SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


PuntlandGov iyo Qoraalka uu ka Diyaariyey arintaa SomaliTalk

Waxaan u malaynayaa inaan ka mid ahaa dadkii ugu horreyey oo talo ka dhiibtay intii webkani banaanka u soo baxay, kollay anigu si aad ah uma badhin, laakiin baadhis gaaban oo aan ku sameeyey waxaan waayey qofka ama cidda uu webkan u diiwaan gashan yahay...

 

Websiteka PuntlandGov ma waxaa leh DGPL mise shirkadaha Heshiiska kula ah macdan Qodista

Waxaan webka u diray email aan kula talinayo aniga oo u sheegay in webku noqdo mid madaxtooyada PL laga maamulo isla markaana ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan, in aanu webkani ku dhex milmin websiteyada kale ee siyaasada ama arrimaha qabiilka loo samaystay, in webkan uu ka dheeraado soo tebinta wararka aan danta u ahayn dadka Soomaaliyeed sida dagaalada iyo waxyaalaha la midka ah, in webkan uusan (noqon) mid soo xidhiidhiya ama linki u sameeya websiteyada wararka ee Soomaalida, khaasatan kuwa Af Soomaaliga ku hadla oo noqday kuwo aan ku haboonayn inay soo dhex galaan magaca DGPL inay webkooda soo galaan, in webku uu hoos tago masuuliyada qaybta u xilsaaran madaxtooyada arrimaha warbaahinta ama institute (hay'ad) hoos yimaada, in loo diyaariyo webku inuu noqdo meel marjac u noqon karta horumarka iyo in la sii aasaaso inuu noqdo meel laga helikaro macluumaadka Soomaaliya guud ahaan iyo arimo kale oo badan ayaan kula taliyey...
 
Markii aan talada dhiibtay ugu danbayntii waxaan ku soo gebgebeeyey "tolow maxaa iga galay oo aan ula talinayaa webka reer hebel" aniga oo ujeedo kalahaa arintaa...
 
Run ahaantii markii aan akhriyey qoraalka uu SomaliTalk ka diyaariyey (http://www.somalitalk.com/terry/terry80.html) arrintaa aad iyo aad ayaan uga naxay waayo waxay ahayd arrin aan horay u baadhay oo aan la yaabanaa, waxaana ii muuqatay in arrintan ay qayb ka tahay isku day ay samaynayaan dad maafiya ah oo doonaya inay arrimaha khaaska ah ee Soomaaliya inay gacanta la soo galaan si dadka Soomaaliyeed loo dhaco ama waxyeelo loogu gaysto isu soo dhawaanshaha ummada Soomaaliyeed....
 
Marka aad Web furanaysid uma baahnid inaad cid kale wakiilato waa in:
  1. Aad heli karto Credit card aad ku furan karato web
  2. Mar hadii aad garanaysid sababta aad u furanayso
  3. Mar hadii aad heli karto dad arintaa kaaga shaqayn kara
  4. Marka had-iyo-gooraale aad dad kale adeegsato in ay wax kuu sameeyaan waxay ku shaqeeyaan per time (saacad) maintenance, upload and design, waxayna shaqada ay qabanayaan ku naas nuujiyaan dadkale oo shaqada u qabta sida designka iwm...
  5. Qofka arimahaa ka shaqayn karaa waa inuu noqdaa qof shaqadu meesha ay ka socoto jooga oo u dhuun daloola waxa looga baahan yahay (ma aha in qofku uu isagu wax walba diyaarinayo ee waa farsamo iyo diyaarinta document-yada)
  6. In dawladu ku faanto wax qabadkeeda sirteeda waxa ay banaanka soo dhigayso iyo waxa u qarsoon waa inay iyadu goosataa...
XAGGEE KU DAMBEEYEY WEBKII DFKMG

Websiteka DFKS.GS oo lagu lingaxay .GS - taas oo dowlada loogu sheegay in ".GS" waxa laga soo gaabiyey ay tahay "Government of Somalia", laakiin xaqiiqadu waxay tahay in websiteyada ay la socoto ama lagu lingaxay ".GS" (ama DOMAIN-nada .GS) in diiwaan ahaan laga leeyahay (South Georgia and the South Sandwich) (taas oo ah: G= Georgia, S=South Sandwich) sidaas daraadeed .GS lagama soo gaabin Government of Somalia, balse dowladda FKMG ayaa arrinta sidaas loogu sheegay. (eeg: diiwaanka domainworldwide.com). Si kastaba ha ahaatee websiteka DFKMS.GS waxa uu shaqeeyey muddo kooban (qoraalada waxaa si xawli ah loogu bilaabay May 2006), laakiin waxaa la joojiyey in wax qoraal ah lagu soo qoro bishii Agoosto 2006. (Qoraalkii ugu dambeeyey waxaa lagu soo qoray August 28, 2006, eeg: http://dfks.gs/). Waxana qoraalkaas u dambeeyey cinwaankiisu ahaa sidan::
August 28, 2006 Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka shariif Shariif xasan Sheekh Aadan oo Khartuum u banba baxay.
Flag of SGSSIJUQURAAFI: South Georgia and the South Sandwich: waa jasiirado ku yaal cirifka koonfureed ee South America, jasiiradahaas waxaa maamula dowlada Britain laakiin waxaa sheegta dalka Argentina. Bedka dhulka ee jasiiradahaasi waa 3,903 sq km, mana ahan jasiirado la degan yahay, sida caadiga ah waa jasiirado caan ku ah shimbiraha.

SomaliaWebsite Mustaqbalka ee Dolwada Soomaaliyeed waxa uu noqon karaa mid u qoran qaabkan: www.GOV.SO (oo markaas wasaarad kasta ay yeelato website lagu ururiyo macluumaadka, tusaale ahaan website wasaaradda waxbarashada waxa uu noqon karaa: waxbarashada.gov.so) - Waxaase taas ka horeeya waa in domain-ka .SO uu kusoo wareego gacanta dowlada Soomaaliyeed.

Arrintan oo kale marka qof kale gacanta kuugu hayo dhibaatooyinka ka soo bixi kara waxaa ka mid ah:

  1. In hadii uu kuu ogolaado in webkan oo kale uu furihiisa ku siiyo 50% si aad macluumaadka awood ugu yeelato inaad ka soo gelin karto oo keliya, tusaale webka waxaa iska leh nin Sidny jooga markaa adiga oo Garoowe jooga ayaad wax soo gelin kartaa..
  2. In hadii la doono webkaba lagaa xidhi karo waayo shirkada domainka laga iibsaday waxay taqaanaa qofka wax ka iibsaday ee iska leh cardka ama Giro-da lacagta lagu bixiyey...
  3. Shaqada webka oo ku kacda dhaqaale xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn in lagu bixiyo ama aanu istaahilin...
  4. In macluumaadkaaga lagula wadaago oo aad u gacan gasho dad aan dan kuu ahayn
  5. In khilaaf dhici karo waayo dadku mar kasta isku siyaasad ma noqdaan, hadii dawlada la bedelana waxaaba dhici karta in qofkaasi samaysto dad la shaqeeya uuna isu bedela jabhad dalka kaaga war roon.., waxaan tusaale u soo qaadan karnaa wiilkii ay dhashay R/W Ingiriiska Margaret Thatcher oo Simbabwe lagu qabtay isaga oo manjarafado iyo mandaraqyo wata oo doonaya inuu sameeyo jabhad xoog ku qodota macdanta dal kale...

Halkan laguma soo koobi karo cawaaqib xumada iyo dhibatada ka dhalan karta arrimaha noocaan oo kale ah. Waxaa kale oo dadkan oo kale ay samayn karaan inay had iyo gooraale abuuraan colaado ay dadka ku kala ilaalinayaan si baahida loo baahan yahay ay u sii jirto... 

Waxaa DGPL looga baahan yahay inay ka fiirsato waxyaalaha ay samaynayso mar hadii ay tahay meesha la doonayo in ay Soomali dib isugu soo celiso... 

Waa in dadkeeda ay ku shaqaalaysiisaa oo arrimaha noocan oo kale ah, waa inay la tashataa dadkeeda aqoonta leh oo kala tashataa arrimaha loo baahan yahay, kuwaas oo noqon kara kuwo dadka iyo dalka u danaynaya isla markaana ka jaban dadka doonaya inay dalka dhaqaan ugana tagaan faqri iyo khilaaf... maanta aduunku waa ka gudbay meeshii qololka yaryar wax lagu go'aamin jiray, waxaana loo baahan yahay in laga soo baxo xisaabtanka masuuliyada iyo very sophisticated leading (hogaan horumarsan), well informed (wax garad ah) oo adduunka wax kala socota, waxaan codsanaynaa in hogaanka PL aqoon yahanadeedu ugu deeqaan tababaro bilaash ah oo gelinka danbe la siiyo, waa in laga kacaa qaadka iyo habsanka... 

Arrimaha qoraalka linkigan uu xambaarsan yahay waan ku raacsanahay, hadii aan arrimahaa wax laga qaban waxaan ku biiri doonaa dadka arrimaha noocaas ah aadka uga soo horjeeda sida wax u socdaan ma fiicna, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan talo ka dhiibano, markaa MPL uu talooyinka ka jawaabo markaa anaguna waanu ka jawaabi doonaa, mucaarad kuma noqonayso hadii ay ka fiirsadaan arrimaha qaran ee dadka iyo dalka wax u dhimi kara ... 

Waxaan rajaynayaa in la helo meel lagala talin karo MDGPL si loogu dhiiri geliyo in ay adeegsato dadkeeda aqoonta leh in hawlaha yar yar ee ay awoodaan ay u adeegsato... 

PUNTLAND PROTECT GROUP (PPG) | Email: maantacentre@yahoo.com
 
Waxaanu ku talinaynaa in gebi ahaanba ay DGPL ka noqoto webkan, ayna aqbalin wax aan ka noqosho anayn mar hadii uu ku bilowday hab aan sharciga iyo sharafta midna waafaqsanayn
 
Ref.:
http://www.puntlandgov.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh PPG

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2006

FAALLADII SOMALITALK.COM: Websiteka PuntlandGov ma waxaa leh DGPL mise shirkadaha Heshiiska kula ah macdan Qodista

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD