SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Taageeraha boobka Xaafuun Kayse iyo difaace C/waaxid 

Assalaamu Calaykum! 

Marka hore waxaa mahad leh Ilaah, kadibna walaalada fikradooda soo bandhigay ama akhbaar aysan dad badan la socon soo faafiyay. Intaa kadib waxaan doonayaa inaan xoogaa ka iraahdo maqaalada ku saabsan Xaafuun ee C/waaxid iyo Kayse, khaas ahaan qoraalka Kayse. 

Kayse wuxuu hadalka ku furfurtay in shay inta aan la qorin la hubsado, maadama hubsiimo hal la siisto. Laakin waxaad moodaa jumladiisa 2aad inay middiisa hore burinayso, waayo jumlada 1aad waxaa loo fahmi karaa in C/waaxid waxa uu qoray aysan sal iyo baar midna lahayn, isla markaasna Kayse wuxuu taageerayaa boobka Xaafuun loo qorsheeyay! Waayaabe haddii aysan sal iyo baar lahayn maxaad u taageeraysaa Kaysow? Teeda kale C/waaxid qoraalkiisu wuxuu tixraacayay shirkadda HAFZA (www.hafza.com). Hadaba ma wax hubsiimo ubaahan baa, in laga hadlo shirkad ajnabi ah oo si cad u sheeganaysa inay dhulkaaga la wareegayso? Mise waa waxna ha maqlin, waxna ha qorin, indha la’aana igu taageer? 

Kayse wuxuu sheegay hadii uu jiro boobka Xaafuun inuu taageerayo, sababtuna ay tahay ilo dhaqaale!  Waxaanse oran lahaa Kaysow taariikhda aduunka iyo siyaasadda reer Galbeedka iyo turubka aduunka laga ciyaarayo waayahaan, hadaadan ku baraarugsanayn, waxay sababaysaa in dhaldhalaal iyo aragti gaaban aan wax ku qiimayno. Anagoo nacnac iyo shukulaato nalagu sasabayo. Taasoo cirib danbeedkeeda laga shalaayi doono, oo anaga iyo jiilalka soo socdaba dhibaato iska daba wareegta sida ratiga saliida shiida oo aan laga bixi karin na galisa. Miyaadan akhrin taarikhda Falastiin iyo Yuhuuda siday dhulkaas ku yimaadeen? Waa taariikh dheer oo dhuuxid u baahan. 

Qaar ka mida odayaasha Falastiin ayaa lagu xantaa inay dhulka markiisi hore Yuhuudda ka iibsadeen. Natiijada ay dhalisayna maanta markhaati ayaan ka wada nahay oo halkan inaan ku sheego uma baahna. Ciraaq boobka iyo dhaca kasocda waad aragtaa. Ka waran qofkii maanta yiraahda Maraykanku Ciraaqiyiinta ilo dhaqaale, xornimo iyo shaqooyin ayuu ukeenay? Waxaan umalayn qof kastoo waaqici ah caqlina leh, inuu ku qosli lahaa. Balse iyagii sidaas ku andooocanayay ayaaba la yaabay balanqaadkoodi beenta badnaa.  Hadaba Kayse 99 sano kadib ama kahor waxa dhici doona maka fakaray? Mise saro dhaadheer, buundooyin iyo dhalanteed dhaw ayaa u muuqda? Mase ku cibro qaatay Falastiin, Ciraaq & inta la midka ah? 

Kayse wuxuu isbarbar dhigay Somalida guryaha ka dhisatay Kenya iyo HAFZA. Wax la isku soo qaban karana maaha. Soomalida guryaha ka iibsanaysa Kenya, waa shakhsi fardi ah oo maalintii la rabo dalka laga tarxiili karo, awoodna aan lahayn, cid xaqooda ilaalinaysana aysan jirin, balse maadaaama uu Soomaali yahay in la boobo wax lala yaabo maaha, marka la eego aragtida Kenyaatiga. Meesha shirkad reer Galbeed oo ay ka danbeeyaan boqolaal qareen, awood milatari, iyo kuwa xuquuqda bini-aadamka udooda, oo ilaaliya danaha reer Galbeedka. Balse waxay website-kooda ku qoreen in ciidamo shisheeye oo ka madax banaan dowladda, ay ilaalin doonaan soonaha Xaafuun! Kayse bal cidda aad is barbardhigayso si fiican u fiiri. Waxaan u malayn inaad wax badan ka noqon lahayd qoraalkaaga hadaad si fiican u akhrin lahayd!  

Tan kale sida caadada u ah reer Galbeedka in dhaldhalaal laguu balan qaado, si dadka caamada ah lagaaga horkeeno,  Hafza waxay Xaafuun barbardhigaysaa ganacsiga xorta ah ee ka jira Dubai. Taas oo la doonayo in lagu dago dadka ishoodu meesha dhaw qabato. Laakin Dubai dowladda ayaa ka mas’uula, sida aan ka wada warqabnana dhulka Khaliijka nin caraba ayaa kaa kafiila ama dowladda ayaa kaa kafiila. Taas oo xadidaysa xuquuqdaada, laakin Xaafuun sidaas maku haynaa, mase nahay dad ilaa heerkaas garaadkoodu gaaray ama awood leh? 

Kayse wuxuu yiri ”Cid kastoo dhulka Soomaalida maal gashanaysa hala garab istaago”! Tan koowad walaalkey waxaa iskaga khaldan maal gashi iyo boob dhuleed, bal qaamuusyada dib u jaleec. Maalgashi waa inuu qofku hanti meel gashado, faa’iidada kasoo baxdana qaato, ee khasab maaha inuu dhulka uu hantida gashanayo isagu lahaado ama iibsado. Tusaale ahaan haddii shirkad ajnabi ah, timaado Puntland oo ay tiraahdo waxaan idin dhisayaa gagi dayuuradeed oo caalami ah, laakin qarashka kasoo baxa 10-sano shirkadaa leh, waa wax la fahmi karo, oo taasoo kale ayaa maal gashi la oran karaa. Shirkadaas lacagta meesha gashay iyo faa’iidadeeda ayay leedahay ee dhulka malaha. Taasoo kale ayaana la oran karaa horumar, ilo shaqo iyo dhaqaale ayay dadka u keenaysaa. Adiga ayaana qoraalkaaga ku cadeeyay sidaa oo kale meesha aad Bosnia & Croatia ka tilmaamtay. Dekedahooda ayay kiraysteen ee maysan iibsan. Laakin dhulkaagaan ayaan kiro-iibsan 99 sano, militarina waan la iman, maal gashi lama yiraahdee waa boob cad. Wuxuu kaloo walaalkey qoray  ”hishiis kastoo la galo waa waxa aduunku ku degan yahay”! Kayse miyuusan garowsan wuxuu aduunku la xasili la’yahay waayahan danbe, isboobku inuu sabab u yahay iyo fikradayda khasab ku qaado, hadalna ha igu soo celin, khayraadka dhulkaagana aan gurto? Ma filayo Kayse inuu ilaa xadkaas ka dhacsan yahay, dhacdooyinka aduunka. Laakiin Soomaali hadaan nahay inteena badan khiyaali ayan iskugu sheekaynaa, aragtideenana dhagaxa cunug yar tuuro ayaa ka fog. 

Kayse wuxuu yiri dhulkeeni aduunka waa ka haray, dadkeenina diif iyo rafaad ayaa ka muuqda. Waa hadal sax ah, laakin walaal  qofkan isagu doonayn horumar cidna ma horumarin karto. Ma waxay kula tahay canshuurta laga qaado ganacsatada Puntland iyo dhaqaalaha dekeda inaan lagu dhisi karin madaar, iyo wadooyin? Balse walaahi xittaa hadii laga masruufi lahaa reer Puntland oo dhan, way kaafin lahayd, xittaa waxaan qaabilaad qaxooti looga fidin kari lahaa, dadka kasoo bara kacay Soomaliya inteeda kale. Laakin afar jeeble aan lala xisaabtamayn, ayaa u tashaday xoolihii dadka. Soomaliyana waligeed harumar gaari mayso, intay damiir laawe danaysta ah & taageerayaashooda hoggaanka u hayaan. Xittaa hadii dhaqaalaha aduunka oo dhan la iskugu keeno waxba isbadali maayaan. Illaa laga helo xukun cadaalad iyo wax wada qaybsi ku salaysan.  

Marka inaan cid kale wax ka sugno, afar jeeblahana taageerno waa khiyaaliga dib u dhaca nahaysta sababta u ah. Iska daa shirkad danaheeda gaarka ah wadata boobna u socota, inay wax kuu dhistee, hay’adihii gargaarka sheeganayay, ee Puntland jooga muddo ka badan 10 sano maxay qabteen? Dabcan gal-caaryo (condoms) ayay qeebiyaan, diinta kiristaankana hoos ayay ka faafiyaan, hooyada Soomaliyeedna ninkeeda ayay ku diraan, iyagoo ku andacoonaya xuquuq haween inay udoodayaan. UN-tana miizaaniyad dadka reer Puntland ka badan ayay ka qaataan, baabuur noocii ugu danbeeyayna waa ku sodcaan, dhulkeenana iyagaa ku raaxaysta. Laakiin hal waddoo ay dhiseen ma magacaabi kartaa? Marka dhabta aan ka hadalno dal aad gacantaada ku burburisay nin cad intuu yimaado inuu kuu dhiso ha filin. Taasna waa khiyaali kale oo Soomalida badankeedu iskugu sheekayso, ee aan isku tashano, oo cid kale yaynaan ku tashan. 

Kayse wuxuu kusoo gabagabeeyay inaanan faquuqin dadka boobka Soomaliya usoo qalab qaatay, aduunkana yaa nalaga nicin!!! Hadalkaas wuxuu u egyahay, nin tuugo hubaysan usoo socotoo, dariskiisa intii la laaluushay lagu yiri saaxiibkaa usheeg, martida caawa kusoo socota hasoo dhaweeyo! Tolow Kayse iyo HAFZA ma aqoon hoosaad ayaa ka dhaxaysa? Tan labaad aduunka marhore ayaaba nalaga nacay oo dal Soomali laga jecel yahay bal kaalay sheeg. Meel kastoo aan tagno, waxaa nalagu tilmaamaa, dad liita, wax ma qabsadayaalna ah. Marka aduun mar hore nalaga nacay, miyaa nagu jeclaanaya inaan dhulkayaga kaalaya booba niraahdo? Taasna waa wax xaqiiqda ka fog caqliga saliimka ahna diidayo. 

Gabogabo iyo talo 

Waxaan kusoo gabagabeyn inuu qof walba xor u yahay inuu ka hadlo garaadkiisa intuu le’eg yahay iyo aragtidiisa. Laakin Kayse iyo inta ku ra’yiga ah waxaan kula talin lahaa inay marka hore akhristaan siyaasadda reer Galbeedka lana socdaan marxalada aduunku marayo iyo boobka ka socda. Aduunku waa is badalay wixii ka danbeeyay 11/9. Waagii hore xoog ayaa la isku gumaysan jiray, laakin hadda maskaxda iyo caqliga ayaa lagaa gumaysan, kadib qamadi ceeriin ah iyo buunshihiisa ayaa diyaarad lagaaga soo daadin, inta kula dhalatay oo caqli gaabta ahna waa lagugu kicin, balanqaadyo beenana waa laguu samayn. Haddii intaa ku anfici waydo oo caqli fara badan lagaa arko, diyaarad ayaa lagugu rusheyn & madaafiic. Waxaanse u arkaa Kayse inuu niyad fiican yahay, oo hadii uu dhulka reer Galbeedka ku noolaan lahaa, xaqiiqda soo taaban lahaa. Yaanse naloo adeegsan siyaasadooda ku salaysan kala qaybi oo xukun (divide and rule). Taasoo sababaysa inan noqono aalad, gumeysi shisheeye u sticmaalo dadkooda iyo dalkooda. 

Tan kale waxaa la arki jiray free zone ganacsi ah, ee halkee lagu arkay free zone dalxiisa. Taas macnaheeda waxaa weeye boobka Xaafuun haduu hirgalo, waxaa laga damacsan yahay, in faaxishooyinka aduunka ugu xun-xun lagu sameyn doono, oo xittaa qowmu luud usoo dalxiis tagi doonaan. Kadibna natiijada la sugo, waa ciqaab Rabbaani ah iyo Tsunami cusub oo sabab u noqota falalkaas, Ilaah naguma keeno mar 2aade. Sidaa awgeed dadka Soomaliyeed waxaan usoo jeedin lahaa in hurdada laga kaco, danta guudna laga hormariyo midda gaar. Ururo iyo hay’ado kasoo horjeeda Xaafuun la asaaso. Walaalkeen C/waaxidna waa ku mahadsan yahay difaaca uu dhulkiisa ku difaacayo qalinkiisa, iyo wargalinta wanaagsan uu nasiiyay. Walaalaha Somalitalk waxan kula talin lahaa siday arintii Zamzam, dowr wayn uga ciyaareen, inay wacyi galinta Xaafuuna uga ciyaaraan. 

Wasalamu Calaykum

Mukhtaar Qooransay
London, UK
qoransay@hotmail.com  
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Qoraalkii C/Waaxid | Qoraalkii Keyse

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD