SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Daabaco Boggan | Print


Laascaanood: Waxaa Booqasho ku tagay Musharaxa Jagada Madaxweynaha DGPL Eng. Abshir Muuse:
  • Cabdifataax Jaamac
    somalitalk: Laascaano

Somalitalk ( Laascaano ):  Maalinimadii Sabtida ee ay Taariikhdu ahayd 18-12-2004 ayay ahayd Markii uu Gaaray Musharaxa Jagada Madaxweynaha DGPL Magaalada Laascaano iyadoo aad ay ugu soo Dhaweeyeen Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Gobolka sool oo isugu jira Rag iyo Dumarba.

Waxaa Eng Abshir uu hore ugu gudbay Aaga hore Ciidamada DGPL ay ka fadhiyaan Degaanka Aricadeeye ee Laascaano waxaa halkaa ku soo dhaweeyay saraakiisha Ciidamada waxaana ay iswaydaarsadeen Fagradahooda Qadiyada dagaalada ay isaga Horjeedaan Ciidamada DGPL iyo kuwa Somaliland, waxaa ay isku raaceen in ay Waajib tahay in la difaaco Xuduudaha Gobolda Puntland Ruuxii ku dhintana uu yahay Nin Dadkiisa iyo Dalkiisa difaacay, waxaa uu Eng Abshir u sheegay Ciidamada mar uu la hadlaayay in loo Baahan yahay in la helo Maamul fiican taasna ay u yihiin Musharax hogaanka DGPL in ay Qabtaan kadibna ay ku Maamulaan Maamul Fiican oo cid walba ay helaan Xuquuqdiisa.

Waxaa isagana ka hadlay Musharaxa kale ee Cali Magan oo ah Nin Reer Sool isagoo halkaa ka sheegay Qadiyada ku kaliftay in uu isku soo taago Musharaxa Madaxweyne isagoo Da'deeda aan lahayn qadiyadaa oo ah ayuu yiri in la helo Maamul Hufan iyo Qani nimo oo aan kala soo baxno Dhulkeena Macdanta ku jirta, Cali Magan ayaa ah Nin soo bartay Cilmiga Macaadinta Dhulka ku jirta kadibna uu halkaa ka sheegay in uu Ogyahay Macaadin badan oo lagu gaari karo Qani nimo ay ku jiraan Dhulka.

Waxaa iyagana halkaa ka hadlay Saraakiisha Ciidamada DGPL ee Aagaas oo sheegay in ay ugu mahad Celinayaan Booqashadooda ayna aad u soo Dhaweynayaan Musharaxnimadooda.

Waxaa ay la kulmeen Labada Musharax Odayaal fara badan oo ka tirsan Odayaasha Degaanka Sool ayagoo ugu mahad celiyay waxqabadkii hore oo ah mid ka tarjumaysa in ay wax qaban karaan Hagaagsan iyagoo ula jeeday Ceelasha Biyaha iyo Korantada horamarinteeda ay ka Qayb qaateen.

Waxaa malintii labaad ee Axda Subaxnimadii uu ku qabtay Xarunta D/Hoose ee Laascaano Musharaxa Eng. Abshir Muuse warsaxaafadeed uu ugu tala galay Dadweynaha, waxaa warsaxafadeedkaa kasoo qayb galay Gudoomiya Gobolka Sool, Hogaamiye Dhaqameedyo Gobolka Sool Qaar ka mida iyo Aqoonyahano kuwaas oo u xiiso Qabay in ay Dhageystaan Qudbada Musharaxa iyagoo kaga bogan waayay Idaacada FM Laascaano mar uu waraysiyo siiyay. Eng. Abshir ayaa ay Dadka Reer Laascaano ay hayeen Magaciisa iyo Hadalhayntiisa, wax qabadka Muuqda ee Gobolada Puntland Gaar ahaan Sool iyo Cayn.

Waxaa ugu horeyntii halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool oo sheegay in ay Musharaxiinta ay u siman yihiin lakiin Eng Abshir uu dheeryahay Wax qabadkiisa Gudoomiha ayaa ku soo Dhaweeyay Musharaxa Cali Magan isagoo ka hadlay sidii caadada u aheyd inay rabaan in ay wax badalaan waxa uu ku soo Dhaweeyay Musharaxa Dhigiisaa Eng Abshir Muuse waxana uu ka hadlay in ay Doonayaan in ay rabaan in ay wax ka qabtaan Musuq maasuqa iyo Dhaqaale xumada, iyo kor uqaadida Arimaha Bulshada, waxaa kaloo uu ka hadlay sida ay u diidan yihiin Gudigii ay magacaabeen Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi oo kala ahaa Gudiga Ansaxinta iyo Xalinta qilaafaadka oo ah mid aan loo dhameyn taasna aysan keeni karin wax Sharci ah oo ku qoran Xeerka DGPL ay ku heshiiyeen xiligii la dhisayay 1998 taas oo aad looga baqayo in keento qilaafaad is jiijiid keena.


Fardihii lagu soo Dhaweeyay Eng Abshir Muuse oo ay Fuulaan Ragii dhoola tuska sameynayay

Fardihii Lagu soo Dhaweeyay Eng Abshir Muuse

Waxaa shirka ugu Dambeyntii ka hadlay Garaad Saleebaan oo guud ahaan ka hadlay Difaaca Goboladaan iyo Musharaxiinta taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid keeni karta in ay Cadowga u helaan Tun jilicsanaan kadibna hawo ay gasho in kastoo difaaca uu Adag yahay waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan Eng Abshir Muuse oo ah Muwaadin laga wada garanaayo Dalkaan Guud ahaan Puntland ayana ku faraxsan yihiin hadii uu Qabto Jagada Madaxweynah DGPL.

Cabdifataax Jaamac
somalitalk: Laascaano
Somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004


Shil Gaari oo ka Dhacay Kanada
Waxaa ku dhintay labo Soomaali ah, waxaana ku dhaawacmay labo kale...
Guji... Dec 20

Halista HIV/AIDS & Dhallinta soo Koreysa
London: Ururka SIIC oo soo qaban qaabiyay Barnaamij looga hadlay ka hortagga xanuunsidaha HIV/AIDS-ka Guji Dec 20

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda SL
Hargeysa: baaq ku wajahan Xuquuqda Iinsaanka oo naqdiyey hab-dhaqanka Hay’addaha Garsoorka dalka.. Guji Dec 20

Wareysi Hay'ad NGO Soomaaliyeed
Nairobi:
Warasysigii Gudoomiyaha Hay'adda Somlink, Mudane C/qaadir Xuseen Maalin (marshaale)...  Guji.. Dec 20

Wareysi Somalitalk la yeelatay Wardheere
Minneapolis: “Samsam in cafis la weydiisto ayadaa mudan iyo in xaal la siiyo”.. Guji... Dec 20

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great

Eng Abshir Muuse oo ka hadlaya Barnaamijkiisa Musharaxnimo Xarunta Dowlada Hoose Gobolka Sool

Eng Abshir Muuse oo Salaamaya Garaad saleebaan

Eng Abshir muse oo Salaamay Taliyaha Aaga hore ee Laascaano

Eng Abshir oo ka hadlaya Munaasabadii iyo Isamadii oo fadhiya

Eng Abshir Muse oo Booqday Cidamada aaga hore Laascaano

Cali Magan oo ka hadlaya Musharaxnimadiisa iyo Tan Eng Abshir Muuse ee ay Xulafada Yihiin

Dadweynihii ka soo Qayb galay Xaflada

Garaad Saleebaan oo ka hadlaya Xafladii Shirka ee Musharaxa Eng Abshir Muuse

Ciidamada DGPL oo fadhiya Aaga hore Degaanka Laascaano

Eng Abshir Muuse oo Salaamaya cayaartoyda Gobolada Sool iyo Karkaar

Cayaartoyda Gobolka Sool

Cayaartoyda Gobolka Karkaar
Cityaartii dhex martay labada kooxood



HTML CD