Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow - Qaybta: 2aad
Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa....
- SomaliTalk.com | August 1, 2010
Qaybtan
waxa ay ku saabsan tahay Taariikhdii hore ee Soomaaliya oo Sheikh Saadiq
Eenow kaga warbixinayo taariikhda qoran ka hor, iyo xiriiradii ay Soomaalidu la
yeelatay xadaaradahii adduunka soo maray, sida xadaaraddii Masaaridii hore
(faraacinadii); Giriiggii hore iyo Roomankii, arrimahaas oo muujinaya in
Soomaalidu yihiin dad aad u taariikh dheer.
Taariikhdaas oo cod ah; oo uu tebinayo Dr. Saadiq Eenow:
Taariikhda uu ka warbixiyey Dr. Saadiq Eenow iyo tixraacyo iyo lifaaqyo
dheeraad ah hoos ka akhri:
Taariikhdii Hore iyo Soomaalida
Sidii aan ku soo aragnay qormadii hore, Dadka Soomaalidu waxay leeyihiin
taariikh filweyn/ da'weyn oo guun ah. Laakiin nasiib darro taariikhdaas waxay
ka mid tahay waxyaalaha la inaga bililiqaystay. Waa hantida aynaan war u
hayn oo haddii ogaalkeedu nagu badnan lahaa oo aan taariikhdaas hayn lahayn
waxaan ka badbaadi lahayn wax badan ama khilaaf dadkeena ku dhacay. Taariikhdu
maadaama ay tahay tagto sidii ay dhacday loo soo guuriyey, waxay noqon kartaa
taariikh dhaqaale, taariikh dagaal iyo dhacdooyin oo loo soo weriyey sidii ay
ahaayeen oo aan laga been sheegin.
Taariikhdii hore ee Soomaalida, oo ka horeysey taariikhda qoran (pre-history),
waxay Soomaalidu kala mid yihiin bini'aadamka kale. Waana taariikh inta badan lagu
ogaado baaritaan lagu sameeyo xagga aaladahdii ay dadkii hore adeegsan jireen
iyo baritaano lagu sameeyo lafo hore oo laga helo dhulka oo la qiyaaso xilligi
dadkii hore halkaas ku noolaayeen, waxaana baaritaanka noocaas ah lagu qiyaasaa
xilligaa meeshaas lagu noolaan jirey iyo qaabkii dadkii halkaas degana ay u
noolaayeen - cilmigaas oo loo yaqaan arkiyooloji (archaeology).
Baaritaano lagu sameeyay taariikhdii hore waxay muujinayaan in geeska Afrika, gaar
ahaan dhulka Soomaalidu degto ay yihiin meelihii ugu horeeyey ee bini-aadamku
deganaayeen, kana soo farcameen. Taariikh yahano ayaa aaminsan in
taariikhdii hore ee Soomaaliya la ogaado ay "dan u tahay bini'aadamka oo
dhan," waayo waa dad aad u da'weyn.
Gaar ahaan baaritaan taariikhdii hore waxay muujiyaan in
Soomaalidu ay yihiin dadka adduunka ugu faca weyn ee ku dhaqnaa Geeska Afrika.
Taas oo sharaf u ah in ay yihiin dad taariikh facweyn oo aan ahayn dad shalay
soo degey geeska Afrika. Laakiin nasiib darro taariikhdaas waa laga qariyey
Soomaalida.
1929-31 baaritaan la sameeyey ayaa meel qiyaastii 90 mile u jirta
Berbera (oo lagu magcaabo Issutugan) waxaa laga helay aalado
bini-aadamku sameeyey kuwa ugu faca weyn. Sidaas oo kale baaritoono la sameeyey
1931 waxaa aalado ama waxyaabo bini-aadamku sameeyo kuwooda ugu faca weyn laga
helay meelaha taagga ah ee siman ee Hargaysa.
Xiriirkii Faraacinadii Hore iyo Soomaalida
Taariikhda hore ee aan qornayn (pre-history) marka laga yimaado, aadamiga kuwoodii
ilbaxnimada keenay waxaa ugu horeeyey boqortooyadii ay iska dhaxleen qoysaskii
faraacinada ee Masaaridii hore (Pharaoh). Boqortooyadaas oo jirtey
saddex-kun (3000) oo sano, waxaana loo qaybiyaa saddex dawladood oo kala haa:
Dawladii hore oo jirtey 3000 ilaa 2800 Nebi Ciise hortiis (BC) taas oo markay
bilaabatay hadda laga joogo 5000 sano. Dawladdii dhexe oo
jirtey 2800 ilaa 1725 BC, iyo tii u dambaysay oo jirtey 1725 BC ilaa ay soo
baxday xadaaraddii Giriigga.
Taariikhdu waxay xustaa in xiriir xoog leh uu dhexeeyey Soomaalida iyo
faraacinadii hore ee Masar. Boqorkii ugu horeeyey ee safaradiisu yimaadeen
Soomaaliya waxa lagu tilmaamaa Khufu (2589 - 2566 BC). Taariikhdu waxay xustaa wiil uu dhalay Khufu in doonni uu watey uu la socdey nin Soomaali ah oo magaciisu
ahaa HORTIISA, waxaana oo loo malaynayaa in ninkaas Soomaaliga ahi uu ahaa dal yaqaan
tusayey Soomaaliya.
Faraacinadii hore qaar kamid ah waxay Soomaaliya ugu iman jireen ganacsi, qaarna waxay u
imaan jireen bililiqo. Waxaana la xusaa in dagaaladdii ugu horeeyey ee adduunka
ka dhacay ay ahaayeen dagaal dhex maray Soomaali iyo faraacino bililiqo dooon
ahaa oo Soomaalidii la dagaalantay.
Faracinadii dambe aad ayey xiriir ula soo sameeyey Soomaaliya, gaar ahaan
xiriir ganacsi. Waxaa ugu
caansanaa boqoraddii Hatshepsut (1508–1458 BC) oo xiriir weyn la soo yeelatay
Soomaaliya. Waxaa taariikhda si xoog weyn ugu xusan, isla markaana ay
faraacinadii ku asteen ama ku sawireen ahraamtooda, in safar xoog weyn ay
boqoraddaasi u soo dirtay Soomaaliya. Doonyihii ay soo dirtay (oo lagu qiyaaso lix doonyood) markii ay soo gaareen
Soomaaliya si weyn ayaa loo soo dhaweeyey, waana la marti sooray, waxaana
doonyihii loogu raray shixnad qaali ah iyo hadiyado looga buuxiyey doonyihii.
Markii safarkaasi ka laabtay Soomaaliya oo gaaray Masar waxay boqoradii tiri "Waxaad ka timaadeen
dhulkii aabayaal iyo awoowayaal." Hadalkaas oo loo daliishado in xadaaradii ka
asaasantay dhulkii Masaaridii hore ay asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya.
Waxaa taariikhdu mujinaysaa in ilbaxnimadii hore ee Masaaradii ay asal ahaan ka
sooo jeedaan dhulka geeska Afrika ee Soomaalidu degto, halkaas oo ay kala tageen
ilbaxnimo iyo xadaarad. Waa nasiib darro ah in taariikhdaasi ka qarsoon tahay
Soomaalida, oo Soomaalidu ay yihiin dad taariikh dheer.
Buugga
Pharaohs, fellahs and explorers oo la qoray 1892 oo ka warbixinayey safarkii ay
boqoradii Hatshepsut ugu dirtay Soomaaliya ayaa qoray sidan: "Dhacdadaadaasi
waxay ahayd in la sameeyey xayn maraakiib ah oo mari kara badda, waxaana loo
diray dhulkii Punt; dhulkaas oo Maspero iyo Mariette ku asteeyeen in uu yahay
qayb ka mida dalka Soomaaliya oo ku yaal dhanka bari ee xeebta Afrika oo xuduud
la leh Gacanka Cadan. Dhulkaas oo qani ku ah dhirta beeyaha (fooxa), xabagta
qaaliga ah, mayraxda, dahabka, fool-maroodiga iyo alwaax qaali ah; waa dhulka
loogu yeero dhulkii qorfaha.
Sawirada ay sameeyeen faraacinadii, kuna asteen ahraamta, waxay muujinayaan
doonyahaas ay boqoradu u dirtay Soomaaliya, doonayahaas oo ku sii jeeda
Soomaaliya iyo ayagoo shixnad loogu soo rarayo.
Sawirka hore waa markii ay ka dhoofayeen Masar.
Doonyaha oo ka dhoofayey Masar
Sawika hoosena waa markii ay ka soo laabaneyeen Soomalaiya oo doonyaha loogu soo
rarayey shixnadda iyo hadiyadaha.
Doonyaha oo jooga Soomaaliya oo lagu rarayey shixnad
Xiriirkii Giriiggii hore & Roomankii iyo Soomaalida
- Dr. Saadiq Eenow oo ka sheekaynaya xiriirkii Soomaalida iyo Giriiggii
hore iyo Roomankii:
Dhegeyso ama soo
rogo (mp3)
Qarnigii 8aad Nebi Ciise hortiis ayaa xadaaradii waxay ka wareegtey Faraacinadii,
waxayna u wareegtey Giriiggii hore (Greek) oo
xadaaraddiisu jirtey intii u dhaxaysay (750 - 149 BC waa ka hor dhalashii nabi
Ciise calayhi salaam). Dadkii magaca lahaa ee u kacay Giriiggii hore waxaa ka mid ahaa
Aristotle oo cilmi xoog leh ku kordhiyey xadaaradii Giriigii hore. Waxaana
xilligaas ay Giriiggu gali jireen dagaallo farabadan.
Waagii hore dabaylaha lagu kala goosho badda ee loo yaqaan Maansoonka
(Monsoon) waxaa aqoon
jirey Carabta keliya iyaga oo ka faa'iidaysanaya dabaylahaas ayey Carabtu ugu
kala safri jireen Afrika iyo bariga fog, waxayna u ahayd sir ay qarsan jirey oo aanay cid kale u sheegi jirin. Waxaa
dhacday in nin ganacsade ah oo Giriig ah oo soo gaarey Badweynta Hindiya uu
ogaadey in dadkaasi kafaa'iidaystaan dabaylaha. Ninkii markii uu ku noqday Giriigga ayuu
fashiliyey sirtii Carabta ee dabaysha Monsoon-ka. Markaas ayaa Giriiggii
bilaabeen in ay dabayshaas soo raacaan; waxaana markaas doonyahoodii iyo
ganacsigoodii soo gaaray xeeebaha Soomaaliya oo ay xiriir la soo sameeyey
Soomaalida.
Waxaa dhacday xilli lagu qiyaasay muddo 28 sano ilaa 30 sano in ay Giriigii
fadhiyeen Gacanka Gardafuul (Cape Guardafui) ee cirifka bari ee Soomaaliya. Waxayna muddaddaas halkaas ka
raranjireen maroodiyaal. Xilligaas Soomaaliya waxaa ka buuxey maroodiyaal.
Waxaana Giriiggii ay maroodiyaashaas u adeegsan jireen dagaalladii faraha badnaa ee ay ku
jireen. Waxaa dhici karta qofka hadda loo sheego in maroodiyaal laga rari jirey
Soomaaliya in uu l ayaabo. Balse dhulka Soomaalida xilligaas waxa uu ahaa dhulay
camireen nooc kasta oo ugaar iyo duur joog kale ah, waxaana dhulkaas
waayadiidambe ku dhacay nabaad guur iyo xaaluf duurjoogtii la soo diristey.
Buugga taariikhdii hore ee Giriigga iyo Romanka (A history of ancient geography among the Greeks and Romans
oo la qoray 1883) waxaa ku xusan in dhulka Soomaaliya loo aqoon jirey "Dhulkii
Qorfaha" (Land of Sinnamon). Waxaana buuggaas oo soo xiganey buugga qadiimka ah
(Periplus of the Erythraean Sea) ayaa tilmaamay dhulka Soomaaliyeed ee laga
hadlayo ee laga dhoofin jirey Qorfaha in uu yahay dhulka u dhexeeya magaalada
Berbera (oo looaqaan jirey Malao) iyo gacanka Gardafui ee cirifka Soomaaliya.
Waxaa xigtey Boqortooyadii Roomankii
Boqortooyadii xigtey Giriigga waxay ahayd tii Rooman-ka oo bilaabatay 44 sano
ka hor dhalashii Nebi Ciise (calayhi salaam), waxayna boqortooyadiisi
talada haysey ilaa 500 sano.
Waxaa taariikhda ku xusan in boqortooyadii Roomaaniyiintu ay xiriir la
soo sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan xiriir ganacsi.
Buugga "The Commerce Between the Roman Empire and India" oo ku saabsan
ganacsigii u dhaxeeyey boqortooyadii Roomanka iyo Hindiya waxaa ku xusan in
waxyaabaha dhirta ka soo baxa ee loo iib geyn jirey Roomanka u soo mari jireen
Soomaaliya iyo Carabta. Taas oo Soomaalida iyo Carabtu isku qiime kaga iibin
jireen Roomanka. Ganacsigaas oo la tilmamay in Roomanku ay si isku mid ah
ganacsi ula lahaayeen Soomaalida iyo Carabta. Tusaale waxaa loo soo qaataa
alaabadii halkaas laga keeni jirey sida:
Mayraxda iyo Fooxa oo Soomaalida iyo Carabtu isku qiime iibin jireen.
Sidoo kale Soomaalida iyo Carabtu waxay dhexyaal u ahaayeen gacasiga alaabada
laga keenayo Shiinaha iyo Hindiya taas oo qiimahii badeecadda ee gaarayey
Roomaanka ka dhigtey mid qiimahadooda kor u kaco.
Qormadani waxay muujinaysaa in Qorfahu uu soo mari jirey gacanta Soomaalida ka
hor inta uusan u gudbin Roomaanka.
Taariikhahaasi waxay laga dheehan karaa in dadka Soomaaliyeed ay dhulkaas
Geeska Afrika ee ay deganaayeen ay ku lehaayeen taariikh aad u facweyn,
ahaayeen dad xadaarad leh, adduunkana uu ganacsigoodu gaaro, oo la soo macaamilay
boqortooyinkii iyo xadaaradahii adduunka soo maray kuwoodii ugu faca weynaa.
Qormada xigta waxaan ku eegi doonaa xiriirkii Soomaalida iyo Xadaaraddii
Islaamka ee xooggeedu jirtey 200 sano.
AKHRI Qaybta 3aad....
Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin
Soomaaliyeed. Waxaana lagala xiriiri karaa Email:
enow2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 1, 2010
Tixraac: Buugaagta iyo qoraallada aan tix raacnay:
Isha sawirada qaar: Wikipedia.org & Google images
|