SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Website-ka cusub ee PuntlandGov ma waxaa leh Dowlad Goboleedka Puntland mise shirkadaha la galay Heshiiska macdan Qodista.

Faalladii SomaliTalk.com | Nov 3, 2006

Maanta (Nov 3, 2006) suuqa ganacsiga ee Australia, qaybaha ay dadka saamiyada suuqaas ku leh xogta isku dhaafsadaan (www.hotcopper.com.au), waxaa lagu arkay qoraallo lagu sheegay in Puntland yeelatay "website rasmi ah oo ku hadla afka dowladda" iyo in Puntland ay ku dhawaaqi doonto "madaxbanaani ama gooni isu taag". Ragga arrintaas sheegay ayaa durbadiiba looga shakiyey in ay yihiin kuwo lug ku leh shirkaddaha Puntland heshiiska kula galay macdan iyo shidaal qodista.

Haddaba SomaliTalk.com si ay arrimahaas wax uga ogaato ayey baaritaan kooban ku samaysan websiteka la sheegay in ay leedahay Dowlad Goboleedka Puntland iyo qoraalada webistekaas, waxaana baaritaankaas kasoo baxay sidan:

Ugu horayn shabakadan oo cinwaankeedu yahay Puntlandgov kuma qorna cid ka tirsan dowladda oo lagala xiriiri karo, sida wasaaradda warfaafinta ama afhayeenka dowladda iwm, sidaas daraadeed lama cadayn karo in uu yahay website rasmi ah oo ay leedahay DGPL.

Marka la baaro cidda uu u diiwaan gashan yahay websiteka Puntlandgov.net, waxaa muuqata in la qariyey qofka ama cida leh websitekaas, laakiin markii si xeel dheer loo baaro waxaa la arkayaa in diiwaanka websitekaas lagala xiriiri karo uu yahay nin ajnebi ah oo laga helo Australia: (Tel: +61.61262821282, Fax: +61.61262828053, cinwaanka: 3/71 Dundas Ct, Phillip , A.C.T, ACT 2606 , AU) - (ACT = Australian Capital Territory). Arrintaas oo soo dedejineysa shakiga ah in websitekan ay lug ku leeyihiin shirkadaha reer Australia ee heshiiska la galay DGPL - waa haddii website-ka loo sameeyey DGPL, waayo sida aan xusnay taas weli lama xaqiijin karo maadaama aan la aqoon magaca qofka uu u diiwaan gashan yahay websiteku. DGPL ayaa looga fadhiyaa in ay caddayn rasmi ah ka bixiso websitekaas.

Arrinta kale oo sharci ahaan muranka dhalin karta waxa ay tahay cidda websitekan loo raacayo marka dowladda hadda jirta uu waqtigeedu dhammaado, maadaama aan hadda la aqoon cidda uu u diwaan gashan yahay, ayna xilligaas adkaan doonto in websiteka iyo macluumaadka lagu qori doonoba ay ku wareegaan dowlada markaas talada la wareegta, maadaama hantida shacabka u dhexeysa ay tahay in markasta dowladii talada qabata lagu wareejiyo. Arrintan xaqiijinteeda waxaa laga sugayaa baarlamaanka Puntland.

dhajBishii Sept 30, 2006 ayaa website kale oo cinwaankiisu yahay Puntlandgovt.com loo diiwaan geliyey DGPL, kaas oo loo diiwaan geliyey cinwaan ku yaal dalka Holland, kaas oo u qoran sidan: (Puntland State Government, Pieter Bothstraat 78, The Hague, -- 2595 XB, NL). (waxaana websitekan lagu qoray in lagala xiriiri karo nin Soomaali ah oo Telefoonkiisu yahay: +31625372178) - Xilliga websitekan dambe la diiwaan geliyey waa laba toddobaad ka hor intii aan shaaca laga qaadin in shirkado reer Yurub ah ay kusoo biireen heshiiskii macdan baarista ee Puntland, arrintaas oo shakiga sii xoojisey. (Labadaas website waa kuwo isugu xiriirsan oo ah isku mid).

Dhanka kale marka loo dhaba galo qoraalada ilaa hadda lagu qoray websitekaas waxaa la arkayaa in boqolkiiba sagaashan (90%) qoraaladu ay ku qoran yihiin luqada Ingriisiga, boqolkiiba 10% ay yihiin afsoomaali (Halkii laga rabey taas cagsigeeda - waa haddii akhbaarta ku qoran loogu tala gali lahaa in Soomaalida la gaarsiiyo - biyo sacabadaadaa looga dhergaa, luqadana afkaaga hooyo).


Boosaaso: Carruur Qashinka ka baaraneysa cunto

Garoonka diyaaradaha Boosaaso
Dhismaha Garoonka Boosaaso

Arrimaha kale layaabka iyo shakiga leh ee uu qoray websiteka (lagu sheegay in ay leedahay DGPL ee Puntlandgov), qaybtiisa Ingiriisiga waxaa ka mid ah:

  • TAARIIKHDA:  waxa uu xoogga saaray taariikhda saldanado ay ku sheegeen in ay ka jireen Puntland, arrintaas oo ah majara habaabin maadaama taariikhda dhulka hadda loogu yeero Puntland ay la mid tahay taariikhda Soomaaliya, isticmaarkiina uu isku deyayey in uu u sameeyo magacyo. Sida websitekaas laga dareemi karo waxayna u muuqataa in la isku deyayo in Puntland loo sameeyo taariikh ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale si loogu gogol xaaro in ay Soomaaliya go'do. Waxaana la xusuustaa in dhawr jeer ay maadaxda Puntland sheegeen in lagula taliyey in ay Soomaaliya ka go'aan, ayna sheegeen in ay arrintas diideen, inkasta oo aysan sheegin cidda kula talisay hadana waxaa la rumaysan yahay in taladaasi ay ka timid shirkadaha shisheeye ee heshiiska lagalay Puntland ka dib markii heshiisyadaas ay ka hor timid DFKMG - waxaa la oran karaa websitekaasi waxa uu isku deyayaa soo noolaynta nidaamkii qaybi oo xukun.
     

  • DIINTA: Websitekaasi waxa uu Puntland ka qoray qormo u dhiganta kuwa loo adeegsado dalalka ay ka jiraan diimaha badan. Waxa ay hadalka u dhigeen sidan ("Islam is the main religion of Puntland. Virtually all Puntlanders are Muslims.") - Arrintaas oo daba socota kala qaybinta iyo kala shaki gelinta dadka Muslimka ah ee ku dhaqan degaankaas. (Halkii ay ka qori lahaayeen in Soomaalidu waa dad Sunni muslim ah - sida ay Dunida kale marka ay wax ka qorayaan Soomaaliya ay u tilmaamaan in ay yihiin dad Sunni ah.
    LIFAAQ: Qoraalkan markii daabacnay ka dib, websitekaas waxa ay wax ka bedeleen qaybta Ingriisiga ah ee ka hadleysa diinta ee aan kor ku xusnat - waxana ay u qoreen sidan "Islam is the religion of Puntland. Virtually all Puntlanders are sunni-Muslims.". Eeg halkaas: Qoraalkii hore wax yar ayey bedeleen, laakiin waxay weli kaga dheggan tahay kelmedda "Virtually" oo muujineysa macnihii aan hore uga hadalay. Waxaa taas aad uga duwan qayb af-Soomaali ah oo hadda ku dareen bogga oo markii ay ka hadlayeen diinta ay u qoreen sidan : "
    Bulshada Puntland ku nool dhamaan waa Muslim." - Haddaba waxaa is weydiin leh 'maxaa u diidey in ay intaas ku turjumaan af-Ingiriisi, mase waxa ay rabaan in ay Soomaalidana hadal u sheegaanaan, dadyowga kalena hadal kale. Ma wexey ka baqayaan in ay yiraahdaan "Puntlanders are 100% sunni-Muslims". (Nov 5, 2006).
     
  • WAXQABADKA DOWLADA: Websitekaasi marka uu ka hadlayey waxqabadka dowlada waxa keliya ee uu ilaa hadda soo bandhigay waa sawirro laga soo qaaday dhismaha ku socda garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Ilaa hadda halkaas laguma soo bandhigin wax qabad kale oo DGPL ay u qabatay shacabka, ha noqoto arrimaha waxbarashada, caafimaadka, biyaha la cabo, horumarinta xoolaha, waddooyinka, kalluumaysiga, xijiga/beeyada/fooxa, iyo guud ahaan arimaha bulshada. Sidoo kale ma soo bandhigin ilaha dhaqaale ee Puntland sida dekedahada, garoomada kale ee diyaaradaha iwm, iyo meelaha ay ku baxaan dhaqaalaha soo gala Puntland - dhowaan ayey ahayd markii xisbiga Ramaas uu sheegay in aan Puntland ahayn oo keliya garoonka Boosaaso. (Dabcan haddii Boosaaso loo dhiso garoon waa horumar, laakiin ma aha in waxqabadkii Puntland lagu soo koobo hal garoon.)

xiddigDadka Soomaaliyeed waxa ay aad uga dheregsan yihiin, kuna baraarugsan yihiin, qaabkii ay u shaqayn jirtey warbaahintii dowladii hore ee Soomaaliya, taas oo ahayd xiddigtii Oktoobar ee ku hadlijirtey afka dowladda, taas oo xilligii dambe noqotay warbaahin aan wax dan ah ka lahayn shacabka Soomaaliyeed balse u adeegi jirtey danta madaxda oo keliya ayadoo aan tix gelin la siineyn rabitaanka shacabka, taas oo shacabkii Soomaaliyeed ka dhigtay kuwo ka aamin baxay dowladoodii. Haddaba haddii websiteka aan kor kusoo xusnay uu noqdo mid ay leedahay DGPL, uuna ku ahaado sida kor ku xusan, waxa uu markaas ku sifoobayaa sidii xiddigtii Oktoobar.

Arrinta ay qormadu ku bilaabatay ee ay yiraahdeen "in Puntland ay ku dhawaaqi doonto madaxbanaani" (in kasta oo aysan ku qornayn websiteka sare), balse ay dad loo malaynayo in ay yihiin kuwo saamiyada ku leh shirkadaha heshiiska la galay Puntland ay ku qoreen goobaha xog is dhaafsiga ee suuqa ganacsiga Australia, in aysan sidaasi dhicin ama ka hortageeda waa mid laga sugayo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya oo loo doortay in aan Soomaaliya la kala qoqobin ama la kala goo-gooyn.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD