SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII AGOOSTO 22, 2004 | Updated: Aug 23, 2004

  • Baarlamaan aan Dhamaystirnayn oo Lagu Dhaariyey Nairobi
  • Puntland oo Laga Yaabo in ay Ka Baxdo Shirka
  • Cabdiqasim :-Yaan lagu deg-degin dhaarinta Xildhibaanada
  • Isbahaysiga Kismaayo oo ku Jira Abaabul Dagaal.
  • Labo ruux oo lagu dilay inta u dhaxaysa Buulo Mareer iyo Baraawe. 

Baarlamaan aan Dhamaystirnayn oo Lagu Dhaariyey Nairobi


Sheikh Khalif Gure Ali (bidix) oo kitaabka qur'aanka kor u haya munaasabadii dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee ka dhacday xarunta qaramaad midoobey e Nairobi, Axad Aug 22,2004: Sawirka USA Today

Agoosto 22, 2004 oo ku beegan Axad ayaa Nairobi lagu dhaariyey in lagu 203 xubnood oo kamid ah baarlamaanka loo dhisayo Soomaaliya. Waxayna dhaartaasi dhacday ayadoo aysan weli qaar kamid ah qabaa'ilada Soomaaliyeed weli soo gudbin xubnihii baarlamaanka uga mid noqon lahaa. Tirada uu dhigayo dastuurka cusub ee Soomaalida loogu sameeyey kenya waa 275 xubnood.

Quraan
BOGGA QURAANKA


BAYAAN: DALADA CULIMADA

Waxaa wararka xarunta dhaartu ka dhacday kasoo baxaya ay tibaaxeen in goobtaasi ay mararka qaarkood ahayd meel aad u sawaxan badan oo ay xubnihii la dhaarinayey ay aad u qaylinayeen una sacbinayaaeen, dhaartaas oo lagu dhaarinayey Kitaabka quraanka. [Inkasta oo hore ay culima Soomaaliyeed uga cawdeen in aan dastuurkaasi waafaqsanayn Kitaabka]. Waxaa kale oo lagu soo waramay in qaar kamid ah xubinihii dhaarta ka qayb qaatay in ay qaadeen heesta calanka soomaalida.

Xubnihii la dhaariyey waxaa u hambalyeeyey Bethuel Kiplagat, waxana hadaladii laga soo xigtey kamid ahaa: "Haddii aan ilaa halkaan soo wada gaarney, samadaan idinku dhaariyeye, aan dhamaystirno ruclaha..."

Madasha dhaarta waxaa laga akhriyey dhambaal uu soo diray xog-haya guud ee Qaramada midoobey Kofi Annan, waxaana dhambaalkaasi soomaalida xusuusiyey in ay 'tani tahaya bilowgii dib-u-heshiisiin muddada dheer la sugayey', waxana uu dhambaalkaasi muujiyey kalsoonida uu Kofi Annan ku qabo in xubnahaasi wajihi doonaan tubta ug horeysa ee ah in ay doortaan madaxweynaha Soomaaliya...

Waxaa dhex-dhexaadiyayaasha Soomaalida, gaar ahaan John Koech, laga soo xigtey in uu yiri: waxyaabaha khilaafaadka ah ee dhiman waxaa la xalin doono muddo laba toddobaad gudohood ah.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka oo soo xiganeyey xubno u dhowdhow shirka ayaa sheegay sababta loo dhaariyey xubnaha xildhibaanada oo aan dhamaystirnayn in ay ahayd in cadaadis la saaro kooxaha aan weli xubnohooda soo gudbin si ay hadda u soo gudbiyaan.

Waxaa cad in aan la dhegeysan digniintii C/Qaasim ee xalay, waxaa cad in aan la dhegeysan cabashadii qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed, waxaa cad in aan la tix gelin codsigii beelaha soomaaliyeed qaarkood, waxaa cad in ay muuqato in dhaarinta loogu degdegey sidii shirkii Carta loogu degdegey dhamaystirkiisii ayadoo aan la qancin intii macquul ah shacabka Soomaaliyeed, sidaas waxaa yiri muwaadin weydiistey inaan la magcaabin oo ka welwelsan habka ay IGAD wax ku wadaan maalmahan dambe.

SomaliTalk | Nairobi , Kenya

Xubnaha la rabo in qabaa'ilada Soomaaliyed qaybsadaan waa 275 xubnood kuwaas oo afar beelood middiiba loo qoondeeyey 61, halka beesha loo bixiyey 'NUS' loo qorsheeyey 31 xubnood.

Waxay ahayd horraantii bishan Agoosto markii dhaarinta xubnaha barlaamaanka dib loogudhigay Agoosto 19keeda, waxaa taas ka horeysey in bishii hore ee July 19keedii ay IGAD sheegeen in xubnaha baarlamaanka la dhamaystiri doono doono 30kii July , oo markaas la dhaarin doono, waxaase taas dib loogu dhigay Agoosto 4. Waxaana Axad Agoosto 22, 2004 la dhaariyey xubno tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexaysa 200 ilaa 230 xubnood. Waxaana dhaartaasi dhacday ayadoo aan weli qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed soo gudbin xubnihii baarlamaanaka uga qayb qaadan lahaa.

Marka la dhaariyo xubnaha baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo dooran doonaan madaxweynaha kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in uu dalka maamulo muddo shan sano ah oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah. Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii la isu reebreebay.

Shirkan hadda socda waxaa isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, waxaana uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo soo raray Mbagathi, Nairobi. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto).

Puntland oo Laga Yaabo in ay Ka Baxdo Shirka

Warar Somalitalk kasoo gaarey ilo xog-ogaal ah oo weydiistey in aan la magcaabin ayaa sheegay in laga yaabo in DGPL ay ka baxdo shirka Soomaalida uga socda Kenya. Waxaa warakaasi tibaaxeen in ay jiraan arimo ay kamid yihiin in markii uu C/laahi Yuusuf gudbiyey liiska in laga dalbaday in uu liiskaas kusoo daro Cali Khaliif Galayr iyo Jaamac Cali Jaamac taas oo ay wararku tibaaxeen in C/laahi yuusuf yahay hoggaamiyaha keliya oo la weydiistey in uu liiskiisa bedelo markii uu gudbiyey ka dib. Waxana IGAD la sheegay in ay maanta shir gooni ah la yeelanayeen C/lahi Yuusuf.

Oday Soomaaliyeed oo jooga madasha shirka oo weydiistey in aan la magcaabin ayaa muujiyey in shirka ay maanta iskaga hor yimaadeen dawlada safka hore ee IGAD, gaar ahaan kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. Waxaana la sheegay in Jabuuti ay ku adkaysatay in dhaarintii maanta ay hir gasho, halka Itoobiya ay ka tiri haloo sugo inta barlamaanka la dhamaystirayo. Waxaa la sheegay in la soo xigtay in jabuuti ay tiri beelo yar ayaa shirka ka maqan oo looma baajin karo dhaarinta. Dhanka kale waxaa la tibaaxay in beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan ay kamid yihiin beelaha aan weli soo dhamaystirin xildhibaanadooda, in kasta oo warka shirka ka soo baxayaa uu isu khilaafsan yahay sida ay isu hayaan dawladaha IGAD ee maamulaya shirka. Waxana odaygaas Soomaaliyed uu shirka ku tilmamay mid fashil ah sida uu hadda ku socdo haddii aan wax laga bedelin.

SomaliTalk | Nairobi , Kenya


.Kulan lagu qabtay London, UK: Suldaan Hurre iyo Dhammaan Soomaalidii Kale oo Laynooga Diley Amarka Hororka Dagaal Oogayaasha la Midka ah.. Guji 


Cabdiqasim :-Yaan lagu deg-degin dhaarinta Xildhibaanada inta wali ay jiraan khilaafaad ee waxaa haboon in la tixgaliyo cabashada siyaasiyiinta qaar...........

Agosto 22, 04, Nairobi, Kenya.

 

Warsaxaafadeed uu xaley  soo saarey  madaxweynaha dawlada KMG (ee Carta lagu soo dhisay), Muddane Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in mar walba ay ka go`an tahay dawlada ku meel gaarka ah in ay ka qayb qaadato wadahalada nabada ee haatan gabo-gabo maraya.

Warsaxaafadeed cabdiqasim ayaa uu ku sheegay in aan la dadajin dhaarta oo loo baahan yahay mar kale in la xaliyo khilaafaadka cabashada siyaasiyiinta soomaalida ee ka qayb galaya shirka ,loona diro guddiga xalinta khilaafaadka.

Warsaxaafadeedka waxaa kaloo uu ku sheegay in qoddobada 29 iyo qodobka 30-aad ee qoraalka buuga axdiga iyo dastuur KMG aan loogu dhaqmin sidii uu u qornaa, ayna haboon tahay in la raaco qoraalka qodobadaasi oo ka hadlaya xulida xubnaha baarlamaanka in ay wax ka soo xulaan siyaasiyiinta hoose ee jufooyinka. 

Waxaa kaloo uu C/Qaasim sheegay in aan loo baahneyn khilaaf cusub ,kaasoo laga yaabo in uu ka dhasho asaasida Baarlamaan uu muran taagan yahay xubnihiisa. Waxaa kaloo uu intaa ku darey in hogaamiyayasha kale ay soo xusheen raggii iyaga ay doonayeen oo beesha iyadu soo xulin.

Ugu danbeyn warsaxaafadeedka cabdiqasim waxa uu ku soo gabagabeeyey in aan lagu degdegin dhaarta maanta la filayo in ay ka dhacdo Giri-Giri xarunta qaramada Midoobey ee magaalda Nairobi.

dhamaad.
abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Isbahaysiga Kismaayo oo ku Jira Abaabul Dagaal.

 Wararka naga soo gaaraya magaalada dekedda ah ee Kismaayo ayaa sheegaya, in haatan ay socdaan hub iyo ciidan ururis, ay wadaan saraakiisha dagaalka ee isbahaysiga Dooxada Jubba. 

Waxaa la arkaya  baabuurta ay ku rakiban yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, ee loo yaqaan Tiknikada oo loo kala dirayo meelo ka baxsan magaalada Kismaayo. 

Diyaar garowgan ay isbahaysigu wadaan ayaa lagu macneeyey in uu la xiriiro, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in jeneraal Maxamed siciid Xirsi Morgan uu duulaan ku soo yahay  gobollo ay ka mid yihiin Jubbooyinka. 

Dhinaca Kale, Jeneraal Morgan ayaa lagu soo waramayaa inuu naf ahaantiisu ku hawlan yahay dagaal uu ku qaado Jubbada Hoose iyo weliba Jubbada Dhexe, oo ay haatan gacanta ku hayaan isbahaysiga Dooxada Jubba  

Labo ruux oo lagu dilay inta u dhaxaysa Buulo Mareer iyo Baraawe. 

2 ruux oo  saarnaa gaari xammuul ah kuna sii jeeday magaalada Baraawe, ayaa lagu soo waramayaa inay dhinteen, halka laba kalena uu soo gaaray dhaawac, ka dib markii ay rag burcad ahi rasaas oodda uga qaadeen. 

Dablayda dilka gaysatay, ayaa ugu dambayntiina ka qaatay dadkii rakaabka ahaa wixii hantiya oo ay siteen.

  Guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu in mudda ahba ahaa meel nabdoon iyadoo maamulka haatan halkaas ka jiraahi uu wax badan ka qabtay baabi'inta isbaarooyinkii halkaas yaallay. 

Burcadda, ayaa mar mar si kedis ah u gala hareeraha waddooyinka iyagoo si khasab baabuurta ku joojiya ka dibna dhaca. 

 A. Elmi 
adelmi@hotmail.com
Somalitalk, Muqdisho, Soomaaliya

Dunida kale maxey maanta ka qoreen Soomaalida... GUJI
Sidoo kale akhri::: SOMALIA NEWS: TODAY


WARARKII SHALAY::::
Agoosto 21, 2004

GIRI-GIRI oo Berito lagu Dhaarin Doono Xildhibaanada Baarlamaanka ee Soomaalida.

Kulankii Tobonaad ee wasiirada IGAD ayaa maanta ka dhacey madasha shirka nabada soomaalida Mbagathi. kulankaasi ayaa ugu horey guddoomiyenimada guddiga wasiirada Arrimaha dibada ee IGAD lagu wareejiyey wasiirka East Afrikcan and Regional Co-oporation Kenya hon.John Arap Koech halka uu Hono.Stephan Kolonzo Misayoka u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibada Kenya.

Kulanka 10-aad ee golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo qaadey horumarkii uu sameeyey shirka nabada Soomaalida ee ka socda 22-biloaad dalka Kenya. Waxaana kulankaas lagu sheegay in 2-todobaad ka dib la heli doono natiijadii shirka ,taas oo ah Baarlamaan iyo dawlada Federaal ah oo Soomaalida Deeqda. 

Wasiirada arrimaha dibadda ayaa sheegay in ilaa iyo maanta magacyada  liisaska la dhameytirayo, berrito (August 2, 2004) lagu dhaarin doono xarunta qaramada midoobey ee Nairobi ee  Giri-Giri xildhibaanada Barlamaanka ee Beelaha Soomaaliyeed ee shirka Nabada.

Kulanka wasiirada waxaa mahadcelin looga soo jeediyey soomaalidii gacanta ka geysatey shirka Nabada ee Soomaalida.

Waxaa kaloo mahadnaq looga soo jeediyey Dawladaha safka ee Gobolka ,Ururada Caalamiga, dhamaan hay`adihii gacanta dhaale iyo mid taageero ka geystay shirka nabada Soomaalida ee ka socda Kenya.

Xaflad Lagu Qabtay Nairobi

Munaasabad qado sharaf  ah oo ay soo qabanqaabiyeen  waxgarad iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala socday Jaamacadda Muqdisho, Somali concern Group UK, Ururada bulshada iyo aqooyahanada Soomaalida ah ee u shaqeeya hay'adaha caalamiga ah ee dalka Kenya.ayaa lagu qabtey shaley Hotel Grand Regency ee magaalada Nairobi.

Prof.Xuseen Macalin Iimaan, oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha ayaa ii sheegay in ujeeddada xafladda qadada ah ay ahayd in la isku keeno hogaamiyayaasha Soomaalida, loona muujiyo taageero buuxda wax walba oo ka soo baxa shirka Soomaalida uga socda Mpaghathi Kenya.

Munaasabadda qaddo oo ay ka soo qaybgaleen hogaamiyayaal dhaqan, hogaamiyayaasha kooxaha, mas'uuliyiin kala duwan, xubno ka tirsan guddiga fududaynta shirka IGAD, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo xubnaha bulshada caalamka, waxaa ka hadlay Ambassador Kiplagat, ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan shirka Soomaalida dawlada kenya, kaasoo ka hadlay in munaasabadda ay ahayd kulan wanaagsan oo fikrado la isku dhaafsaday loona baahan yahay in looga hadlo nabad iyo dib u soo celinta qarankii lumay ee Somaaliya.

Wuxuu xusay in caqabado badan laga soo gudbay kadib markii iskaashi iyo go'aan adayg ay Soomaalidu muujiyeen, isagoo ku dhiirigaliyay Soomaalida in aysan sinaba uga niyad jabin inta dowlad rasmi ah ay ka soo baxayso shirka.

Hadaladii Ambasator Kipligat waxaa ka mid ahaa:- 
Aan mustaqbalka ka fakarno, saadaalino, oo riyadeena  haysanno oo mar walba rajo lahaano, oo aan dhahno, waa suuragal in aan guulaysanno, waan dhisaynaa dowladda, waxay ahaanaysaa dowladda caalamka oo dhan la tixgalin doono, calanka Soomaaliyana todobaadka soo socda ayuu ka baban doonaa oo laga saari dalka Kenya.

Fanaaniin Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi  ku soo bandhigay heeso iyo riwaayad ka tarjumaya xaaladda wufuudda Soomaalida ee ka qayb galeysa shirka nabada Soomaalida ee ka socda Mbagathi.

Munaasibadaasi oo halkudhigeedu ahaa "waan wada leenahay ee yaan loo kala harin", taasoo Drs. Maryan Cariif Qasim  oo qabanqaabiyayaasha ka mid ah ay sheegtay in looga dan leeyahay in kooxaha iska arki waaya dowladda la dhiso aysan is oran hor istaaga maadaama aydan ku jirin, laakiin ay muhiim tahay in danaha shaqsi la iska iloobo oo laga hormariyo midda Qaran.oo aan la is hortaagin dawlada ka dhalan doonta shirka Nabada ee  ka socda kenya muddo 22-bilood.

Si kastaba ahaatee wararka ugu dambeeyay ee shirka, ayaa sheegaya in berito ay kulmayaan Guddiga fududaynta shirka ee wasiirada IGAD, iyadoo maalinta Axaddana ay dhacayso munaasabadda dhaarta xubnaha baarlamaanka ay Soomaalidu soo gudbiyeen oo haatan gaaraya 235 magacyada xildhibaanada Baarlamaanka.

Abdikarim Aden hussein.
Somalitalk.Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com


WARARKII AGOOSTO 20
»Banaan  bax ay sameeyeen maanta qaar ka mid ah ergada shirka
»Madax dhaqameed maanta halkii ay daganaayeen laga saaray.
»Wasiirka A/Dibadda jabuuti oo maanta soo gaaray madasha shirka.
»Dhaarinta Xildhibanada oo markale la filayo in dib loo dhigo...
»Shaxda Kuraasta Xildhibaanada ee Beesha Harti Daarood...
»Beesha Saruur :-Daawada Hadey Bukooto Maxaa lagu daweeyaa.
.
Dhammaan ka akhri halkan...

 Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida: Faallada Toddobaadka: Afyare & Dr. Barise

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi  

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

HAMBALYO:: HAMBALYO::
Arooska iyo Aroosada Cali Siciid Nasir iyo Deeqo Maxamed Siciid
Waxaa hahbalyada diraya:
  • Faarax Musse Cumar iyo Xaaskiisa Umu Maxamed Faarax
  • Maxamed Cali Cumar iyo xaaskiisa Maryan Cali carab
    Cabdulqadir Muuse Cumar
    Shariif Muuse Cumar
  • Xaamid maxamed saalax
  • Yuusuf X. faarax
  • Samatar Omar irbad
  • Axmed Bashiir Cali
  • Xasan Saalim Nasir
  • Iyo Hooyadiis; Shacni Xaaji Faarax  iyo Dhamaan Walaalihiis oo kala ah
  • Eng:Nasir Siciid Nasir, Anwar Siciid Nasir, Maxamed Siciid Nasir, Amiin Siciid Nasir, A/risaq Siciid Nasir, Haybe Siciid Nasir, Saynab Siciid Nasir, Sahra Siciid Nasir, Ifrax Siciid Nasir, Burhan Siciid Nasir, Khadra Siciid Nasir Ayaan Siciid Nasir, Caasha Siciid Nasir, Sucaad Siciid Nasir, Naciima Siciid Nasir,

Dadkaas oo kala jooga wadamada USA, UAE, KUWAIT, HOLLAND, PAKISTAN IYO SOMALIA waxey tahaniyad Kal iyo Laab ah u dirayaan Arooska iyo Aroosada Cali Siciid Nasir iyo Deeqo Maxamed Siciid oo habeenkii jimcaha ee Taariikhdu aheyd 13 kii Bisha August 2004 ku Aqal Galay  Hotel International Village Ee Magaalada Bosaso Gobolka Bari, waxeyna Leeyihiin Wiil Iyo Caano Gabar Aamiin Aamiin Aamiin

Hambalyada qoyska waxaaa loogu hagaajinkaraa: deebaanione@hotmail.com



HTML CD