SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
 
Daabaco Boggan | Print

  • Hogaamiye Dhaqameedyo ka mida kuwa Bari oo u kicitimay Garoowe
  • Warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweynaha DGPL oo uu kaga hadlaayey Dagaalada Sool iyo Barakaca ku yimi Dadka Xoola dhaqatadaa.
  • GAARI KU GADOOMAY BANDIIRADLAY  OO DHIMASHO IYO DHAAWAC GAYSTAY.

Hogaamiye Dhaqameedyo ka mida kuwa Bari oo u kicitimay Garoowe

SomaliTalk | November 17, 2004


Isamadii oo Fadhiya Casho sharaftii sagootinta

"wasiirka oo ka hadlaaya Casho sharaftii "

Bidix Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Degmada Qardho Maxamed Cagaweyne Midig Gudoomiyaha Goboka Bari Yuusuf wacays Dhado oo ka soo qayb galay Xaflada

Beeldaajaha Cusub ee Cali saleebaan Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo fadhiya Xaflada

Midig Beeldaaje Cali faarax

Waxaa maanta Saacadu markay ahayd Laba saac ama Sideedii Subaxnimo ka Amba baxay Magaalada Boosaaso Hogaamiye Dhaqameedyadii Gobolka Bari Qaarkood aygoo ku siijeeda Magaalada Garoowe ee caasimada DGPL, Hogaamiyeyaashaa ayaa waxa ay ka mid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada Beelaha Dega Puntland oo dhawaan looga yeeray Garoowe si ay u xeeriyaan arimaha taagan ee siyaasadeed maadaama uu Dastuurka Puntland qoraayo in hadii la,isku qabto Qodobo kamida Dastuurka ay kala dhex galaan Hogaamiye Dhaqameedyada, Duqaydaas ayaa waxaa ay ahayd ulajeedada socdaalkooda sidii wadatashi loogu samayn lahaa Arimaha siyaasadeed ee ka dhex jira Siyaasiyiinta Puntland ayagoo isku haysta waqtiga Maamulka Golayaasha oo sida ay leeyihiin kuwo ka mida siyaasiyiinta Puntland Waqtiga waxa uu ku egyahay Bishaan 14 November 2004, halka Golayaasha maamulka xiligaan hayana ay leeyihiin ma la,awoodo in la qabto Doorashooyin oo xaaladu adag ayay puntland maraysaa oo ah Dagaalo iyo Abaaro ka dhashay Dad soo barakacay oo lagu soo aruuriyay Tuulooyinka qaar ka mida Degmooyinka ka mida DGPL sida ay soo sheegayaan Gudoomiye yaasha Degmooyinka qaarkood.

Hogaamiye Dhaqameedyada sida ay warbixin ku siiyeen Xafiiska Somalitalk ee Puntland: Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Wacays Dhado mar ay kula shireen Xafiiska Maamulka Gobolka Bari 15 Nov 2004 isaga iyo Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reermiyiga DGPL Cali Cabdi Awaare inay Duqowdaan ay gaarsiiyeen Warqad ka timi Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi xaashi oo ahayd in looga yeeray Magaalada Garoowe ayna ka qayb gali doonaan Shir bilaaban doona 18 Nov 2004 socona doona ilaa 21 Nov 2004.

Hogaamiye Dhaqameedyadaa ayaa isla habeenimadii waxaa Casho sagootina u Sameeyay Wasiirka Dawlaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga DGPL Hoteelka Caalamigaa ee Ponarama.

Warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweynaha DGPL oo uu kaga hadlaayey Dagaalada Sool iyo Barakaca ku yimi Dadka Xoola dhaqatadaa.

Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 17 Nov 2004 Warsaxaafadeed ku qabtay Madaxweynaha DGPL Maxmed Cabdi Xaashi Xafiiskiisa Magaalada Garoowe warsaxaafadeedkaa ayaa uu kaga hadlay Madaxweynuhu Arimaha Dagaalada Sool iyo Sanaag ee Puntland iyo Somaliland kadib markii ay dib ugu soo laabteed Qaar kamida Gudigii dhawaan uu u magacaabay Gudiga "Difaaca Puntland".

Madaxweynaha DGPL ayaa waxaa kaloo uu ku xusay Warsaxaafadeedkiisa arimaha Abaaraha oo laga reestay hada kadib markii Illaahay Roobab ka shubay meelkasta lakiin Roobabkaa ay geesteen Barakac horleh oo ku timi Dadkii Xoolo dhaqatada ahaa oo uu ka Roobakaa ay ka laayeyn Xoolihii intii abaaraha uga hartay Robabkaa ayaa geestay Dhibaatooyin Dhaf iyo Maalba leh

Madaxweynaha DGPL ayaa ku tilmaamay Dagaalada u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan Xuduudada in ay diideen Maamulka Somaliland waanwaan ay wadeen Dawlado uusan magaacaabin, lakiin hore mar ay saxaafadu waydiisay ay ka gaabsadeen Labada maamul in ay jirto Dawlado ay ka mid tahay Ethiopia in ay waan waan ka dhex wado.

Madaxwenaha DGPL ayaa waxa uu tilmaamay in ay Puntland is difaacayso Diyaarna u tahay wixii wada hadala ee Nabada Dadka dariskaa, waxaa isagana halkaa kahadlay Wasiirka Warfaafinta DGPL oo ka mid ahaa Gudigii Difaaca ee Madaxweynaha DGPL isagoo sheegay in ay halkaa u tageen in ay gaarsiiyaan Ciidamada Jiida hore ee Difaaca DGPL Sahay iyo Waxyaabo ay u baahnaayeen Ciidamada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

 

GAARI KU GADOOMAY BANDIIRADLAY  OO DHIMASHO IYO DHAAWAC GAYSTAY.

SomaliTalk Bosaso | Nov 18, 2004

labo qof ayaa ku geeriyootay labo iyo toban kalana waa ay dhaawacantay kadib markii uu gaari ku gadoomay bandiiradlay oo dhinaca koofurta kaxigta magaalada galkacyo ee xarunta gobolka maudug.

gaariagan oo ahaa gawaarida xamuulka qaada, waxa uuna kakicitimay magaalada galkacyo asagoo kusii jeeday magaalada baladwayn ee gobolka hiiraan.

qaar kamida dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa ayaa dhaawacoodii la soo gaarsiiyay cisbitalka magaalada galkacyo dhaawacan oo tidadoodu gaarayso sagaal qof.

dadkan dhaawacu soo gaaray waxaa haatan gacanta ku haya dhaqaatiirta cisbitalka, mar aan wax kawaydiiyay xaalada ay haatan ku suganyihiin in uu somalitalk uga warbixiyo bal sida  uu yahay dhaawacoodu, ayaa arintaas waxaa ii xaqiijiyay madaxa shaqaalaha ee cisbitalka guud Axmed Diiriye Sugulle (Balli).

maaha markii ugu horaysay ee ay gawaarida noocanoo kale ay ku qalibmaan wadada isku xirta galkacyo iyo baladwayn.

sahrosiglan@mail.com

SomaliTalk Galkacyo| Nov 18, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

 



HTML CD