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
May 2, 2006
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!
-
Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...